(Muqdisho) 22 Maajo 2021 – Waxaa maanta lagu wadaa inuu furmo Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka, kaasoo marar badan oo hore fashilmay.
Waaxda Umuuraha Afrika ugu qaybsan Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay dhinacyada ku boorrisey inay xal ka gaaraan doorashada.
“Waa in fursaddan looga faa’iideeyaa dalka iyo dadka. RW Rooble wuxuu naga haystaa taageero buuxda.” Ayaa lagu yiri qoraalka Maraykanka.
Warkan ayaa waxaa kasii horreeyey mid kasoo baxay Midowga Afrika, kaasoo ka digayey in shirka la fashiliyo.
Hadalsame Media