Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 {"id":47126,"date":"2020-06-19T09:17:09","date_gmt":"2020-06-19T08:17:09","guid":{"rendered":"https:\/\/www.hadalsame.com\/?p=47126"},"modified":"2020-06-19T12:57:19","modified_gmt":"2020-06-19T11:57:19","slug":"yaa-shidaya-shucladii-shahiidka-ma-sidaa-ayuu-ku-baabaayaa-dhaxalkii-ina-baashe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.hadalsame.com\/2020\/06\/19\/yaa-shidaya-shucladii-shahiidka-ma-sidaa-ayuu-ku-baabaayaa-dhaxalkii-ina-baashe\/","title":{"rendered":"YAA SHIDAYA SHUCLADII SHAHIIDKA: Ma sidaa ayuu ku baaba’ayaa dhaxalkii Ina Baashe?"},"content":{"rendered":"

(Hadalsame) 19 Juun 2020<\/strong><\/span> – Waxaa shalay Soomaalida ka baxay nin aad u cuslaa aadna u milgo iyo maamuus badnaa oo ahaa marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo muddo bil ahba ku xanuunsanayey isbitaal ku yaalla magaalada London.<\/p>\n

Geerida ayaa si ahaan soo booddo murugo miiran ah u ahayd, waayo maalmo yar uun kahor waxaa boggiisa lagu xaqiijiyey in laga waayey cudurka Covid-19 isla markaana ay xaaladdiisu degganayd. Ilaah baa og se wixii dhacay.<\/p>\n

Halkan ka dhegeyso TAARIIKHDIISII….<\/a><\/p>\n

Geerida ayaa faj’o iyo naxdin badan ku abuurtay dadka Soomaaliyeed ee jecel midnimada umadda Soomaaliyeed, maadaama uu Maxamed Baashe ahaa cod naadir ah oo u ololaynayey arrintaasi.<\/p>\n

MUXUU AHAA?<\/strong> Wuxuu marxuum Baashe isku lahaa dhowr tayo oo ay adag tahay inay qof qura ku kulmaan, sida weriye, qoraa, abwaan, siyaasi, halgamaa, aftahan, balaaqi, dhaqan yaqaan, taariikh maal, maaweeliye iwm. Wuxuu kaloo ahaa reer woqooyi u doodaya midnimada Somalia, isaga oo weliba saluugsanaa sida lagu burriyey<\/a> midnimadaas.<\/p>\n

Doodda ina Baashe ayaa ku taagnayd arrin ay in yari dhuuxi karto, balse runtii taagan, taasoo aan ku dhisnayn jacayl iyo nacayb toona, balse ah dan-garadnimo iyo waaqiciyad (pragmatism), diiradda saaraysa halka ay ku dambayn doonto Somalia, haddii aanay Soomaalidu midoobin oo aanay dalkeeda u tashanin sanadaha yar ee soo aaddan.<\/p>\n

Waxaana taa muhim wayn oo ka mudan wixii horay noosoo maray oo idil u yeelaysa, xaqiiqada ah inay dunidu samaynayso isbeddel 360 darajo ah, oo ay soo malabsanayaan cududo waawayn oo cusub oo quud ceeriin ah u doonaya wershadohooda, jeer uu sii dhacayo nidaamkii caalamiga ahaa ee la dhidbey kaddib dhamaadkii Dagaalkii 2-aad ee Dunida sida Xeerka Caalamiga ah (International Law).<\/p>\n

Haddii aan ifafaalaha in yar idin dareensiiyo waa tii uu dorraad Ruushku maalin cad gobol dhan oo istaraatiji ah oo Crimea la yiraahdo ka xoogey Ukraine, Maraykanku waa kii ka baxay Heshiiskii Cimilada Caalamka, iminkana cunaqabateeyey Maxkamaddii uu u ololayn jirey ee ICC. Kenya waxay iska soo gashay gobollo Somalia ka tirsan kaddib markii ay habeenkii seexatay ee ay hal mar subixii lasoo booddey inay leedahay dhul badeed ballaaran oo Somalia ka tirsan.<\/p>\n

Xusuuso, markii ay beri dhexdeer ah Jabuuti kusoo duushey oo ay Buuraha Dumayra ka qabsatay Eritrea, Jabuuti wax badan way ka qaban waydey arrintaa, waayo Eritrea waa 3.2 milyan, Jabuutina waa 900,000 wax aan ka badnayn. Soomaali badani waxay doonayaan inaan noqonno 15 Jabuuti. Kaddib maxaa dhacaya? Dabcan ma aha su’aal uu jawaabteeda sawiran karo midka hanka yar ee sidaa ku doodaya oo ay wax kasta kala wayn tahay BEESHIISA oo calan bahdilan sanadkiiba mar u buraanburta. ”Ha dhicin, ha dheelliyin, weligaa dhisnoow”, mayee Walluusan waaqii dhisnaanayn.<\/p>\n

Maxamed Baashe iyo in yar oo la hal maashaa, waxay fahamsan yihiin waxaas oo idil oo aanay dad badani sidaa u dhuuxin, u dhadhansanayn, u dheeganayn, uguna dheg taagaynin, waayo ”Isma oga agoon iyo ninkii aabbihii diley”<\/em>.<\/p>\n

Haddaba, yaa shidaya SHUCLADII uu shahiid Maxamed Baashe?! Waa su’aal taagan.<\/p>\n

Allaha u naxariisto Maxamed Baashe. Aamiin.<\/p>\n

\"\"<\/p>\n

 <\/p>\n

Waxaa Qoray:<\/strong> Maxamed Xaaji<\/p>\n

Hadalsame Media<\/span><\/strong><\/p>\n

 <\/p>\n

<\/h1>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"

(Hadalsame) 19 Juun 2020 – Waxaa shalay Soomaalida ka baxay nin aad u cuslaa aadna u milgo iyo maamuus badnaa oo ahaa marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo muddo bil ahba ku xanuunsanayey isbitaal ku yaalla magaalada London. Geerida ayaa si ahaan soo booddo murugo miiran ah u ahayd, waayo maalmo yar uun kahor waxaa […]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":47130,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"jetpack_post_was_ever_published":false,"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_newsletter_tier_id":0,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_is_tweetstorm":false,"jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","enabled":false}}},"categories":[4,10,1,9],"tags":[],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/www.hadalsame.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/Namnl\u00f6s-56.png?fit=927%2C529&ssl=1","jetpack_sharing_enabled":true,"jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p9Xl2P-cg6","_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47126"}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=47126"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47126\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":47131,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47126\/revisions\/47131"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/media\/47130"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=47126"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=47126"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=47126"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}