(Muqdisho) 08 Agoosto 2018 – Sannadkii 1994 tii oo ay joogeen Ciidamadii UNISOM ee uu horkacayey Mareykanka ayaa anagoo Koox Wariyayaal ah waxaa gaarney Magaalada Kismaayo oo shir Dib u heshiisiin ah lagu soo Gabagabeynayey kaasoo uu Garwadeen uu ka ahaa Alaha u Naxariistee Maxamed Ibraahim Axmed (Liiqliiqto).
Markii aan soo dhameysaney Howshii Wariyanimo oo aan ku soo laabaney Magaalada Muqdisho kana soo degeney Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Waqti ay Qaraxda sii dhaceyso ayaa Ciidankii Mareykanka ee ku sugnaa Garoonka waxay noo sheegeen in Xaalada ay Cakiran tahay maanta ay Jireen Dagaalo u dhaxeeya Taageerayaasha Caydiid iyo Ciidamada UNISOM.
Markii ay Ogaadeen in aan ku jirno Halis islamarkaana aanan Jiifan Karin Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxay noo soo jeediyeen “in Cidii rabta Siliga Mareykanka la Geyn karo” mid ka mid Wariyayaashi ayaa Ninkii ka socdey Unisom waxaa uu weydiiyey “Maadaama aanan ka bixi Karin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho sidee ku bixi karnaa” waxaa uu ugu jawaabey“ Diyaaradahaasi Helikobtarka ee Halkaas Dhooban ayaa la idiin ku qaadayaa .
Waxaan Dhamaanteen aan la soo boodey “Haa Diyaaradahaas nagu qaado oo na geeya Silliga Mareykanka oo waagaas ay saldhig u ahayd Ciidamada UNISOM kana amaan roon marka la fiiriyo Garoonka” markiiba Laba Helikobter baa nalagu qaadey waxaan Dulmarney Magaalada Muqdisho ka dibna waxaan ka degney Siligga Mareykanka “Waa Garoonka Muqdisho iyo siliga Mareykan oo hal degmo ka wada Tirsan” Intii aanan Soo bixin Silliga ayaa nin Sooomaali ah oo la shaqeeeya Ciidamada UNISOM waxaan weydiiyey Maxay yihiin Diyaaradhaan? Waxaa uu si faahfaahsan iigu sharaxay in Diyaaradahaan ay yihiin Takaasi lana kireysto.
Wax dhib ah ma laha in Diyaarad Helikobtar ah la raaco Waxaan la yaabey in meel ii muuqata oo ka mid ah Magaalada Muqdisho aan u raaco Diyaarad Helokobter ah sidoo kale waxaan la yaabey waa Markii iigu Horeysey oo Diyaarado Taagaasi ah aan ku dhexmaro Magaalada Muqdisho
Waxaa la ii sheegey in Diyaaradahaasi ay lahayd Shirkad laga leeyahay dalka Australia kuwaa oo si weyn uga Macaashey Dagaaladii u dhaxeeyey Taageerayaasha Alaha ha u Naxariistee Jan Caydiid iyo kuwii Mareykanka sidoo kale waxaan Diyaaradahaas Tagaasida ah ka bartey in kuwa Maanta jooga ee u shaqeeya AMISOM ee isaga goosha Dalka ay yihiin Diyaarado kireysan oo laguna Cuno Lacagaha loogu deeqey Dalka sida kuwii hore loogu cunayey.
Sidoo kale waxaan ku dhiiragelinayaa Ganacsatada Soomaaliyeed in ay Muqdisho keeneen Diyaarado Takaasi ah oo la isaga goosho Xaafadaha Muqdisho maadaama uu Jaamka Badan yahay.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmai.co.uk
Tel: 252615532494
Hadalsame Media