Qarreen Soomaali ah oo la dhashay siyaasi caan ahaa oo Istanbul lagu diley & dadkii weeraray oo inta badan lasii daayey

0

(Hadalsame) 13 Dis 2021 – Nin Soomaali-Canadian ah ayaa lagu diley degmada Beyoğlu ee magaalada Istanbul, kaasoo lagu magacaabo Baashi Xoosh Jibriil, 52-jir, kaddib markii isagoo jidka maraya la weeraray 6-dii Diseembar.

Ninkan oo qarreen ah ayaa booqasho ku joogayey Istanbul isagoo laakiin safar u ahaa Nairobi, waxayna qoyskiisu welweleen markii laga tebey duullimaadkii Nairobi Isniintii hore isla markaana uu ka jawaabi waayey telefoonnadii loosoo diray.

Baashi ayaa ah walaalkii ka yaraa siyaasigii Cabduraxmaan Xoosh Jibriil, oo DF Somalia ka ahaan jirey Wasiirka Arrimaha Dastuurka Somalia, kaasoo laftiisu Dubai ku geeriyoodey horraantii 2019-kii.

Baashi ayaa waxaa weeraray 3 tuug in yar kahor 7 am ee aroortii sida laga arkay kaamirooyinka amaanka, iyadoo ay 2 isku hor gooyeen midka uu wax uga dhuftay qoorta kahor intaanu dhulka ku dhicin oo madaxa ku dhufsan dhagaxa yaalla ee shubka ah isagoo suuxsan, iyagoo deeto ka baartay telefoon iyo waxyaabo kale oo uu sitey, iyagoo Taxi ku baxsaday.

Dhakhtar Iiraani ah oo kusoo baxay ayaa sheegay inuu isku dayey in uu wadnihiisa dib u kiciyo isagoo adeegsanaya CPR, balse kuma guulaysan.

Degmada Beyoğlu oo ah mid taariikhi ah oo dhacda dhanka Yurub ee magaalada ayaa caan ku ah dalxiiska iyadoo ay booliisku soo qabteen dhamaanba eedaysanayaashii

2 ka mid ah eedaysanayaasha oo magacyadooda loosoo gaabiyey MD iyo DC oo 18-jirro ah ayaa tuugannimo lagu eedeeyey waana lasii daayey, halka midka 3-aad oo ah kan dhuunta ku dhuftay Baashi loo haysto dil kas ah.

Hadalsame Media