MW Somalia oo markii ugu horreeysey la kulmay ciidamada jooga Eritrea & Xog cusub + Sawirro

0

(Asmara) 10 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas ee Isaias Afwerki.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa haddaba durba maalintii 2-aad ee booqashadiisa guda galay howshii uu halkaa u tegey.

MW DF Somalia oo uu wehlinayo dhiggiisa Eritrea ayaa kormeeray xerada ay ku jiraan ciidamadii dalkaasi lagu tababarayay muddada saddexda sano ahayd, waxaana ciidankan ay soo bandhigeen dhoollatus ciidan.

Ciidankan oo ka badan 5,000 oo askari ayaa la sheegayaa inay iskugu jiraan noocyada kala duwan ee ciidamada waxayna qabaan tababarro adag.

Hadalsame Media