Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/rest-api/class-wp-rest-server.php on line 1794 {"id":32542,"date":"2019-08-20T10:55:41","date_gmt":"2019-08-20T09:55:41","guid":{"rendered":"https:\/\/www.hadalsame.com\/?p=32542"},"modified":"2019-08-20T10:59:52","modified_gmt":"2019-08-20T09:59:52","slug":"waxaa-loo-dhigay-gaaf-wayn-balse-waxaa-si-xun-u-khaarajiyay-odaygii-uu-gabadha-ka-guursadey-muuqaal-sawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.hadalsame.com\/2019\/08\/20\/waxaa-loo-dhigay-gaaf-wayn-balse-waxaa-si-xun-u-khaarajiyay-odaygii-uu-gabadha-ka-guursadey-muuqaal-sawirro\/","title":{"rendered":"Waxaa loo dhigay GAAF wayn, balse waxaa si xun u KHAARAJIYAY odaygii uu gabadha ka guursadey!! + Muuqaal & Sawirro"},"content":{"rendered":"

(MIRYALAGUDA, India) 20 Agoosto 2019<\/strong> <\/span>\u2014<\/span> Waa dhallinyaro dhalaalaysa oo si aan caadi ahayn isu caashaqay. Waxay is barteen iyagoo dhigta fasalka 9-aad, markii ay Jaamacadda gaareen oo uu Pranay baranayay injineeriyadda kombiyuutarka, halka Amrutha ay baranaysey dharka iyo xarragada, ayaa waxaa cadaadis kasoo wajahey qoyskooda, waxayna guddoonsadeen inay gacalkooda u hiilliyaan oo isla gooyaan, masaafo ayay ku dhamaysteen.<\/p>\n

Waxay isku ”mehersadeen” macbad ku yaalla magaalada Hyderabad oo ay maamulaan koox dabaqadda sare ah oo la yiraahdo Arya Samaj, oo ah Hinduuga isbedel doonka ah, iyadoo la socdeen saaxiibbo kooban.<\/p>\n

Pranay Perumalla wuxuu soo gelayaa hoolkii ay ka socotey mashxaraddii aroosku, isagoo ku jooga suut buluug ah, wejigiisuna uu farxad la hillaacayo, gacantana ka haysta gacalisadiisa Amrutha Varshini.<\/p>\n

Waxaa lamaanaha cusub lagu taxay qoor gelisyo qurux badan oo ubaxyo lagu shaqlay iyo udugna loogu roonaaday, laba ka tirsan qoor geliskaasi waxay astaan u ahaayeen guurkooda cusub oo iyaga ayaa qoorta isu suray.<\/p>\n

Balse isla xilligaa ay ku jiraan damaashaadka farxadda leh, waxaa durba halis hubban ku jirtey noloshooda.<\/p>\n

Hal galab jeer bil uun laga joogo guurkooda cusub ayay shimbirahan caashaqu waxay u jihaysteen dhanka dhakhtar ay ballan la lahaayeen oo ku yaalla magaalada yar ee MIRYALAGUDA<\/span> oo ah midda ay ku koreen, kaddib markii ay gabadhu sheegtay inay uur leedahay, taasoo baajisay qorshe ay doonayeen inay ugu baxsadaan Australia.<\/p>\n

Waxaa mar ay kasoo baxayeen isbitaalka Jyothi Hospital 14-kii Sebt sanadkii tegey, gadaashooda ka yimid nin shaarib wayn oo khamarji ah oo ay waalidka gabadhu usoo direen inuu khaarajiyo wiilka.<\/p>\n

Wuxuu midigta ku sitaa BAANGAD wayn oo ah kuwa kawaanka, taasoo uu laba jeer ku shafay Pranay, mar madaxa, marna qoorta, sida laga arkay kaamirada amaanka CCTV, isagoo markiiba ruux baxay. Rao wuxuu dilkaa ku bixiyay $150,000 isagoo adeegsanaya siyaasi maxalli ah.<\/p>\n

\"\"<\/p>\n

Pranay, oo ahaa 23-jir, waa dadka ku dulman dalka Hindiya ee loo yaqaan ”lama taabtaanka” ama Dalit-ka, lama guursado, waxba laguma darsado, shaqooyinka sharafta leh looma ogola, xitaa ma geli karaan macbadyada lagu cibaadaysto, waxayna ka shaqeeyaan meelaha wasakhda ah sida musqulaha, bullaacadaha iwm\u201d<\/p>\n

Amrutha, waxay ahayd 21-jir, ka dhalatay ”lafta geela badha” waa dabaqadda Brahmins, waxayna kasii yihiin\u00a0 Arya Vysya, oo ka tirsan dabaqad hoosaad kale oo Komati la yiraahdo, oo ah mid xirfad ahaan ganaciga u badan, waxay qoyskeeda taajirka ah misna awoodda iyo saamaynta badan, oo dabcan aaminsan diinta khuraafiga ah ee Hinduuga oo ah midda aragtidani kasoo fufto qabaan in guurka noocan ihi uu ”bah’dil ku yahay qiyamkooda iyo sharaftooda.”<\/p>\n

Gabadha aabeheed, T. Maruthi Rao, oo tillaabadan aad uga caroodey ayaa isagoo aad u qaraarsan wuxuu wiilka uu sodogga u yahay u diray ninka soo khaarajiyay, sida ay caddaynayaan dokumentiyada Maxkamaddu.<\/p>\n

Gabdhiisa Amrutha Varshini oo uu aabeheed CARMAL ciirsi la’ ka dhigay waxay haatan iyada iyo wiil yar oo ay u dhashay ninkeedii Pranay Perumalla kula nooshahay guriga waalidkii oo ku yaalla Miryalaguda.
\n<\/span><\/p>\n

\"\"<\/p>\n

GACAL GURAN & GARDARRO GARAB OG!
\n<\/strong><\/p>\n

Pranay aabbihii Balaswamy, 53-jir, ayaan rajo badan ka qabin in mudankiisa la marin doono Rao, kaasoo tiiyoo ay ku caddaatay inuu soo amray khaarajiyaha misna damaanad lagusii daayay.<\/p>\n

Waloow ay Dalit-ku taageero u muujiyeen qoyska dhibku soo gaarey, misna waa duni wareersani wax badan uma qaban karaan, ugu yaraan taageero u dhiganta midda ay heleen qoyska dilka gaystey ee daalimka ah.<\/p>\n

\u201cWaa la diley waayo wuxuu wadey jacayl aysan ogolayn qoyska gabdhu,\u201d ayuu yiri isagoo isla fiican Bhupathi Raju, oo madaxwayne sharafeed ka ah jamciyad ay leeyihiin dadka Arya Vysya oo u nool magaalada Nalgonda oo u dhow tan uu shilku ka dhacay, xitaa wuxuu aasaasay urur u dooda waalidiinta noocan ah oo la yiraahdo \u201cParents Protection Association\u201d isagoo isu keenay boqollaal dad ah oo Rao xabsiga ku booqday.<\/p>\n

\"\"<\/p>\n

Nin qarreen ah oo ku nool Miryalaguda, Shyam Sunder Chilukuri, wuxuu isna sameeyay koox sidoo kale ah, wuxuu si ay liidmo ka muuqato u yiri. \u201cYarkani wuxuu guursadey gabar kasoo jeeda cid ladan, si uu jacaylka ugu dago\u201d isagoo wiilka ku tilmaamay \u201cdembiile.\u201d<\/p>\n

Waloow ay aad isu bedeleeyso Hindiya aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaanba, misna daraasad la sameeyay 2017-kii<\/a> ayay ku caddaatay in is guursiga dabaqadaha kala geddisani aanay ka badnayn 5.8%, taasoo ah heer aan wax badani iska bedelin muddo 40 sanadood ah.<\/p>\n

Dalit-ka, oo tirada guud ee Hindiya ka ah 17 boqolkiiba, marka si guud loo tiriyo 1.3 bilyan oo dalkaa wayn ku nool, waxay taagan yihiin sagxadda dhanka kala sarraynta bulsho ee dalkaa ka jirta oo u qaybsan 3 dabaqadood oo ay iyagu ugu hooseeyaan uguna milge liitaan.<\/p>\n

Halkan ka daawo arooskoodii…<\/strong><\/p>\n