Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Taariikh – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Fri, 01 Dec 2023 10:36:41 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 ”Soomaalidu waa dad qallafsan” – Maxaa kala qabsaday wefdi ka socdey Somalia & Wasiir Dibadeedkii Henry Kissinger? + Sawirro hore https://www.hadalsame.com/2023/12/01/soomaalidu-waa-dad-qallafsan-maxaa-kala-qabsaday-wefdi-ka-socdey-somalia-wasiir-dibadeedkii-henry-kissinger-sawirro-hore/ Fri, 01 Dec 2023 10:36:41 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100477

(Hadalsame) 01 Dis 2023 – Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Henry Kissinger, oo kaalin mug leh ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda xilligii dagaalkii qaboobaa, ayaa geeriyooday isagoo 100 jir ah.

Waxa uu soo noqday dublamaasiga sare ee Maraykanka iyo la-taliyaha amniga qaranka xilligii labadii madaxweyne Nixon iyo Ford. In kasta oo uu xafiiska ka tagay bartamihii 1970-meeyadii, waxa uu sii waday in uu talo siiyo jiilal hoggaamiyeyaal ah tobanaan sano oo xigay.

Kissinger oo ku dhashay Jarmalka ayaa goor dambe oo arbacaddii ah ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal Connecticut. Lama shaacin sababta geeridiisa.

Waxa uu ahaa mid ka mid ah wasiiraddii arrimaha dibeda ee ugu saameynta weynaa dunida, si gaar ah intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa.

Waxa uu la kulmay madaxweyneyaal kala duwan, isaga oo booqday Muqdisho islamarkaas na la kulmay hoggaamiyihii kacaanka Soomaaliya Janaraal Maxamed Siyaad Barre. Marar kale na, waxa uu madax Soomaali ah kula kulmay gudaha Mareykanka.

Mid ka mid ah kulamadaas oo dhacay bishii Oktoobar, 1976 waxa uu la yeeshay wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Xuseen Cabdulqaadir Kaasim, Wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Biyaha.

Kulankaas waxa uu dhacay wax yar kahor inta uusan bilaaban dagaalkii xooganaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya 1977dii.

Wixii dhexmaray Kissinger iyo wafdiga Soomaalida

Xuseen Qaasim iyo Kissinger waxay ku kulmeen New York
Xuseen Qaasim oo la kulmay Kissinger, waxa uu mar ka mid ahaa ragga ugu saameynta weyn xukuumaddii kacaanka.

Kulanka oo ka dhacay hotel uu Henry Kissinger ka degan yahay magaalada New York waxa uu dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibeda Mareykanka Kissinger, oo ay wehliyaan labo sarkaal oo sare oo ka tirsan wasaaradiisa, iyo wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdulqaadir Qaasim, oo ay wehliyaan Danjire Cabdulaahi Axmed Cadoow oo Soomaaliya u fadhiyay Mareykanka, Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda, iyo sarkaal kale oo Maxamed Maxamuud lagu magacaabay. Kulanka waxa uu dhacay xilli ay sii kordheysay xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya, kahor dagaalkii 77. Hoos ka akhri dooddii dhexmartay labada dhinac oo kooban.

KISSINGER: Waa maxay macnaha “Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda”?

QAASIM: Anigu waxaan ahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, laakiin waxaan dowladda ku matelaa tiro shirarka caalamiga ah.

CADOOW: Waa wasiirka arrimaha dibadda, daahsoon.

KISSINGER: Waxaad tihiin wadan yar, oo aan haddana laga waayin wararka.

QASSIM: Wax walba waxay ku xiran yihiin sida dabayshu u dhacayso. Ma annaga ayaa wararka abuurna, mise kuwa kale ee sameeya xaaladda nagu qasbeysa in aan tilaabo qaadno. ?

KISSINGER: waa sidee xaalada xiriirkeenna?

QAASIM: Waxaan jeclaan lahaa inaan ka faalloodo taas. Waxaan aaminsanahay inay jirto fursad wax lagu hagaajin karo.

KISSINGER: waan kugu raacsanahay.

QAASIM: Haa, waxaad xustay qodobo wanaagsan intii lagu gudo jiray qadada. Wax baad ka baranaysaa Afrika.

KISSINGER: Wax badan ayaan ka bartay daawashada siyaasadda Afrikaanka. Idinka Soomaalida ah waxaad tihiin dad qalafsan tihiin. Taas ulama jeedo sida a

dhaleeceyn, laakiin waxaad ciyaareysaa siyaasad adag.

QAASIM: Qalbigeena iyo maskaxdeenna ayaan ka hadalnaa.

KISSINGER: Ma rumaysni in dawladaha Afrika oo dhan ay yihiin cadaw, laakiin haddii aad eegto ficillada Dowladda Soomaaliya, marna la idinku ma tilmaami karo dhex-dhexaad. Arrin kasta oo caalami ah waad nagaga soo horjeedaan.

Ma khaldami karno mar walba.

QAASIM: Aragtideennu waa in Soomaaliya iyo Mareykanku wada yeeshaan xiriir aan lahayn dareen cadaawad. Su’aalo gaar ah ama siyaasado, arrin ku saabsan

xukunku wuu galaa oo dhammaan hadalladayadu maaha kuwo colaadeed. Annagu waxaan nahay dhexdhexaad.

KISSINGER: Waxaad tiri cadaawad ma jirto, haddana marwalba waad naga soo horjeesataan, oo xitaa mararka qaar waxaad sameysaan waxyaabo wax noo dhimayo.

QAASIM: Taasi sawir cadaalad ah kama bixineyso arrinka. Waxaan ula falgalnaa ficilada Mareykanka sida ay noo saameynayaan annaga iyo gobolkeena ba. Jiritaankeenna qaranimo ayaa khatar ku jira. Ficiladiinu na marna ma muujin dhex dhexaadnimo.

KISSINGER: Tusaale ma isiin kartaa?

QAASIM: Soomaaliya waxay soo martay sooyaal gumeysi oo nasiib darro ah. Xataa ka hor intaanay Soomaaliya xornimada qaadan, waxaad heshiis la gashay Itoobiya. Waxaan aragnay hub ku socda Itoobiya oo aan -aaminsanahay in uu wax u dhimayo xiriir wanaagsan ooka dhexeeya

Somalia iyo Ethiopia. Waxaan aaminsanahay in xiriirkeena la hagaajin karo, laakiin hubka aad dirtaan iyo borobogaandada aad sameyneysaan caawin maayaan arrimaheenna. Waxaan aragnay hadalka Xoghayahiina Difaaca.

KISSINGER: Waa maxay sababta aan ugu maleyneyno inaad leedihiin ciidan iyo qalab ka badan kan Itoobiya?

QAASIM: Taasi waa qalad. Itoobiya way naga xoog weyn tahay. Waxaad nagu qasbeysaa inaan dhisno ciidan. Idinku ma Aydan qaadan door xal-raadin ah.

KISSINGER: Waxaad rabtaa qayb ka mid ah Itoobiya.

QAASIM: Maya, waxaan rabnaa xorriyad qayb Itoobiya ah oo dadkeena ay leeyihiin.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo mareykanka oo kulmay
Maxamed Siyaad Barre oo la kulmaya madaxweyne Reagan oo bedelay maamulkii uu ka tirsanaa Kissinger.

KISSINGER: Markaa cadaawad baad wadi doontaan ilaa aad ka heshaan dhulkiinna intiisa kale.

QAASIM: Aan si kale u dhaho. Kama hareyno xuquuqda dadkeena iyo qarankeena.

KISSINGER: Waxay nala tahay in aad ka hub badan tihiin Itoobiya. Malaha xogta sirdoonkeenna ayaa qaldan. Waxaan se aragnaa inaad hesho tiro badan oo hubka Soofiyeedka ah.

QAASIM: Waxaa nalagu soo duulay 1963 iyo 1964. Itoobiya ayaa taariikh ahaan naga ciidan badan dhanka tirade iyo qalabka ba. Qalad baad ka fahanteen xaaladda. Bal u fiirso waxaad samaysay abaarteennii.

KISSINGER: Talcott, maxaan samaynay?

SEELYE: Waxaan bixinay gargaar.

QAASIM: Haa, laakiin waxaad sheegtay in aan saldhig u nahay Soofiyeedka. Waxaan casuunay goobjoogayaal si ay u arkaan oo u qiimeeyaan arrinkaas.

KISSINGER: Taasi waa sax. Oo kulligood waxay xaqiijiyeen warkaas– xataa kuwii bilowgiiba diidanaa. Waxay ku qanceen inaad saldhig Soviet aad martigelisaan.

QAASIM: ma aaminsantahay arrinkaas

KISSINGER: Waxaan rumaysanahay inaan ka badbaadi karno waxyeelo naga soo gaarta saldhigga Soofiyeedka ee Soomaaliya, laakiin waxaan filayaa in ay ku xiran tahay in la isla fahmo waxa saldhig ah.

Haddi aad ku qeexdo saldhig meel ciidamada militariga ayay joogaan, qalabkoodu na yaalo, taasi waa saldhig.

QAASIM: Waxaad u baahan tahay inaad wax badan ka ogaato dabeecaddaha dadkayaga. Marna ma ogolaanayno saldhig shisheeye. Ma leh saldhig iyo meel adeeg oo shisheeye. Waxaan aragnay sawiradiinna dayax gacmeedyada oo aad tiraahdeen gantaalo ayaad heysataan. Waan eegnay eedeyntaas, oo waxaan ogaanay in waxa aad ugu yeertiin gantaalo inay yihiin minaaradaha masaajidda.

KISSINGER: Waxaa laga yaabaa inaad tahay dad khiyaano badan oo aad gantaalada ku qarisaan minaarada.

QAASIM: Waxaan u furnay masaajida si ay kormeerayaashu u booqdaan. Ma hayno lacag aan ku iibsano gantaalada.

KISSINGER: Ma aaminsanin inay yihiin gantaaladiinna. Laakiin, aan intaas uga harno. Wax cadaawad ah uma qabno Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu aragnaa in aad naga soo horjeesataan gole kasta oo caalami ah. Waxaad ka hortimaadeen hindisahayada koonfurta Afrika.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta kuwa na dhibaya anaguna waxay ka shaqaynayaan nabadda. Waxaan diyaar u nahay inaan hagaajino xiriirkeena. Ma diidinin sheegashadiinna dhuleed haddii aydan xoog u isticmaalin xallinta khilaafaadkaas.

QAASIM: Waxaa jirta sabab aan u wanaajino xiriirkeena, iyo waxaa na laga yaabaa inay jirto fursad sidaas lagu sameeyo. Waxaan u baahanahay inaan mid ba kan kale si cad uga fahmo mowqifkiisa. Wada tashi ayaa naga maqan. Dhexdhexaadnimada Maraykanku kuma filna. Waxaan rabnaa inaad ciyaarto doorka firfircoon ee xalinta dhibaatooyinkeena.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100477
Soomaalida & Oromada midkee midka kale ah? Magaalo ku taalla Itoobiya oo ay Oromadu maanta uga badan yihiin qoowmiyaddii iska lahayd https://www.hadalsame.com/2023/11/29/soomaalida-oromada-midkee-midka-kale-ah-magaalo-ku-taalla-itoobiya-oo-ay-oromadu-maanta-uga-badan-yihiin-qoowmiyaddii-iska-lahayd/ Wed, 29 Nov 2023 06:18:46 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100364

(Hadalsame) 29 Nof 2023 – Dood iyo hadal hayn ayaa ka dhalatay kadib markii odeyaasha dhaqanka bulshada Oromo-da ee booqanaya Somaliland ay jeediyeen hadalo muujinaya inay ka tirsan yihiin qabiil Soomaaliyeed.

Ugaas dhaqameedka hogaaminayey wafdiga oo lagu tilmaamay inuu yahay guddoomiyaha guurtida Oromada Itoobiya ayaa sheegay in wada dhalashada iyo diintu ka wada dhexeeyaan walow qaar badan oo ka mid ah qoomiyadda Oramadu aysan muslmiin ahayn.

Mid ka mid ah, wafdiga oo afka Soomaaliga si fiican ugu hadlayay ayaa sheegay in oromo-da iyo beelaha Somaliland ay wada leeyihiin dhulka iyo dekeda, isaga oo si gaar ah u carrabaabay dekeda Saylac, oo la sheegayo in uu Itoobiya ay danaynayso.

Dalalka Geeska Afrika sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya waxaa wada dega qowmiyado badan oo ay ka mid yihiin Soomali iyo Oromo. Labadan qowmiyadood waxay kaga duwan yihiin qowmiyadaha kale ee ay dalalkan wada degaan, in ay leeyihiin dhowr waxyaabood oo isu dhaweynaya labadooda.

Wa’ayo qowmiyada Oromo-du?

Baraha Bulshada
Ninka hogaaminaya wefdiga oromada ee Somaliland tagay

Oromadu waa qoomiyad degta geeska Afrika tiradooda guudna lagu qiyaaso ilaa 40 milyan oo qiyaastii 25 milyan oo ka mid ah ay ku noolyihiin Itoobiya.

Qoomiyadani waa Kushitik u badan Muslimiin. Ka sokow Itoobiya waxay qaar ka mid ahi degaan Sudan iyo Kenya.

Waxay isugu jiraan beeralay iyo xoola dhaqato reer guuraa ah. Daraasadaha taariikhda afafku waxay tilmaamayaan in ay qoomiyadan kasoo jeeddo harooyinka sida Chew Bahir iyo Chamo oo ku wada yaal dalka Itoobiya.

Waxay taariikhda Afku qiyaasaysaa in halkan ay ku noolaayeen in ka badan 2 kun oo sano.

Qowmiyadaha Soomaalida, Oromada, Rendille, Booran iyo Gabra waxay ka wada tirsan yihiin Kushitic oo ah mid ka mid ah magacyada lagu mideeyo jinsiyadaha iyaga oo la eegayo waxyaabo ay ka mid yihiin hidde sidahooda iyo taariikhdooda.

Afafka Orormada iyo Soomaaliga ayaa ku wada jira afafka la isku yiraahdo Kushitik oo ay ka mid yihiin afafka qoomiyadaha aan kor kusoo xusnay iyo kuwa kale.

Oromadu ma Soomaali baa mise Soomaalida ayaa Oromo ah?

Waxyaabaha ku saabsan Wefdiga Hargeysa jooga iyo haddalladooda ee hadal haynta dhaliyey ka mid ah su’aashan aan kor ku xusnay. Siyaabo kala duwan ayeyna dadku uga falceliyeen. Haddaba taas awgeed waxaan eegaynaa waxa ka jiri kara sheegashooyinka qaar.

Kahor burburkii Soomaaliya, bulshada Oromo-da ee Soomaaliya joogay, oo qaarkood ahaa jahbad hubeysan oo la dagaalama Itoobiya waxaa loogu yeeri jiray Soomaali Aboo.

Labada qoomiyadood ee Soomalida iyo Oromo waxay degaan laba dhul oo aad u ballaaran dhinacana isku haya, iyo meelaha dhulkaasi iska galo oo ay wada degaan.

Intaas waxaa dheer inay jiraan is sheegasho iyada oo marar badan la arko in qabiillo ka mid ah Oromada ama Soomaalida ay sheegtaan midka ay afkooda ku hadlaan mooyee kan kale.

Tani waxay cadayn u tahay suurta galnimada ah in tusaale qoys Soomaali ah uu la dhaqmo Oromo sidaasna oo ku noqdo Oromo inkasta oo ay ogyihiin in ay dhalasho ahaan yihiin Soomaali.

Tusaalaha ugu fiican: Wefdiga hadda Jooga Hargeysa oo sheegay inuu soo maray Kenya, waxay ku doodayaan inay yihiin qabiil Soomaali ah oo sida ay sheegayaan kaliya aan ku jirin Oromada ee sidoo kale ku dhex jira lana dhaqmay booranta iyo kuwa kale.

Tusaale kale beesha sheekhaal waxaa jira qabiil Oromada la dhaqmay kuna hadla afka Oromada balse ku abtirsanaya isla halka ay Sheekhaal ku abtirsato. Sheegashadu iyaga u gaar ma aha ee waxaa ogol oo la qaba isla beesha Sheekhaal ee Soomaalida ah.

Ma beenin karno mana rumayn karno balse waxay cadeyn u tahay sida ay suurta gal u tahay in labadan qowmiyadood (Oromo iyo Soomaali) ay isku dhex milmaan.

Waxaa sidoo kale jira sheegashooyin ah; qabiillo ka dhex abuurmay labada qowmiyadood oo is guursaday.

Laakiin xaqiiqada taariikhda iyo sooyaalka labada bulsho waa in aysan midna ahayn tan kale, se ay yihiin labo qowmiyad oo siman, islamarkaas na hal meel kasoo farcamay.

Diinta

Wefdiga oromada iyo doay dhaqameedyo soo dhaweeyay
Wefdiga oromada iyo doay dhaqameedyo soo dhaweeyay

Qowmiyadda Oromadu waxay leedahay Muslimiin iyo masiixiyiin labadaba, hase yeeshee waxaa badan kuwa islaamka ah waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 55% ilaa 60% inay yihiin Muslimiin sunni ah.

Oromada muslimiinta ah waxay dhul ahaan is xigaan Soomaalida, waana halka uu ka yimaaddo isdhex galka labada qowmiyadood.

Inkasta oo aynaan qodob gaar ah ka dhigayn dhaqanka; Soomaalida iyo Oromadu way isaga dhowyihiin dhaqan ahaan qowmiyadaha kale. Waxay leeyihiin wax la yiraah Cabbaagade oo u dhigma Ugaas ama Suldaan.

Oromadu waa xoola dhaqato sida Soomaalida oo kale wallow dhanka beeraha ay Soomaalida kaga horeeyaan, waana reer guuraa kuwooda xoolaha dhaqda.

Dhulka

Sida aan horeba soo xusnay dhulka ay hadda Soomaalidu degto iyo kan Oromadu dhinaca ayey isku hayaan wallow uusan u dhaxaynin xad cad oo kala qaybiya ayna dhacdo in mararka qaar ay isu gudbaan si nabad ah iyo dagaal ba.

Qodobada ama waxyaabaha mideeya Soomaalida iyo Oromada uguna xasaasisan waa dhulka, balse si aan sawir uga bixinno aan dib ugu laabanno xooga taariikh ah.

Qarnigii 13-aad ilaa 14-aad ee miilaadiga waxaa geeska Afrika ka talin jirtay boqortooyo islaami ahayd oo la yirah Cadel.

Boqortooyadan waxaa xarun u ahayd magaalada Harar oo hadda ku taal gudaha dalka Itoobiya. Maadaama ay ahayd boqortooyo Islaami ah, waxay ka dhaxaysay guud ahaan qoomaiyadihii muslimiinta ahaa ee halkaas ku dhaqnaa iyo kuwa gadaal ka yimidba.

Boqortooyadani waxay la dagaali jirtay mara bandanna dhul kala qabsadeen middii xabashida oo ahayd bqortooyo masiixiyad ah.

Bqortooyadan waxaa hogaamin jiray marka laga tago shakhsiyaad aan asalkooda si fiican loo qeexin, madax Soomaali ah kana dhashay qaar ka mid ah Qabiilada aan maanta Soomaali u naqaan. Magaaladan aan sheegnay waxaa dhinac walba hadda ka jira Oromada ama dhulka Oromada.

Sida ay dawladda itoobiya diiwaan galisay Oromada degta magaalada Harar maanta, waxay ka badan yihiin Soomaalida iyo xitaa qowmiyadda harariga oo la sheego inay asal ahayn degi jireen halkaas xitaa saldanadii Cadel ka hore.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100364
Yaa haya Furaha KACBADA goorma ayaase loo dhiibey? (Macluumaad muhim ah) https://www.hadalsame.com/2023/08/27/yaa-haya-furaha-kacbada-goorma-ayaase-loo-dhiibey-macluumaad-muhim-ah/ Sun, 27 Aug 2023 13:52:04 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=97037 (Hadalsame) 27 Agoosto 2023 – FURAHA KACBADA YAA HAAYA? Qusay ibnu Kilaab Al-Qurashi waxa uu ahaa ninkii Quraysh isku soo ururiyay, qabaa’ilkii kale ee ay Cadnaaniyiinta isku ahaayeenna u kaashaday in uu Makka ka xoreeyo qabiilkii la oran jiray Khuzaaca oo boqolaalka sano ku amar-ku-taagleynayay Xaramka, reer Makkana u horseeday caabbudista asnaamta.

Qusay waxa uu dhalay afar wiil. Curadkiisa oo magaciisu ahaa Cabdidaar waxa u siiyay furaha Kacbada. Waxa kale oo uu u dhiibay calanka kolka cadaw lala dagaalayo. Wiilkiisii kale Cabdimanaaf waxa uu isaga u xilsaaray waraabinta iyo soorista xujayda beytka Alle. Cabdinabaaf waxa uu dhalay Haashim oo ah awoowaha labaad ee Nabiga “SCW”.

Waqtigii Nabiga “SCW” uu Alle soo diray, gaalada Quraysh-na ay Makka ku dhibi jireen, furaha Kacbada waxa haayay curadkii reer Cabdidaar oo la oran jiray Cuthmaan bin Dhalxa ibnu Abii-Dhalxa Al-Cabdari oo waqtigaas gaal ahaa.

Nabiga “SCW” ayaa maalin damcay in uu Kacbada dhexdeeda ku cibaadaysto. Markaas buu Cuthmaan ku yiri: “Maad ii furtid?” Cuthmaan Nabiga “SCW” si xun buu ula hadlay. Nabigu “SCW” waxa uu ku yiri: “Cuthmaanoow, waxad arki doontaa maalin furahaas oo gacantayda ku jira oo qofkii aan doono aan u dhiibayo”.

Cuthmaan waxa uu yiri: “Maalintaasi waa maalin ay Qurayshi hoogtay ooy dullowday”.

Nabigu waxa uu yiri: “Mayee waa maalin ay baraartay sharafiina ay u siyaadday”.

Markii Nabiga “SCW” iyo asxaabtiisu ay Makka furteen, ayuu Nabigu “SCW” waxa uu yiri: “Cuthmaanoow ii keen furaha”. Markii uu ka qaatay, waxa u hanqal taagay adeerkiis Cabbaas bin Cabdulmudhalib (RC) oo damcay in waraabinta xujayda iyo furayaasha la isugu daro, hase yeeshee Nabigu “SCW” inta uu Cuthmaan u yeeray buu ku yiri: “Sidii aan kuu sheegay soow ma aanay noqon?” Cuthmaan waxa uu yiri: “Waa ay noqotay. Waxan qirayaa in aad Rasuulkii Alle tahay”.

Nabigu “SCW” waxa uu furihii u celiyay Cuthmaan, waxana uu ku yiri: “Ciddii idinka qaaddaa waa dulmiloow”.

Maalintaas laga billaabo, ilaa maanta oo 1,400 sano ka badani ay kasoo wareegtay furaha Kacbada waxa haaya qabiilka la yiraahdo reer Banii Sheybah oo ku abtirsada reer Dhalxa ibnu Abii-Dhalxa Al-Cabdari, iyaga ayaana ilaa maalinta Qiyaamana hayn doona.

Nabigu “SCW” abaal gaar ah buu u haayay Cuthmaan ibnu Dhalxa ibnu Abii-Dhalxa. Umu-Salama oo markii dambe noqotay xaaska Nabiga “SCW” iyada iyo ninkeedii Abuu-Salama waxa ay kamid ahaayeen asxaabtii dhulka Xabashida u haajitay. Markii ay kasoo noqdeen oo Madiina loo haajirayay, Abuu-Salama waxa uu damcay in uu xaaskiisa iyo wiilkiisa yar Salama madiina ula haajiro, hase yeeshee waxa u diiday qoyskii Umu-Salama in uu gabadhooda kaxaysto.

Abuu-Salama keligiis buu haajiray, Umu Salamana wiilkii ayaa laga qaatay. Waa ay iska ooyi jirtay. Markii dambe inta ay u beer jileeceen bay wiilkeedii siiyeen inay haajirtana u oggolaadeen. Iyada oo wiilkeeda xambaarsan oo keligeed Makka ka baxaysa waxa arkay Cuthmaan ibnu Dhalxa ibnu Abii-Dhalxa oo weli gaal ah. Waxa uu ku yiri: “Xaggeed u socotaa?”

Waxay ku tiri: “Ninkaygii oo Yathrib jira ayaan u socdaa”.

Cuthmaan: “Oo cid ku wehlisaa ma jirto miyaa?”

Umu-Salama: “Waa aniga, Alle iyo wiilkaygan”.

Ratigii ay fuushaneed buu hoggaanka u qabtay oo kexeeyay. Markii ay meel ku nasanayaan inta uu ratiga tujiyo, ayuu ka fogaanayay. Markaas iyadu geed bay hooskiisa harsanaysay, isaguna inta uu ratiga geed ku xiro ayuu geed kale harsanayay. Markii ay baxayaan inta uu u tujiyo oo ka fogaado, ayuu marka ay korto u imaanayay oo ku kaxaynayay, ilaa geedihii timirta ee Madiina ay u muuqdeen. Markaas Umu-Salama waxa uu ku yiri: “Magaaladii aad rabtay waa tan”, waana uu ka laabtay.

Umu-Salama waxa ay tiri: “Nin jid lala maro oo Cuthmaan ibnu Dhalxa ibnu Abii-Dhalxa ka gobsan weligay ma aanan arag”. Abaalkaas buu Nabigu “SCW” Cuthmaan u haayay.

Umu-Salama ninkeedii Abuu-Salama dhaawac Uxud ka soo gaaray buu u dhintay, keddibna Nabiga “SCW” ayaa guursaday.

Furaha Kacbada waxa loo dhiibaa ninka ugu da’da weyn qoyska reer Banii Sheybah. Ma aha haynta furaha keliya shaqada reer Banii Sheybah, laakiin shaqooyinka kale oo ay qabtaan waxaa kamid ah: Nadiifinteeda, dhaqisteeda, marashaynteeda, marada Kacbada la saaro haddii ay dillaacdo tolisteeda iyo carfinta Kacbada. Kacbada waxa gudaha laga dhaqaa laba jeer sanadkii oo kala ah kowda Shacbaan iyo shan iyo tobanka Muxarram.

Xilligaan la joogo, furaha Kacbada waxa haaya Sheekh Saalax bin Zaynul Caabiddiin Al-Sheybi.

W; D: Sabriye Musse

Hadalsame Media

]]>
97037
Abaalka aan duugoobin ee ay Somalia u gashay Sinead O’Connor + Qaddiyadeedii waynayd https://www.hadalsame.com/2023/07/30/abaalka-aan-duugoobin-ee-ay-somalia-u-gashay-sinead-oconnor-qaddiyadeedii-waynayd/ Sun, 30 Jul 2023 09:22:17 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=96145 (Hadalsame) 30 Luulyo 2023 – Markii ay aragtay muuqaallada laga baahiyey macluushii Soomaaliya ka dhacday 1992-dii ee “Cagabararka” loogu magac daray ayey ku deeqday in la iibiyo guri ay lahayd oo xilligaa qiimihiisu ahaa $750,000.

Iyadoo TV Maraykan ah ay malaayiin si toos uga daawanayaan ayey jeexjeeday sawirka Baaadiraga ugu waynaa Diinta Kirishtaanka (John Paul II), waxayna daba dhigtay

“La dirir cadawga runta ah”.

Sinead O’Connor waxay ahayd Fanaannad u dhalatay dalka Ireland, Sagaashamaadkii ayuu fankeedu dunida qabsaday. Fanka waxaa u wehliyey in ay ahayd qof aan runta ka gaban, codkeedana inta dulman ugu hiilisa oo waxaa laga hayaa in ay tiri;

“Ku tala gal igama aha in aan mushkilad abuuro, laakiin inta badan way dhacdaa in ficilladaydu xasarado kiciyaan, waanse ku faraxsanahay in aan dhibleey ahay.”

Abaalmarinta caalamiga ah ee la yiraahdo Garrmy Award ayey dhowr jeer iska diiday, iyadoo ku sheegtay in aan garsoor xaq ah lagu bixin.

Heesaheeda qaarkood mudaaharaad oo kale ayey ahaayeen. Mar laga sugayey in ay qaado mid ka mid ah heesaha caanka ah (Nothing compares to you), Cid kula dhigmaan jirin, ayey masraxa kaga rogtay heestii “War” ee cunsiriyad la dirirka ahayd ee uu qaaday heesaagii waynaa ee Bobe Marley.

Allaha u naxariisto Sinead O’Connor sanadkii 2018 ayey soo islaantay, waxayna la baxday Shuhada Sadaqa. Waxay tiri markii aan Juzka labaad ee quraanka aqriyey waxaan dareemay iyo hoygaygii helay, oo aan weligayba Islaam ahaa.

W; D: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hadalsame Media

]]>
96145
DOORKII SOOMAALIDA: Addoonsiga iyo degaannadii Soomaaliyeed ee laga dhoofi jiray dadka https://www.hadalsame.com/2023/07/22/soomaalida-iyo-ka-ganacsiga-dadka-addoonsiga-iyo-degaannadii-soomaaliyeed-ee-laga-dhoofi-jiray-dadka/ Sat, 22 Jul 2023 07:19:31 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=95904

(Hadalsame) 22 Luulyo 2023 – Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen dadyowgii ku howlanaa howlihii addoonsiga, ee ka jiri jiray Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta, wixii ka horreeyey dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Is-addoonsiga ayaa isugu jiray laba nooc: ka-ganacsi addoonsi (slave trade) iyo ku-shaqeysi addoonsi (slave labour). Soomaalida ayaa labadaas-ba qeyb weyn ka ahayd.

Tusaale, dhanka bariga iyo koonfurta waxaa ka jiray ka-ganacsi addoonsi iyo ku-shaqeysi addoonsi, oo addoomaha loo isticmaali jiray in guryaha iyo beeraha lagula shaqeysto (internal consumption) iyo in dibadda loo dhoofiyo, si loogu shaqeysto (external consumption). Balse, dhanka waqooyi iyo galbeedka Geyiga Soomaalida, kama jirin ku-shaqeysi addoonsi ee gudaha ah, ee waxaa ka jiray oo keliya ka-ganacsi addoonsi, ee dibadda loo sii dhoofiyo.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dhanka waqooyiga iyo galbeedka, waxay lahaayeen meelo transit ah oo la sii marsiiyo dad addoomo ah, oo laga keenay bartamaha Itoobiya, hase yeeshee dhanka bariga iyo koonfurta waxaa dadka addoomaha ah laga keeni jiray koonfurta Itoobiya iyo wadammo kale oo ku yaalla Bariga Afrika, sida Jasiiradda Zanzibar, ee maanta ka tirsan Tanzania.

Dhanka koonfurta, waxaa laga dhoofin jiray Muqdisho, Merka iyo Baraawe, halka Awdheegle, Baardheere iyo Luuq ay ahaayeen seylado la soo marsiiyo. Dhanka waqooyiga iyo galbeedkana, waxaa addoomaha laga dhoofin jiray dekedaha Seylac iyo Berbera, halka Harar ay ahayd xarun la soo marsiiyo.

Inkasta oo la hayo caddeymo badan in Soomaalidu ay ku lug-lahayd ka-ganacsigii addoonsiga ee ka socday Bariga Afrika iyo wadammada Carabta ee ku xeeran Geyiga Soomaalida, weli lama hayo wax caddeyn ah, oo muujinaysa inay Soomaalidu qeyb ka ahayd ka ganacsigii addoonsiga, ee la isaga gudbay qaaradda Atlantica (transatlantic slave trade). Si taas loo xaqiijiyo, waxaa loo baahan yahay in la fiiriyo aarkiifiyada Senegal iyo Faransiiska iyo guud ahaan addoonsigii ka socday Galbeedka Afrika.

Ka-ganacsiga addoonsigu wuxuu ahaa mid keliya gobollada bariga, waqooyiga, galbeedka iyo koonfurta Geyiga Soomaalida la isaga gudbo, kuna xira Geyiga Soomaalida deegaammo kale oo ku yaalla Afrika iyo Carabta. Halka gobollada waqooyiga iyo galbeedka ay sii dhoofin jireen addoomaha laga keenay Itoobiya, gobollada bariga iyo koonfurtu waxay la soo degi jireen addoomo laga keenay Zanzibar. Emily Ruete, oo ah haweeney ka mid ah qoyska boqortooyada Cummaan iyo Zanzibar, waxay ku xustay buugga xusuus-qorkeedka, Memoirs of an Arabian Princess: An Autobiography, ee la daabacay 1888-kii, in addoomaha jooga Zanzibar ay ka badnaayeen kuwa jooga Cummaan.

Addoomaha la soo gelin jiray Soomaaliya ayaa isugu jiray (1) dad cawaan ahaa, oo aan diin haysan, (2) dad lagu soo qabtay dagaallo dhex-maray qowmiyadaha Itoobiya dhexdooda iyo (3) dad markoodii horeba lagu soo kala iibsaday seyladaha addoonsiga ee Bariga iyo Geeska Afrika. Dhanka koonfurta Geyiga Soomaalida, addoomaha loogu jecel yahay waxay ahaayeen kuwa laga keeno dhulka Oromada, halka kuwa waqooyiga iyo galbeedka addoomaha la sii safrinayo ay u badnaayeen kuwa laga keeno dhulka Guraagada. Dhanka bariga, waxay addoomuhu ahaayeen Sawaaxili laga soo waariday Jasiiradda Zanzibar.

Soomaalida ayaa mararka qaar qabsan jirtay dad u dhashay Yurub oo maraakiib ay kula jabi jirtay xeebaha waqooyi bari iyo bartamaha Geyiga Soomaalida. Markab uu Ingiriisku leeyahay ayaa 1868-kii ku jabay meel u dhow xeebta waqooyi ee Muqdisho, waxaana dadkii Ingiriiska ahaa ee la socday laga xiiray madaxa, waxaana lagu kallifay inay addoomo u noqdaan qabaa’ilkii deegaanka deggenaa, hase ahaatee isla sannadkaas ayaa lagu soo daayey wada-hadallo lala galay. Isaga oo xiganaya Qunsulkii Ingiriiska ee fadhiyey Zanzibar, John Kirk, ayaa Alastair Hazell, buuggiisa, The Last Slave Market, ee soo baxay 2011, wuxuu ku xusay in Soomaalidu mar ay ku beegnayd 1873-kii ay qabsadeen oo addoonsadeen dad u dhashay Ingiriiska.

Maraakiibta Yurubta ayaa iyaguna dhankooda mararka qaar qabsan jiray oo addoonsi ahaan u qaadan jiray dad Soomaaliyeed. Wixii ka horreeyey 1884-kii, dooman ganacsi oo ay lahaayeen gumeysigii Ingiriiska ayaa dad Soomaaliyeed oo u badnaa gabdho yar yar waxay dhowr jeer ka afduubteen dekedda Berbera, waxayna ula keceen Ciraaq iyo meelo kale, iyagoo halkaas ka sii iibsaday.

Taariikhda laguma hayo gumeysiga Talyaaniga oo dad Soomaaliyeed inta ay afduubteen addoonsi ahaan ula tagay dalkooda ama meel kale. Hase yeeshee, waxaa warbixinnada gumeysiga Talyaaniga ee sannadihii 1901-1904 ku cad in saraakiisha gumeysiga Talyaaniga ay lahaayeen addoomo uga shaqeeya guryahooda billowgii qarnigii labaatanaad, xitaa kaddib markii ay soo saareen sharciyo ka hor-tagaya addoonsiga aakhirkii qarnigii sagaal iyo tobnaad.

Si kastaba, ma jirin is-addoonsi ka dhex jiray dadkii Soomaalida ahaa, ee Muslimka ahaa, ee wada deggenaa Geyiga Soomaalida, oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed, ee loo yaqaanno Bantu/Jareer. Arrintaan ayaa ku taxalluqday diinta Islaamka oo xarrimeysa in dadka Muslimka ah ay dhexdooda is-addoonsan karaan. Sidoo kale, xeerar-dhaqameedkii Soomaalida (Somali customary laws) ayaa ka mamnuucayey qof Soomaali ah inuu lahaado Soomaali kale ama iibiyo ama iibsado. Sidaas awgeed, addoomuhu, qeexitaan ahaan, waxay Geyiga Soomaalida ka ahaayeen dad loo aqoonsan yahay inay ajnabi yihiin.

.
 

Mamnuuciddii Is-Addoonsiga

Dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad, in loo dhoofiyo addoomo dhanka bariga iyo koonfurta ee Geyiga Soomaalida ayaa dulaalleyda is-addoonsiga ee Bariga Afrika uga macaash badneyd inay addoomo u dhoofiyaan dunida Carabta iyo meelo kale. Sababtu waxay ahayd waxaa soo xirmaayey jidadkii badda, ee la marsiin jiray dadka addoomaha ah, taas oo salka ku haysay ku-dhawaaqiddii ay quwadaha gumeysiga Yurub ku dhawaaqeen inay qarnigii sagaal iyo tobnaad joojiyeen is-addoonsiga.

Markaas ka hor, ka-ganacsiga addoomaha wuxuu ahaa mashruuc aad looga macaasho Qaaradda Afrika. Saddexdii qof ee Afrikaan ah, hal ayaa wuxuu ahaa qof la addoonsado, sida ay Catherine Coquery-Vidrovitch ku caddeysay buuggeeda, Africa and the Africans in Nineteenth Century: A Turbulent History, ee la daabacay 2009-kii.

Sahmiyihii Faransiiska, Georges Révoil, ee sahanka ku maray gobollada bariga, waqooyiga iyo koonfurta Geyiga Soomaalida, wuxuu ku sheegay maqaalkiisa,’Voyage chez les Bénadirs, les Çomalis et les Bayouns en 1882 et 1883′, in dadkii ku noolaa degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ay saddex dhig laba dhig ahaayeen dad addoomo ah. Toban sano kaddib, sahmiyihii Talyaaniga, Luigi Robecchi-Bricchetti, ayaa buuggiisa xusuus-qorka, Somalia e Benadir: Viaggio di Esplorazione nell’Africa Orientale, ee la daabacay 1899, ku sheegay in saddex dhig ay hal dhig dadkii ku noolaa labadii degmo ee Muqdisho ahaayeen addoomo.

Tirooyinkaas ayaa u muuqata mid ka-badbadis ah. Sahmiyaashii gumeysiga ayaad mooddaa inay isaga dayanayeen inay buunbuuniyaan dhaawaca bulshadeed, ee u sahli karaya inay sharciyeeyaan aasaaska xukunkoodii gumeysi. Jan-Georg Deutsch, buuggiisa Emancipation without Abolition in German East Africa, c. 1884-1914, ee la daabacay 2006, ee uu kaga warramayo qaabkii addoonsiga looga joojiyey Bariga Afrika, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in joojinta addoonsiga ay qeyb weyn ku lahaayeen dadkii addoomaha ahaa laftirkooda.

Si kasta ha noqotee, soo-gelitaankii gumeysiga ee Afrika ayaa keenay is-beddelka weyn ee ku yimid ka-ganacsiga iyo ku-shaqeysiga addoomaha ee qaaradda gudaheeda iyo dibaddeeda. Iyaga oo meel-marinaya siyaasad liberal ah ayaa gumeystayaashii reer Yurub waxay la yimaaddeen in la mamnuuco addoonsiga, nooc kasta oo uu yahay.

Saraakiisha gumeysiga ayaa u isticmaalayey joojinta addoonsiga inay ku meel-mariyaan siyaasaddoodii beenta ahayd, ee ay ku magacaabeen ‘xadaaradeynta Afrika’. Waxay meel mariyeen sharci ka hor-tagaya addoonsiga (anti-slavery law), kaas oo markii dambe loo bixiyey sharciga quruumaha (the Law of the Nations). Sharciga ka hor-tagga addoonsiga ee gumeysiga marnaba ma joojininin ku-shaqeysigii adoonsiga, laakiin waxaa yaraaday ka-ganacsigii addoomaha ee dibadda loo dhoofin jiray Geyiga Soomaalida.

.

Qoraalka sawirka, qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa xaruumo dadka lagu adddoonsado ku lahaa Afrika

Natiijadii Mamnuucidda Addoonsiga

Dhanka koonfurta, si kasta ha noqotee, wuxuu gumeysigu joojinta addoonsiga ku wiiqay qabiillo Soomaaliyeed oo isaga dagaal gumeysi-diid ah kala hor-yimid, kuwaas oo addoomahoodu ay u ahaayeen kuwa u soo saara dhaqaalaha beeraha iyo xoolaha, ee ay ku maareynayeen noloshooda. Qabiilladaan ayaa nooca addoonsigoodu ahaa mid aan dibadda waxba loo dhoofin, ee dibadaha lagala yimaaddo addoomo.

Gumeysigii Talyaanigu, wuxuu aad u buunbuuniyey in qabiilladii Soomaalida ee koonfurta, ee la xarbinaayey xukunkooda, ay si xun ula macaamilaan dadka ay addoonsadaan. Sidaas awgeed, wuxuu gumeysigu meesha ka saaray inaan la dhoofin karin, lagana ganacsan karin dadka addoomaha ah. Arrintaas waxay toos u saameysay qabiilladii Soomaaliyeed ee ku tiirsanaa addoonsiga iyo tujaar Carbeed oo ku nooleyd magaalooyinka waaweyn ee xeebaha, kuwaas oo ku tiirsanaa dhaqaalaha laga sameeyo ka-ganacsiga iyo ku-shaqeysiga addoonsiga.

Waxaa kaloo jiray in dulmiga is-addoonsiga awgeed, ay addoomo fara-badan u baxsadeen meelo ku yaalla jiqda dhanka koonfurta, ayna aasaaseen tuulo weyn oo ay isugu yimaaddaan dadka soo fakaday, tuuladaas oo u dhow duleedka Webiga Jubba.

Hal mar ayaa meelo ka mid ah Geyiga Soomaalida, sida magaalada Muqdisho, waxaa sannadkii 1901-kii, buux-dhaafiyey dad addoomo ah oo la xoreeyey, oo ay adkaatay sida ay noloshooda ku maareyn lahaayeen.

Addoomihii la xoreeyey waxay ku qasbanaadeen inay u shaqeeyaan dadkii addoonsan jiray, waxaana billaabatay waxa loo yaqaanno servitu domestica (in guryaha la isku shaqeysto) iyo mid ka sii xumeyd oo ahayd lavoro forzato (in xoog la isugu shaqeysto beeraha). Tan dambe ayaa waxay soo gaartay illaa 1941-kii, oo gumeysigii Ingiriiska uu ka sii dhaxlay gumeysigii Talyaaniga, illaa la joojiyey kaddib markii ay dadka Soomaaliyeed, oo gumeysiga Ingiriisku u ballan-qaaday inuu ka xoreynayo gumeysiga Talyaaniga, ay ka dacwoodeen.

Waxaa weli taagan oo aan tirtirmi karin tiiraanyadii ka dhalatay taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida. In la qoro taariikhdaas foosha-xun, ee ay qeybta ka ahaayeen dadka Soomaalida ayaa muddo dheer ahayd wax facshar oo kale ah, oo la qariyo, lana tirtiro, qaasatan markii ay dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1960-kii. Maamulkii xukunka rayidka ahaa iyo taliskii xukunka militariga ee ka dambeeyey ayaa labadaba meel iska dhigay faylka ku saabsan in mashruuca addoonsigu – sida dunida inteeda kale – uu ahaa mid ka taaba-qaaday Geyiga Soomaalida.

In la duugo taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida ayaa waxaa ugu wacneyd in dersidda taariikhda Soomaalida loo jiheeyey wax kasta oo kaabaya in hoggaamiyeyaashii xukunnadaas ay sii haystaan ama sii xoojiyaan xukunkooda. Sida awoodda lagu haysanayo ama lagu raadinayo ayaa ahayd in taariikhda laga masaxo wax kasta oo keeni kara kacdoon dadweyne, oo ay dadku ku dalbanayaan taariikhda teeda runta ah, si loo abuuro mustaqbal wadajir ah oo la wada leeyahay.

Illaa iyo hadda, ma jiro buug cilmi ah, oo si faahfaahsan uga hadlaya taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida.

W; D: Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu wax ka dhigaa Jaamacadda King’s College London.

Hadalsame Media

]]>
95904
Soomaaligii kulansiiyey Siyaad Barre & Mingistu islamarkaana diidey saxiixa xeer qaban lahaa Soomaali kasta https://www.hadalsame.com/2023/07/17/soomaaligii-kulansiiyey-siyaad-barre-mingistu-islamarkaana-diidey-saxiixa-xeer-qaban-lahaa-soomaali-kasta/ Mon, 17 Jul 2023 11:27:09 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=95792

(Hadalsame) 17 Luulyo 2023Waxa uu ahaa fariid noloshiisa oo dhan u taagnaa difaaca iyo danaha Soomaalida. Isaga oo sagaal iyo toban jir ah ayuu Talyaanigu ka qafaalay Masar, waxa uu sabab u ahaa isfahamkii Jabuuti ku dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam. Waxa uu diiday malaayiin doolar oo laaluush ah si uu u saxiixo heshiis caalami ah oo qaban lahaa qof walba Soomaali ah maanta.

Allaah ha u naxariisto Barafasoor Maxamuud Macallin Cali Tuuryare oo ku dhintay magaalada Xamar 13 bishan July wuxuu ahaa qof magac weyn ku leh Soomaalida dhexdeeda. Barafasoor Tuuryare oo ku dhashay tuulada Ceelbaraf ee degmada Mahadaay sanadkii 1941dii waxa uu dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed usoo qabtay shaqooyin kala duwan oo qiimo badan. Nin dhinaca aqoonta iyo waxbarashada iyo waayo-aragnimada ku tilmaaman buu ahaa, waayo wuxuu ahaa nin fahmo badan oo aad u jecel waxbarashada. Waxaana sidaas ku barbaariyey aabbihiis oo ahaa macallin quraan.

isagoo yar ayaa la keenay Xamar halkaas ayuuna ka billaabay barashada aqoonta kala duwan ee diinta islaamka iyo afka carabiga markii uu noqday xerow cilmi barashada u go’ay. Markii uu meel fiican ka gaadhey taas oo uu weliba ku darsaday xoogaa waxbarasho casri ah ayuu 1954-kii deeq waxbarasho ka helay boqortooyadii Yemen ee Sanca fadhigeedu ahaa. Afka carabiga iyo shareecada islaamka ayuu ka bartay jaamicad Sanca ku taalley. Kabibna wuxuu deeq waxbarasho oo kale ka helay midowgii Soofiyeeti, gaar ahaan jaamicadda Lumumba oo uu ka qaatay darajada masterka 1965-kii, qaybta qaanuunka.

Dalka ayuu dib ugu soo noqday oo uu la shaqeeyey dawladdii Soomaaliyeed, ilaa laga gaadhayey bilowgii toddobaatanaadkii markaas oo uu dib ugu noqday Midowgii Soofiyeeti oo uu deeq waxbarasho ka helay, isagoo shahaadada PhD kasoo qaatay jaamicadda Moosko 1977-kii, kuna takhasusay qaanuunka dowliga ah. Kadibna dalka ayuu kusoo noqday oo wuxuu billaabay inuu shaqooyin kale duwan qabto sida bare ka tirsan kulliyadda qaanuunka ee Gahayr iyo hormuudka kulliyaddaas, iyo la taliyaha wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya dhinaca sharciyada. Dalalka carabta iyo afrikaanka ayuu uga mid noqday guddiyo joogto ah iyo kuwa aan joogta ahayn, maadaama uu ahaa qofka Soomaaliya ugu horreeya dhinaca qaanuunka caalamiga ah.

Markii ay dawladdii Soomaaliyeed dhacday 1991-kiina wuxuu u dhoofay Masar isagoo bare ka noqday jaamicadda mareykanka ee Qaahira, kadibna Mareykanka ayuu uga sii gudbey isagoo macallin ka noqday 1996-kii Virginia College ee North Virginia. 2008-10 ayuu la taliye sharci uga ahaa Qaramada midoobey sidey Soomaaliya u heli lahayd dawlad sal adag.

Jannadii Allaah ha geeyo, lama koobi karo Barafasoor Tuuryare shaqooyinkii uu soo qabtay dal iyo dibed, dawlad iyo khaas, iyo aqoontii uu lahaa, laakiin su’aashu waxay tahay qof caynkee ah ayuu ahaa? Muxuuse caan ku ahaa ama dadka kaga soocnaa?

Wuxuu ahaa nin aaney qabyaaladdu meelna kasoo gelin, aan eexda la soo marsiinin, waddaninnimo ku dhan tahay, diinta iyo dadkeeda jecel, faanka iyo isla weynida aan aqoonin. Waxa uu ahaa xishood badan oo xumaanta iska ilaaliya, sida ugu sarreysa u ilaashada sharaftiisa, jecel inuu dadka dhexgalo oo heshiisiiyo, mar walba isku hawla sidii dawlad e rasmi ah oo xoog leh loogu yeeli lahaa Soomaaliya.

Qof aan runta ka leexleexnin oo aan ka baqin nin haysta xukun ama awood ayuu ahaa oo aan magac iyo maal midna raadinin. Nin aqoontiisa iyo Alle ka cabsigiisa iyo aqooshiisa ku meel mara ayuu ahaa. Nin mar kasta ku dhex jira qoraal iyo aqoon abuurid ayuu ahaa, wuxuuna qoray ku dhowaad labaatan buug oo ay badankood ka hadlayaan Soomaaliya iyo qaanuunka caalimga ah.

Qoyska Tuuryare

XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKA TUURYARE

Kitaab qiimo badan oo ka hadlaya dagaalkii iyo dembiyadii ay Itoobiya ka sameysay Soomaaliya 2007-2008 oo uu u bixiyey “Kacdoonnada Soomaaliyeed iyo Cadow Kacbadiiba ku Duuley” ayuu ku daabacay kuna faafiyey Xamar 2009-kii. Afka carabiga ayuu ku gabyi jirey isagoo arday yar ah, darajada ugu sarreysa ayuuna keeni jirey weligiis intii uu waxbaranayey, mana dhaafi jirin fasalka, guriga iyo library-ga. Tusaalooyinka lagu xasuusto toosnaanta iyo turxaan la’aanta dhaqankii BarafasoorTuuryare waxaa ka mid ah mowqifkii uu ku adkeystay markii ay Ururka Afrikaanku (OAU) isku dayeen 1983-84 iney Soomaaliya culeys ku saaraan iney aqbasho in xeerka ururka wax laga beddelo oo ay Soomaaliya oggolaato in xuduudka u dhaxeeya iyada iyo itoobiya laga dhigo mid rasmi ah, si weyn ayuuna u diidey taas isagoo ka wakiil ah dalkiisa. Sidoo kale waxaa dhacday in loo ballan qaaday hal milyan iyo badh doolar si uu u saxiixo iney Soomaaliya xubin la noqoto dawladaha oggol xeerka xuquuqda halabuurka (copyright), wuuna diidey taas waayo dawladda Soomaaliyeed dani uguma jirto taas. Markii ay Mengistu Haile Mariam iyo Siyaad Barre isku mari waayeen kulan ku dhexmaray 1988 Jabuuti isaga ayaa sabab u noqday in la gaadho isfaham.

1991-kii markii la ridey Siyaad Barre wuxuu ku celceliyey oo uu cod dheer ku sheegay in la raaco dastuurka oo aan la dhisin dawlad cusub oo aan heshiis lagu ahayn. Waxayna tani u keentay in la soo weeraro oo leysku dayo in la dilo laba jeer Xamar dhexdiisa 1991-kii, kadibna waxaana lagu khasbay inuu dalkiisa ka cararo. Sidoo kale dawladda Talyaaniga ayaa dhammaadkii kontomeeyadii kasoo qafaashey Qaahira oo markab soo saartay dabadeedna ku xirtey xabsi ku yaal Xamar iyadoo ku andacooneysa inuu qoray maqaallo badan oo uu ku diidan yahay joogitaanka Talyaaniga ee dalka Soomaaliya markii uu Yemen wax ka baranaayey. Dadkii lagu xasuuqay iskuulka Maxamuud Axmed Cali ee Xamar ku yaal 1991-kii ayuu si qoto dheer u baadhay oo uu qoraal ka sameeyey. Gunaanadkii Barafasoor Maxamuud Tuuryare wuxuu ahaa nin darajo sare rabbi siiyey iyo halyey ka baxay dadka Soomaaliyeed. Allaah ha siiyo naxariis iyo nicmo ballaadhan.

Qoyska Tuuryare

Warbixintan waxaa qoray Cabdirisaaq Axmed, oo ah weriye, qoraa iyo cilmibaare muddo dheer saaxiib iyo sheeko-wadaag lahaa Barafasoor Maxamuud Tuuryare. Xogtan waxaa laga soo xigtay buug aan weli la daabicin ee uu sooyaalkiisa ka qoray Barafasoor Tuuryare, iyo xogwaran iyo sheekooyin uu isagu horey u bixiyay. Wixii aragti ah waxaa gaar u leh qoraaga, mana ka turjumeyso aragtida Hadalsame Media

Hadalsame Media

]]>
95792
Qaaddigii gooyey go’aanka qaraar ee haragga laga siibey isagoo nool (Qiso dhab ah oo MUSUQ la xiriirta) https://www.hadalsame.com/2023/07/06/qaaddigii-gooyey-goaanka-qaraar-ee-haragga-laga-siibey-isagoo-nool-qiso-dhab-ah-oo-musuq-la-xiriirta/ Thu, 06 Jul 2023 17:26:30 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=95515 (Hadalsame) 06 Luulyo 2023 – Musuqu waa aafo qaran: Sawir gacmeedkan qarnigii 16aad la sameeyey wuxuu muujinayaa Qaadi la oran jirey Sisamnes oo musuqmaasuqiste ahaa noolana sanadku markuu ahaa 500.

Wuxuu xaakim u ahaa boqortooyadii Beershiya ee boqor Cambyses-kii 2aad. Waxaa lagu heley inuu laaluush qaatey kadibna uu xukun dhagareed ridey.

Natiijada kadhalatey waxey aheyd inuu boqorku amrey in isagoo nool maqaarka laga siibo ilaa uu ka nafbaxey.

Intaan xukunta maqaar siibista lagu ridin boqorku wuxuu weydiiyey qaadiga qofka uu doonayo in lagu bedelo, wuxuuna codsadey wiilkiisa Otanes in lagu bedelo xilkiisa.

Laakiin bqorku wuxuu amrey in maqaarkiisa kursiga uu qaadigu ku fadhiisanayo lagu sameeyo, si wiilkiisa iyo mid kastoo ka dambeeya markuu xukun ridayo u xusuusto kursiga uu ku fadhiyo inuu yahay maqaarka Qaadi musuq ahaa.

W; D: Mustafa X. Cabdinuur

Hadalsame Media

]]>
95515
Taariikhda Boqortooyadii Cismaaniyiinta Turkiga min Qarniyadii ilaa 13-20aad (Qaybtii 2-aad) https://www.hadalsame.com/2023/06/21/taariikhda-boqortooyadii-cismaaniyiinta-turkiga-min-qarniyadii-ilaa-13-20aad-qaybtii-2-aad/ Wed, 21 Jun 2023 06:39:54 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=95111 (Hadalsame) 21 Juun 2023 – Taymuur Lank oo isir ahaan Turco-Mongol ahaa, waxa uu boqortooyo awood badan (1370-1405) ka samaystay dhulka hadda loo yaqaan Iran, Afghanistan iyo Aasiyada Dhexe. Halkan ka eeg qaybtii 1-aad…

Sanaddii 1402dii dagaal faraha looga gubtay baa waxa uu Ankara ku dhex maray Baa-Yaziid iyo Taymuur Lank, hase yeeshee dagaalkaas Taymuur Lank baa Cismaaniyiinta kaga guulaystay.

Baa-Yaziid waxa uu kamid noqday maxabiistii dagaalka ee uu Taymuur Lank qabsaday, sidii loo jir dilayay, buuna xabsiga ku dhintay.

Taymuur Lank dib buu uga gurtay maamulkii dowladda Cismaaniyiinta oo burbursan, burburkaasina waxa uu socday muddo dhawr iyo toban sano ah, ilaa uu yimid Muraadkii 2aad.

Muraadkii 2aad (1421-1451) waxaa u suurto gashay inuu dib usoo dhiso dowladdii cismaaniyiinta, dibna usoo celiyo dhammaan dhulalkii looga qabsaday Aasiyada Yar iyo Yurub.

Sanaddii 1444kii Muraadkii 2aad waxa uu iska caabbiyay duullaanno kaga yimid ciidamo is bahaystay oo xoog badan, kana koobnaa dalalka; Hungary , Poland, Serbia iyo Biisandha uuna hoggaaminayey boqorkii Hungary, waxana uu u diiday inay Wabiga Danube soo gudbaan.

Muraadkii 2aad waxa uu inankiisii Maxamedkii 2aad (Mehmed II, 1451-1481) oo lagu naaneysi jiray Maxamed Al-Faatix (Mehmed the Conqueror) uga dhintay ciidan xoog leh oo midaamsan.

Guulihii uu Maxamed Al-Faatix gaaray waxa ugu waynayd in uu sanaddii 1453kii furtay caasimaddii boqortootadii Biizandha, Qustantiiniya (Constantinople = Istanbuul).

Magacii magaalada waxa loo beddelay Islaambuul oo markii dambe loo sii beddelay Istanbuul, kaniisaddii ay magaaladu caanka ku ahayd (Aya Sophia) waxa loo beddelay Masjid. Sidaas bay Istanbuul ku noqotay caasimaddii dowladda Cismaaniyiinta.

Maxamed Al-Faatix intaas kuma aanu hakan eh, dhammaan dhulkii saldanaddii Saljuyqiyiintu at xukumi jirtay maamulkiisa ayuu hoos geeyay.

Suldaan Saliimkii 1aad (Selim I, 1512-1520) xilligiisii waxa u suurto gashay inuu xididdada u siibo dowladdii Safawiyada (Safavid Empire) Iiraan, waxana uu uga guulaystay dagaalkii ka dhacay Chaldiran oo ah goob ku taal xuduudda Turkiga iyo Azerbaijan. Sidoo kale waxa uu qabsaday Masar iyo Shaam (Falanstiine, Lubnaan, Suuriya iyo Jordan) isaga oo Mamaaliigtii ku jebiyay dagaalkii Ridaniya, waxana maxbuus ahaan loo soo qabtay Tuman Bay oo ahaa suldaankii ugu dambeeyay saldanaddii Mamaaliigta (Mamluk Sultanate) ee Masar ka talinaysay.

Isla waqtigaas, shariifkii Makka ayaa furayaashii labada Xaram ee xurmada leh ku wareejiyay Sultaan Saliimkii 1aad, isaga oo sidaasi ku hoos tegay dowladdii Cismaaniyiinta. Sidoo kale, Sultaan Saliim waxa uu qabsaday Beytul-Maqdis keddib markii uu Mamaaliigtii Masar jebiyay.

Sanaddii 1518kii Suldaan Saliimkii 1aad waxa uu noqday Khaliifkii ugu horreeyay muslimiinta oo Cismaaniyiinta kasoo jeeday, keddib markii uu Masar qabsaday, waxana uu caasimaddii khilaafada ka wareejiyay Qaahira, una wareejiyay Istanbuul.

Qaahira waxay marti gelinaysay caasimaddii khilaafada Cabbaasiyiinta, laga soo billaabo markii ay Baghdaad burburtay, waxana marti geliyay mamaaliigtii Masar ka talinaysay.

Keddib markii uu Masar furtay, mamaaliigtiina jebiyay, Sultaan Saliimkii 1aad waxa uu khaliifkii Cabbaasiyiinta Al-Mutawakilkii 3aad ku khasbay in uu khilaafada uga tanaasulo. Sidaas bayna khilaafadii uga baxday gacantii Cabbaasiyiinta uguna wareegtay gacantii Cismaaniyiinta.

Dowladdii Cismaaniyiintu waxay heerkeedii ugu sarraysay gaartay xilligii Sultaan Sulaymaan Qaanuuni (1521-1566) oo uu dhalay Sultaan Saliimkii 1aad, kaas oo Reer Galbeedku ay ku naynaaseen Sulaymaankii Weynaa (Suleiman the Magnificent).

La soco qayb kale…..

W; D: Muuse Sabriye

Hadalsame Media

]]>
95111
“Waxaa naloo diray inaan soo dilno nin abti iigu aaddanaa!” – Qiso dhab ah oo ku saabsan dhaqan liita oo ay Soomaalidu ilaa maanta daba socoto https://www.hadalsame.com/2023/05/10/waxaa-naloo-diray-inaan-soo-dilno-nin-abti-iigu-aaddanaa-qiso-dhab-ah-oo-ku-saabsan-dhaqan-liita-oo-ay-soomaalidu-ilaa-maanta-daba-socoto/ Wed, 10 May 2023 12:31:59 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=93799 (Hadalsame) 10 Maajo 2023 – “Anigoo yar ayaa aabbahay waxaa dilay reer kale oo aan degaan wadaagnay. Markaan soo hanaqaaday ayaa maalin reerkeennu shiray. Waxaa la yiri “dhiiggii Xuseen lama illaawi karo.”

“Aniga iyo saddex nin ayaa hub nala siiyey oo naloo sheegay in ninka aabbahay u dhigma uu yahay nin aabahay abti u ahaa. Ninkii gurigiisii ayaan waqti Casar gaab ah nimi. Wuu na gartay oo gogol fiican noo dhigay oo markiiba wan weyn noo qalay.

“Dibedda annagoo weli fadhina ayaa roob yimi. Wuxuu noo dhisay aqal laba daryaale ah oo aan roobka ka galno. Xooggii roobka ayaa aqalkii soo dhaafay oo wuu soo darrooray. Wuxuu haddana noo keenay hargo iyo gogol qurxoon oo dusha naga saaray si aan maryuhu nooga qoyin.

“Dhulku baraago ma lahayn oo biyuhu ma qabsoomayn marka xoolihii ayaa biyihii lagu sii daayey si intaanay dhulka u gelin ay u cabbaan. Waxaan is niri waa waqtigii ugu habboonaa oo aad ninka dili lahaydeen.

“Anigaa qoriga xabbaddu iigu jirtaa oo qorshuhu ahaa inaan gacanta lahaado. Markaan soo kacnay ayaan iri “War ma ninka darroor noo quuri waayey ayaan xabbad u quurnaa, haddaanse dilo, aabahay ma ii soo noolaanayaa!” Nin ayaa igu yiri nacasnimada awalba waa kugu ogaa.

“Nin kalena wuxuu yiri “mayee wallaahi adigaa naga caqli badan.” Aqalkii ayaan ku noqonnay. Casho iyo hurdo wanagsan ka dib, subixii ayuu caano geel na siiyey. Waagaas shaah lama aqoon.

“Waan u tegey oo waxaan iri awal waxaan u socdey inaan ku dilo oo qoriga xabbadu waa iigu jirtey. Laakiin markaad darroortii noo quuri weydey ayaan annaguna xabaddii kuu quuri weyney.

“Hadda waxaan doonayaa inaad gabar i siiso oo aad aabbe ii noqotid. Wuu i dhunkaday oo gabar markaa labo jir ahayd i yiri waa ku siiyey.

“Markaan guryihii ku noqonnay dadkii na soo diray waa nagu raaceen in sida aan yeelnay ka fiican tahay dilkii. Gabadhii markay 17 sano jirsatay ayaan is guursannay. Waxay ii dhashay 14 carruur ah.”

FG: Waxaa ka qisooday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo cimrigiisa ku dhammaystay inuu nabad ka shaqeeyo. Maantoo kale 10-kii Maajo 2019-kii ayuu ku geeriyooday Hargaysa. Ilaahay ha u naxariisto.

W; D: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media

]]>
93799
Seddax waxyaabood oo ay ahaan jireen Muqdisho, Berbera & Xaafuun oo aysan maanta ahayn https://www.hadalsame.com/2023/05/06/seddax-waxyaabood-oo-ay-ahaan-jireen-muqdisho-berbera-xaafuun-oo-aysan-maanta-ahayn/ Sat, 06 May 2023 07:11:28 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=93585

(Hadalsame) 06 Maajo 2023 – SADDEX SU’AAL – Dhalinyaro, sanadkii 1848-kii, dekadda Berbera waxay ahayd ekadda 1-aad ee dunada ee wax laga dhoofiyo, taas oo ku shaqaysa hannaanka cashuur-la’aanta ah (Free Port). Sanadkaas gudihiisa waxaa dekaddan ka dhoofay hanti ay sideen 7,000 oo rati. Hantidaas ayaa dhamaanteed laga keeney gudaha degaanada ay ku dhaqan yihiin Soomaalida iyo Oromada.

Isla-sanadkaas waxaa deadda Berber aka soo degey hanti lagu gaadiidey 6,800 oo rati, taas oo gebi ahaan u udbay gudaha. Arintaasi waxay dhacday iyada oo aanan weli la furin biya-mareenka Suweys. Haddaba su’aal ayaan idin weydiinayaa, xilligaas qiimaha ay Berbera lahayd ma-tahay mid maanta leh?

Sanadkii 1929-kii, degmada Xaafuun waxay ahayd degmo xeeb ah ee dunida ku taal oo laga dhoofiyo cusbada middeeda 1-aad. Bil walba waxaa degmada ka bixi jiray shan Markab oo waawayn oo cusbo ah.

Cusbadaas waxaa qaadan jiray waddamada ay kamidka yihiin Talyaaniga, Jabaan iyo Jarmalka, kuwaas oo wershadohooda ay baai baan u qabeen cunuran cubaa ah. Magaaladu waxay markaas ahayd qaaradda Afrikada madow degmada tirada badan ee leh dad shaqaale ah. Haddaba su’aal ayaan idin weydiinayaa, xilligaas qiimaha ay Xaafuun lahayd ma-tahay mid maanta leh?

Sanadkii 1975-kii, magaalada Xamar waxay ahayd magaalo dunida dhacda ee laga dhoofiyo xoolaha nool middeeda 1-aad. Xoolahaas waxay isugu jireen ari, ido, lo’ iyo geel. Xoolahaas ayaa dhamaantood waxaa loo dhoofiyey waddamada Khaliijka oo xilligaas saboolnimadii ka soo baxay.

Waxay ahayd xilli ay u bilaabatay kor u-kaca dhaqaale ee la xiriirey shidaalkoodii oo u gadmay. Sidaa darteed waxay bilaabeen in ay hilb badan cunaan. Meesha ugu dhow oo ay ka heli-karaan waxay noqotay Soomaaliya. Haddaba su’aal ayaan idin weydiinayaa, xilligaas qiimaha ay Xamar lahayd ma-tahay mid maanta leh?

Xaafuun peninsula: a Quickbird satellite image with surveyed locations... | Download Scientific Diagram

Berbera - Wikipedia

Qore: Dr. Saadiq Enow

Mail: saadiqm1000@gmail.com

Hadalsame Media

]]>
93585