Arrin asaasi ah oo ay tahay inuu WERIYUHU fahmo si uu wax ku ool u noqdo

0

(Hadalsame) 21 Luulyo 2022 – Wargayska, raadiyowga iyo tvga Af Soomaaliga ku hadla anigu qof ahaan kama helo wax ka badan warka maalintaa dhulka Soomaalida ka dhaca oo weliba beddelan. Warka ugu badan ee laga sheegaana waa nin hadlay iyo nin u jawaabay.

Bes. Qof uun baa hadlaya. Laakiin hawsha warbaahintu aad iyo aad bay uga ballaadhan tahay soo tebinta wax markaa dhacay iyo qof maalintaa hadlay. Saxaafaddu waa il xogeed, il aqooneed iyo il maaweelo aan la’aanteed bani aadanku waxba ahaadeen. Waxaa la ga ogaadaa la gana bartaa dhammaan aqoonaha jira iyo waxa jiritaanka ku jira oo dhan.

Saxaafaddu sida ay Af Soomaaliga ku tahay “warbaahin” waa ku qalad, waayo warku waa in yar oo ka mid ah waxyaalaha aadka u badan ee ay ka shaqayso. Wax ay ka shaqaysaa in ay dadka hor keento oo barto wax wal oo dunida jira ama jiri jiray. Waxaa laga bartaa juqraafiga, taariikhda, culuunta bulshada, dhaqaalaha, sayniska, afka, suugaanta, fanka, fikirka iyo idil ahaan aqoonaha jira.

Si waxaas oo dhan looga helo waxaa shardi ah in la helo suxufi aqoon leh. Aqoonta suxufiga looga baahan yahay ma aha oo keliya barashada xirfadda saxaafadda ee waxaa kale oo looga baahan yahay aqoon guud oo baaxad leh. Suxufigu ma aha qof kamarad iyo makarafoon iibsada oo marba qofka hadlaya sawir iyo cod ka soo duuba.

Suxufigu ma aha ruux uu maalinba ninka qolo caayaya ama been sheegayaa u yeedho. Ma aha guulwade liita oo nin qayrkii ah xayaysiinaya. Suxufigu waa qof leh takhasus aqooneed kuna shaqeeya xogogaalnimo. Suxufiga dhisan ee aqoonta iyo xilkasnimada lihi waa heer ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee ilbaxnimada bani aadanku gaadho.

Ninkan waxaa la yidhaahdaa Khaalid al-Rushd. Sannadkii 1979 ayuu ku dhashay magaalada Moosko. Aabbihii waa reer Suuriya hooyadiina waa Ruush. Wax uu ka baxay Jaamacadda Moosko maxadka Afrika iyo Aasiya sannadkii 2004. Wax uu suxufinnimo ka ga shaqeeyaa tvga dawladda Ruushka ee afaka badan ku baxa ee la yidhaahdo Russia Today qaybtiisa Carabida.

Wax uu soo gudbiyaa barnaamij toddobaadle ah oo la yidhaahdo Rixlah Fi-Daakirah (Socdaalka Xusuusta). Waa barnaamij socda 26 daqiiqo oo keliya. Wax uu waraystaa dadka u gu waaweyn ee haya xogta dunida: taariikh, siyaasad, dhaqaale, saynis iyo fikir walba.

Guud ahaan tvga Russia Today iyo gaar ahaan barnaamijka Rixlah Fi-Daakirah wacyiga dunida aad buu u koriyay. Dunida waxaa haysatay warbaahinta reer Galbeed oo dadka ku dhaamin jirtay been iyo khuraafaad dunida la gu addoonsanayo. Russia Today, Aljazeera iyo warbaahinta Shiinaha ee afafka badan ku baxdaa wax ay ina daawadsiiyeen caalam iyo xaqiiqo beddel u ah caalamkii iyo xaqiiqadii reer Galbeedka.

Khaalid al-Rushd dadka uu inoo soo waraysto, oo ah dad masuul ka ahaa ama ku jiray ama ku takhasusay waxa ay ka hadlayaan, wax ay innooga sheekeeyaan taariikhda dhabta ah ee dhacdooyinkii dunida dhinacii la innaga baray mooyee dhinacooda kale. Dagaallada dunida maxaa wada?

Dawladaha dumay iyo dadyowga halaagsamay yaa sidaa u galay? Dhaqaalaha dunida yaa xukuma? Dhaqaalaha iyo lacagtu maxay ka la’yihiin? Lacagta dulsaarka la yidhaahdo ama ribada yaa dunida keenay yaase weli laga furfuri la’yahay? Dollarka Maraykanka maxaa ka dhigay lacagta qudha ee dunidu u addoonsan tahay? Run ahaantii Dollarku ma lee yahay qiimi run ah oo dhaafsiisan in uu yahay warqad madbacadi daabacday? Warbaahintu sidee u shaqaysaa?

Taariikhda yaa qora? Diimaha yaa ku shaqaysta? Argagixisadu waa maxay? Wahaabiyada yaa dunida Muslinka ku faafiyay? Aragtiyaha iyo ururrada dunida ka jira, kuwooda qarsoon iyo kuwooda muuqdaba, xaggee ku sal lee yihiin? Hebel iyo hebel yaa dilay? Qaddaafi maxaa loo dilay? Saddaam maxaa loo dilay? Quwaddii Midowga Soofiyati yaa dumiyay sidee baa se loo dumiyay? Maxaa Shiinaha loo ga adkaan waayay? Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobbiya sidee buu u dhacay? Saliiddu kaalin intee la’eg bay ku lee dahay halaagga dunida la ga wado?

Kolka aad wada daawato waraysiyada Rixlah Fi-Daakirah wax aad u ekaanaysaa qof ilmo yar ahaa oo qaangaadhay ama qof hurday oo baraarugay. Suxufinnimada dhabta ahina waa ta Khaalid al-Rushd. Qof wal oo uu waraysanayo horta wax uu soo akhriyaa buugaagta uu qoray, mowduuc kasta oo uu diyaarinayana wax uu soo baadhaa xogta la ga heli karo oo dhan. Inta aan og ahay wax uu si qurux badan wax u gu waraystaa afafka Carabiga, Ruushka, Ingiriisiga iyo Faransiiska.

Bal haddaba ii sheega waxa aan ka faa’iidayo warbaahinta Soomaalida iyo weriyaha Soomaaliga ah..?!

W; Q: Ibraahin-Hawd Yuusuf Ahmed

Hadalsame Media