ISBITAAL ARXAN DARAN: Arrin urugo leh oo uu ku kacay isbitaal ku yaalla Muqdisho (DF oo ku ceebaysan)

0

(Muqdisho) 03 Abriil 2019 – Dhacdo xanuun badan balse aan ahayn middii ugu horreeysey ee nooceeda ah ayaa laga soo sheegayaa Muqdisho.

Iyadoo foosha hayso Maamo Khadra oo xanuun adag dareemaysa ayeey tagtay Isbitaalka Wardi oo ku yaallo Xaafadda Unicefta Degmada Xamar Jajab, markii ay gudaha Isbitaalka gashay oo dhaqaatiirta u sheegtay inay fool hayso, ayaa waxaa la waydiiyay lacag $20 doollar.

Balse ma aysan haynin, Dhaqaatiirtana waxa ay u sheegeen in aanan waxba loo qabaneyn, haddii aysan bixineyn lacagtaasi, iyadoo wax adeeg ah aanan loo qaban ayeey iska soo baxday, iyadoo xanuun la socon la’.

Irida Isbitaalka markii ay ka soo baxday ayey dhacday oo foosha xanuunkeeda ku sii cuslaatay, ilmahana waa ay ka soo jeedeen oo Isbitaalka banaankiisa ayeey ku dhashay.

Deeto nin wadada maraayay ayaa dukaan laamiga dhinaciisa Sakiin ka soo iibiyay, kadibna ibida kaga gooyay ilmihii yaraa ee ay foolatay.

Sawirka idiin muuqda waa dadkii oo ku xoomay, Maamo Khadra xilliga ay ku hor foolanaysay Isbitaalka Wardi banaankiisa.

Arrimaha noocan ah oo soo noqnoqda kaddib markii caafimaadkii loo rogry ganacsi xishood darran ayaa lid ku ah mabaadii’da caafimaadka.

Dowladaha kala dambeeya ayaan iyaguna marna diiradda saarin in ay dadka siiyaan adeeg caafimaad, iyadoo Muqdisho bixiso canshuur malaayiin doollar ah.

Ugu yaraan DF iyo Baarlamankeeda sheegta inay shacabka u shaqeeyaan, wax sharci ah kama soo saarin sida loola dhaqmi karo bukaannada.
#Arxandaranaashaqaalahaisbitaalka

Xigasho: Faysal Hanad

Hadalsame Media