Rwanda oo hirgelisey adeeg laga helo dunida horumartay oo qura + Sawirro

0

(Kigali) 19 Maajo 2019 – Rwanda ayaa bilowday tillaabo horseed ah (mubaadaro) oo kaliya laga helo dalal yar oo ka mid ah kuwa hormaray, taasoo qayb ka ah aragtida abuurista Rwanda adeegsata farsamada cagaaran marka la gaaro 2030.

Rwanda oo ah dal yar balse riyooyin waawayn ayaa aragtidan kasoo amaahatay magaalooyin ay ka mid yihiin Beijing, China iyo Amsterdam, Netherlands waana in magaalada meelo badan oo ka tirsan la dhigo baaskiillo uu qofku ijaaran karo, ama dekedo uu kiisa ku xiran karo kana dabaysan karo, isagoo adeegsanaya app uu telefoonkiisa kusoo degsanayo.

Baaskiillada ayaa lagu xirayaa xannibyo ku yaalla jidka dhinacyadiisa iyadoo lagu furi karo telefoonka qofka doonaya inuu ijaarto. Kaaga darane meelahan baaskiilladu ku xiran yihiin waxaa ku xiran waxa loo yaqaanno tamarta cagaaran oo wuxuu dabku uga imanayaa sagbado danabeedyo qorraxda ku shaqeeya.

Dadka aan haysanin telefoonnada ”wax garta” waxay adeegsan karaan kaarar (smart-cards) loo diyaariyay, waxaana lacagaha lagu bixin karaan telefoonka ama bankiga, halka dadka aan intaasi lahayn loo sameeyay meelo ay kasoo cabbaystaan kaararkooda.

Hadalsame Media