Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Maqaallada – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Fri, 15 Dec 2023 10:39:40 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 Gabar fanka ku cusub oo ka hadashay waxa ka jira arrin mar kasta laga sheego fanka https://www.hadalsame.com/2023/12/15/gabar-fanka-ku-cusub-oo-ka-hadashay-waxa-ka-jira-arrin-mar-kasta-laga-sheego-fanka/ Fri, 15 Dec 2023 10:39:40 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100984

(Muqdisho) 15 Dis 2023 – Rooda Kayf waa mid ka mid ah hablaha ugu da’da yar, ugu na mudada kooban fanka cusub ee Soomaalida. Haddana, waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan iyada oo heesaa ah wax ka yar labo sano.

Wareysi ay siisay BBC waxay uga hadashay sida ay uga tagtay qareennimada ay baratay, iyo sida shilka ah ee ay ku bilowday inay heesto oo ay fanaan noqoto.

Gabadhan oo markii hore kusoo caan baxday dib-u-qaadista heesaha hablihii ugu caansanaa ee ugu saameynta weynaa fanka Soomaalida xilligooda ee Magool, Saado Cali, iyo Hibo Nuura oo ay kusoo bandhigi jirtay baraha bulshada ayaa markii dambe bilowday inay qaado heeso cusub oo aan horey loo qaadin.

‘Sida anniga oo aan fanaan ahayn lacag ugu helay in aan heeso’
Rooda Kayf muddo kooban ayay uga mid noqotay hablaha ugu caansan fanka Soomaalida xilligan
Rooda Kayf muddo kooban ayay uga mid noqotay hablaha ugu caansan fanka Soomaalida xilligan

Rooda Cabdirashiid Maxamuud oo ah gabadha aabbe dugsiyada sare ka dhiga gobolka Sanaag ayaa ka sheekeeysay sida uu fanka iyo heesaha ugu ahaayeen riyo carruurnimo, iyo hibo ku dhex nool ilaa carruurnimadeeddii.

Nafteeda iyo dad kooban ayay u heesi jirtay ka hor inta aysan usoo guurin dunida internetka iyo TikTok, halkaas oo shirkada ka ganacsatada soo-saarida barnaamijyada madadaalada ee Astaan ka arkeen islamarkaas na ka caashaqeen habka ay Rooda ugu luuqeyso heesaha gabdhihii hore masraxa Soomaalida, kuwaas oo aanan badidood laga heyn muuqaalo tayo leh oo heesahooda ah.

Xilligaas, Rooda waxay isaga mashquulsan tahay mihrad ganacsi oo gabdha lagu qurxiyo oo ay ka furatay magaalada Ceerigaabo kadib markii ay ka qalinjebisay jaamacadda Sanaa goo ay ka baratay cilmiga qaanuunka iyo qareennimada.

‘‘Waxaan rumeysan waayay markii ay igu yiraahdeen lacag intee la eg ayaad inoogu duubeysaa afar hees oo kuwii hore ah,” ayay tiri Rooda oo la hadashay BBC.

Kolkaas ka hor, maalin kama heysan heesin fagaare iyo meel qalab heeso lagu tumayo ay yeelaan, kuwaas oo si rasmi ah loogu baahin doono bulshada.

Rajo iyo damac dhaqaale ayaa Rooda ka galay fanka.

‘‘Wada hadal iyo xiriir muddo socday kadib, waxay igula heshiiyeen inay kun doolar igu siiyaan afarta hees ee aan u duubayo.” Wixii markaas ka dambeeyay, heesahu waxay u noqdeen xirfad ay si maalinle ah ugu shaqeyso.

Fankeedii iyo heesaheeddii ku koobnaa TikTok wuu bulaalay, waxa uuna noqday mid wada gaara Soomaalid, si gaar ah jiilka cusub gees ka gees.

Kahor inta aysna heesaa noqon, Rooda waxay ka qalinjebisay jaamacadda Sanaag oo ay ka baratay qaanuunka iyo qareennimada
Kahor inta aysna heesaa noqon, Rooda waxay ka qalinjebisay jaamacadda Sanaag oo ay ka baratay qaanuunka iyo qareennimada

‘‘Anniga awal intaan fanka soo gelin waxaan isaga soo duubi jiray TikTok. Waa meesha ay dad badani ka aamineen inaan qaadi karo ama aan aad u soo dhaweeyn karo heesihii hore qaab qaadidooda,’’ ayay tiri.

Laakiin dadka qaar Rooda waxay ku dhaliileyn inay qalad ku gashay heesaha hore ee ay dib u qaaday, iyo inay xitaa meelaha qaar ay bedeshay erayadii rasmiga ahaa ee heesahaa, ogaal iyo ogaal la’aan ba.

Rooda oo wlei ganacsiga qurxinta gabdhaha na halkeeddii ka wada, qaladaadkaas way iska leexisay, iyada oo rumeysan inay magac iyo xushmo ku heshay dib-u-qaadida heesahii hore.

‘‘Annigu ba waan ka carroodaa mararka qaar ee aan arko qof heesihii hore si qaldan u qaadaya,” ayay tiri Rooda. Sidaas oo ay tahay, Rooda waxay ka mid ah tahay fanaaniinta kooban ee sida ugu dhow u keenay heesaha hablihii hore ee fanka Soomaalida.

Warbixino la xiriira fanaaniinta Soomaalida iyo sheekooyinkooda

‘Sida lacag looga sameeyo fanka iyo heesaha Soomaalida’

Rooda Kayf waxay fanka Soomaalida ku tilmaamtay in uu yahay mid ka mid xirfadaha lagu shaqeysto ee dhaqaalaha iyo lacagta ugu badan laga helo, iyo shaqo dadku aad ugu baahan yihiin oo dalabkoodu badan yahay.

Waxay diiday aragtida guud ee laga aaminsan yahay fanka Soomaalida ee ah in uu yahay xirfad sabool oo aan shilin laga helin, aragtidaas oo ku dhisan cilmi iyo sheeko dhegood laga hayo fanaaniintii hore iyo noloshooda.

‘‘Qofkii ka shaqeysiiya fnakiisa, waxa uu ka helayaa lacag aan caadi ahayn. Fanaanka ayay ku xidhan tahay meesha uu isgeeyo iyo sida uu wax ugu kordhiyo noloshiisa,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay dalabka fanaaniinta iyo xaflada aroosyadu inay badan yihiin, iyada oo habeenada laga waco inay ka heesto saddex ilaa afar xaflad aroos, kuwaas oo ay mararka qaar isu marto.

‘‘Waxaa lagaa wacayaa magaalooyin iyo dalal kala duwan, inkastoo qiimaha magaalooyinka ay kala duwan yihiin.”

Marka ay ugu yartahay, waxay habeenkii ay xaflad aroos tagto ka heshaa Kun doolar, iyada oo xitaa maalmaha qaar isu marta xaflado aroos oo ka kala dhacaya Muqdisho iyo Hargeysa.

“Marka aan isu maro dhowr xafladood waxaan helaa lacag u dhiganta kun doolar,” ayay tiri Rooda Kay foo farriin u dirtay dadka ku sheegta fanka Soomaalida in uu yahay xirfad sabool.

Rooda Kayf (midig) iyo Hibo Nuura (bidix) waxay ka mid yihiin hablaha ku cusub fanka Soomaalida kuwooda ugu caansan
Rooda Kayf (midig) iyo Habboon Nuura (bidix) waxay ka mid yihiin hablaha ku cusub fanka Soomaalida kuwooda ugu caansan

‘Dadka dhahaya lacag lagama helo fan aniga waan ka soo hor jeedaa. Lacag fiican ayaa ka helaa,”ayey tiri Rooda Kayf.

Laakiin sida ka caadiga ah qoysaska Soomaalida, waalidkeed lama jecleyn fanka, oo waxay doorbidayeen inay noqoto qareen ku shaqeeya xrifadii sharciga ee ay jaamacadda ka baratay.

Waa taas wehliya inay kasoo jeedo qoys uusan soo gelin raad heesaa iyo fan. Aabeheeh oo ah macalin dugsi sare waxa uu ku yiri:

‘‘Aabbe sidee ayeey u suuragaleysaa anigoo ubad soo saaraya oo macalin oo iskoolkii dhigaya adiguna inaad heesto? Way igu adag tahay inaan dad toosan soo saaro.’’

Se, waxay Rooda Kayf sheegtay in ugu dambeyn ay iska maslaxday aabbeed oo kula dardaarmay oo uu uga digay in aysan isku dhex hilmaamin fanka, oo uusan maqlin gabadhiisa loo sheegayo inay noloshii ka hartay.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100984
Sida ay wasaaradaha DF u kala badsadeen Miisaaniyadda Qaranka ee cusub (Kuwee lagu yareeyey?) https://www.hadalsame.com/2023/12/14/sida-ay-wasaaradaha-df-u-kala-badsadeen-miisaaniyadda-qaranka-ee-cusub-kuwee-lagu-yareeyey/ Thu, 14 Dec 2023 10:04:28 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100946

(Muqdisho) 14 Dis 2023 – Baarlamaanka Federaalka ayaa toddobaadkan ansixiyay miisaaniyaddii dowladda ee sanadka soo socda, taas oo gaareysa in ka badan hal bilyan oo doollar.

Waa tii ugu badneyd abid ee la ansixiyo. In ka badan kala bar lacagtaas waa deeqo laga helayo dibeda oo ay bixinayaan hay’addo caalami ah.

Miisaaniyadan ayaa ah dhaqaalaha ay ku howlgelidoonaan hay’adda dowladda, sida xafiisyada madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo guddoomiyeyaasha baarlamaanka, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee qaran.

Waxaa qeyb ka ah mushaaraadka xubnaha baarlamaanka ee kala bar ka badan la kordhiyay, kan shaqaalaha rayidka iyo ciidanka.

Hadda ba, sidee baa loogu qeybiyay miisaaniyadda Wasaaradaha Xukuumada Federaalka ah, wasiiraddii helaya qoondada lacageed ee ugu badan, iyo kuwa loo qoondeeyay dhaqaalaha ugu yar ee miisaaniyadda sanadka soo socda?

Wasaaradda Maaliyadda – Tan ugu qoondada weyn dhanka dhaqaalaha

Biixi waxa uu bedalay wasiirkii hore ee Maaliyadda Dr Cilmi Nuur dhowr bil kahor
Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan ayaa xilkan loo magacaabay dhowr bil kahor markii la eryay wasiirkii hore

Wasaaraddan oo dhowr bil kahor yeelatay wasiirkii labaad oo ah Biixi Imaan Cige, oo ah xildhibaan gobolka Waqooyi Galbeed ku metela baarlamaanka ayaa loo qoondeeyay lacag ka badan Boqol, labaatan iyo sideed Milyan oo doolar (128,113,123).

Lacagtaas waa inta ay ku howlgaleyso wasaaradda, waxaa na ka baxsan lacag kale ee xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Adeega Guud ee Dowladda, Agaasinka Xarunta Warbixinada Maaliyadda, iyo Hay’adda Iibka iyo Qandaraasyada.

Lacagta guud ee ku baxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’addaas waxay gaareysa labo boqol, labaatan iyo saddex milyan oo doolar.

Tan waxay ka dhigeysaa Xildhibaan Biixi wasiirka ugu qoondada weyn miisaaniyadda, oo ay soo diyaarisay wasaaraddiisa, iyo mid ka mid ah wasiiradda ugu muhiimsan xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada

Xildhibaan Maxamed Cilmi waxaa xilkan loo magacaabay dhowr bil kahor isaga oo buuxiyay kursiga xukuumada ee gobolka Awdal ee uu baneeyay wasiirkii hore ee maaliyadda
Si la mid ah wasiirka maaliyadda, Xildhibaan Maxamed Cilmi waxaa xilkan loo magacaabay dhowr bil kahor isaga oo buuxiyay kursiga xukuumada ee gobolka Awdal ee uu baneeyay wasiirkii hore ee maaliyadda

Wasaaraddan oo uu xilkeeda haya xildhibaan Maxamed Cilmi Ibraahim oo ku fadhiya mid ka mid ah kuraasta gobolka Awdal waa tan labaad ee ugu miisaaniyadda weyn dhammaan wasaaradaha dowladda federaalka ah.

Xildhibaan kan oo helay xilkan wasiirnimada kadib markii Dr Cilmi Maxamuud Nuur laga qaaday xilka wasiirka maaliyadda dhowr bil ka hor ayay wasaaradiisu heshay lacag ka badan toddobaatan iyo sideed milyan, saddex boqol, sideedan iyo toddobo kun oo doolar.

Labo milyan oo ka mid ah lacagtaas waxay ku baxaysaa gunooyin iyo mushaar, halka hal milyan oo kale na ay ku baxayso socdaal, shirar iyo kiro.

Lacag kale oo dhan hal milyan iyo saddex boqol oo doolar waxay ku baxaysaa shidaalka iyo saliida, qalab isgaarsiin, iyo agabka xafiisyadda.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha

Wasiir Taqal sidoo kale waa xildhibaan
Wasiir Taqal Cabbaas waxa uu sidoo kale xubin ka yahay Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah

Waa tan saddexaad ee ugu qoondada weyn wasaaradda federaalka, waxaa na ku magacaaban Jaamac Taqal Cabbaas, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo laga soo doorto Koonfur galbeed.

Qoondada miisaaniyadda ee wasaarad waxay gaareysaa Lixdan iyo saddex milyan oo doolar.

Lacag ku dhow 35 milyan waxay ku baxaysa adeegga Latalinta iyo Xirfadaha, halka lacag kabdan labo milyan iyo shan boqol ay ku baxayso Kharashka socdaalka iyo Shirarka.

Wasaaraddda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska

Wasiirka Howlaha Guud oo wehliya Raysal wasaare Xamse iyo madaxweyneha Jubbaland Axmed Madoobe iyaga oo si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha wado laami ah gudaha magaalada Kismaayo
Wasiirka Howlaha Guud oo wehliya Raysal wasaare Xamse iyo madaxweyneha Jubbaland Axmed Madoobe iyaga oo si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha wado laami ah gudaha magaalada Kismaayo

Wasaaraddan oo uu ku magacaaban yahay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir waxay qaabilsan tahay arrimaha la xiriira dhismeyaasha dowladda iyo howlaha guud.

Waxay ku shaqeyneysaa miisaaniyad ka badan kontan iyo labo milyan oo doolar.

Lacag ku dhow saddex milyan waxay ku baxaysaa adeega iyo agabka wasaaradda, halka lacag kale oo ku dhow hal milyan oo doolar na ay ku baxayso socdaal iyo shirar.

Wasaaradda Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji

Wasaaradda Caafimaadka ee uu madaxda ka yahay Xildhibaan Cali Xaaji Aadan waa tan shanaad ee ugu miisaaniyadda weyn wasaaradaha federaalka ah, iyada oo ku shaqeyneysa lacag dhan kontan iyo labo milyan oo doolar. Xildhibaan waxa uu baarlamaanka federaalka ah ku matelaa gobolka Hiiraan.

Afar milyan oo ka mid ah qoondada wasaaradda waxay ku baxaysaa adeeg iyo agab, halka lacag ku dhow saddex milyan iyo bar na ay ku baxayso Adeegga Latalinta iyo Xirfadaha.

Wasaaradaha ugu miisaaniyadda yar xukuumada

Miisaaniyadda la ansixiyay waa tii ugu weyneyd
Baarlamaanka ayaa ansixiyay miisaaniyaddii ugu badneyd ee ay soo gudbiso xukuumada Xasan iyo Xamse

Shanta wasaarad ee ugu miisaaniyadda yar waxay kala yihiin wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee uu hoggaamiyo xildhibaan Maxamed Barre ee baarlamaanka ku matela gobolka Shabeelada Hoose.

Wasaaradaas oo dhan waxaa loo qoondeeyay lacag dhan hal milyan oo doolar. Lacagtaas badideed waxay ku baxaysaa gunooyin iyo mushaar.

Tan xigta waa Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadan ee ay ku magacaaban tahay xildhibaanka iyo aan mudada dheer dhicin Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, oo laga soo doorto gobolka Shabeelada Dhexe.

Wasaaradan waxaa loo qoondeeyay hal milyan iyo boqol iyo kontan kun oo doolar. Lacag ku dhow hal milyan oo ka mid ah qoondadaas waxay ku baxaysaa mushaar iyo gunooyin.

Waxaa la mid ah Wasaaradda Bii’ada iyo isbadalada Cimilada ee Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo ah safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Pakistan. Waxaa loo qoondeeyay wasaaradaas lacag ka yar hal milyan iyo bar doolar.

Waxaa xiga wasaaradda Amniga gudaha oo loo qoondeeyay hal milyan iyo lix boqol oo kun oo doolar.

Waxaa lacagtaas ka baxsan miisaaniyadda Taliska Ciidanka Booliska, Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee hoos yimaada wasaarada Amniga gudaha.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100946
Hal talo oo loosoo jeediyey DF si loo afjaro arrinta shilka uu ku lug yeeshay wiilka MW Somalia https://www.hadalsame.com/2023/12/10/hal-talo-oo-loosoo-jeediyey-df-si-loo-afjaro-arrinta-shilka-uu-ku-lug-yeeshay-wiilka-mw-somalia/ Sun, 10 Dec 2023 09:02:06 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100820 (Hadalsame) 10 Dis 2023 – Magaca soomaaliya sida baraha bulshada turkiga loogu hadal hayo maalmahan waa mid aan dhicin ilaa macaluushii 2011, sababtuna waa shilkii gaariga dawladda soomaaliya ku qoran ee ninka turkiga ahi ku dhintay Istanbul 30/11/2023, loona tiiriyey wiilka madaxweynaha soomaaliya.

Arrintu caadi ayey ahaan lahayd haddeyan ahayn: Wiil Madaxweyne fadhiya iyo gaari dawladeed.

Dawladda Turkigu wexey lagama maarmaan u aragtay in ay shacabkeeda u caddayso sida wax u dheceen, iyo tallaabooyinka cadaaladda ee ay qaadeyso oon leex leexadka lahayn, dawladda soomaaliyana ilaa hadda waa aamusantahay, sida wax u dheceenna ma caddayn, taas oon munaasib ahayn.

Shil waa dhacaa, waana qaddar Ilaahay, meel walbana waa ka dhacaa, laakiin waa in si miisaankeeda leh loola tacaalo, dadkii wax gaareenna lala xiriiro, dawladda aynu saaxiibka nahayna aan xaraj la gelin, dadka soomaaliyeed ee ku nool iyo shacabka walaaleheenana wax loo caddeeyo, waayo arrintu ma aha qof ee waa qaran, meeshuna soomaaliya oo wixii la doono la falo ma aha, ee waa Jamhuuriyadda Turkiga.

Haddii aan dawladda iyo (madaxweynaha oo arrintu si gaar ah iyo si guudba u khusayso) ayan hadda arrinka daba qaban, waxaa ka dhalan karta cawaaqib aan fiicnayn oo saamayn ku yeelan karta xiriirka labada dal iyo soomaalida turkiga joogta oo dhan, Ilaahay tawfiiqda haynna waafajiyo.

W; Q: Sh Maxamed Idriis

Hadalsame Media

]]>
100820
”Sidani sax ma aha!” – Naqdin ku fooggan sida loo qaabeeyey dood xalay laga baahiyey warbaahinta DF (Daawo) https://www.hadalsame.com/2023/12/09/sidani-sax-ma-aha-naqdin-ku-fooggan-sida-loo-qaabeeyey-dood-xalay-laga-baahiyey-warbaahinta-df-daawo/ Sat, 09 Dec 2023 11:11:41 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100797 (Muqdisho) 09 Dis 2023 – Dooddaan iyo dumarka qurba joogta ah ee yiraahd nimankii waxaa naga dhacay dumarka Afrika joogga waa iska ag dhoowyahiin, waxaana ka dooddi kara labadaba, qof xanaaaqsan oo raba inuu caytamo masuuliyad uu gabayna cid kale ku eedeeyo.

SNTV iyo SONNA siddaan sax ilma ahan mana ahan ciwaan laga dooddi karo oo wax lagu darsan karo sidda hadalka u dhigteen “Yaa qaatay shaqooyinka muhiimka ahaa ee dalka yaallay.” Shaqadii dalka ciddana ma qaadan waa taal, cid dagaashayna ma jirto.

Waan dareensanahay halka aad u socotaan waa inaaad dood ka qabataan yaa u badan fursadaha suuqa shaqada, ciwaankana sidda aad u dhigteen waa laga haboonaa, siddoo kale suuqa shaqada cidda u badan waxaa ka jawaabi kara in la helo xog tiro ah (Statistics) markaas ka bacdi qolada u badan sababta u bateen laga dooddi karaa oo waxa laga dhahi karaa ayadoon tira lahayn waxii laga sheego waa muran iyo is-eedayn salka ku haya xan iyo tuhun.

Midda kale dadka dooddaha aad u xulaysaan ayaa macno tiraya mowduuc walba oo laga dooddi lahaa, marka aad xulataan dhalinyaro aan xog-oggaal ahayn iyo dad xanaaqasan oo si aan moowduuci ahayn (Subjective) u hadlaya waxay nuxura ka qaadayaann najiidadda doodda.

Dhanka kale waxaan soo jeeden lahaa suuqa shaqada cidda u badan in la ogaado waxaa ka xigmad fiican in la ogaado doorka iyo waxay dalka ku soo siyaadiyeen qurba joogta, kaas wax badan iftiiminaya meelahaan aad u socotaana macluumaad ka baxinaya, haddii aad u xulantaan dadkii saxda ah inay ka qeyb qaataan.

Sidoo kale, maadaama ay warbaahintu tahay middii ku hadlaysey afka DF waxaa fiicnayd inay is waydiiyaan su’aalo ku saabsan shaqooyinkii laga filayey inay abuurto DF Somalia, maadaama inta badan shaqooyinku ay yihiin kuwo ay dadku abuureen.

Waxaa kale oo muhim ah inaan bulshada laga dhex abuurin doodo iska hodhodho ah oo ummadda u qaybinaysa dabaqado laakiin aan lahayn nuxur iyo micne kale oo wax kusoo kordhinaya bulshada ama xitaa laga leeyahay dan ka badan in dhacdo la qabto.

Halkan ka DAAWO….

W; Q: Cabdinuur Wayrax

Hadalsame Media

]]>
100797
6 arrimood oo laga doonayo DF si ay Somalia u noqoto dal haysan kara hub waawayn https://www.hadalsame.com/2023/12/06/6-arrimood-oo-laga-doonayo-df-si-ay-somalia-u-noqoto-dal-haysan-kara-hub-waawayn/ Wed, 06 Dec 2023 06:58:30 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100701 (Hadalsame) 06 Dis 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa 1-dii bishan oo Jimce ahayd si aqlabiyad ah ugu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii ugu dambaysey ee hubka la siiyo Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, in ka badan 30 sano kaddib markii cunaqabataynta hubka lagu soo rogay dalka.

Haddaba, waxaa jira dalal ay u badan tahay inay Somalia siiyaan hub culus kaddib qaadista cunaqabatayntii dalka saarnayd tan iyo 1992-kii, balse tiiyoo ay jiraan doodo badan oo ku gedaaman cunaqabataynta la qaaday, misna waa inay Somalia la timaadaa siyaasad bisil oo ay ku kala badbaaddo duniduna uga badbaaddo.

1Madax yari & madax adayg – Waa astaan shakhsiyadeed (personality) oo wax badan u dhibtay Soomaalida waana in la iska gaaro go’aan aan marka hore si wayn loo bislayn loogana baaraandegin, kaddibna lagu dhego ama lagu adkaysto xitaa marka la arko inaysan xaajadu meel fiican ku dhammaan doonin. Marka hub ay joogto waa in labadaa laga digtoonaadaa.

2 – Hubka wax ku guul guul (deterrence) balse dagaal haku gelin. Inta la ogyahay ee shaacsan waxaa la sheegaa inay dunida yaallaan 12,500 oo madax oo nukliyeer ah, misna dalalka haysta kuma jiro mid u bisinbisoonaya ama jecel inuu adeegsado waxaana xitaa lagu tilmaamaa in nukliyeerku yahay sababta marar badan baajisay inuu ilaa haatan dhaco dagaal wayn ama mid 3-aad (war deterrence).

Sababtu waxay tahay dalalku waxay hubkan istaraatijiga ah u haystaan in looga baqo oo aan lagusoo deg degin laakiin uma baahna inay adeegsadaan, waayo haddii ay taasi dhacdo waa la wada degayaa. Soomaalidu waxay leedahay dabci ah in marka ay hub aragto ay dagaal la doonato waa in dhaqankaasi is bedelaa oo la bislaadaa. Haddii aad dagaal gasho dhaqaale iyo siyaasadba waa ka burburtay wax kasta oo ay natiijadu noqoto.

3Hubka xil haku doonin. Mid ka mid ah sababihii ridey nidaamkii ciidanku wuxuu ahaa hubkii dalka oo loo adeegsadey inuu qof kursiga ku haysto, taasoo ahayd aragti gaaban oo dhalisay in ilaa maanta uu qofkii xil loo dhiibaaba ku dheggan yahay isagoo adeegsanaya awooddii dalka. Waa khalad.

4 – Hubka dowladda waa in gacmo reereed laga dhowraa. Mid kale oo keentay in la naco dowladda lana mucaarado waxay ahayd hubkii oo galay gacmihii reeraha si mararka qaar ay dowladda dad ka tirsani wax ka ogaayeen. Ma hubbana in madaxda sare ay arrintaa raalli ka ahayd, maadaama ay qiyaasi kareen natiijada ka dhalanaysa, balse waa hubaal in saraakiil sar sare ay ku lug lahayd. Waa khalad kale oo u baahan inaan lasoo celin.

5 – Dhismaha ciidan xirfadleey ah oo madax deggan leh oo aan halis ku ahayn naftooda ama dalka iyo kaydad waafaqsan heerka dunida hubaysan oo lagu kaydiyo hubka. Hubku wuxuu u baahan yahay hayn, dayactir iyo kaydin sax ah, waxaa kale oo muhim ah xasillooni ka jirta goobta uu yaallo. Haddii kale waa bambo waqtiyaysan.

6 – In la dhiso wacyiga shacabka, askariga iyo xitaa DF ee ku fooggan hubka iyo haysigiisa. Sababta keentay inuu hub badani galo gacmaha shacabka kaddib ”kasoo baxooydii” 1978-kii ee deeto keentay samaysanka jabhado aragti gaaban oo reeraysan waxaa ugu wayn dadka oo iska xiisaynayey inay hub qaataan.

Waxaa la arki karey in geel-jirayaashii qafaalka lagu qoray ee qoryahay loo dhiibey uu mid kasta qorigiisii la goostay isagoo aan dareemi karin waxa uu qorigani dalka u hayo haddii uu ku jiro gacan dowladeed.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

]]>
100701
Dood ka timid caano boore cusub oo Sucuudiga laga keeno (Maxaa lagu qoonsaday?) https://www.hadalsame.com/2023/12/05/dood-ka-timid-caano-boore-cusub-oo-sucuudiga-laga-keeno-maxaa-lagu-qoonsaday/ Tue, 05 Dec 2023 14:48:07 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100650 (Hadalsame) 05 Dis 2023 – Ganacsadaha soomaaliyeed waxa dunida salkeeda yaalla waa keeni karaa lkn waxa dalkiisa yaal meelna uma iib geeyn karo” filasuuf shiiq mustafa

Caana boorahaan lacagta sanadkii nooga baxda haddii maalgashi lagu bedelo waxaan ugu yaraan samayn karnaa beero lo’da caanaha badan lagu xanaaneeyo oo isku fillaasho gudaha ah ayaan gaari karnaa

Caanahaan dalka laga keeno waa saxare kharash badan ayayna gelshaan oo xataa lo’da qaboojiye ayay u daaraan maadaama aanay hanfiga kulul u adkaysan karin. Maxaa annaga noo diidey?

Lo’da noocyada qaar waxaa maalinki laga lisaa 40 ilaa 50 liitar. Ganacsatada waa in la waydiiyo ”maxaad naga maaggan tihiin?”

Dowladdu waa inay ganacsadaha ku qalqaaliso bedelka uu dibedda ka keenayo inuu gudaha kasoo saaro. Bangiyaduna waa inay caawiyaan dadka maalgashada beeraha, xoolaha iyo badda.

Ardayda barta cilmiga beeraha, xannaanada xoolaha iyo culuumta badduna waa inay la yimaadaan daaraasaad iyo cilmibaaris wax ku ool ah oo nolosha bulshada wax ka bedesha

Dalkeennu waa dalka ugu xoolaha badan caalamka ee hadana caanaha ugu badan oo weliba boore u badan soo dhoofsada. Sabab?

Anigu Sucuudiga ma necbi laakiin Soomaaliya ayaan jeclahay.

W; Q: Axmed Cali

Hadalsame Media

]]>
100650
Noocyada diyaaradaha dagaal iyo taangiyada ay Somalia iibsan karto (Qiimaha ay ku kacayaan?) https://www.hadalsame.com/2023/12/04/noocyada-diyaaradaha-dagaal-iyo-taangiyada-ay-somalia-iibsan-karto-qiimaha-ay-ku-kacayaan/ Mon, 04 Dec 2023 18:08:14 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100614

(Muqdisho) 04 Dis 2023 – Dowladda Soomaaliya ayaa guul weyn ugu dambeyn ka gaartay dedaalka ay ku dooneysay in laga qaado xayiraada hubka oo ahayd tan ugu mudada dheer ee dal lagu soo rogay.

Xayiraada hubka ayaa lagu soo rogay Soomaaliya 1992dii si loo dhimo qulqulka hubka ku socda hoggaamiyeyaashii dagaalka ee xukunka ka tuuray dowladdii kacaanka.

Shan iyo tobanka dalka ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa taageeray labo qaraar, oo midna xayiraada hubka looga qaadayay dowladda, halka kan kale na xayiraad hub lagu saarayay Al-Shabaab.

Qaraarkan waxaa golaha u gudbiyay dowladda Ingiriiska. Waxa uu yimid go’aankan toddobaad kadib markii la aqbalay codsiga xubinnimada Soomaaliya ee dalalka ku bahoobay Dalada Barriga Afrika.

Xubinnimada dalalka Barriga Afrika iyo qaadista xayiraada hubka waxay ahayd labo qorshe oo waa weyn oo ugu muhiimsanaa siyaasada dibeda ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qiimaha uu ugu kici karo Soomaaliya

Sanadadii dambe furimaha dagaalka ee waddamada iyo kuwa lagula jiro kooxaha ayaa waxay dunida caan ka noqday

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Wax badan ayaa iska bedelay xeeladaha dagaalka iyo agabka la adeegsado mudadii uu saarnaa xayiraada hubka, xilligaas oo ay Soomaaliya ku tiirsaneyd hub fudud iyo kuwa yar yar oo ay ugu deeqaan dowladda kale.

Sanadihii dambe, furimaha dagaalka ee waddamada iyo kuwa lagula jiro kooxaha hubeysan ee aan dowlada ahayn ayaa waxay dunida caan ka noqday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan, kuwaas oo kaalin mug leh hawlgalada dhanka cirka.

Khuburada ayaa sheegaya in hadda maaddaama Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka ay diyaaradahan aan duuliyaha lahay. Diyaaradaha noocaan ah ee kaalinta ugu weyn ku leh furimaha dafgaalka waxaa ugu caansan kuwa ay sameeyaan Mareykanka, Turkiga iyo Iran.

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada.

Bayraktar TB2 ee Turkigu sameeyo

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado heerkoodu sareeyo ka taya wanaagsan kuwa laga soo saaro dalal badan.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaareen dagaalkii ay la galeen kooxaha gooni-u-goosadka iyo ciidamada dowladda Armenia.

Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya iyo Liibiya.

Maxay tahay diyaaraddan?

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada. Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150kg ayaa ka howlgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Drones-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.

Waxay ku safri kartaa xawaare ka badan 220 km. Diyaaradan ayaa siday ilaa 300 oo litir oo shidaal ah qaadi karta.

Qiimaha halka diyaarad ee Bayraktar TB2 ayaa ah ku dhawaad 5 Malyan oo doolar. Marka laga eego qandaraasyada Yukreen ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale waxa uu muujinaya in qiime gaaraya ku dhawaad shan Malyan oo dolar.

Diyaaradaha dagaalka ee Helicopter-ka

Diyaaradaha Helicopter-ka ee dagaalka waa kuwo hubaysan oo leh doorka ugu horreeya marka ay timaaddo weerarka dhanka cirka ah,

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mid ka mid ah baahiyaha haysta ciidamada dowladda dhanka sahanka oo aysan u heysan diyaarado dagaal.

Diyaaradaha masaafada kooban duula ee ay adeegsadaan ciidamada dhulka si ay sahan ugu sameeyaan goobaha kooxaha ay dagaalka kula jiraan, si ay xog uga helaan ula na socdaan dhaqdhaqaaqooda.

Diyaaradaha Helicopter-ka ee dagaalka waa kuwo hubaysan oo leh doorka ugu horreeya marka ay timaaddo weerarka dhanka cirka ah, iyada oo awood u leh weerarrada bartilmaameedyada dhulka sida ciidamada lugta ee cadowga, baabuurta dagaalka iyo dhufaysyada.

Tusaale ahaan nooca loo yaqaan UH-60 Black Hawk helicopter ayaa qiimaheedu yahay inta u dhaxeysa 5.9 malyan ilaa 10 malyan.

Diyaaradaha dagaalka ee Miigga

Diyaaradaha Miigga ayaa ah kuwo xawaarahoodu sarreyo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Miiga waxaa ugu caansan noocyada kala ah F-16, F-35, F-15 iyo F5. Tusaale ahaan diyaaradda F-15 halkii xabo ayaa waxay gaareysaa 93 malayan oo doolar.

Gawaarida gaashaaman

Gawaarida gaashaaman

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Baabuurta gaashaaman ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada militariga iyo fulinta sharciga iyo ilaalinta shaqaalaha. Qoryaha ku rakiban ayaa ah astaanta ugu muhiimka ee baabuurta gaashaaman.

Baabuurta qafilan ayaa ah kuwa kaalin xoogan ka geysta furimaha, maadaama ay adag tahay in rasaasta qaar ee ay isticmaalaan ururka al Shabaab ee la dagaalama ciidanka dawladda ay ka gudubto.

Gawaarida Gaashaaman ayaa sidoo kale waxay door muhiim ah ka qaataan qaadista ciidamada lugta iyagoo sidoo kalana bixinaya taageero xoog leh oo dhanka dab-damiska ah gaar ahaan goobta dagaalka iyagoo adeegsanaya hubkooda isku dhafan, oo ay ku jiraan gantaalada lidka taangiyada.

Gawaarida gaashaaman, waxay awood u leeyihiin inay iska difaacaan rasaasta, firirka miinooyinka, iyo madfacyada kale.

Gawaawrida gaashaaman ay isticmaalaan dalalka dariska iyo kuwa kale oo caalamkaba ayaa waxaa u badan kuwa Turkiga uu sameeyo.

Qiime ahaan halkii gaari ee gaashaaman ayaa ah ayaa ilaa sided boqol oo kun oo doolar.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100614
Somalia oo durba ka hadashay nooca uu yahay hubka ay u baahan tahay & Meelaha ay ka heleyso + Sawirro (Kaydinta & Xifdinta oo ay doodi ka joogto?) https://www.hadalsame.com/2023/12/04/somalia-oo-durba-ka-hadashay-nooca-uu-yahay-hubka-ay-u-baahan-tahay-meelaha-ay-ka-heleyso-sawirro-kaydinta-xifdinta-oo-ay-doodi-ka-joogto/ Mon, 04 Dec 2023 05:32:23 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100579

(Muqdisho) 04 Dis 2023 – Koowdii Diseembar, 2023 waxay Soomaaliya u ahayd maalin taariikhi ah ka dib markii laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd 31 sano.

Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa ka yeeshay kulan ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992-dii.

Go’aanka cunaqabateynta ee sanadkii 199 dii ayaa Goluhu ku saleeyay xilligaas si looga hortago qulqulka hubka ee dalka oo waqtigaas dagaallo sokeeye ka jireen, kuwaas oo ka dhashay markii meesha laga saaray dowladii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dadaallo is daba joog ah oo ka soo billowday sanadkii 2012-kii ayey Soomaaliya ku gaysay masraxyda caalamka sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabtayntan iyagoo ku andacoonayay inuu dalku u bahan yahay inuu helo hub uu ku qalabeeyo ciidamadiisa si ay uga adkaadaan kooxda Al-Shabaab oo muddo 15 sano ka badan dagaal kala horjeedda dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cisman ‘Baalle’ ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ay awood u siinayso Soomaaliya ka hortagga khataraha dhanka ammaanka sidoo kalana u oggolaanayso xoojinta tayada ciidamada amniga Soomaaliya.

Hub

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Soomaaliya hub noocee ayey u baahan tahay hadda?

Cuna qabataynta hubku waxay caqabad ku ahayd horumarka milatari ee dawladda Soomaaliya gaar ahaanna inay ka adkaato kooxda Al-shabaab oo ay dagaal kula jirto, sida ay qabaan dad badan oo ka faalooda amniga Soomaaliya.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa,”ayuu BBC u sheegay dhawaan Xuseen Macallin oo ah la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay qabto baahi milatari oo guud iyo mid gaar ah. Tan guud waa inay awood ahaan dhisanto kuna fiilnaato amniga dalkeeda, balse baahi degdeg ah ayaa jirta sida ay dawladda Soomaaliya qabto.

Janaraal Cabdullaahi Cali Caanood oo darajada sareeye guuto ka gaaray ciidamada Soomaaliya sidoo kalena soo maray abaanduulaha ciidamada dhulka, ayaa isaga oo khibradiisa kaa shaanaya BBC da la wadaagay nuuca hubka casriga ah ee Soomaaliya u baahan tahay iyo sidoo kale kuwa ay horay u haysan jirtay laakiin ka baxay gacanta dawladda.

Dhanka cirka

Dunida waxaa waayahaan dambe caan ka noqday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo kaalin aan la dafiri karin ka qaata furimaha dagaalka. Soomaaliya hadda waxaa ka caawiya isticmaalkooda wadamo uu kamid yahay Maraykanka, balse waxa uu sheegay Janaraalku in ay u baahan tahay Soomaaliya.

Dawladda dariska ah ee Itoobiya ayaa la soo wariyay inay isticmaashay diyaaradahaas intii uu socday dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Inkasta oo ay meesha ka saareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, weli waxaa loo baahan yahay diyaaradaha guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano miigga, kuwaas oo ay kamid ah hubkii cirka ee Soomaaliya. Dabcan haatan waa la sii casriyeeyay sanadahaan dambe.

Dhulka

Sida uu qabo Janaraal Caanood, Soomaaliya hadda uma baahno hubka culus ee dhulka si ay uga adkaato Al-shabaab, taas baddalkeedana kaliya waxay u baahan yihiin ciidanku hubka “fudud oo xoogaa ka casrisan kan ay Al-shabaab ku dagaalamayaan” iyo gawarida gaashaaman ee daabula ciidanka.

Baabuurta qafilan ayaa ah kuwa kaalin xoogan ka agystay furimaha, maadaama ay adag tahay in rasaasta qaar ee ay isticmaalaan ururka al Shabaab ee laga dagalaama ciidanka dawladda ay ka gudubtay, sida uu sheegay Janaraalku.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baahi gooni ah ay ka jirto dhanka sahanka. Diyaaradaha masaafada kooban duula ee ay adeegsadaan ciidamada dhulka si ay sahan ugu sameeyaan goobaha cadowga ayuu sheegay in loo baahan yahay.

Balse waxaa dad kale qabaan in taangiyada oo ah hub wali muhiim ka dhex ah furimaha ay u baahan tahay Soomaaliya.

Inta badan ciidamada wadamada Afrika ka socda ee caawiya Soomaaliya ayaa ah kuw kaliya ee Soomaaliya gudaheeda lagu arkay. Balse dawladdii Soomaaliya ayaa haysatay tiro badan oo taangiyadaas ah.

“Waxaan heli doonnaa taangiyo, diyaarado dagaal iyo maraakiibta dagaalka” aytuu yiri Janaraal caanood mar uu ka hadlayey yoolka durugsan ee horumarinta ciidanka Soomaaliya.

Inta badan hubka ay u baahan tahay Soomaaliya ayuu sheegay in lagu miisaamo, waxyaalaha aysan heli karin cadowga ay la dagalaayaan.

hub

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xagay ka heli kartaa hubkan Soomaaliya

“Dawladda Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo kala duwan oo hub ku caawin lahaa, haddii aysan saarnayn cuna qabataynta hubka, ama daynbaa lagu siin doonaa ama mucaamalaa lagusiin doonaa,” ayuu yiri janaraal caanood mar uu ka hadlayey halka ay dawladda Soomaaliya ka heli karto hubka.

Soomaaliya ayaa horay waxa ay hubka uga heli jirtay wadamo uu kamid yaay Ruushka. Hubkaas oo caanka ahaa gudaha milatariga Soomaaliya ayuu qabaa Caanood in dunida haatan uu yaalo hubka kale oo casri ah loona baahan doono in lagu tababaro ciidanka.

Soomaaliya ayaa haatan taakulada hub ee ugu badan ka hesha wadamo ay kamid yihiin Turkiga, Imaaraatka iyo Maraykanka, balse haatan waxay awoodaa inay soo iibsato hub iyada u gooni ah.

askari

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sidee loo kaydinayaa hubka?

Janaral caanood wuxuu sheegay in qalabka ciidanku uusan u baahnayn meel lagu xareeyo marka hawl galka lagu jiro, “xilliyada tababarka oo kaliya ayuu hubku xeryaha yallaa” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa lahaan jirtay xeryo caan ahaa oo lagu kaydin jiray hubka ciidanka, laakiin janaraalka ayaa sheegay in waqtiyada dagaalka sida kan ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Janaraalka ayaa sheegay in muddo hal sano ah oo uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee toddobatan iyo toddobadii aanu hubku u baahan meelo lagu kaydiyo maadaama si joogto ah loo isticmaalayey.

“tangiyada iyo wixii roobku dhibayo jiingado ayaa loo samaynayaa ciidankuna teendhooyin ayuu u baahan yahay ee dabaqyo uma baahna” ayuu yiri Caanood.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100579
”Annaga ayay na dhegeystaan!” – Yaa Somalia ka caawiyey in si sahlan looga qaado cunaqabataynta hubka & Su’aal ka taagan ujeedka https://www.hadalsame.com/2023/12/03/yaa-somalia-ka-caawiyey-in-si-sahlan-looga-qaado-cunaqabataynta-hubka-suaal-ka-taagan-ujeedka/ Sun, 03 Dec 2023 10:22:11 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100550 (New York) 03 Dis 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay oo Jimce ahayd si aqlabiyad ah ugu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii ugu dambaysey ee hubka la siiyo Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, in ka badan 30 sano kaddib markii cunaqabataynta hubka lagu soo rogay dalka.

Haddaba, waxaa jira dalal ay u badan tahay inay Somalia siiyaan hub culus kaddib qaadista cunaqabatayntii dalka saarnayd tan iyo 1992-kii. Waxay tani keenaysaa inay Somalia heli karto hub culus oo ay ku qalabayso ciidankeeda. Aqri dalalka siin kara….

Waxaa haddaba dad badani la yaabban yihiin sida ay Somalia ku heshay garabka siyaasadeed ee keenay in qaraarka lagu qaaday cunaqabataynta uu dusha u rito (motion sponsor) dalka Ingiriiska oo ah dal horay dhibaatooyin badan oo istaraatiji ah ugu abuuray guud ahaan Soomaalida iyo Somalia intaba.

Taa qoraal kale ayaannu ku qaadaa dhigi doonnaa insha Alle, balse waxaa sidoo kale dadka hadalkooda laga dhadhansan karo inay qorshahan Somalia ku taageereen waxaa ka mid ah dalalka EAC.

Peter Mathuki, Xogahaya Guud ee EAC ayaa horraantii sanadkan si cad u sheegay in haddii ay Somalia ku biirto ururka ay ka caawin karaan arrimo badan oo ay ku jiraan danaha amni ee ay dunida ka leedahay, taasoo uu sheegay inaysan suurtagal ahayn xilligaas oo aysan Somalia ka mid ahayn ururka.

”Hadda xubin kama aha EAC marka sharciyad uma haysanno inaan la xaalno ammaankooda,” ayuu ku dooday Peter Mathuki, Xogahaya Guud ee EAC.

”Balse (haddii ay ku biiraan” aan u tagno Golaha Ammaanka oo aan tas-hiilaad waydiisanno annaga waa na dhegeysanayaan.” ayuu raaciyey Mathuki, taasoo laga qaadan karo in sababta haatan Somalia u sahashey in laga rafaco cunaqabatayntii hubka wax laga saari karo ku biiristii Somalia ee ururka EAC 24-kii bishii tagtay ee Nofeembar.

Qarsoodi ma ahayn inay cunaqabatayntani ahayd taako istaraatiji ah oo loo dhigayey Somalia si loo ilaaliyo dalalka deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya oo ay tan iyo dhalashadii Somalia-da casriga ah ay dalalkan qoorta iskugu jireen.

Su’aasha milyanka Doollar ahise waxay tahay maxaa looga bedeshey? Maxaase keenay in sidan sahlan loo aamino Somalia oo aanu wadcigeeda ammaan wax badan iska bedelin weli? Waqtiga ayaa ka jawaabi doona, wax baase isu muuq muuqda.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

]]>
100550
Itoobiya oo si rasmi ah loogusoo jeediyey istaraatijiyad sahlan oo ay ku isticmaali karto dekedaha Somalia (Maxaa socda?) https://www.hadalsame.com/2023/12/03/itoobiya-oo-si-rasmi-ah-loogusoo-jeediyey-istaraatijiyad-sahlan-oo-ay-ku-isticmaali-karto-dekedaha-somalia-maxaa-socda/ Sun, 03 Dec 2023 09:58:52 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100543 (Hadalsame) 03 Dis 2023 – Dalka Soomaaliya ayaa 24-kii bishan si rasmi ah uga mid noqotey Ururka Bulshada Bariga Afrika, iyada oo hadda laga bilaabo oo fududaanayo isku-socodka, isdhexgalka iyo ganacsiga Bariga Afrika.

Soomaaliya waxay ku biirtay dalalkii horay ugasii tirsanaa EAC; Burundi, DR Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania.

Yeelkeede, waxaa jirta inaysan bulshada Somalia aanay weli haynin xogo badan oo ku saabsan sida lagu dhaliyey inay Somalia ku biirto ururkan EAC, waxyaabaha ay ka helayso, waxa ay hurayso iyo waxa loogu xishay waloow aad loogu celceliyey dhererka xeebaha Somalia oo ah arrin kicinaysa abiteetka dalalka ku jira ururkan oo aan ama bad lahayn ama xeeb dheer oo ku filan lahayn.

Waxaase jirta qorshe rasmi ah oo aan la hubin inay Somalia ka fikirtey waloow uusan xumayn haddii loo maareeyo si u danaynaysa Somalia waana kiiska Itoobiya iyo EAC ee madlan.

Sida uu 1-dii Abriil ee sanadkan qiray Peter Mathuki, Xogahaya Guud ee EAC waxay ku tala jiraan qorshe ah in marka hore ururka lagusoo daro Somalia, kaddibna lagusoo daro Itoobiya, isagoo sheegay in ujeedku yahay in la qaado xadadka u dhexeeya dalalka ku jira EAC iyo Afrikaba.

”Haddii aan Itoobiya helno waxaan noqonaynaa suuq haysta 500m oo macaamiil ah.” ayuu ku dooday Mathuki.

Itoobiya oo beryahan la bareertay inay bad u baahan tahay ayay tani u noqon kartaa inay si sahlan ku helaan xeebaha Somalia ee ay hoggaan xumida, maangaabnimada iyo qabyaaladdu baylihiyeen maadaama ay Somalia durba ku biirtay EAC, mana xuma haddii ay Somalia khidmad ka qaadanayso iyadoo maamulkeeda u madaxbannaan, balse waxaa daran in lagu maro federayshinkii 50meeyadii lagu khiyaanay Eritrea ee markii dambe la baabi’iyey.

Si kastaba, waloow aysan Somalia oo haatanba ah dal si kasta ficii uga haray, aysan gaar wax ugu dhimaynin haddii la keeno xal lagu wada guulaysanayo, misna waxaa loo baahan yahay inaan lagu deg degin go’aammada qaar islamarkaana aan qolal mugdi wax hadhow laga shallaayo aan lagu saxiixine si hufan shacabka loogu sheego faa’iido iyo khasaare wixii ku jira Jamciyadda Bariga Afrika.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

]]>
100543