(Milano) 08 Agoosto 2018 – Waxaa la sheegayaa inay heshiis u dhow yihiin kooxaha AC Milan iyo Chelsea sidii Rossoneri lagu keeni lahaa laacibka Tiemoue Bakayoko oo ay arrintiisu xawaare ku socoto.
Leonardo ayaa kulan fool ka fool ah la qaatay wakiilka laacibkan Faransiiska ah oo walaalkii ah isagoo uu dhinac fadhiyay Paolo Maldini, waxaana la sheegayaa in ay mabda’iyan si wanaagsan isu fahmeen.
AC Milan ayaa doonaysa inay laacibka kusoo qaadato qaab amaah ah, kaddibna ay sanadka dambe ku iibsan karto 30-35m oo euro, taasoo ah dookh furan, balse aan ahayn waajib, waloow uu laacibku xagaagii hore Blues ku yimi 40m oo euro, sanadkiina uu qaato 6.5m oo euro.
Labada kooxood ayaa mabda’iyan iyaguna isku raacsan inuu laacibku yimaado Milano, balse kaddib kulankii dhacay oo qaatay hal saac waxaa weli harsan in la isku raaco khidmada iyo mushaharka laacibka.
Hadalsame Media