Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 {"id":46919,"date":"2020-06-16T15:51:57","date_gmt":"2020-06-16T14:51:57","guid":{"rendered":"https:\/\/www.hadalsame.com\/?p=46919"},"modified":"2020-06-16T15:53:07","modified_gmt":"2020-06-16T14:53:07","slug":"waa-maxay-doorarka-mw-geelle-rw-abiy-axmed-ee-midaynta-dalka-somalia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.hadalsame.com\/2020\/06\/16\/waa-maxay-doorarka-mw-geelle-rw-abiy-axmed-ee-midaynta-dalka-somalia\/","title":{"rendered":"Waa maxay doorarka MW Geelle & RW Abiy Axmed ee ”midaynta” dalka Somalia?"},"content":{"rendered":"

(Jabuuti) 16 Juun 2020<\/strong> <\/span>– Shir u dhexeeyay wufuud ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa ka dhacay magaalada jabuuti.<\/p>\n

Shirka waxaa gogishiisa dhigay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.<\/p>\n

Waxaa la dhisay guddi farsamo oo isku dhaf ah oo sii amba qaada waxyaabihii laga wadahadlay iyo sidii looga heshiin lahaa.<\/p>\n

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horey u wadahadlay, waxayna kullamadan soo socdeen tan iyo 2012-kii, in kastoo arrimo wax ku ool ah aysan ka soo bixin.<\/p>\n

Kulamada ayaa hakad ku jiray muddo sannado ah. Somaliland ayaa shuruud ka dhigeysay in kullanka ka hor la meelmariyo wixii horey loogu soo heshiiyay.<\/p>\n

Dib u soo celinta kulmada waxaa soo dhoweeyay dowladda taageeraya Soomaaliya. Dowladda Mareykanka na waxay ku tilmaamtay in “20 sano ka dib uu Ismaaciil Cumar Geelle qabanayo shir kale oo taariikhi ah oo lagu xoojinayo dib u heshiisiinta iyo barwaaqada Geeska Afrika.”<\/p>\n

“Is dhexgal heer gobol ah wuxuu xoojinayaa nolosha wanaagsan ee qof kasta oo ku nool Bariga Afrika”, ayaa lagu qoray barta Twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.<\/p>\n

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay ka shaqeynayay arrimaha is dhexgalka gobolka iyo xoojinta xiriirka dhaqaale.<\/p>\n

Abiy oo ka hadlay Shirka Jabuuti wuxuu yiri: “Kullankan muhiimka ah ee u dhexeeya hoggaamiyeyeesha Geeska Afrika waxay isiineysaa fursad wanaagsan oo aan dib ugu eego muhiimadda ay leeyihiin nabadda, dib u heshiisiin loo dhan yahay, ka wada shaqeynta danaha loo dhan yahay, iyo amniga”.<\/p>\n

Wuxuu hadalka ku daray “Waxaan nahay dad walaalo ah; waana inaan ku faannaa middaas”.<\/p>\n

Haddaba Abiy Axmed ujeedadiisa maxay tahay? Muxuuse doonayaa in uu ka faa’ido wadahadalladan?<\/p>\n

Doorka Abiy Axmed<\/h2>\n
\"Madax\"Lahaanshaha sawirka<\/span>AU<\/span><\/span><\/figure>\n

Bishii Febraayo, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ku kulmay magaalada Addis Ababa, ee caasimadda Itoobiya.<\/p>\n

Faah-faahin buuxda lagama bixin waxa ay ka wada hadleen Farmaajo iyo Biixi, waxayna warar soo baxay xilligaas sheegayeen inay yeesheen kulan ay albaabada u xirnaayeen oo qaatay in ka badan nus saac.<\/p>\n

Kullankaas oo ahaa midkii ugu horreeyay ee toos u dhexmara Farmaajo iyo Biixi, waxaa isugu keenay Abiy Axmed, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo labada hoggaamiye ku casuumay xafiiskiisa.<\/p>\n

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa xilligaas xaqiijiyay in uu shirkaas dhacay balse ka gaabsaday inuu faahfahin ka bixiyo.<\/p>\n

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo saxaafadda la hadlay maalmo ka dib kullanka, ayaa xaqiijiyay in kulanka uu dhex maray Biixi iyo Farmaajo, inkastoo isaga xitaa uu ka gaabsaday inuu xogta oo dhammeystiran bixiyo.<\/p>\n

Wuxuu wasiirka sheegay in Kulanka uu la mid ahaa “shirarka caadiga ah ee ay isku arkayeen madaxweynayaashii isugu tagay magaalada Addis Ababa”.<\/p>\n

\"Biixi
\n<\/span><\/figure>\n

“Abiy waxaa ka go’an in gobolkan la nabadeeyo iyo in isdhxgal la helo”, ayuu yiri Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda siyaasadda Afrika.<\/p>\n

“Wuxuu doonayaa in dadka Itoobiyaanka uu tuso in nabadeynta gobolka iyo is dhexgalka ay ka weyn yihiin kala qobqobka iyo siyaasadda gudaha dalkiisa”, ayuu hadalka ku sii daray.<\/p>\n

Gudaha dalka Itoobiya waxaa ka taagan colaado beeleedyo soo noqnoqday oo sababay barakac ballaaran iyo ururo mucaarad ku ah tallaabooyiinka Abiy Axmed uu qaadayo.<\/p>\n

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ka dib markii uu xilka qabtay wuxuu ku guuleystay inuu soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee Eritrea kala dhexeeyay.<\/p>\n

Wuxuu sidoo kale qaaday tallaabooyiin uu ku hagaajiyay xiriirrada diblumaasiyadeed ee dalalka kale ee gobolka kala dhexeeya, tallaabooyiinkaas oo uu ku helay abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Price.<\/p>\n

Bishii September 2018-kii, wuxuu Abiy heshiis la saxiixday madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.<\/p>\n

\n

\"Heshiiskan
Heshiiskan ayaa ku saabsanaa is dhexgal gobolka ka dhasha<\/figcaption><\/figure>
<\/figcaption><\/figure>\n

DR Cabdiwahaab wuxuu aaminsan yahay in Abiy Axmed iyo Dowladda Mareykanka ay “gadaal ka riixayaan sidii Soomaaliya loo mideyn lahaa, loona xasilin lahaa si mashruuca is dhexgalka loo fuliyo”.<\/p>\n

“Abiy wuxuu rabaa in ay midoobaan, mana rabo inuu arko in Somaliland ay dowlad gaar ah noqoto”, ayuu yiri Dr Cabdiwahaab.<\/p>\n

“Waxaa kale oo Abiy uu doonayaa in uu kasbado maskaxda iyo codka dadka Itoobiya si uu ololihiisa doorashada u xoojiyo”.<\/p>\n

Itoobiya iyo Somaliland waxaa ka dhexeeya “xiriir wanaagsan” waxayna Itoobiya dooneysaa in “ay isticmaasho dekadda Barbara”, sida uu sheegay Khabirkan ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Afrika.<\/p>\n

Geeska Afrika wuxuu ka mid yahay gobollada caalamka ee ugu xasilloonida yar, waxaana saameeyay colaado, argagixiso, burcad Badeed iyo abaaro soo noqnoqday.<\/p>\n

Balse dhowaanahan, madaxda Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea waxay riixayeen is dhexgal dhanka dhaqaalaha ah oo gobolka uu yeesha.<\/p>\n

Xiriirkaas wuxuu dhexmarayaa dalalka badaha leh – Soomaaliya iyo Eritrea – iyo waddanka aan badda haysan ee Itoobiya. Waxaa jiray kullamo heer sare ah oo arrimahaas laga yeeshay, shirka hadda Jabuuti na waxaa lala xiriirinayaa xaladdaas, sida ay qabaan dadka ka faallooda arrimaha diblumaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.<\/p>\n

\n

\"Farmaajo
MW Somalia & RW Itoobiya<\/figcaption><\/figure><\/figure>\n

Sida ay qortay warbaahinta laga leeyahay Turkiga ee TRT, “Xiriir dhow oo dalalkan dhexmara oo is dhexgal dhaqaale ah waxaa ku qasaaraya Soomaaliya, haddii uu dhaqangalo”.<\/p>\n

Balse Dr Cabdiwahaad wuxuu qabaa in “Itoobiya iyo Soomaaliya ay faa’idooyiin ugu jiraan isticmaalka dekadaha. Abiy wuxuu doonayaa inuu arko Soomaali mideysan”.<\/p>\n

Doorka Ismaaciil Cumar Geelle<\/h2>\n

Markii uu bilowga ahaa ololaha is dhexgalka, Dowladda Jabuuti qeyb kama ahayn. Madaxweyne Geelle ayaana si kale u arkay arrintaas.<\/p>\n

Hadal uu madaxweyne Geelle ka jeediyay shirka Madasha Aragti Wadaagga ee lagu qabtay Jabuuti bartamihii bishii December ee 2018-kii, wuxuu ku taliyay in laga fiirsado waxa ay soo kordhinayaan isbadalladaas, loona kuur galo wixii faa’iidooyin ama khasaare ah ee ay wataan.<\/p>\n

Isagoo u muuqday inuu si taxadar leh uga hadlayoay mowduucaas ayuu sheegay in wax walba ay ku habboonyihiin turxaan bixin.<\/p>\n

“Isbadallada hadda socda iyo kuwa imaan doonaba, waxaa loo baahanyahay in la is weydiiyo waxa ay tahay danta ay inoo xambaarsanyihiin ama wixii dibindaabyo ah ee ku duugan,” ayuu yiri madaxweyne Geelle.<\/p>\n

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in la tix galiyo ra’yiga dalalka kale.<\/p>\n

“Waxaa wanaagsan in fiiro dheer loo yeesho waxa ay dunida kale rabto iyo sida ay dowladaha gobolka ula fal gali karaan isbadalladaas”.<\/p>\n

Madaxweynaha Jabuuti ayaa intaas ku daray: “Marka laga hadlayo isbadallada gobolka waa in la ilaaliyo ma huraannada umadeed ee aaney adduunyadu goynin, jiritaankana salka u ah, waan baahanahay looma bahalo cuno ayaa la yiri”.<\/p>\n

\n

\"Geelle
MW Somalia & Jabuuti<\/figcaption><\/figure><\/figure>\n

Balse hadda ma cadda in mowqifkaas Geelle uu isbedelay. Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa lagu soo hadalqaaday xaaladdaas iyo xiriirka Geeska Afrika, balse shirka Jabuuti waxaa ka maqnaa Afwerki oo Geelle uu kala dhexeeyo khilaaf adag oo dhanka xuduudda ku saabsan.<\/p>\n

DR Cabdiwahaab wuxuu u arkaa in dowladda Mareykanka ay “cadaadis saareyso Jabuuti si ay qeyb uga noqoto heshiiska is dhexgalka”.<\/p>\n

“In maxaabiista ay is dhaafsadaan Jabuuti iyo Eritrea; in khilaafka xuduudda laga heshiiyo; haddii la tuso (Jabuuti) in waxaas oo dhan la xalinayo, way ku qabsan yihiin in barnaamijka ay qeyb ka noqdaan”, ayuu yiri Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.<\/p>\n

Wuxuu intaa ku daray: “Jabuuti waa dalka keli ah ee jecel in Soomaaliya ay midowdo; waa dalka ay labada dhinac ku kalsoon yihiin – marka taas waa fursad dahabi ah oo Jabuuti ay isugu keeni karto labada dhinac”.<\/p>\n

Isha:<\/strong> BBC<\/p>\n

Hadalsame Media<\/span><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"

(Jabuuti) 16 Juun 2020 – Shir u dhexeeyay wufuud ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa ka dhacay magaalada jabuuti. Shirka waxaa gogishiisa dhigay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Waxaa la dhisay guddi farsamo oo isku dhaf ah oo […]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":46922,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"jetpack_post_was_ever_published":false,"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_newsletter_tier_id":0,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_is_tweetstorm":false,"jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","enabled":false}}},"categories":[4,10,1,9],"tags":[],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/www.hadalsame.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/b-6.png?fit=788%2C515&ssl=1","jetpack_sharing_enabled":true,"jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p9Xl2P-ccL","_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46919"}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=46919"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46919\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":46921,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46919\/revisions\/46921"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/media\/46922"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=46919"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=46919"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hadalsame.com\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=46919"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}