“Ma doonayo in la ii maleeyo inaan la dubaaxinayo cabsi darteed” – Saddaam Xuseen

0

(Hadalsame) 21 Luuyo 2018 – Saddaam Xuseen Cabdulmajiid “Altikriti” ayaa xili habeen ah waxaa qolka uu ku xirnaay usoo galay sarkaal Maraykan ah oo amaankiisa qaabilsanaa waxa uuna u sheegay in beri xukunkii dal-dalaadda ahaa lagu fulinaayo waqti sidaa u buurana oo u harayna uusan jidhin sidaa darteed uu codsado waxa uu doonayo inta waqtiga uga dhiman

Saddaam oo u jawaabaya Sarkaalkii ayaa yidhi waxaan rabaa inaad ii soo celisaan jaakaddii ama kaboodkii dhaxanta oo aad horay iiga qaadeen

Sarkaalkii oo dalabkiisa la yaaban ayaa yidhi Saddaam Dalab kaaga waa aqbal oo waa laguu fulin, laakiin waxaan kaa doonayaa inan ogaado sababta aad u dooneyso kaboodka dhaxanta!

Saddaam Xuseen ayaa sarkaalkii hadal cajiib ah ugu jawaabay oo anan inaba baqasho ku jidhin waxa uu una yidhi

“Waxaa caado ah in magaalada baqdad aroortii ay tahay qabow Saa’id ah oo ay dhici karto Qabowgaas dartii inan la qar qaro mana doonayo anoo qabow Dartii la dubaaxanaya ama la qar qaraya shacabka reer Ciraaq i yiraahdaan

“Saadam godka hortii nafba kuma jirto oo wuxuu ka baqayaa daldalaadda.”

W; D: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media