Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Search Results for “caanka ah” – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Fri, 15 Dec 2023 10:58:39 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 Caleentani waxay leedahay caafimaad aan caadi ahayn (Qaababka ugu fiican ee loo isticmaalo?) https://www.hadalsame.com/2023/12/15/caleentani-waxay-leedahay-caafimaad-aan-caadi-ahayn-qaababka-ugu-fiican-ee-loo-isticmaalo/ Fri, 15 Dec 2023 10:58:39 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100987 (Hadalsame) 15 Dis 2023 – Caleenta Koostada waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu caafimaadka badan sababtoo ah waxaa ka buuxa faytamiinno, macdano iyo walxaha jidhka sunta kaa saara.

Waa khudrad kulansatay nafaqo kala duwan oo qeyb kasta oo jidhka ka mid ah wax u tarta, waxaa ka buuxa faytamiin A, Faytamiin C, Faytamiin E, Faytamiin K, folic acid, kalsiyaam, magnesium, potassium iyo xadiid. Waxaa kaloo laga helaa maadooyinka lutein, zeaxanthin, quercetin iyo nitrate kuwaas oo caafimaadka faaido u leh.

Hadaba Daryeel Magazine waxa uu halkaan ku xusayaa qaar ka mid ah faaidooyinka waa wayn ee laga helo caleenta koostada ee cilmi baadhis ahaan la hubiyay.

Caafimaadka wadnaha

Koostada waxaa ku jira xaddi fiican oo maadada “nitrate” ah, maadadani waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga, waxa ay dejisaa dhiigga karka waxayna yareysaa halista wadne xanuunka. Daraasad la sameeyay waxaa lagu arkay in faytamiinnada, macdanaha iyo walxaha sun saarista ee ku jira koostada ay sare u qaadaan caafimaadka wadnaha.

Kahortagga dhiig yarida

koostadu waa khudrad hodan ku ah macdanta xadiidka qofka joogteeyana isma arkaan xanuunka dhiig yarida khaasattan nooca ka dhasha xadiid yaraanta

Caafimaadka indhaha

Caleenta koostada waxaa ku badan maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin” oo uroon caafimaadka indhaha kuwaas oo yareeya halista caadka indhaha fuula iyo xanuunka macular degeneration. Waxay kaloo khudraddani qani ku tahay faytamiinka A oo kordhiya awoodda aragga.

Difaaca jidhka

Koostadu waxa ay caawisaa awood siinta difaaca jidhka, waxayna ka hortagtaa jeermisyada dhibaatada badan ee soo weerara hab-dhiska difaaca jidhka.

Caafimaadka lafaha

Koostadu waxa ay adkaysaa lafaha maadaama ay xambaarsan tahay waxyaabaha ay lafuhu u baahan yihiin sida faytamiin K iyo kalsiyaam, waxayna ka hortagtaa cudurka lafo beelka.

Dheef-shiidka

Koostadu waxay u roontahay dheefshiidka, waxay ka hortagtaa calool istaagga, waxay kaloo u roontahay dadka qaba gaaska.

Caafimaadka uurka

Koostada u wanaagsan tahay hooyooyinka uurka leh maxaa yeelay waxaa ku badan maadada “folic acid” oo caawisa korriimada uurjiifka kana hortagta inuu cillad ku dhasho haddii maadadaan ay jidhka ku yaraato, sidaas awgeed hooyooyinka uurka leh waxaa lagula dardaarmaa inay ku dedaalaan cunista koostada si ay uga helaan faytamiinno ku filan koriimada uurjiifka.

Xakamaynta cudurka macaanka

Koostadu waxay kordhisaa xakamaynta xanuunka macaanka sababtoo ah waxaa ku jira asiidhka “alpha-lipoic” oo hoos u dhiga heerka sonkorta dhiigga, kordhiyana shaqada iyo firfircoonida hormoonka insulin.

Sunsaarista

Walxaha “phytonutrients” ee laga helo koostada waxa ay jidhka ka nadiifiyaan qashinka iyo sunta. Tani waxay yareysaa caabuqa iyo halista cudurrada.

Maqaarka iyo timaha

Faytaamiinnada A, C iyo E ee laga helo koostada waxay uroon yihiin caafimaadka maqaarka iyo timaha

faytamiinka A waxa uu tinta iyo maqaarka ka ilaaliya qallaylka, waxaana uu dib u dhigaa soo shaac bixidda caalamadaha gabowga.

Dhinaca kale, faytamiin C waxa uu ka qayb qaataa soo saarista barootiinta “collagen” waxaana uu maqaarka ka ilaaliyaa dhaawaca fallaadhaha cadceeda. Halka Faytamiin E uu dhalaal siiyo maqaarka iyo timaha.

Waxaa intaas dheer, macdanta xadiidka oo jidhka ku yaraataa waxa ay ka mid tahay sababaha ugu badan ee keena timo daadashada waxaana looga hortagi karaa in lagu dedaalo cunnoooyinka hodanka ku ah macdanta xadiidka sida koostada.

Waa maxay khasaaraha koostadu?

Koostada waxaa ku jirta maadada loo yaqaanno “oxalate” oo ka qayb qaadata samaysanka dhagaxaanta kilyaha, sidaas awgeed isticmaalkeeda oo aad loo badsado waxa ay kordhisaa halista dhagaxaanta kilyaha ku samaysma.

Dadka qaata dawooyinka dhiigga jilciya waa inay ka fogaadaan isticmaalka koostada maadaama uu ku badan yahay faytamiinka K oo door wayn ka ciyaara guntamaha dhiigga.

Sidee cabitaan looga sameeyaa?

Koostada cabitaan ahaan ayaa loo cabbi karaa, waxaa lagu dhex shiidan karaa furuutka iyo khudradda kala duwan sida muuska, timirta, tufaaxa, afakaadhada, kaarootada iwm.

Sidee loo kariyaa koostada?

Waa in koostada lagu uumiyaa biyo ee lama karkariyo, haddii la karkariyo waxaa ka dhinta nafaqada ay xambaarsan tahay, markii la uumiyo, dheecaanka ay dhashana lama daadiyo oo koostada ayaa suugo looga dhigtaa, si aysan kuu dhaafin nafaqooyinka ay xambaarsan tahay.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100987
Sidee Somalia loogu yeeshay daynta maanta laga cafinayo ee balaayiinta doollar ah? https://www.hadalsame.com/2023/12/13/sidee-somalia-loogu-yeeshay-daynta-maanta-laga-cafinayo-ee-balaayiinta-doollar-ah/ Wed, 13 Dec 2023 09:09:15 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100921

(New York) 13 Dis 2023 – Magaalada Washington waxaa maanta la filayaa in looga dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyey deyntii sanooyinka badan lagu lahaa.

Munaasabadaas darteed ayaa waxaa halkaa u tegey madax ka tirsan dawladda Soomaaliya oo madaxweynuhu ugu horreeyo, horena waxaa u sii joogay wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo kulamo gogol xaar ah ka waday.

Washigton waa magaalada ay ku yaallaan xarumaha waaweyn ee bankiga adduunka iyo hay’adda IMF. Howshaas deyn cafinta ayaa soo bilaabatay 2014kii intii lagu gudo jiray muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Deyn cafintu waxay markii ugu horreysay ku bilaabatay mideynta dakhli ururinta wasaaradaha xukuumadda federaalka ah, diiwaangelinta iyo dib-u-habeynta iyo u-awoodsiinta bankiga dhexe. Xasan Aadan Xoosow oo ah Lataliyaha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in ‘deyn cafintu ay mareyso heer gebogebo ah’.

Sidee loogu yeeshay deynta Soomaaliya?

Deynta lagu leeyahay Soomaaliya waa shan bilyan iyo labo boqol oo kun oo doolar. Waxaa la amaahday soddonkii sanno ee ugu horreeyay xornimada. Laakiin deynta ugu badan waxaa la galay intii u dhexeysay 1978dii – 1990kii. Waa intii askartii xukunka boobtay ee kacaanka ay hayeen talada dalka. Waxay isugu jirtaa dhaqaale lagu fuliyay mashaariic la xiriira beeraha iyo xoolaha, iyo xitaa dhismeyaal, Iyo, qeyb la rumeysan yahay in loo adeegsaday arrimo siyaasadeed, iyo howlo ciidan iyo dano shaqsi.

Tirada ugu badan ee deynta lagu leeyahay Soomaaliya waxaa loo arkaa inay tahay lacag aruurtay oo dulsaarkeedu koroyay saddex iyo lixdankii sanno ee ugu dambeeyay. Deynta rasmiga ah waxaa lagu qiyaasayaa labo bilyan oo doolar. Inta kale waa ribo ku kordheysay sanad ba ka uu ka dambeeyay.

Haddaba, yaa ku leh Soomaaliya deynta?

Lacagtan deynta waxaa Soomaaliya ku leh dalal dhowr ah oo ku kala jira isbaheysiyo dhaqaale oo kala duwan. Dalalka bahoobay ee deynta leh waxaa ka mid ah kuwa ku mideysan Naadiga Baariis. Xubnaha naadigan ee deynta leh waxaa ugu horreeya Mareykanka, waxaa soo raaca Ruushka, Talyaaniga iyo Faransiiska.

Qof xawaalad ka shaqeeya oo lacag tirinaya
Qof xawaalad ka shaqeeya oo lacag tirinaya

Mareykanka oo keliya waxa uu Soomaaliya ku leeyahay qiyaastii 20% boqolkii ba deynta oo dhan. Waxaa lacag dhan hal bilyan oo doolar. Halka deynta Ruushka ay u dhiganto 13% boqolkiiba deynta shanta bilyan ah. Waxay u dhigantaa qiyaastii Lix boqol iyo kontan Milyan oo doolar.

Talyaaniga na waxaa u diiwaangashan deyn dhan Shan boqol iyo kontan milyan oo doolar oo u dhiganta 11% boqolkiiba deynta lagu leeyahay Soomaaliya. Deynta Faransiiska waa 8% boqolkiiba oo u dhiganta Afar boqol oo milyan.

Dalalka kale ee Soomaaliya deynta ku leh waxaa ka mid ah dalalka carabta. Sacuudiga, Imaaraatka, Ciraaq, Kuweyt, iyo ururo carbeed iyo kan ururka dalalka shidaalka soo-saara ee Opec. Wadarta guud ee deymahaas waxaa lagu qiyaasayaa Sagaal boqol oo milyan oo doolar. Deynta dalalka carabta iyo ururada kale waxay u dhigantaa 18% boqolkiiba wadarta guud ee deynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Daynta iyo dakhliga gudaha

Deyntan waxay boqol iyo toban jeer ka badan tahay dakhliga sanadlaha ah ee Soomaaliya. Khuburadda dhaqaalaha waxay sheegayaan in deyntan la iska bixiyo waxay qaadan kartaa sanad dhan oo la ururiyo dhaqaalaha dowladda iyo dalka iyo xitaa qof walba oo Soomaali ah soo gala, iyada oo aan hal shilin wax kale loo adeegsa, marka loo eego dakhliga sanadlaha ah ee Soomaaliya. “Ma ahan wax la awoodi karo in sidaas loo bixiyo. Wax badan oo horumarinta dhaqaalaha ah iyo karaamada qofka Soomaaliga ah ayaa nooga xiran deyn cafinta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’addaha maaliyada Soomaaliya ee ku lugta leh deyn cafinta.

Suuq lacagaha lagu kala bedelo
Suuq lacagaha lagu kala bedelo

Dadka jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa shan iyo toban milyan oo qof. Haddii deyntaas loo qeybiyo dadka Soomaaliya waxaa qofwalba lagu yeelanayaa lacag deyn ah oo dhan saddex boqol iyo kontan doolar. Waa lacag wax yar ka yar dakhliga uu heli karo qofkii ba 12 bilood oo dhan.

Hadda, Soomaaliya waxay heystaa balanqaad ah in deymaha ugu yaraan qeyb laga cafin karo. Laakiin waa inay buuxisaa sharuudaha deyn cafinta oo dhan. Qaar baa la hirgeliyay sharuudaha laakiin waxaa dhiman kuwa loo arki karo inay yihiin kuwa ugu adag. Waxaa ka mid ah in la hirgeliyo canshuur mideysan oo laga qaado dekedaha iyo garoomada Soomaaliya oo dhan.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100921
Waxyaabaha kordhiya tayada & Tirada shahwada ee muhimka u ah dhalmada + Caafimaadka ilmaha dhalanaya https://www.hadalsame.com/2023/12/11/waxyaabaha-kordhiya-tayada-tirada-shahwada-ee-muhimka-u-ah-dhalmada-caafimaadka-ilmaha-dhalanaya/ Mon, 11 Dec 2023 08:55:28 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100873 (Hadalsame) 11 Dis 2023 – Warbixinteenna maana waxaan kaga hadlaynaa waxyaabaha shahwada raga badiya tirada (sperm count) iyo tayada iyo waxyaabaha yareeya.

Dhalmo la’aanta ragga waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay caqabadda ugu wayn ee soo wajahda lammaanaha doonaya inay ilmo dhalaan. Inkastoo sababo kale ay keeni karaan dhalmo la’aanta ragga, haddana sababta ugu wayni waa tirada shahwada ragga oo hoosaysa. Caafimaadka iyo qaab nololeedka waxay saamayn wayn ku leeyihiin tirada shahwada ragga. Sidoo kale sigaarku waxuu yareeyaa tirada iyo awoodda shahwada.

Rag badan oo cuna qaadka ayaa la ogaaday inuu ka khalkhalo ama kaba tago dareenka kacsiga. Qaadka ayaa la rumaysan yahay inuu faragalin ku sameeyo tayada shahwada ragga taasoo keeni karta madhalaysnimo.

Saamaynta cuntada iyo qaab nololeedku ay ku leeyihiin dhalmo la’aanta ragga

Haddii cunno qaadashadaada ay ku badan yihiin cunnooyinka warshadaysa,n macmacaanka, saliidaha caafimaadka u daran waxay si wayn hoos ugu dhigaysaa tirada shahwadaada, sidoo kale fadhiga badan iyo jimicsi la’aantu waxay yaraynayaan xaddiga iyo tayada shahwadaada.

Haddii adiga iyo xaaskaaga aad isku dayseen inay uur qaado, balse biyahaagu ay yaryihiin, isbedel aad ku samayso cunnadaada iyo qaab nololeedkaaga adigoo ku daraya cunnooyinka shahwada badiya iyo jimicsiyo ayaa wax wayn kuu tari karta. Waa kuwaan cunnooyinka shahwada badiya:

Koostada

Khudaarta caleemaha cagaaran sida koostada waxay qani ku yihiin maadada folic acid, taas oo kordhisa caafimaadka iyo dhaqdhaqaaqa shahwada. Cunistada koostada oo la joogteeyo waxaa la aaminsan yahay inay badiso shahwada.

Ukunta

Ukuntu waa mid ka mid ah ilaha ugu fiican ee laga helo barootiinta. Ukuntu waxay u wanaagsan kordhinta shahwada. Barootintu waxay ka mid tahay waxyaabaha ay shahwadu ka kooban tahay, cunista barootin tayo leh waxay kor u qaadaa tirada shahwada.

Shukulaatada madow

Sonkorta cad waa cadowga koobaad ee shahwada. Dhinaca kale, shukulaatada madow, waxaa ku badan asiidhada amino, waxay kor u qaadaa tirada iyo tayada shahwada.

Toonta

Toontu waxay ka mid tahay cunnooyinka ragga uroon, waxaa ku jiro waxyaabo kordhiya tirada shahwada. Toonta waxaa ka buuxo fitamiin B6 iyo selenium oo ka hortago in waxyeello soo gaarto shahwada.

Mooska

Moosku wuxuu qani ku yahay fitamiinnada A, B1 iyo C, cuntiisa oo la joogteeyana waxay kor u qaadaa tirada iyo tayada shahwada.

Lawska

Lawska waxaa ka buuxo dufanka omega 3 kaas oo kordhiya qulqul wareegga dhiigga ee xiniinyaha taas oo badinaysa shahwada.

Rummaanka

Geedka rummaanka wuxuu ugu horreeya cunnooyinka kordhiya hammada, wuxuu kaloo kordhiyaa xawada iyo tayada manida. Rummaanka waxaa ku badan walxaha sunsaarista kuwaas oo kor u qaada heerka hormoonka testosterone, hagaajinaya tayada manida, islamarkaana kordhiyo rabitaanka galmada.

Lohodka (Oysters)

Lohodka waxaa ku badan macdanta zinc oo muhiim u ah soo saarista shahwo caafimaad qabta iyo heerarka testosterone. Macdanta zinc oo jirka ku yaraata waxay keentaa dhalma la’aanta ragga.

Cunnooyinka lagu kabay fitamiin D

Daraasado dhowr ah oo la sameeyay ayaa iftiimiyay in jirka oo heli waaya fitamiin D iyo kalsiyaam ku filan ay keeni karto in shahwadu ay yaraato. Sidaas darteed fitamiin D iyo kalsiyaam kugu filan oo aad heshaa keliya ma kobcinayso caafimaadka lafaahaaga balse waxay kaloo kordhinaysaa tayada iyo tirada shahwadaada.

Kalluunka Salmon

Kalluunkan wuxuu ka mid yahay cunnooyinka badda kuwa ugu caafimaadka badan. Waxaa ka buuxo dufanka omega 3, sidoo kale waa il muhiim ah oo laga helo fitamiin B iyo fitamiin D kuwaas oo sare u qaadaya tirada iyo tayada shahwada.

Qaab nololeedyada badiya shahwada:

Jimicsiga

Jimicsigu wuxuu xal u yahay xaalado badan oo caafiimaad. Wuxuu caawin karaa kordhinta shahwada. Waxaa la ogsoon yahay in jimicsiyada fudud sida orodka ay saamayn togan ku leeyihiin tirada shahwada.

Jooji sigaarka

Sigaarku waxa uu yareeyaa soo saaridda shahwada raga wuxuuna keeni karaa in kansar uu ku dhaco xaniinyaha ragga.

Iska yaree cayilka

Waxaa la aaminsan yahay in cayilka badan oo hoos u dhigi karo tirada shahwada, sidaas darteed miisaanka oo la iska dhimaa waxay ka qayb qaadan kartaa caafimaadka shahwada.

Ka fogow dhafarka badan

Cilmibaaris lagu sameeyay rag kala duwan ayaa muujisay in ragga seexda 8-da fiidnimo illaa 10-ka habeennimo ay shahwadoodu ugu dhaqdhaqaaq wanaagsan tahay taas oo macnaheedu tahay in shahwadoodu ay ka dabaallasho fiican tahay islamarkaana ay kaga wanaagsan tahay fursadda ay ku bacrimin karto ukun.

Dhinaca kale, ragga seexda 12-ka habeennimo iyo wixii ka dambeeya ayaa la ogaaday in tirada shahwadoodu ay ka hoosayso ragga fiidkii seexda.

Maaree walwalka

Walwalku wuxuu ka mid yahay sababaha ugu caan ee keena shahwo yarida ragga, maadaama uu faragelin ku sameeyo hormoonnada muhiimka u ah soo saaridda shahwada. Daraasado dhowr ah ayaa tilmaamay in walwalku uu khatar ku yahay tayada xawada iyo manida isagoo saameeya muuqaalka shahwada iyo awoodda bacriminta.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100873
Gantaalaha Xamaas oo gaystey jug halis ah + Sawirro (Maxaa la qarinayey oo uu kashifay dayax-gacmeedku?) https://www.hadalsame.com/2023/12/06/gantaalaha-xamaas-oo-gaystey-jug-halis-ah-sawirro-maxaa-la-qarinayey-oo-uu-kashifay-dayax-gacmeedku/ Wed, 06 Dec 2023 07:25:32 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100673 (Qasa) 06 Dis 2023 – Gantaal ay soo rideen kooxda Xamaas ee Falastiiniyiinta ah intii uu socdey weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ayaa hadda la sheegayaa inuu ku dhacay saldhig ay leeyihiin ciidamada Israa’iil oo la rumaysan yahay in lagu kaydiyo gantaalaha xambaari kara nukliyeerka, sida uu qoray wargayska New York Times Isniintii, isagoo soo xiganaya falanqayn lagu sameeyay sawir dayax-gacmeed.

Sida laga soo xigtey xogta NASA ee loo isticmaalo in lagu ogaado dabka ka kacaya kaymaha islamarkaana uu dib u eegis ku sameeyey wargaysku, hal gantaal, oo loo badinayo inay rideen Xamaas, ayaa ku dhacay saldhigga Sdot Micha ee bartamaha dhulka ay haysato Israa’iil saacadihii hore ee weerarkii 7dii Oktoobar.

Duqayntan ayaan sida muuqata si toos ah ugu dhicin wax gantaal ah, balse waxay sababtay dab “ku dhowaaday xarumaha lagu kaydiyo gantaalaha iyo hub kale oo xasaasi ah,” ayay tiri warbixinta oo ay xitaa soo qaadatay warbaahinta Israel.

Sawirrada dayax-gacmeedka ee uu wadaagay Times ayaa muujinaya agagaarka Sdot Micha wixii ka dambeeyey weerarkii gantaalaha Xamaas, iyadoo laga arkayo bar wayn oo gubatey oo meeshaa ka muuqatey Oktoobar 8.

Duqaymaha ka dhacay agagaarka goobtan xasaasiga ah ayaa socdey dhowr saacadood, sida uu maqaalku leeyahay. Ma cadda se inta gantaal ee ku guulaystey inay ka baxsadaan nidaamka difaaca hawada ee caanka ah ee Qubada Birta ah ama Iron Dome ee Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, hal gantaal ayaa la rumaysan yahay inuu ku dhacay tog yar oo u dhow xarun ay ku kaydsan yihiin gantaalaha Jericho, oo leh nidaamka raadaar iyo qunuxyada waawayn ee la geliyo gantaalaha difaaca hawada.

Israeli facility linked to nuclear program hit in Hamas strike – NYT

Militant Rocket Hit Base Linked to Israeli Nuclear Missile Program - The New York Times

Hadalsame Media

]]>
100673
Noocyada diyaaradaha dagaal iyo taangiyada ay Somalia iibsan karto (Qiimaha ay ku kacayaan?) https://www.hadalsame.com/2023/12/04/noocyada-diyaaradaha-dagaal-iyo-taangiyada-ay-somalia-iibsan-karto-qiimaha-ay-ku-kacayaan/ Mon, 04 Dec 2023 18:08:14 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100614

(Muqdisho) 04 Dis 2023 – Dowladda Soomaaliya ayaa guul weyn ugu dambeyn ka gaartay dedaalka ay ku dooneysay in laga qaado xayiraada hubka oo ahayd tan ugu mudada dheer ee dal lagu soo rogay.

Xayiraada hubka ayaa lagu soo rogay Soomaaliya 1992dii si loo dhimo qulqulka hubka ku socda hoggaamiyeyaashii dagaalka ee xukunka ka tuuray dowladdii kacaanka.

Shan iyo tobanka dalka ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa taageeray labo qaraar, oo midna xayiraada hubka looga qaadayay dowladda, halka kan kale na xayiraad hub lagu saarayay Al-Shabaab.

Qaraarkan waxaa golaha u gudbiyay dowladda Ingiriiska. Waxa uu yimid go’aankan toddobaad kadib markii la aqbalay codsiga xubinnimada Soomaaliya ee dalalka ku bahoobay Dalada Barriga Afrika.

Xubinnimada dalalka Barriga Afrika iyo qaadista xayiraada hubka waxay ahayd labo qorshe oo waa weyn oo ugu muhiimsanaa siyaasada dibeda ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qiimaha uu ugu kici karo Soomaaliya

Sanadadii dambe furimaha dagaalka ee waddamada iyo kuwa lagula jiro kooxaha ayaa waxay dunida caan ka noqday

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Wax badan ayaa iska bedelay xeeladaha dagaalka iyo agabka la adeegsado mudadii uu saarnaa xayiraada hubka, xilligaas oo ay Soomaaliya ku tiirsaneyd hub fudud iyo kuwa yar yar oo ay ugu deeqaan dowladda kale.

Sanadihii dambe, furimaha dagaalka ee waddamada iyo kuwa lagula jiro kooxaha hubeysan ee aan dowlada ahayn ayaa waxay dunida caan ka noqday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan, kuwaas oo kaalin mug leh hawlgalada dhanka cirka.

Khuburada ayaa sheegaya in hadda maaddaama Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka ay diyaaradahan aan duuliyaha lahay. Diyaaradaha noocaan ah ee kaalinta ugu weyn ku leh furimaha dafgaalka waxaa ugu caansan kuwa ay sameeyaan Mareykanka, Turkiga iyo Iran.

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada.

Bayraktar TB2 ee Turkigu sameeyo

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado heerkoodu sareeyo ka taya wanaagsan kuwa laga soo saaro dalal badan.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaareen dagaalkii ay la galeen kooxaha gooni-u-goosadka iyo ciidamada dowladda Armenia.

Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya iyo Liibiya.

Maxay tahay diyaaraddan?

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada. Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150kg ayaa ka howlgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Drones-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.

Waxay ku safri kartaa xawaare ka badan 220 km. Diyaaradan ayaa siday ilaa 300 oo litir oo shidaal ah qaadi karta.

Qiimaha halka diyaarad ee Bayraktar TB2 ayaa ah ku dhawaad 5 Malyan oo doolar. Marka laga eego qandaraasyada Yukreen ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale waxa uu muujinaya in qiime gaaraya ku dhawaad shan Malyan oo dolar.

Diyaaradaha dagaalka ee Helicopter-ka

Diyaaradaha Helicopter-ka ee dagaalka waa kuwo hubaysan oo leh doorka ugu horreeya marka ay timaaddo weerarka dhanka cirka ah,

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mid ka mid ah baahiyaha haysta ciidamada dowladda dhanka sahanka oo aysan u heysan diyaarado dagaal.

Diyaaradaha masaafada kooban duula ee ay adeegsadaan ciidamada dhulka si ay sahan ugu sameeyaan goobaha kooxaha ay dagaalka kula jiraan, si ay xog uga helaan ula na socdaan dhaqdhaqaaqooda.

Diyaaradaha Helicopter-ka ee dagaalka waa kuwo hubaysan oo leh doorka ugu horreeya marka ay timaaddo weerarka dhanka cirka ah, iyada oo awood u leh weerarrada bartilmaameedyada dhulka sida ciidamada lugta ee cadowga, baabuurta dagaalka iyo dhufaysyada.

Tusaale ahaan nooca loo yaqaan UH-60 Black Hawk helicopter ayaa qiimaheedu yahay inta u dhaxeysa 5.9 malyan ilaa 10 malyan.

Diyaaradaha dagaalka ee Miigga

Diyaaradaha Miigga ayaa ah kuwo xawaarahoodu sarreyo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Miiga waxaa ugu caansan noocyada kala ah F-16, F-35, F-15 iyo F5. Tusaale ahaan diyaaradda F-15 halkii xabo ayaa waxay gaareysaa 93 malayan oo doolar.

Gawaarida gaashaaman

Gawaarida gaashaaman

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Baabuurta gaashaaman ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada militariga iyo fulinta sharciga iyo ilaalinta shaqaalaha. Qoryaha ku rakiban ayaa ah astaanta ugu muhiimka ee baabuurta gaashaaman.

Baabuurta qafilan ayaa ah kuwa kaalin xoogan ka geysta furimaha, maadaama ay adag tahay in rasaasta qaar ee ay isticmaalaan ururka al Shabaab ee la dagaalama ciidanka dawladda ay ka gudubto.

Gawaarida Gaashaaman ayaa sidoo kale waxay door muhiim ah ka qaataan qaadista ciidamada lugta iyagoo sidoo kalana bixinaya taageero xoog leh oo dhanka dab-damiska ah gaar ahaan goobta dagaalka iyagoo adeegsanaya hubkooda isku dhafan, oo ay ku jiraan gantaalada lidka taangiyada.

Gawaarida gaashaaman, waxay awood u leeyihiin inay iska difaacaan rasaasta, firirka miinooyinka, iyo madfacyada kale.

Gawaawrida gaashaaman ay isticmaalaan dalalka dariska iyo kuwa kale oo caalamkaba ayaa waxaa u badan kuwa Turkiga uu sameeyo.

Qiime ahaan halkii gaari ee gaashaaman ayaa ah ayaa ilaa sided boqol oo kun oo doolar.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100614
Somalia oo durba ka hadashay nooca uu yahay hubka ay u baahan tahay & Meelaha ay ka heleyso + Sawirro (Kaydinta & Xifdinta oo ay doodi ka joogto?) https://www.hadalsame.com/2023/12/04/somalia-oo-durba-ka-hadashay-nooca-uu-yahay-hubka-ay-u-baahan-tahay-meelaha-ay-ka-heleyso-sawirro-kaydinta-xifdinta-oo-ay-doodi-ka-joogto/ Mon, 04 Dec 2023 05:32:23 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100579

(Muqdisho) 04 Dis 2023 – Koowdii Diseembar, 2023 waxay Soomaaliya u ahayd maalin taariikhi ah ka dib markii laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd 31 sano.

Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa ka yeeshay kulan ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992-dii.

Go’aanka cunaqabateynta ee sanadkii 199 dii ayaa Goluhu ku saleeyay xilligaas si looga hortago qulqulka hubka ee dalka oo waqtigaas dagaallo sokeeye ka jireen, kuwaas oo ka dhashay markii meesha laga saaray dowladii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dadaallo is daba joog ah oo ka soo billowday sanadkii 2012-kii ayey Soomaaliya ku gaysay masraxyda caalamka sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabtayntan iyagoo ku andacoonayay inuu dalku u bahan yahay inuu helo hub uu ku qalabeeyo ciidamadiisa si ay uga adkaadaan kooxda Al-Shabaab oo muddo 15 sano ka badan dagaal kala horjeedda dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cisman ‘Baalle’ ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ay awood u siinayso Soomaaliya ka hortagga khataraha dhanka ammaanka sidoo kalana u oggolaanayso xoojinta tayada ciidamada amniga Soomaaliya.

Hub

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Soomaaliya hub noocee ayey u baahan tahay hadda?

Cuna qabataynta hubku waxay caqabad ku ahayd horumarka milatari ee dawladda Soomaaliya gaar ahaanna inay ka adkaato kooxda Al-shabaab oo ay dagaal kula jirto, sida ay qabaan dad badan oo ka faalooda amniga Soomaaliya.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa,”ayuu BBC u sheegay dhawaan Xuseen Macallin oo ah la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay qabto baahi milatari oo guud iyo mid gaar ah. Tan guud waa inay awood ahaan dhisanto kuna fiilnaato amniga dalkeeda, balse baahi degdeg ah ayaa jirta sida ay dawladda Soomaaliya qabto.

Janaraal Cabdullaahi Cali Caanood oo darajada sareeye guuto ka gaaray ciidamada Soomaaliya sidoo kalena soo maray abaanduulaha ciidamada dhulka, ayaa isaga oo khibradiisa kaa shaanaya BBC da la wadaagay nuuca hubka casriga ah ee Soomaaliya u baahan tahay iyo sidoo kale kuwa ay horay u haysan jirtay laakiin ka baxay gacanta dawladda.

Dhanka cirka

Dunida waxaa waayahaan dambe caan ka noqday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo kaalin aan la dafiri karin ka qaata furimaha dagaalka. Soomaaliya hadda waxaa ka caawiya isticmaalkooda wadamo uu kamid yahay Maraykanka, balse waxa uu sheegay Janaraalku in ay u baahan tahay Soomaaliya.

Dawladda dariska ah ee Itoobiya ayaa la soo wariyay inay isticmaashay diyaaradahaas intii uu socday dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Inkasta oo ay meesha ka saareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, weli waxaa loo baahan yahay diyaaradaha guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano miigga, kuwaas oo ay kamid ah hubkii cirka ee Soomaaliya. Dabcan haatan waa la sii casriyeeyay sanadahaan dambe.

Dhulka

Sida uu qabo Janaraal Caanood, Soomaaliya hadda uma baahno hubka culus ee dhulka si ay uga adkaato Al-shabaab, taas baddalkeedana kaliya waxay u baahan yihiin ciidanku hubka “fudud oo xoogaa ka casrisan kan ay Al-shabaab ku dagaalamayaan” iyo gawarida gaashaaman ee daabula ciidanka.

Baabuurta qafilan ayaa ah kuwa kaalin xoogan ka agystay furimaha, maadaama ay adag tahay in rasaasta qaar ee ay isticmaalaan ururka al Shabaab ee laga dagalaama ciidanka dawladda ay ka gudubtay, sida uu sheegay Janaraalku.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baahi gooni ah ay ka jirto dhanka sahanka. Diyaaradaha masaafada kooban duula ee ay adeegsadaan ciidamada dhulka si ay sahan ugu sameeyaan goobaha cadowga ayuu sheegay in loo baahan yahay.

Balse waxaa dad kale qabaan in taangiyada oo ah hub wali muhiim ka dhex ah furimaha ay u baahan tahay Soomaaliya.

Inta badan ciidamada wadamada Afrika ka socda ee caawiya Soomaaliya ayaa ah kuw kaliya ee Soomaaliya gudaheeda lagu arkay. Balse dawladdii Soomaaliya ayaa haysatay tiro badan oo taangiyadaas ah.

“Waxaan heli doonnaa taangiyo, diyaarado dagaal iyo maraakiibta dagaalka” aytuu yiri Janaraal caanood mar uu ka hadlayey yoolka durugsan ee horumarinta ciidanka Soomaaliya.

Inta badan hubka ay u baahan tahay Soomaaliya ayuu sheegay in lagu miisaamo, waxyaalaha aysan heli karin cadowga ay la dagalaayaan.

hub

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xagay ka heli kartaa hubkan Soomaaliya

“Dawladda Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo kala duwan oo hub ku caawin lahaa, haddii aysan saarnayn cuna qabataynta hubka, ama daynbaa lagu siin doonaa ama mucaamalaa lagusiin doonaa,” ayuu yiri janaraal caanood mar uu ka hadlayey halka ay dawladda Soomaaliya ka heli karto hubka.

Soomaaliya ayaa horay waxa ay hubka uga heli jirtay wadamo uu kamid yaay Ruushka. Hubkaas oo caanka ahaa gudaha milatariga Soomaaliya ayuu qabaa Caanood in dunida haatan uu yaalo hubka kale oo casri ah loona baahan doono in lagu tababaro ciidanka.

Soomaaliya ayaa haatan taakulada hub ee ugu badan ka hesha wadamo ay kamid yihiin Turkiga, Imaaraatka iyo Maraykanka, balse haatan waxay awoodaa inay soo iibsato hub iyada u gooni ah.

askari

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sidee loo kaydinayaa hubka?

Janaral caanood wuxuu sheegay in qalabka ciidanku uusan u baahnayn meel lagu xareeyo marka hawl galka lagu jiro, “xilliyada tababarka oo kaliya ayuu hubku xeryaha yallaa” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa lahaan jirtay xeryo caan ahaa oo lagu kaydin jiray hubka ciidanka, laakiin janaraalka ayaa sheegay in waqtiyada dagaalka sida kan ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Janaraalka ayaa sheegay in muddo hal sano ah oo uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee toddobatan iyo toddobadii aanu hubku u baahan meelo lagu kaydiyo maadaama si joogto ah loo isticmaalayey.

“tangiyada iyo wixii roobku dhibayo jiingado ayaa loo samaynayaa ciidankuna teendhooyin ayuu u baahan yahay ee dabaqyo uma baahna” ayuu yiri Caanood.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100579
Lix cunto oo ay Somalia hodan ku tahay oo BEERKA looga nadiifin karo sunta & Wasakhda https://www.hadalsame.com/2023/12/02/lix-cunto-oo-ay-somalia-hodan-ku-tahay-oo-beerka-looga-nadiifin-karo-sunta-wasakhda/ Sat, 02 Dec 2023 11:10:23 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100503 (Hadalsame) 02 Dis 2023 – Beerku waa xubinta ugu wayn uguna muhiimsan ee habka dheefsiga cunnada ee jirka.

Waxa uu qabtaa howlo kala duwan sida burburinta haemoglobin-ta, insulin-ta iyo  hormoonno kale, baabi’inta unugyada dhiigga cas ee duqoobay, sunsaarista dhiigga, kaydinta faytamiinnada iyo xadiidka iyo soo saarista dheecaanka bayl oo muhiim u ah cunno shiidista.

Tan ugu muhiimsan waa inuu jirka ka nadiifiyo dhammaan sunta. Waxa uu jirka ka sifeeyaa walxaha sunta ah ee loo yaqaanno “free radicals” kuwaas si wayn u dhaawaca jirka, cudurro badanna keeno.

Si kastaba ha ahaatee, beerku wuxuu nugul yahay in dhaawac uu soo gaaro sababo dhanka deegaanka ah iyo kuwa dhanka cunnada ah sida cunnooyinka dufanku uu ku badan yahay iyo cunnooyinka warshadaysan.

Sidaas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in si wanaagsan loo daryeelo beerka. Beerka oo sunta laga sifeeyo, waxay muhiim u tahay inuu habsami leh u shaqeeyo, sida ugu fiican ee beerka sunta looga sifeyn karo waa in la isticmaalo waxyaabaha dabiiciga ah.

Caafimaad darrada beerku waxa ay keeni kartaa cudurro badan oo halistooda leh.

Haddaba, qormadan, Daryeel Magazine waxa uu ku soo gudbinayaa habab waxtar badan oo beerka sunta looga nadiifin karo iyada la isticmaalayo waxyaabo dabiici ah. Sii Akhri.

Toonta

Toontu Waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu fiican ee beerka looga sifeeyo sunta. Waxaa ku jira maadooyinka “allicin” iyo “selenium” kuwaas oo jirka ka sifeeya sunta. Isticmaal dhowr gabal oo toon ah si aad jirkaaga uga sifeyso sunta.

Badarka

Badarku waa cunno kale oo uroon sunsaarista saarka. Waxaa ku jirta maadada “gluten” oo si dabiici ah beerka uga nadiifisa sunta

Saliid saytuunta

Saliidani waxa ay caawisa hannaanka sunsaarista beerka. Waxa ay jirka siisaa dufanka ka nuuga sunta.

Khudradda caleemaha cagaaran

Khudradda cagaaran waxaa ku jirta maadada loo yaqaanno “chlorophyll” oo sunta ka sifeeysa dhiigga.

Tufaaxa

Waxaa ku jirta maado loo yaqaano “Pectin” oo dheefshiidka u roon, kuna caawisa mindhicirrada in aysan nuugin wixii jirka halis ku ah, marka waxay beerka ku caawinaysaa cunno laga soo reebay qashinkii in beerka la geeyo sidaasna shaqada ay ku yaraato.

Shaaha cagaaran

Shaaha cagaaran waxaa ka buuxa maadooyinka loo yaqaanno “antioxidants” kuwaas sifeeya dufanka ku uruura beerka. Shaaha cagaaran oo maalin kasta la cabbo waa habka ugu fiican ee sunta looga nadiifiyo beerka.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100503
”Soomaalidu waa dad qallafsan” – Maxaa kala qabsaday wefdi ka socdey Somalia & Wasiir Dibadeedkii Henry Kissinger? + Sawirro hore https://www.hadalsame.com/2023/12/01/soomaalidu-waa-dad-qallafsan-maxaa-kala-qabsaday-wefdi-ka-socdey-somalia-wasiir-dibadeedkii-henry-kissinger-sawirro-hore/ Fri, 01 Dec 2023 10:36:41 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100477

(Hadalsame) 01 Dis 2023 – Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Henry Kissinger, oo kaalin mug leh ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda xilligii dagaalkii qaboobaa, ayaa geeriyooday isagoo 100 jir ah.

Waxa uu soo noqday dublamaasiga sare ee Maraykanka iyo la-taliyaha amniga qaranka xilligii labadii madaxweyne Nixon iyo Ford. In kasta oo uu xafiiska ka tagay bartamihii 1970-meeyadii, waxa uu sii waday in uu talo siiyo jiilal hoggaamiyeyaal ah tobanaan sano oo xigay.

Kissinger oo ku dhashay Jarmalka ayaa goor dambe oo arbacaddii ah ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal Connecticut. Lama shaacin sababta geeridiisa.

Waxa uu ahaa mid ka mid ah wasiiraddii arrimaha dibeda ee ugu saameynta weynaa dunida, si gaar ah intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa.

Waxa uu la kulmay madaxweyneyaal kala duwan, isaga oo booqday Muqdisho islamarkaas na la kulmay hoggaamiyihii kacaanka Soomaaliya Janaraal Maxamed Siyaad Barre. Marar kale na, waxa uu madax Soomaali ah kula kulmay gudaha Mareykanka.

Mid ka mid ah kulamadaas oo dhacay bishii Oktoobar, 1976 waxa uu la yeeshay wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Xuseen Cabdulqaadir Kaasim, Wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Biyaha.

Kulankaas waxa uu dhacay wax yar kahor inta uusan bilaaban dagaalkii xooganaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya 1977dii.

Wixii dhexmaray Kissinger iyo wafdiga Soomaalida

Xuseen Qaasim iyo Kissinger waxay ku kulmeen New York
Xuseen Qaasim oo la kulmay Kissinger, waxa uu mar ka mid ahaa ragga ugu saameynta weyn xukuumaddii kacaanka.

Kulanka oo ka dhacay hotel uu Henry Kissinger ka degan yahay magaalada New York waxa uu dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibeda Mareykanka Kissinger, oo ay wehliyaan labo sarkaal oo sare oo ka tirsan wasaaradiisa, iyo wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdulqaadir Qaasim, oo ay wehliyaan Danjire Cabdulaahi Axmed Cadoow oo Soomaaliya u fadhiyay Mareykanka, Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda, iyo sarkaal kale oo Maxamed Maxamuud lagu magacaabay. Kulanka waxa uu dhacay xilli ay sii kordheysay xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya, kahor dagaalkii 77. Hoos ka akhri dooddii dhexmartay labada dhinac oo kooban.

KISSINGER: Waa maxay macnaha “Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda”?

QAASIM: Anigu waxaan ahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, laakiin waxaan dowladda ku matelaa tiro shirarka caalamiga ah.

CADOOW: Waa wasiirka arrimaha dibadda, daahsoon.

KISSINGER: Waxaad tihiin wadan yar, oo aan haddana laga waayin wararka.

QASSIM: Wax walba waxay ku xiran yihiin sida dabayshu u dhacayso. Ma annaga ayaa wararka abuurna, mise kuwa kale ee sameeya xaaladda nagu qasbeysa in aan tilaabo qaadno. ?

KISSINGER: waa sidee xaalada xiriirkeenna?

QAASIM: Waxaan jeclaan lahaa inaan ka faalloodo taas. Waxaan aaminsanahay inay jirto fursad wax lagu hagaajin karo.

KISSINGER: waan kugu raacsanahay.

QAASIM: Haa, waxaad xustay qodobo wanaagsan intii lagu gudo jiray qadada. Wax baad ka baranaysaa Afrika.

KISSINGER: Wax badan ayaan ka bartay daawashada siyaasadda Afrikaanka. Idinka Soomaalida ah waxaad tihiin dad qalafsan tihiin. Taas ulama jeedo sida a

dhaleeceyn, laakiin waxaad ciyaareysaa siyaasad adag.

QAASIM: Qalbigeena iyo maskaxdeenna ayaan ka hadalnaa.

KISSINGER: Ma rumaysni in dawladaha Afrika oo dhan ay yihiin cadaw, laakiin haddii aad eegto ficillada Dowladda Soomaaliya, marna la idinku ma tilmaami karo dhex-dhexaad. Arrin kasta oo caalami ah waad nagaga soo horjeedaan.

Ma khaldami karno mar walba.

QAASIM: Aragtideennu waa in Soomaaliya iyo Mareykanku wada yeeshaan xiriir aan lahayn dareen cadaawad. Su’aalo gaar ah ama siyaasado, arrin ku saabsan

xukunku wuu galaa oo dhammaan hadalladayadu maaha kuwo colaadeed. Annagu waxaan nahay dhexdhexaad.

KISSINGER: Waxaad tiri cadaawad ma jirto, haddana marwalba waad naga soo horjeesataan, oo xitaa mararka qaar waxaad sameysaan waxyaabo wax noo dhimayo.

QAASIM: Taasi sawir cadaalad ah kama bixineyso arrinka. Waxaan ula falgalnaa ficilada Mareykanka sida ay noo saameynayaan annaga iyo gobolkeena ba. Jiritaankeenna qaranimo ayaa khatar ku jira. Ficiladiinu na marna ma muujin dhex dhexaadnimo.

KISSINGER: Tusaale ma isiin kartaa?

QAASIM: Soomaaliya waxay soo martay sooyaal gumeysi oo nasiib darro ah. Xataa ka hor intaanay Soomaaliya xornimada qaadan, waxaad heshiis la gashay Itoobiya. Waxaan aragnay hub ku socda Itoobiya oo aan -aaminsanahay in uu wax u dhimayo xiriir wanaagsan ooka dhexeeya

Somalia iyo Ethiopia. Waxaan aaminsanahay in xiriirkeena la hagaajin karo, laakiin hubka aad dirtaan iyo borobogaandada aad sameyneysaan caawin maayaan arrimaheenna. Waxaan aragnay hadalka Xoghayahiina Difaaca.

KISSINGER: Waa maxay sababta aan ugu maleyneyno inaad leedihiin ciidan iyo qalab ka badan kan Itoobiya?

QAASIM: Taasi waa qalad. Itoobiya way naga xoog weyn tahay. Waxaad nagu qasbeysaa inaan dhisno ciidan. Idinku ma Aydan qaadan door xal-raadin ah.

KISSINGER: Waxaad rabtaa qayb ka mid ah Itoobiya.

QAASIM: Maya, waxaan rabnaa xorriyad qayb Itoobiya ah oo dadkeena ay leeyihiin.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo mareykanka oo kulmay
Maxamed Siyaad Barre oo la kulmaya madaxweyne Reagan oo bedelay maamulkii uu ka tirsanaa Kissinger.

KISSINGER: Markaa cadaawad baad wadi doontaan ilaa aad ka heshaan dhulkiinna intiisa kale.

QAASIM: Aan si kale u dhaho. Kama hareyno xuquuqda dadkeena iyo qarankeena.

KISSINGER: Waxay nala tahay in aad ka hub badan tihiin Itoobiya. Malaha xogta sirdoonkeenna ayaa qaldan. Waxaan se aragnaa inaad hesho tiro badan oo hubka Soofiyeedka ah.

QAASIM: Waxaa nalagu soo duulay 1963 iyo 1964. Itoobiya ayaa taariikh ahaan naga ciidan badan dhanka tirade iyo qalabka ba. Qalad baad ka fahanteen xaaladda. Bal u fiirso waxaad samaysay abaarteennii.

KISSINGER: Talcott, maxaan samaynay?

SEELYE: Waxaan bixinay gargaar.

QAASIM: Haa, laakiin waxaad sheegtay in aan saldhig u nahay Soofiyeedka. Waxaan casuunay goobjoogayaal si ay u arkaan oo u qiimeeyaan arrinkaas.

KISSINGER: Taasi waa sax. Oo kulligood waxay xaqiijiyeen warkaas– xataa kuwii bilowgiiba diidanaa. Waxay ku qanceen inaad saldhig Soviet aad martigelisaan.

QAASIM: ma aaminsantahay arrinkaas

KISSINGER: Waxaan rumaysanahay inaan ka badbaadi karno waxyeelo naga soo gaarta saldhigga Soofiyeedka ee Soomaaliya, laakiin waxaan filayaa in ay ku xiran tahay in la isla fahmo waxa saldhig ah.

Haddi aad ku qeexdo saldhig meel ciidamada militariga ayay joogaan, qalabkoodu na yaalo, taasi waa saldhig.

QAASIM: Waxaad u baahan tahay inaad wax badan ka ogaato dabeecaddaha dadkayaga. Marna ma ogolaanayno saldhig shisheeye. Ma leh saldhig iyo meel adeeg oo shisheeye. Waxaan aragnay sawiradiinna dayax gacmeedyada oo aad tiraahdeen gantaalo ayaad heysataan. Waan eegnay eedeyntaas, oo waxaan ogaanay in waxa aad ugu yeertiin gantaalo inay yihiin minaaradaha masaajidda.

KISSINGER: Waxaa laga yaabaa inaad tahay dad khiyaano badan oo aad gantaalada ku qarisaan minaarada.

QAASIM: Waxaan u furnay masaajida si ay kormeerayaashu u booqdaan. Ma hayno lacag aan ku iibsano gantaalada.

KISSINGER: Ma aaminsanin inay yihiin gantaaladiinna. Laakiin, aan intaas uga harno. Wax cadaawad ah uma qabno Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu aragnaa in aad naga soo horjeesataan gole kasta oo caalami ah. Waxaad ka hortimaadeen hindisahayada koonfurta Afrika.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta kuwa na dhibaya anaguna waxay ka shaqaynayaan nabadda. Waxaan diyaar u nahay inaan hagaajino xiriirkeena. Ma diidinin sheegashadiinna dhuleed haddii aydan xoog u isticmaalin xallinta khilaafaadkaas.

QAASIM: Waxaa jirta sabab aan u wanaajino xiriirkeena, iyo waxaa na laga yaabaa inay jirto fursad sidaas lagu sameeyo. Waxaan u baahanahay inaan mid ba kan kale si cad uga fahmo mowqifkiisa. Wada tashi ayaa naga maqan. Dhexdhexaadnimada Maraykanku kuma filna. Waxaan rabnaa inaad ciyaarto doorka firfircoon ee xalinta dhibaatooyinkeena.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100477
KA FAA’IIDAYSO! 8 tillaabo oo aad si dabiici ah ugu dejin karto cudurka Sonkoroowga https://www.hadalsame.com/2023/11/30/ka-faaiidayso-8-tillaabo-oo-aad-si-dabiici-ah-ugu-dejin-karto-cudurka-sonkoroowga/ Thu, 30 Nov 2023 09:21:41 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100429 (Hadalsame) 30 Nof 2023 – In sonkorta dhiiggu ay kor u kacdaa waxa ay ka mid tahay calaamadaha muujiya macaanka, haddii aan la xakamayna waxa ay keentaa khataro caafimaad oo nolosha halis ku ah. Heerka sonkorta oo kor ku kacdaa waxa ay muujinaysaa in maadadda Gulukoostu ay ku badatay dhiigga.

Gulukoostu waa sonkor uu jidhku caadi ahaan u baahan yahay maadaama oo ay tahayu il muhiim ah oo uu ka helo tamarta, laakiin dhibaatadu waa in ay heerkeeda dabiiciga ah ka badato. Hormoonnada Insulin iyo Glucagon ayaanay shaqadoodu tahay nidaaminta heerka sonkorta dhiigga, sida oo kale hormoonnada Adrenaline iyo Cortisol ayaa ka qaybqaata xakamaynta kor u kaca sonkorta dhiigga.

Warbixintan caafimaad oo lagu faafiyey shabakadda Aljazeera ayaa sheegaysa in dadka macaanka noociisa koowaad qabaa ay dhibaatadoodu tahay hormoonka Insulin oo ku yar jidhkooda, laakiin dadka macaanka nooca labaad qaba jidhkoodu waa uu samaynayaa xaddi ku filan oo hormoonka Insulin ah, laakiin dhibaatada haysataa waa awooddii Gulukoostu ku gaadhi lahayd Unugyada oo aan jirin.
Labada xaaladood ee aynu xusnayba waxaa kor u kaca heerka sonkorta dhiigga waxa aanay dhaawac xun gaadhsiisaa neerfayaasha, Indhaha, keliyaha iyo xididdada dhiigga.

Haddaba dadka qaba macaanka noociisa koowaad waxaa waajib ah in ay helaan dawo ah maadadda Insulin, mana jiro hab kale oo ay ku xakamayn karaan kicitaanka sonkorta. Laakiin dadka macaanka noociisa labaad qaba waxaa jira habab ay sonkorta dhiggooda ku yarayn karaan, oo lagaba yaabo in ay mararka qaarkood dawo ka maarmi karaan. Iyada oo ay marwalba waajib tahay in bukaanku uu dhakhtar la tashato inta aanu isticmaali dawo macaan ah iyo marka uu isticmaalo kaddib, wax kasta oo uu dawo ahaan u isticmaalayana ay tahay in uu dhakhtarka kala tashado.

Hababka ugu fiican ee bukaanka macaanku ay ku dhimi karaan heerka sonkorta dhiigga waxaa ka mid ah:

ISKA JIR QULUBKA

Qulubka iyo culayska nafsiga ahi waxa ay kordhiyaan heerka hormoonka Cortisol oo isaga iyo hormoonno kale oo uu ka mid yahay Glucagon ay keenaan in ay kor u kacdo heerka sonkortu. Haddaba haddii aad xaaladahan nafsiga ah isku aragto naftaada kula dagaal xasiloonida, sida oo kale samee jimicsi maalinle ah.
In qofku uu hurdu ku filan seexdo ayaa iyaduna kaalin muhiim ah ka ciyaarta dejinta xaaladahan nafsiga ah. Cilmibaadhiso kala duwan ayaa caddeeyey in hurdo yaraantu ay kor u qaaddo hormoonnada keena diiqadda iyo qulubka.

CUNTOOYINKA LEH KAARBOOHAYDARAYT-KA

Cuntooyinka hodanka ku ah Karboohaydaraytku waxa ay si dhaqso ah kor ugu qaadaan heerka sonkorta dhiigga, sidaas awgeed qofka qaba macaanka waxaa lagula talinayaa in aanu cunin cuntooyinkan. Waxa aanay dhakhaatiirtu kula talinayaan cuntooyinka ay ku yar tahay Kaarboohaydaraytka oo ay ka mid yihiin cuntada badarka / firiga ah ee ay Soomaalidu waddaniga u taqaanno, sida qamandiga, digirta iwm, iyo sida oo kale khudaarta.

Cuntooyinka ay dhakhaatiirtu dadka macaanka noocyadiisa leh uga digayaan waxaa ka mid ah Daqiiqada cad iyo cuntooyinka ay ku jirto sonkortu.

MIISAANKA

Bukaanka qaba macaanka noociisa labaad, talada ugu mudan ee ay dhakhaatiirtu siinayaan waa in uu miisaank dhimi, haddii uu miisaankiisu inta dabiiciga ah ka badan yahay. Mar kasta oo uu miisaanka qofku kordho, waxaa kordhaya xaddiga uu jidhkiisu uga baahan yahay hormoonka ‘Insulin’ halka mar kasta oo uu miisaanku yaraado ay hoos u dhacdo heerka sonkorta dhiiggu.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in guusha ugu fiican ee miisaan dhimistu ay tahay in qofku uu muddo lix bilood illaa hal sano ah ku dhimi boqolkiiba 5 miisaankiisa. Taas oo ay sheegeen in ay tahay bar bilow fiican oo uu qofku halkaas hoos uga sii wadi karo miisaanka.

DUFANNO BADAN

In dufan iyo iidaan xoolaad ay cuntadu lahaataa waxa ay u fiican tahay caafimaadka, laakiin dufanka oo ku bataa waxa ay keentaa khataro caafimaadka. Sidaas awgeed talada ugu fiicani waa in qofku ka dheeraado dufanka badan iyo gaar ahaan dufanka xoolaha, sida xaydha iyo baruurta, maadaama oo dufankani sababo in jidhku uu iska caabbiyo maadadda Insulin ee uu u baahan yahay.
Waxa ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in la cuno cuntooyinka leh asiidhada dufanka ah, sida dufanka Kalluunka.

CABBITAANNADA QAAR

Cabbitaannada ay ku badantahay sonkorta dabiiciga ah sida sharaabka khudradda laga miiraa waxa ay ka qaybqaataan in sonkorta dhiiggu ay korodho. Laakiin cabitaannada ay ka mid yihiin shaaha guud ahaan iyo gaar ahaan shaadhka cagaaran waxa ay dejiyaan sonkorta waana ay u fiican yihiin dadka macaanka qaba. Waxa uun muhiim ah in sonkor aan lagu darin.

JIMICSI

Qofku marka uu jimicsanayo muruqyadu waxa ay qabtaan shaqo ka badan inta ka badan marka uu qofku shaqo caadiya qabanayo, taasina waxa ay kordhisaa tamarta ay isticmaalayaan oo dabcan iyaduna gubaysa sonkorta ku jirta dhiigga.

Maadaama oo uu jimicsigu gubayo Guluukoos badan hoosna u dhigayo heerka macaanka jidhka ku jira, sida oo kalana caawinayo dhimista miisaanka waxa ay khubaradu ku talinayaan in jimicsi joogto ah oo ku habboon ay joogto u sameeyaan bukaanka macaanku.
Dadka aan hore u caadaysan jimicsiga waxa ay xeeldheereyaashu kula talinayaan in bilowgaba aanay jimicsiga ku talaxtegin, tusaale ahaan ha ku bilaabaan socod masaafad yar ah, kaddibna ay si yaryar hadba in ugu kordhiyaan.

QOROFAL/ Qorfe

Qorofalku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu waxtarka badan dhinaca dhimista sonkorta dhiigga. Qorofalka (cinnamon) oo si joogto ah loo isticmaalaa waxa ay yaraysaa sonkorta dhiigga, laakiin waxaa waajib ah qofka macaanka qabaa inta aanu Qorafalka ama dawo kale oo kasta oo dhaqan ah isticmaalin in uu la tashado dhakhtar takhausus ah, iyo in aanu iskii wax ka beddel ama joojin ugu samayn dawada dhakhtarku u qoro.

Qaabka qorofalka loo isticmaalayaa waa in lagu darsado shaaha ama bunka, sida kale waxaa lagu dhex daro karaa saldaatada cuntada la raaciyo.

Jimciyadda Jarmalka ee bukaanka macaanka ayaa ku talinaysa in qofka macaanka qabaa uu xaddi yar ka isrticmaalo khudradda leh macaanka, sida muuska iyo cinabka, waxa aanay ku talinayaan khudradda ay sonkortu ku yartahay ee uu tufaaxu ka midka yahay.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media

]]>
100429
Maxaa tababarka ku kala qabsaday macallin Arteta & Kabtankiisa Odegaard? (Daawo) https://www.hadalsame.com/2023/11/29/maxaa-tababarka-ku-kala-qabsaday-macallin-arteta-kabtankiisa-odegaard-daawo/ Wed, 29 Nov 2023 07:40:13 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100375 (London) 29 Nof 2023 – Macallinka Mikel Arteta ayaa wuxuu jecel yahay inuu ciyaartooydiisa Arsenal ku camirto, mana jirto waddo ka fiican oo uu taas ku sameeyo oo aan ka ahayn inuu muujiyo inuu weli leeyahay farsamadii laacibnimada.

Tababarka kooxda waxa uu ku helay kabtanka Martin Odegaard oo noqday dhibbanihiisii ugu dambeeyey iyadoo Arteta uusan wax naxariis ah u muujin kabtankiisa.

Arteta oo usoo ciyaaray Arsenal iyo Everton ciyaartooy ahaan ayaa kubbada helay wuxuuna si dhib yar tuunneer uga saaray Odegaard.

Arteta oo malaha rumaysan kari waayey inuu tuunneer ka saaray mid ka mid ah xiddigihiisa ayaa u orday dabaaldeg, taasoo ka yaabisay ciyaartooydiisa.

Yeelkeede, wuxuu dib ugusoo laabtay Odegaard oo uu hab siiyey, Arteta ayaa markaas sii waday dabaaldegiisa isagoo isku deyaya dabaaldega caanka ah ee ‘Siuu’ ee Cristiano Ronaldo.

Hadalsame Media

]]>
100375