(Hadalsame) 21 Nof 2018 – Waxaa beryahan Geeska Afrika ka soconaya isbedello is daba orod ah oo la sheegayo in wax looga bedelayo siyaasaddii ay ku dhaqmayeen dalalka Geeska, gaar ahaan Itoobiya iyo Somalia oo qarniyo isku dhegganaa.
Dadka waxgaradka ah ee Soomaaliyeed ayaa gaar ahaan aad uga hadlaya wax lagu sheegay midow dhexmara dalalka Geeska Afrika oo marka hore ku bilaabmaya qaab ganacsi iyo iskaashi dhaqaale, balse marka dambe siyaasad u xuub siiban kara.
Yeelkeede, waxay waxgaradka Soomaaliyeed inta badan aaminsan yihiin inaan marna loo baahnayn midow siyaasadeed oo lala galo Itoobiya sababo badan dartood.
1 – Itoobiya oo ah dal kaddib dhamaadkii Dagaalkii 1-aad ee dunida iyo jabkii Cusmaaniyiinta wixii ka dambeeyay iyadoo ka faa’iidaysanaysa reer Galbeedka oo noqday cududda dunida isu aragta inay tahay sidii dal umado kale sandullayn kara, gaar ahaan qoowmiyadda Amxaarada.
2 – Itoobiya oo ah dal qobtol ah oo ka kooban qoowmiyado aan is lahayn oo la isku khasbay isuna ciil cunsan, taasoo dalkaasi ka dhigaysa mid aan deganayn oo mar kasta u nugul kacaanno iyo kacdoomo isir ku salaysan, kaasoo uu sii riixayo faqriga dalkaasi oo aad u wayn marka GDP ahaan loo eego.
3 – Soomaalida oo aan iminka ahayn umad isku xiran oo leh dowlad danaheeda u go’aamin karta si wadareed maaddaama aan la midaysnayn, taasoo booska gorgortanka laftiisa boos liita istaajinaysa Soomaalida.
4 – Soomaalida oo aysan jirin wax buuran oo ay ka faa’iidayso inay dalkeeda ku darto Itoobiya oo ah meel ay ku nool yihiin 100 milyan, taasoo Soomaalida oo ka yar dhul iyo bad waynna haysata ka dhigaysa umad dalkoodii ku noqonaysa mid laga tiro badan yahay oo geeska la geliyo (minority), iyadoo aysan jirin sabab aannu u hurno qiyamkaa Ilaahay na siiyay.
5 – Itoobiya oo horay u faafisay sheekooyin ay dunida uga iibinaysay in Soomaalidu ay yihiin dad dib u socod ah oo aan dowladnimo iyo nidaam casri ah la jaanqaadi karin, balse iska ah xoolo raacato sahlan oo marba gees u duul ah, caawin mayso kiiska Soomaalida oo haddii wax la isku darsado xitaa dhanka xukunka kaalin dambe kasoo geleeysa, maadaama ay jiraan qoowmiyado horay hal dal u ahaa oo wax isla walaaqan jirey oo ay u sahlan tahay inay gees ku geliyaan (marginalization).
Taa biddaalkeeda waa in aad loogu dadaalaa in la mideeyo dadka Soomaaliyeed ilaa iyo intii suurtagal ah, gaar ahaan dalka Jabuuti oo la fahamsiiyo inay taa faa’iido ku jirto iyadoo gudaha Somalia laga hirgelinayo siyaasad furan oo dan qaran ku dhisan si dadka la iskugu jiid-jiido, iyadoo dalalka deriska ah loo sheegayo in aan loo baahnayn cadaawad waarta oo ma dhalays ah, balse loo baahan yahay iskaashi ku dhisan ixtiraam iyo wax wada qabsi, isla markaana laga dhaadhicinayo in ugu yaraan afti laga qaado gobollada Soomaaliyeed ee haatan hoos taga Kenya iyo Itoobiya.
Halkan ka daawo warbixin uu qaab cilmiyaysan isla qodobkan ugu eegayo Sheekh Abduraxmaan Bashiir.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media