Maxay tahay danta Somalia ugu jirta inay ku booddo dal kasta oo ay Sucuudiga is maagaan?

0

(Hadalsame) 08 Agoosto 2018 – Maaha markii koowaad ee dowladda Soomaaliya la safato Sucuudiga oo ay dal kale isku qabteen hawlo u dhaxeeya.
2013 ayay ahayd markii Sweden iyo Sucuudigu isku dhaceen kadibna Sooomaaliya noqotay dalkii ugu horeeeyey ee lasoo boodda “Sucuudiga ayaan la jirnaa.”

Arrintaasi maaha dibloomaasiyad iyo dowladnimo toona waana magac dil iyo kharibaad. Waxaa wanaagsan in la fahmo in waxa la isku hayo aanay ahayn diin ama loo kala safnayn Gaal iyo Islaam.

Saw ma ogid in Israel iyo Sucuudigu iska kaashanayaan sidii looga takhalusi lahaa Iiraan oo ay khatar u arkaan, si arinkaa u hirgalana Sucuudiga laga saxiixay Qudus inay tahay Caasimada Israel islamarkaana joojinayo joojiyayna taageeridda qaddiyadda reer Falastiin.

Hadday noqoto danta dalka iyo dadka ma ogtahay in kumannaan kun oo Soomaali ah Canada gacan qabatay, soo dhawaysay, wax bartay carruurteenna, halka ilmaha ku dhashay Sucuudiga aanu xataa lahayn xaq waxbarasho oo dhamaystiran bil kastana diyaarado sida muwaadiniin Soomaali ah oo nolol doon ah kuwaasoo aan dembi gaysan lagu daad gureeyo magaalooyinka Soomaaliya.

Dowladdu danta dalka iyo dadka toona kama fakarin arrinkaana kuma metesho ummada Soomaaliyeed.

Yaa sheegi kara markii u dambaysay ee Sucuudigu soo celiyo 30,000 oo neef oo soomaalidu u iib gaysay Sucuudiga?

W; Q: Khaliif Faarax Xayir