DAAWO: Iiraan oo soo saartay daroon casri ah oo Gaza lagu magacaabo & Muuqaalladiisa + Sawirro

0

(Tehraan) 22 Maajo 2021 – Dalka Iran ayaa soo bandhigay daroon cusub oo lagu magacaabo “Gaza” si loogu maamuuso Falastiin, saacado uun kaddib markii la sameeyey xabbad joojinta Israel iyo Falastiin, kaddib 11 maalmood oo xasuuq ah.

“Daroonkani wuxuu sharfid ruuxi ah u yahay dadka Gaza ku hortaagan duullaanka iyo dulmiga Sahyuuniyadda.” Ayuu yiri Taliyaha Ilaalada Jamhuuriga Sarreeye Guud, Hossein Salami oo uu soo xigtey Sepah News.

Daroonkan cusub ayaa xambaari kara 13 gantaal isagoo ku duuli kara joog gaaraya 35,000 oo cagood iyo xawaare dhan 350 km/saacaddii muddo 20 saacadood ah oo xiriir ah oo uu hawada ku jiro.

Wuxuu sidoo kale sitaa 500 kg (ama 1,100 oo rodol) oo ah agab elektaroonig ah, iyadoo waloow ay Xamaas iyo Islamic Jihad ay ka mahad celiyeen taageerada Iiraan aanay iyadu marna qiran inay taageerto.

Waxaa dhintay in ka badan 200 oo Falastiini ah iyo 12 Yuhuud ah iyo 400 ku dhowaad ka dhaawacantay Israel.

Halkan ka daawo…

Hadalsame Media