(New York) 29 Sebt 2018 – Hub a dhigista dhanka nukliyeerka ee North Korea waa in loo dhaqan geliyaa qaab “tillaabo tillaabo” ah oo la raaciyaa kalsooni dhisid u dhaxaysa Pyongyang iyo Washington, ayuu Wasiirka Dibadeedka North Korea u sheegay Golaha Guud ee QM ee UNGA.
“Sababta ka dambaysa is mari waagii ugu dambeeyay waxaa ugu wacan Maraykanka oo ku tiirsan qaabab wax khasbid ah oo hor istaagaya in la is aamino,” ayuu yiri Ri Yong-ho oo ka khudbaynayay GGQM.

Qorshaha “hub ka dhigis nukliyeer oo dhamaystiran” oo lagu sameeyo Kuuriyada Woqooyi waxay qayb ka ahayd heshiis ay wada saxiixeen labada madaxwayne ee Kim Jong-un iyo Donald Trump oo Singapore ku kulmay bishii Juun, wuxuuna Ri hoosta ka xarriiqay nay Pyongyang “si buuxda uga go’an tahay” fulintiisa, balse aanu jirin waqti gaar ah oo loo qaban karo.
Hadalsame Media