(Eden Prairie, MIN) 19 Maajo 2019 – Nin lagu helay inuu bastoolad ku handadey dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku jirey makhaayad silsiladda McDonald oo ku taalla magaalada Minneapolis ayaa la xukumay.
Garsooraha Maxkamadda Hennepin County District, Judge Philip Carruthers ayaa xukumay in 55-jir la yiraahdo Lloyd Johnson, oo deggan Eden Prairie, uu 45 iska xaadiriyo xafiiska degmadiisa, isagoo gudanaya 24 maalmood oo shaqo bulsho ah.
Garsooraha ayaa sidoo kale Johnson ku xukumay inuu bixiyo $500 doollar oo ganaax lacageed ah, inuu soo wareejiyo hubkiisa oo idil iyo in la mariyo tijaabo dhanka caafimaadka dhimirka ah.
Ninkan oo dembigu ku caddaaday bishii Maarso ayaa 19-kii Nofeembar wuxuu qori ku handadey gabar Soomaali ah iyo gabar kale oo la socotey oo uu Johnson kula kulmay makhaayad ku taalla Eden Prairie, wax loo arkay beegsi sinji la xiriira.
Booliiska ayaa guriga ninkan kasoo helay hub ay ku jirto bastoolad 10 qaad ahPolice recovered a semi-automatic handgun from Johnson loaded with a 10-round magazine.
Johnson ayaa raalli gelin siiyey labada gabdhood ee Soomaalida ah isagoo ku dooday inuu “baahnaa, dulqaad yaraa si khaldanna u dhaqmay.”
Hadalsame Media