(Bari) 20 Agoosto 2019<\/strong><\/span> – Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa kaddib markii ay cadaadis kala kulantay halkaasi waxay muuqaal ay soo duubtay ku muujisay inay dooneyso inay beegsato dalka Itoobiya.<\/p>\n Muuqaalkan ayaa lagu sheegay in Daacish ay baahineyso muuqaallo ku tarjuman luuqadda Amxaariga, oo ah mid ka mid ah labada luuqad ee dadka ugu badan ay ku hadlaan, dalka Itoobiya.<\/p>\n Khuburada dhinaca amniga ayaa sheegay in muuqaallada ku tarjuman luuqadda Amxaariga ee Daacish looga dan leeyahay in dagaal-yahanno looga qorto dalka Itoobiya.<\/p>\n Muddo ka badan sannad waxaa Itoobiya ka jiray xasillooni-darro inteeda badan ku salaysnayd dagaallo u dhexeeya qowmiyadaha kala duwan, waxaana khuburada amniga ay sheegeen in Daacish ay dooneyso in ka faa\u2019iideystao arrintan, sida uu warbixintan ku sheegayo weriye Haaruun Macruuf.<\/p>\n