Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794

{"id":79804,"date":"2022-06-28T08:46:27","date_gmt":"2022-06-28T07:46:27","guid":{"rendered":"https:\/\/www.hadalsame.com\/?p=79804"},"modified":"2022-06-28T08:47:20","modified_gmt":"2022-06-28T07:47:20","slug":"waa-kuma-soomaaligii-qarniyo-kahor-dalka-qalaad-maamulay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.hadalsame.com\/2022\/06\/28\/waa-kuma-soomaaligii-qarniyo-kahor-dalka-qalaad-maamulay\/","title":{"rendered":"Waa kuma Soomaaligii qarniyo kahor dalka qalaad maamulay? Gobolkee se kasoo jeedey?"},"content":{"rendered":"
\n
(Hadalsame) 28 Juun 2022<\/strong><\/span> – Magaalada Muqdisho waxa ay ahayd isha aqoonta, rugta wax soo saarka iyo rabta ilbaxnimada, sida ay ku sifeeyeen dhulmareennadii tegey qarniyadii dhexe.<\/p>\n<\/div>\n
\n
\u00a0Laga billaabo qarnigii labo iyo tobanaad illaa laga soo gaaro qarnigii 16-aad, waxa magaalada Muqdisho soo maamulay nidaamyo boqortooyo iyo saldannado kala dambeyay, kuwaas oo horumarro la taaban karo ka gaaray dhinacyada wax soo saarka, dhoofinta iyo aqoontaba.<\/p>\n<\/div>\n
\n
\u00a0Waxa ay ahayd rug diineed iyo xarun aqoonta Islaamka iyo culuumtiisa kala geddisan laga majeerto, sida uu Yaquutal Xamawi ku sheegayo buuggiisa Qaamuuska Magaalooyinka (Mu’jam ul-Buld\u0101n).<\/p>\n
\n
Markale dhulmareenkii reer Boortaqiis Duarte Barbosa oo Muqdisho tegey intii u dhexeysay sannadkii 1517-1518 waxaa uu ku dheeraaday ka sheekeynta ganacsiga reer Muqdisho iyo beec mushtarkoodii Xabagta, Fool-maroodiga iyo Dahabka ee iskaga kala gooshi jiray min Kilwa (Tanzania) Malindi (Kenya) illaa Sofala (Mozambique).<\/p>\n<\/div>\n
\n
\u00a0Wax soo saarkaas maaddiga ah marka laga tago, waxaa barbar socday in ay Muqdisho wakhtiyadaas ay soo saartay aqoonyahanno cilmiga diinta fidiya, kuwaas oo afarta berji gaarsiiyay.<\/p>\n<\/div>\n
\n
\u00a0Xiddigihii wakhtiyadaas Muqdisho ka soo ifay waxaa kamid ahaa Sheekh Siciid kii reer Muqdisho (The Sa\u2019id of Mogadishu) oo diin fidin u tagay dhulka Hindiya, Shiinaha iyo guud ahaan bariga fog. Markalena noqday qofkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo bartay luuqadda Mandarin ka Shiinaha, una rogay luuqad maxalli ah, wallow aanan nuqulladii qoraalladiisa aan la helin.<\/p>\n<\/div>\n
\n
Ragga wakhtiyadaas Muqdisho ka kacaamay waxaa kale oo kamid ahaa qofka aan rabno in aan maqaalkan kaga sheekeyno, waa Sheekh Cabdicasiis Almuqdishaawi (The Abdul Aziz of Mogadishu).<\/p>\n<\/div>\n
\n
\u00a0Mar ku aaddan Dhammaadkii qarnigii 13-aad ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho. Qoys diimeed sharaf iyo maamuus ku dhex leh bulshada ayuu kasoo jeeday nasabad ahaan.<\/p>\n<\/div>\n
\u00a0Xernimo ayuu buraashadda u biyeystay oo in uu Axaaddiista iyo fiqqiga ka biya keeno ayuu goostay. Wixii uu rag u kaco rabbina uu aqbalo waa ay rumoobaane, durba waa uu ka jibba keenay, oo waa kaas soo baxay wadaad dhammeystiran oo Muqdisho iyo aaggeeda cilmiga deeqsiiyay.<\/p>\n<\/div>\n
\n
\u2018Fidinta diinta\u2019 xudduud iyo xeyn daab gaar ah malahan qaaciddo ah ayaa ay aaminsanaayeen culimadii iyo aqoonyahankii Soomaalida ee waayadaas hanaqaaday, oo waxa ay isku arkayeen in ay mas\u2019uuliyad ka saaran tahay faafinta diinta iyo guud ahaan cilmiga.<\/p>\n<\/div>\n
\n
\u00a0Waa sababta culima badan oo Soomaali ah ay caan uga noqdeen fidinta diinta meelo ka baxsan dhulka Soomaalida. Dhowr qofood haddii aan carab dhowno waxaa ugu koofiyad dheer sheekh Cismaan Cali Muxjin Seylici oo kutub waa weyn uga tagay ummadda Muslimka.<\/p>\n<\/div>\n
\n
\u00a0Sidoo kale ardaygiisii Imaam Cabdillaahi Yuusuf Maxamed Seylici. Haka reebin Sheekh Abaadir Cumar Ariddaa oo ahaa aasaasihii magaalo cilmiyeedka Herar ee dalka Ethiopia. Sidaas oo kale culimadii xudduudda dhaafay waxaa qeyb ka ahaa Suufigii reer Baraawe Sheekh Cabdilcasiis Al Amawi iyo rag kale oo aan tiro lagu sheegin se taariikhdooda la iska hilmaamay.<\/p>\n<\/div>\n