RW Khayrre oo la kulmay Boqor Salmaanka Sucuudiga

0

(Riyaad) 10 Okt 2018 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, oo weli ku guda jira booqashadiisa Sucuudiga, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Cabdulcasiis  Al Sacuud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Hadalsame Media