(Washington, DC) 23 Sebt 2020<\/strong><\/span> – MW Maraykanka ee Donald Trump<\/a><\/span> ayaa weerar ku qaaday Ilhaan Cumar<\/a><\/span> (D-Minn.) isagoo sheegay inaysan siin karin cashar ku saabsan sida dal loo maamulo, isagoo si jees jees ah u waydiiyey, “Sidee yahay dalkaagu?”<\/p>\n “Waxaanu ku guulaysanaynaa gobolka Minnesota iyada darteed, ayay leeyihiin,” ayuu yiri Trump. “Waxay noo sheegaysaa sidii aanu dalkeenna u maamuli lahayn. Sidee yeeshay dalka aad ka timid? Sidee se yahay xaalkiisu?.” ayuu waydiiyey isagoo sidoo kale weerar ku qaaday Alexandria Ocasio-Cortez<\/a><\/span><\/span> (D-N.Y.) oo ka mid ah afarta gabdhood ee lagu naanayso ”The Squad.”<\/p>\n Ilhaan Cumar ayaa iyaduna jawaab cajiib ah siisay Trump iyadoo Twitter-ka kusoo qortay sidan:<\/span><\/p>\n ”Marka hore, kani waa dalkayga, waxaana ka mid ahay xildhibaannada Aqalkii adiga ku gole joojiyey,” ayay tiri.<\/span><\/p>\n ”Marka 2-aad, waxaan kasoo cararay dagaal sokeeye anigoo 8-jir ah. 8-jirna dal ma maamulo, waloow aad adigu dalkeenna u maamusho sidii 8-jir.” ayay raacisay.<\/span><\/p>\n Firstly, this is my country & I am a member of the House that impeached you.<\/p>\n Secondly, I fled civil war when I was 8. An 8-year-old doesn\u2019t run a country even though you run our country like one. https:\/\/t.co\/zcKKjdC8ju<\/a><\/p>\n \u2014 Ilhan Omar (@IlhanMN) September 23, 2020<\/a><\/p><\/blockquote>\n\n