Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 {"id":58124,"date":"2021-01-17T09:30:23","date_gmt":"2021-01-17T09:30:23","guid":{"rendered":"https:\/\/www.hadalsame.com\/?p=58124"},"modified":"2021-01-17T09:30:23","modified_gmt":"2021-01-17T09:30:23","slug":"caaisha-romano-oo-dhibaato-hor-leh-la-kulantay-baaritaan-lagu-sameeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.hadalsame.com\/2021\/01\/17\/caaisha-romano-oo-dhibaato-hor-leh-la-kulantay-baaritaan-lagu-sameeyey\/","title":{"rendered":"Caaisha Romano oo dhibaato hor leh la kulantay & baaritaan lagu sameeyey"},"content":{"rendered":"

(Hadalsame) 17 Jan 2021<\/strong><\/span> – \u201cMa jirin hanjabaad halis ah oo ka dhan ahayd (Caaisha) Silvia Romano,\u201d ayuu yiri garsoore maxkamadeed oo dhageystay kiiska.<\/span><\/p>\n

Balse wuxuu xaqiijiyay in ay jirtay aflagaado iyo caay. Waxaa jiray hadallo badan oo ka dhan ah gabadhaas qaadatay diinta Islaamka, oo lagu baahiyay baraha bulshada.<\/span><\/p>\n

Caa\u2019isha Silvia Romano, oo baraha bulshada loo mariyay aflagaadada ayaa go\u2019aansatay in aysan maxkamad u dacwoonin. Waana suuragal in taas ay sabab u tahay in kiiska maxkamadda la laalo.<\/span><\/p>\n

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Taliyaaniga, Silvia Romano ma dooneyso in ay gudbiso dacwad ku saabsan aflagaada iyo hanjabaadda iyo hadallada naceybka ah ee loogu soo gudiyay baraha bulshada.<\/span><\/p>\n

Gabadhan oo ka shaqeyn jirtay arrimaha gargaarka, waxaa laga afduubtay Kenya, bishii November 2018-kii, waxaana la siidaayay bishii May 2020. Waxaa lagu haystay Soomaaliya, waxayna diinta islaamka qaadatay muddadii afduubka loo haystay.<\/span><\/p>\n

Markii ay ku noqotay Taliyaaniga, sannadkii hore, waxaa baraha bulshada loogu diray boqollaal fariin oo kala duwan.<\/span><\/p>\n

\u201cWaa naceyb lagu baahiyay baraha bulshada\u201d. Waa sida ku qoran natiijada ka soo baxday baaritaankii uu sameeyay xafiiska dacwad oogaha magaalada Milan.<\/span><\/p>\n

Xafiiskaas wuxuu Facebook weydiistay in uu sheego aqoonsiga dadka isku hoos qarinayay boqollaal cinwaan oo been abuur ahaa, waxaana la amray in la xiro dhamaan cinwaanadaas.<\/span><\/p>\n

Baaritaanka oo uu billabay xafiiska maamulaha la dagaallanka argagixisada, Alberto Nobili, waxaa lagu doonayay in lagu ogaado hanjabaadda ka dhanka ah Caaisha Silvia Romano.<\/span><\/p>\n

Sababaha loo aflagaadeynayay waxaa ka mid ahayd in diinta Islaamka ay qaadatay, taas oo \u201cdad badan oo Taliyaani ah ay diidanaayeen\u201d.<\/span><\/p>\n

Ilaa 40 farriin oo hanjabaado ah, oo loo arkay kuwo aad khatar u ah ayaa loo diray gabdhan, oo markii ay muslimtay, lana baxday magaca Caa\u2019isha, labiskeedana ka dhigtay mid asturan.<\/span><\/p>\n

Dadka lasoo xiriiraya ayaa u sheegaya inay dili doonaan, sababtuna ay tahay go\u2019aankeeda Islaaminada.<\/span><\/p>\n

Waaxda dambi baarista ee booliska Talyaaniga ayaa wadda howlgal ay diiradda ku saareyso aqoonsiga dadka farriimahaas soo diray.<\/span><\/p>\n

Kooxda baaritaanka wadda oo ay hoggaaminayaan Alberto Nobili iyo Carabinieri del Ros ayaa sheegtay inay marka hore kala xaqiijinayaan saxnimada farriimaha, si loo ogaado dadka ay ka soo baxeen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda Talyaaniga ee ANSA.<\/span><\/p>\n

\u2018Sababaha aan ku jeclaaday Islaamka\u2019<\/b><\/span><\/p>\n

Caa\u2019isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Alle subxana watacaala iyo iyada.<\/span><\/p>\n

Markii ay yareyd waxay sheegtay inay \u201cfikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.\u201d<\/span><\/p>\n

Waxay intaa ku dartay inkastoo \u201ckhaladaad badan\u201d ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay \u201cinay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.\u201d<\/span><\/p>\n

Intii ay joogtay deegaanka Chakama ee dalka Kenya, waxaa ay tiri: \u201cdad badan oo Muslimiin ah ayaan halkaas ku arki jiray, balse taasi ma aysan igu dhiiragelinin in aan qaato diinta islaamka\u201d.<\/span><\/p>\n

\u201cWaxaan arki jiray dad xiran khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan daneyn jirin diinta Islaamka\u201d, ayay tiri mar ay la hadleysay wargeyska Laluce ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga.<\/span><\/p>\n

Waxay gabadhan sheegtay in arkii la afduubay oo la sii watay ay isweydiisay su\u2019aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: \u201cWaxaan u imid Kenya in aan dadka caawiya oo wax wanaagsan ayaa sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aanan loo afduubanin gabdhaha kale?\u201d<\/span><\/p>\n

Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. \u201cWaxaa is dhahay \u2013 dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo\u201d.<\/span><\/p>\n

Waxay wargeyska afduubtay u sheegtay in maalmihii xigay afduubkeeda, iyadoo ku jirta meel xabsi walibana xilli habeen ah ay markii ugu horeysay maqashay duqeyn dhanka cirka oo ay \u201cdiyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen halkii ay joogtay.\u201d<\/span><\/p>\n

Waxayna sheegtay in ay aad u naxday oo ay ka walwashay in ay dhiman doonta oo aysan dib dambe u arki doonin qoyskeeda, waxayna tiri: \u201cWaxaan ku duceystay \u2013 Allahayoow i badbaadi, waxaan doonayaa in aan markale arko qoyskeyga\u201d.<\/span><\/p>\n

Waxay sheegtay in xilligaas ay ahayd markii ay Alle \u201csi toosh ah ula hadashay\u201d.<\/span><\/p>\n

\u201cMarkii aan badbaaday waxay ahayd xilligii aan Alle u laabtay oo aan ku shukriyay, dareemayna in aan ka fogaaday Allihii i abuuray\u201d, ayay ku dartay hadalkeeda.<\/span><\/p>\n

Muxuu ahaa xiriirka ka dhexeeyay Caa\u2019isha iyo Quraanka?<\/b><\/span><\/p>\n

Intii ay ku jirtay gacanta kooxdii afduubatay, Caa\u2019isha waxay sheegtay in ay bilawday barashada iyo fahamka Qur\u2019aanka kariimka, waxayna intaa raacisay in markiiba ay qabsatay xarigga Alle.<\/span><\/p>\n

\u201cMarka koobaad, waxay igu qaadatay 2 bilood in aan Qur\u2019aanka ku akhriyo oo wax isburinaya kuma arag, markii dambena waxaa wakhti ku bixiyay fahamka, waxaan dareemay kalsooni illaa markii dambe aan jecladay diinta Islaamka\u201d.<\/span><\/p>\n

\u201cAayado badan oo Qur\u2019aanka ah ayaa runtii qalbigeyga dhaqaajiyay, waxayna ila ahayd marwalbo oo aan akhriyo in Alle uu anniga si toos ah iila hadlayo, waxaan sidoo kale akhriyay aayado ka mid kitaabka Bibble-ka, waxaana halkaas ka ogaaday waxyaabaha ay ka siman yihiin Islaamka iyo Krishtaanka. Ugu dambeynna waxaan Qur\u2019aanka ka fahmay wadadii saxda ahayd ee Alle igu hagi lahayd oo ah in aan qaato diinta Islaamka\u201d, ayay tiri Caa\u2019isha Silvia Romano.<\/span><\/p>\n

Markii ay qaadatay diinta Islaamka ayay sheegtay in ay \u201cogaatay in Alle uu jecel yahay, kuna hanuuniyay wadada saxda ah.\u201d<\/span><\/p>\n

Kahor inta aysan qaadanin diinta islaamka, waxay aamintay in \u201cdiinta islaamka ay tahay wadada saxda ah,\u201d ayna go\u2019aansatay in ay qaadato diinta Islaamka, intii ay joogtay Soomaaliya, balse haddana waxay ka walaacday sida bulshada ay ka timid ay uga falcelin karaan is badelka ay sameysay, waxayna tiri: \u201cWaxaan Alle ka baryay in uu iimaankeyga xoojiyo, igana xijaabo waxwalba oo iiga iman kara qaadashada diinta Islaamka\u201d.<\/span><\/p>\n

Markii ay Caa\u2019isha dib ugu noqotay dalka Talyaaniga, waxay sheegtay in dadka ay si la yaab leh u fiirin jireen marka ay arkaan iyadoo ah gabar caddaan ah, xiranna xijaab.<\/span><\/p>\n

Mar wax laga weydiiyay sida ay ku xulatay magaca Caa\u2019isha waxay sheegtay in intii afduubka loo haystay ay hadda kahor ku riyootay in iyadoo joogtay Talyaaniga ay aragtay iyadoo wadata kaarka tareenka olagu raaca oo ay ugu qoran tahay magaca Caa\u2019isha.<\/span><\/p>\n

\u201cDulqaad, wanaag\u201d iyo waxyaabo badan ayay sheegtay in ay ka baratay diinta Islaamka, haddana ay noolasheeda is beddashay.<\/span><\/p>\n

Waxaa kale oo ay sheegtay in marnaba aanay fileynin in dadka ay garanayaan, waxayna intaa raacisay in bishii Ramadaan ay \u201chadiyado badan ay ka heshay dad kala duwan oo soo booqday,\u201d inkastoo ay jireen dad u hanjabay, go\u2019aankii ay qaadatayna uu dood ka dhaliyay baarlamaanka dalka Talyaaniga.<\/span><\/p>\n

\u201cDad badan ayaa si wanaagsan iila dhaqmay, dib ayaana ka ogaaday in ay jiraan dad u dhashay dalka Talyaaniga oo heysta diinta islaamka,\u201d ayay ku sheegtay wareysigii ay bixisay.<\/span><\/p>\n

Silvia Romano, oo ah 25 sano jir ah, ayaa markii ay Rome ka degtay waxaa hab siiyay oo laabta geliyay waalidkeeda iyo walaasheeda, waxaana salaamay ra\u2019iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda.<\/span><\/p>\n

Caa\u2019isha Silvia Romano ayaa horraantii sannadkan laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, inkastoo ilaa iyo hadda aysan ka hadlin afduubkeeda.<\/span><\/p>\n

Ciidammada sirdoonka Talyaaniga ayaa sheegay in xaqiijinta soo daynta gabadhaas ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga.<\/span><\/p>\n

Caa\u2019isha Romano, oo u shaqeynaysay hay\u2019adda samafalka Talyaaniga ee Milele Onlus, ayaa rag hubaysan waxay sannadkii 2018-kii ka afduubteen hoteel ku yaal tuulo yar oo ka tirsan deegaanka Kilifi, ee koonfur bari waddanka Kenya.<\/span><\/p>\n

Xigasho: BBC Somali<\/p>\n

Hadalsame Media<\/span><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"

(Hadalsame) 17 Jan 2021 – \u201cMa jirin hanjabaad halis ah oo ka dhan ahayd (Caaisha) Silvia Romano,\u201d ayuu yiri garsoore maxkamadeed oo dhageystay kiiska. Balse wuxuu xaqiijiyay in ay jirtay aflagaado iyo caay. Waxaa jiray hadallo badan oo ka dhan ah gabadhaas qaadatay diinta Islaamka, oo lagu baahiyay baraha bulshada. Caa\u2019isha Silvia Romano, oo baraha […]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":58125,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"jetpack_post_was_ever_published":false,"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_newsletter_tier_id":0,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_is_tweetstorm":false,"jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","enabled":false}}},"categories":[4,1,9],"tags":[],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/www.hadalsame.com\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Untitled-15.png?fit=816%2C562&ssl=1","jetpack_sharing_enabled":true,"jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p9Xl2P-f7u","_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58124"}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58124"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58124\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58126,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58124\/revisions\/58126"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58125"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58124"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58124"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58124"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}