Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Fri, 15 Dec 2023 10:58:39 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 Caleentani waxay leedahay caafimaad aan caadi ahayn (Qaababka ugu fiican ee loo isticmaalo?) https://www.hadalsame.com/2023/12/15/caleentani-waxay-leedahay-caafimaad-aan-caadi-ahayn-qaababka-ugu-fiican-ee-loo-isticmaalo/ Fri, 15 Dec 2023 10:58:39 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100987 (Hadalsame) 15 Dis 2023 – Caleenta Koostada waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu caafimaadka badan sababtoo ah waxaa ka buuxa faytamiinno, macdano iyo walxaha jidhka sunta kaa saara.

Waa khudrad kulansatay nafaqo kala duwan oo qeyb kasta oo jidhka ka mid ah wax u tarta, waxaa ka buuxa faytamiin A, Faytamiin C, Faytamiin E, Faytamiin K, folic acid, kalsiyaam, magnesium, potassium iyo xadiid. Waxaa kaloo laga helaa maadooyinka lutein, zeaxanthin, quercetin iyo nitrate kuwaas oo caafimaadka faaido u leh.

Hadaba Daryeel Magazine waxa uu halkaan ku xusayaa qaar ka mid ah faaidooyinka waa wayn ee laga helo caleenta koostada ee cilmi baadhis ahaan la hubiyay.

Caafimaadka wadnaha

Koostada waxaa ku jira xaddi fiican oo maadada “nitrate” ah, maadadani waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga, waxa ay dejisaa dhiigga karka waxayna yareysaa halista wadne xanuunka. Daraasad la sameeyay waxaa lagu arkay in faytamiinnada, macdanaha iyo walxaha sun saarista ee ku jira koostada ay sare u qaadaan caafimaadka wadnaha.

Kahortagga dhiig yarida

koostadu waa khudrad hodan ku ah macdanta xadiidka qofka joogteeyana isma arkaan xanuunka dhiig yarida khaasattan nooca ka dhasha xadiid yaraanta

Caafimaadka indhaha

Caleenta koostada waxaa ku badan maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin” oo uroon caafimaadka indhaha kuwaas oo yareeya halista caadka indhaha fuula iyo xanuunka macular degeneration. Waxay kaloo khudraddani qani ku tahay faytamiinka A oo kordhiya awoodda aragga.

Difaaca jidhka

Koostadu waxa ay caawisaa awood siinta difaaca jidhka, waxayna ka hortagtaa jeermisyada dhibaatada badan ee soo weerara hab-dhiska difaaca jidhka.

Caafimaadka lafaha

Koostadu waxa ay adkaysaa lafaha maadaama ay xambaarsan tahay waxyaabaha ay lafuhu u baahan yihiin sida faytamiin K iyo kalsiyaam, waxayna ka hortagtaa cudurka lafo beelka.

Dheef-shiidka

Koostadu waxay u roontahay dheefshiidka, waxay ka hortagtaa calool istaagga, waxay kaloo u roontahay dadka qaba gaaska.

Caafimaadka uurka

Koostada u wanaagsan tahay hooyooyinka uurka leh maxaa yeelay waxaa ku badan maadada “folic acid” oo caawisa korriimada uurjiifka kana hortagta inuu cillad ku dhasho haddii maadadaan ay jidhka ku yaraato, sidaas awgeed hooyooyinka uurka leh waxaa lagula dardaarmaa inay ku dedaalaan cunista koostada si ay uga helaan faytamiinno ku filan koriimada uurjiifka.

Xakamaynta cudurka macaanka

Koostadu waxay kordhisaa xakamaynta xanuunka macaanka sababtoo ah waxaa ku jira asiidhka “alpha-lipoic” oo hoos u dhiga heerka sonkorta dhiigga, kordhiyana shaqada iyo firfircoonida hormoonka insulin.

Sunsaarista

Walxaha “phytonutrients” ee laga helo koostada waxa ay jidhka ka nadiifiyaan qashinka iyo sunta. Tani waxay yareysaa caabuqa iyo halista cudurrada.

Maqaarka iyo timaha

Faytaamiinnada A, C iyo E ee laga helo koostada waxay uroon yihiin caafimaadka maqaarka iyo timaha

faytamiinka A waxa uu tinta iyo maqaarka ka ilaaliya qallaylka, waxaana uu dib u dhigaa soo shaac bixidda caalamadaha gabowga.

Dhinaca kale, faytamiin C waxa uu ka qayb qaataa soo saarista barootiinta “collagen” waxaana uu maqaarka ka ilaaliyaa dhaawaca fallaadhaha cadceeda. Halka Faytamiin E uu dhalaal siiyo maqaarka iyo timaha.

Waxaa intaas dheer, macdanta xadiidka oo jidhka ku yaraataa waxa ay ka mid tahay sababaha ugu badan ee keena timo daadashada waxaana looga hortagi karaa in lagu dedaalo cunnoooyinka hodanka ku ah macdanta xadiidka sida koostada.

Waa maxay khasaaraha koostadu?

Koostada waxaa ku jirta maadada loo yaqaanno “oxalate” oo ka qayb qaadata samaysanka dhagaxaanta kilyaha, sidaas awgeed isticmaalkeeda oo aad loo badsado waxa ay kordhisaa halista dhagaxaanta kilyaha ku samaysma.

Dadka qaata dawooyinka dhiigga jilciya waa inay ka fogaadaan isticmaalka koostada maadaama uu ku badan yahay faytamiinka K oo door wayn ka ciyaara guntamaha dhiigga.

Sidee cabitaan looga sameeyaa?

Koostada cabitaan ahaan ayaa loo cabbi karaa, waxaa lagu dhex shiidan karaa furuutka iyo khudradda kala duwan sida muuska, timirta, tufaaxa, afakaadhada, kaarootada iwm.

Sidee loo kariyaa koostada?

Waa in koostada lagu uumiyaa biyo ee lama karkariyo, haddii la karkariyo waxaa ka dhinta nafaqada ay xambaarsan tahay, markii la uumiyo, dheecaanka ay dhashana lama daadiyo oo koostada ayaa suugo looga dhigtaa, si aysan kuu dhaafin nafaqooyinka ay xambaarsan tahay.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100987
Gabar fanka ku cusub oo ka hadashay waxa ka jira arrin mar kasta laga sheego fanka https://www.hadalsame.com/2023/12/15/gabar-fanka-ku-cusub-oo-ka-hadashay-waxa-ka-jira-arrin-mar-kasta-laga-sheego-fanka/ Fri, 15 Dec 2023 10:39:40 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100984

(Muqdisho) 15 Dis 2023 – Rooda Kayf waa mid ka mid ah hablaha ugu da’da yar, ugu na mudada kooban fanka cusub ee Soomaalida. Haddana, waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan iyada oo heesaa ah wax ka yar labo sano.

Wareysi ay siisay BBC waxay uga hadashay sida ay uga tagtay qareennimada ay baratay, iyo sida shilka ah ee ay ku bilowday inay heesto oo ay fanaan noqoto.

Gabadhan oo markii hore kusoo caan baxday dib-u-qaadista heesaha hablihii ugu caansanaa ee ugu saameynta weynaa fanka Soomaalida xilligooda ee Magool, Saado Cali, iyo Hibo Nuura oo ay kusoo bandhigi jirtay baraha bulshada ayaa markii dambe bilowday inay qaado heeso cusub oo aan horey loo qaadin.

‘Sida anniga oo aan fanaan ahayn lacag ugu helay in aan heeso’
Rooda Kayf muddo kooban ayay uga mid noqotay hablaha ugu caansan fanka Soomaalida xilligan
Rooda Kayf muddo kooban ayay uga mid noqotay hablaha ugu caansan fanka Soomaalida xilligan

Rooda Cabdirashiid Maxamuud oo ah gabadha aabbe dugsiyada sare ka dhiga gobolka Sanaag ayaa ka sheekeeysay sida uu fanka iyo heesaha ugu ahaayeen riyo carruurnimo, iyo hibo ku dhex nool ilaa carruurnimadeeddii.

Nafteeda iyo dad kooban ayay u heesi jirtay ka hor inta aysan usoo guurin dunida internetka iyo TikTok, halkaas oo shirkada ka ganacsatada soo-saarida barnaamijyada madadaalada ee Astaan ka arkeen islamarkaas na ka caashaqeen habka ay Rooda ugu luuqeyso heesaha gabdhihii hore masraxa Soomaalida, kuwaas oo aanan badidood laga heyn muuqaalo tayo leh oo heesahooda ah.

Xilligaas, Rooda waxay isaga mashquulsan tahay mihrad ganacsi oo gabdha lagu qurxiyo oo ay ka furatay magaalada Ceerigaabo kadib markii ay ka qalinjebisay jaamacadda Sanaa goo ay ka baratay cilmiga qaanuunka iyo qareennimada.

‘‘Waxaan rumeysan waayay markii ay igu yiraahdeen lacag intee la eg ayaad inoogu duubeysaa afar hees oo kuwii hore ah,” ayay tiri Rooda oo la hadashay BBC.

Kolkaas ka hor, maalin kama heysan heesin fagaare iyo meel qalab heeso lagu tumayo ay yeelaan, kuwaas oo si rasmi ah loogu baahin doono bulshada.

Rajo iyo damac dhaqaale ayaa Rooda ka galay fanka.

‘‘Wada hadal iyo xiriir muddo socday kadib, waxay igula heshiiyeen inay kun doolar igu siiyaan afarta hees ee aan u duubayo.” Wixii markaas ka dambeeyay, heesahu waxay u noqdeen xirfad ay si maalinle ah ugu shaqeyso.

Fankeedii iyo heesaheeddii ku koobnaa TikTok wuu bulaalay, waxa uuna noqday mid wada gaara Soomaalid, si gaar ah jiilka cusub gees ka gees.

Kahor inta aysna heesaa noqon, Rooda waxay ka qalinjebisay jaamacadda Sanaag oo ay ka baratay qaanuunka iyo qareennimada
Kahor inta aysna heesaa noqon, Rooda waxay ka qalinjebisay jaamacadda Sanaag oo ay ka baratay qaanuunka iyo qareennimada

‘‘Anniga awal intaan fanka soo gelin waxaan isaga soo duubi jiray TikTok. Waa meesha ay dad badani ka aamineen inaan qaadi karo ama aan aad u soo dhaweeyn karo heesihii hore qaab qaadidooda,’’ ayay tiri.

Laakiin dadka qaar Rooda waxay ku dhaliileyn inay qalad ku gashay heesaha hore ee ay dib u qaaday, iyo inay xitaa meelaha qaar ay bedeshay erayadii rasmiga ahaa ee heesahaa, ogaal iyo ogaal la’aan ba.

Rooda oo wlei ganacsiga qurxinta gabdhaha na halkeeddii ka wada, qaladaadkaas way iska leexisay, iyada oo rumeysan inay magac iyo xushmo ku heshay dib-u-qaadida heesahii hore.

‘‘Annigu ba waan ka carroodaa mararka qaar ee aan arko qof heesihii hore si qaldan u qaadaya,” ayay tiri Rooda. Sidaas oo ay tahay, Rooda waxay ka mid ah tahay fanaaniinta kooban ee sida ugu dhow u keenay heesaha hablihii hore ee fanka Soomaalida.

Warbixino la xiriira fanaaniinta Soomaalida iyo sheekooyinkooda

‘Sida lacag looga sameeyo fanka iyo heesaha Soomaalida’

Rooda Kayf waxay fanka Soomaalida ku tilmaamtay in uu yahay mid ka mid xirfadaha lagu shaqeysto ee dhaqaalaha iyo lacagta ugu badan laga helo, iyo shaqo dadku aad ugu baahan yihiin oo dalabkoodu badan yahay.

Waxay diiday aragtida guud ee laga aaminsan yahay fanka Soomaalida ee ah in uu yahay xirfad sabool oo aan shilin laga helin, aragtidaas oo ku dhisan cilmi iyo sheeko dhegood laga hayo fanaaniintii hore iyo noloshooda.

‘‘Qofkii ka shaqeysiiya fnakiisa, waxa uu ka helayaa lacag aan caadi ahayn. Fanaanka ayay ku xidhan tahay meesha uu isgeeyo iyo sida uu wax ugu kordhiyo noloshiisa,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay dalabka fanaaniinta iyo xaflada aroosyadu inay badan yihiin, iyada oo habeenada laga waco inay ka heesto saddex ilaa afar xaflad aroos, kuwaas oo ay mararka qaar isu marto.

‘‘Waxaa lagaa wacayaa magaalooyin iyo dalal kala duwan, inkastoo qiimaha magaalooyinka ay kala duwan yihiin.”

Marka ay ugu yartahay, waxay habeenkii ay xaflad aroos tagto ka heshaa Kun doolar, iyada oo xitaa maalmaha qaar isu marta xaflado aroos oo ka kala dhacaya Muqdisho iyo Hargeysa.

“Marka aan isu maro dhowr xafladood waxaan helaa lacag u dhiganta kun doolar,” ayay tiri Rooda Kay foo farriin u dirtay dadka ku sheegta fanka Soomaalida in uu yahay xirfad sabool.

Rooda Kayf (midig) iyo Hibo Nuura (bidix) waxay ka mid yihiin hablaha ku cusub fanka Soomaalida kuwooda ugu caansan
Rooda Kayf (midig) iyo Habboon Nuura (bidix) waxay ka mid yihiin hablaha ku cusub fanka Soomaalida kuwooda ugu caansan

‘Dadka dhahaya lacag lagama helo fan aniga waan ka soo hor jeedaa. Lacag fiican ayaa ka helaa,”ayey tiri Rooda Kayf.

Laakiin sida ka caadiga ah qoysaska Soomaalida, waalidkeed lama jecleyn fanka, oo waxay doorbidayeen inay noqoto qareen ku shaqeeya xrifadii sharciga ee ay jaamacadda ka baratay.

Waa taas wehliya inay kasoo jeedo qoys uusan soo gelin raad heesaa iyo fan. Aabeheeh oo ah macalin dugsi sare waxa uu ku yiri:

‘‘Aabbe sidee ayeey u suuragaleysaa anigoo ubad soo saaraya oo macalin oo iskoolkii dhigaya adiguna inaad heesto? Way igu adag tahay inaan dad toosan soo saaro.’’

Se, waxay Rooda Kayf sheegtay in ugu dambeyn ay iska maslaxday aabbeed oo kula dardaarmay oo uu uga digay in aysan isku dhex hilmaamin fanka, oo uusan maqlin gabadhiisa loo sheegayo inay noloshii ka hartay.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100984
Goorta uu furmayo tartanka Maamullada oo si rasmi ah loogu dhawaaqay & Shuruudaha cusub https://www.hadalsame.com/2023/12/14/goorta-uu-furmayo-tartanka-maamullada-oo-si-rasmi-ah-loogu-dhawaaqay-shuruudaha-cusub/ Thu, 14 Dec 2023 20:52:15 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100978 (Muqdisho) 14 Dis 2023 – Kulan dhexmaray Xiriirka Kubadda Cagta Somalia & Wasaaradda Isboortiga DF ayaa lagaga hadlay tartanka Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee dhowaan ka furmaya Muqdisho.

Waxaa lagu heshiiyey inay diwaangelinta ciyaartooydu ay bilowdaan 16-ka bishan Diseembar ayna socdaan ilaa 21-ka bisha, halka tartanku uu furmayo 22-ka isla Diseembar oo ahayd waqtigii horay loo hadal hayey inuu tartanku ka furmayo Istaadiyo Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la kordhiyey tirada ciyaartooyda ay koox waliba wadato oo awal ahaan jirey 22 balse haatan laga dhigayo 25 laacib.

Qoraalka laguma soo hadalqaadin Maamulka KMG ah ee SSC oo markii hore la sheegay inuu tartanka ka qaybgelayo balse markii dambe laga saaray kaddib markii la sheegay inuusan buuxin shuruud ahayd inuu qabto tartamo maxalli ah oo kubbadda cagta ah marka hore.

May be an illustration of blueprint and text

Hadalsame Media

]]>
100978
Shirkadda BECO oo loogu gooddiyey in maxkamad lala tiigsanayo & Waxa lagu eedeeyey (Daawo) https://www.hadalsame.com/2023/12/14/shirkadda-beco-oo-loogu-gooddiyey-in-maxkamad-lala-tiigsanayo-waxa-lagu-eedeeyey-daawo/ Thu, 14 Dec 2023 20:27:00 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100974 (Muqdisho) 14 Dis 2023 – Xil. Aways Axmed ayaa shirkadda Korontada BECO ee magaalada Muqdisho ku eedeeyey inaysan xil iska saarin badbaadada (safety) dadwaynaha.

Wuxuu sheegay in gabar uu abti u yahay oo deggan xaafadda Oodwayne ee Degmada Dayniile ay dab qabadsiiyeen baallayaan kusoo dhacay guriga taasoo keentay inay geeriyi ka dhacdo guriga.

”Gurigii wuu bas beelay, 2 gabdhood oo jaamiciyiin oo xaafidul Qur’aan ihina waa ku dhinteen. AUN cid ka hadashay ma jirto,” ayuu yiri Xil. Aways.

Wuxuu intaa ku daray in hooyadii gurigu ay tagtay Xafiiska Beco balse aan wax qiimayn ah loo muujin arrinkeeda. ”Damiir xumada aan la yaabay waxay tahay in maydkii gabdhaha oo yaalla ay inta yimaadeen bilaabeen inay baallayaashoodii samaystaan.” ayuu yiri.

Aways ayaa ballanqaaday inuu maxkamad la tiigsan doono shirkadda Beco haddii aysan ka gar bixin dadka dhibbanayaasha ah.

Xildhibaannada laftooda ayay fartu ku godan tahay maadaama aysan wax xeer ah kasoo saarin arrintan si loo dhowro badbaadada dadka qofkii ku dhintana loo magdhabo.

Hadalsame Media

]]>
100974
Dowladda Ingiriiska oo lagu haysto inay ku dheggan tahay qayb ka mid ah lacagtii lagu iibiyey Chelsea (Maxaa loogu tala galay?) https://www.hadalsame.com/2023/12/14/dowladda-ingiriiska-oo-lagu-haysto-inay-ku-dheggan-tahay-qayb-ka-mid-ah-lacagtii-lagu-iibiyey-chelsea-maxaa-loogu-tala-galay/ Thu, 14 Dec 2023 17:49:13 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100962 (London) 14 Dis 2023 – Dowladda UK ayaan weli fasixin dhaqaalihii kasoo xarooday iibkii sanadkii hore ee kooxda kubadda cagta Chelsea, taasoo loogu talagalay dadka reer Ukraine ee la ildaran dhibaatada ka dhalatay weerarka Ruushka, sida ay qireen mas’uuliyiinta Britain.

Waxay eedda saareen “khilaaf jira” oo kala dhexeeya hay’ad samafal ah, in kasta oo masuuliyiintu aysan shaaca ka qaadin haddii laga yaabo in milkiilihii hore ee Chelsea Roman Abramovich uu yahay kan xannibay lacagta.

Ganacsadaha Ruushka ah ee Abramovich ayaa dhamaystiray heshiis £4.25 bilyan oo gini ah ($5.3 bilyan) oo uu kooxdiisii kaga iibiyey dallad maalgashadayaal Maraykan ah bishii Maajo 2022, kaddib markii ay cunaqabatayn kusoo rogtey Dowladda UK sababo la xiriira sida uu ugu dhow yahay Kremlin-ka.

Maalqabeenka, oo beeniyay sheegashadan, ayaase sheegay waqtigaas in dhaqaalaha ka soo baxa loo isticmaali doono “dhammaan dhibanayaasha dagaalka Ukraine.”

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Yurub ee Britain, Leo Docherty, ayaa u sheegay Guddiga Arrimaha Yurub Talaadadii in 18 bilood kaddib, “dakhliga kasoo baxay iibka ee arrintan loogu tala galay lagu xayiray khasnadda bangi UK ah” oo aanu carrabaabin.

Docherty wuxuu ku andacoodey in DOwladda UK iyo hay’adda samafalka ee la aasaasay intii lagu jirey iibinta Chelsea ay asal ahaan isku khilaafeen arrinta ku saabsan in dhaqaalaha “loo isticmaalo gudaha Ukraine ama dadka reer Ukraine ee ku dhaqan meel ka baxsan Ukraine.”

Dawladda UK waxay door wayn ku lahayd in la qaato dookha hore, ayuu raaciyey isagoo xusay inay taasi cakirnaanta keentay.

Hadalsame Media

]]>
100962
Dhibka haritaanka Newcastle & Man United ay u gaysatey kooxaha kale ee EPL (Boos muhim ah oo ay waayi karaan) https://www.hadalsame.com/2023/12/14/dhibka-haritaanka-newcastle-man-united-ay-u-gaysatey-kooxaha-kale-ee-epl-boos-muhim-ah-oo-ay-waayi-karaan/ Thu, 14 Dec 2023 13:28:17 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100965 (Ankara) 14 Dis 2023 – Rajada kooxaha Premier League ee ah inay boos dheeri ah ka helaan Champions League  xilli-ciyaareedka soo socda ayaa si wayn hoos ugu dhacday Arbacadii xalay kaddib markii Newcastle ay raacday Manchester United oo tartanka looga tuuray heerka guruubyada.

Qaabka tartanka Yurub ayaa waxa uu isu beddelayaa nidaamka horyaalka Swiss-ka oo kale laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, annagoo macsalaamaynayna heerka group-yada soo jireenka ahaa ee aan u barannay sanadaha soo socda.

Halkii siddeed dheri oo min afar kooxood ah ay min laba jeer wada ciyaari lahaayeen, 36 naadi – afar kooxood oo dheeri ah – ayaa lagu aaddinayaa siddeed kooxood oo kale, iyagoo dheelaya afar kulan oo guri ah iyo afar ay marti yihiin.

Waxaana jira boos 5-aad oo ay helayaan 2-da dal ee sanadkan ugu natiijo wanaagsan tartamada Yurub.

England ayaa hadda ku jirta kaalinta 3-aad ee kala sarayntaas UEFA (Co-efficient), iyadoo haritaanka Newcastle iyo United ay saamayn ku yeelan doonto aayaha kooxaha kale ee horyaalka EPL.

SIDA DHIBCAHA LOO XISAABO: CL guul kasta waa 2 dhibcood, bareejadu waa hal dhibic. Waxaa jira dhibco bareemiyo ah; 4 waxaa helaysa kooxdii kasoo baxda group-yada, 5 waa wareegga 16-ka iyo min hal dhibic rubuc-dhammaadka, nus-dhammaadka iyo dhammaadka Champions League.

Europa League waa 4 dhibcood ku guuleysiga guruubyada, 2 ayaa la siinayaa kooxda kaalinta labaad kusoo baxda, halka Conference League uu yahay 2 dhibcood kooxdii guruubka 1-aad ka gasha iyo hal dhibic kaalinta 2-aad, iyo min hal dhibcood semi-finalka iyo finalka.

DHIBCAHA FASALKAN: Waqtigan xaadirka ah, JarmaNka ayaa ku hogaaminaya 13.36 dhibcood, waxaana ku soo xiga Italy oo wax aad u yar ka dambaysa (13.14), England (12.13) iyo Spain (12.06), afartan horyaal ayaa ah kuwa ugu badan ee u tartamaya marka loo eego inay leeyihiin kooxaha ugu badan ee tartamada Yurub.

Manchester City iyo Arsenal ayaa durba xaqiijiyey inay kusoo baxayaan kaalinta 1-aad ee guruubyadooda, halka United iyo Newcastle ay tartanka kaba hareen taasoo keentay in kooxaha Ingariiska ay tahay inay buur dheer u fuulaan si ay u xaqiijiyaan booskaas dheeriga ah ee fasalka soo aaddan.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

]]>
100965
Diblomaasi Soomaali ah oo xog cusub bixiyey & Baaris lagu bilaabay booliis ku eedaysan inay daayeen wiilka MW shilka kaddib https://www.hadalsame.com/2023/12/14/diblomaasi-soomaali-ah-oo-xog-cusub-bixiyey-baaris-lagu-bilaabay-booliis-ku-eedaysan-inay-daayeen-wiilka-mw-shilka-kaddib/ Thu, 14 Dec 2023 11:00:57 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100958 (Ankara) 14 Dis 2023 – Waxaa sii kordhaya cadaadiska haysta Dowladda Turkiga ee ka dhashay kiiska shilka wiilka MW Turkiga kaasoo weliba sii xumaaday markii uu wiilku ka ”cararay” Turkiga, sida lagu eedeeynayo.

Ekrem Imamoglu, Duqa Magaalada Istanbul, ahna siyaasi mucaarad ah oo caan ah, ayaa bartiisa X (ex Twitter) soo dhigay muuqaalka kaamirada ammaanka ee shilka. Wuxuu ku andacoodey ” tuhmanuhu wuxuu Turkiga ka tegay gacmihiisa oo xor ah” wuxuuna ku eedeeyey dowladda “inay aad daciifsan u tahay marka ay timaado inay difaacdo xuquuqda muwaadiniinteeda.”

Isagoo ka jawaabaya cadaadiskan, Wasiirka Cadaaladda ee Turkiga, Yilmaz Tunc, ayaa sheegay isagoo aan faahfaahin badan ka bixin in la bilaabay “habraac caalami ah” oo lagu wajahayo shilka.

“Iyadoo aan loo eegin magacooda, qof kastaa waa u siman yahay sharciga iyo dhammaan habka loo marayo soo qabashada tuhmanaha – kuwaasoo ay ku jiraan nidaamka caalamiga ah – ooloo fuliyo si taxadar leh,” ayuu Tunc ku jawaabey.

Dhanka kale, Tunc wuxuu sheegay in sidoo kale baaritaan lagu bilaabay askar booliis ah oo sameeyey baaritaankii hordhaca ahaa oo ku saabsanaa shilka, kuwaasoo lagu haysto inay si mugdi ku jiro usii daayeen wiilka iyo inay qoreen bayaan aan sax ahayn.

Dhanka kale, diblomaasi Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Turkiga ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AP in gaariga uu watey wiilka uu dhalay Madaxwaynaha ay leedahay safaaradda Soomaaliya.

”Qoyska Madaxwaynaha ayaa ku socdaala Baasaboorro Diblomaasi ah, waxayna horay ugu noolaayeen dalka Turkiga.” ayuu yiri sarkaalka, kaasoo ogolaaday inuu kiiskan ka hadlo oo kaliya haddii aan magaciisa lasoo xigan.

Turkiga ayaa xiriir dhow la samaystay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, markaasoo uu Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan — oo xilligaasi ahaa Ra’iisul Wasaare- uu booqasho ku tegay dalka dhaca Bariga Afrika oo uu u muujinayey taageero xilli ay dadka Soomaaliyeed la ildarnaayeen abaaro ba’an.

Hadalsame Media

 

]]>
100958
MW Somalia oo markii ugu horreeysey qaab ”mugdi” ku jiro uga hadlay shilka wiilkiisu galay (Xaaskii marxuumka oo dacwad ku oogtey Dowladda Turkiga) https://www.hadalsame.com/2023/12/14/mw-somalia-oo-markii-ugu-horreeysey-qaab-mugdi-ku-jiro-uga-hadlay-shilka-wiilkiisu-galay-xaaskii-marxuumka-oo-dacwad-ku-oogtey-dowladda-turkiga/ Thu, 14 Dec 2023 10:36:38 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100950 (Muqdisho) 14 Dis 2023 – Xaaskii Yunus Emre Göçer oo ahaa mootoole ku dhintay shil gaari oo uu sababay wiil uu dhalay Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka dhacay dalka Turkiga ayaa dacwad rasmi ah ka gudbisey booliiska iyo xeer ilaalinta oo ay u aragtay inay ninkeeda si khaldan ugu eedeeyeen shilkaasi.

Gudbintan dacwaddan ee Istanbul ayaa hoosta ka xarriiqaysa dhacdo cakiran oo caalami ah oo soo jiidanaysa indhaha bulshada Turkiga maalinba maalinta ka dambaysa.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay MadaxwAynaha Soomaaliya EE Xasan Sheekh Maxamuud ahna dhaqtar 40-sano jir ah ayaa watey gaariga lagu dhuftay Göcer oo marayey waddo mashquul badan oo Istanbul ah.

Dhacdadan oo ahayd mid 30-kii bishii Nofeembar ka dhacday degmada Fatix ee magaalada Istanbul, ayaa markii hore keentay in Maxamuud xabsiga la dhigo muddo kooban. Si kastaba ha ahaatee, kaddib markii laga qoray oobigga, waa la sii daayey kaddibna wuxuu ka baxay Turkiga kahor intaan la dhaqangelin xayiraadda safarka ee ka dhanka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo waraysi siiyey Wakaaladda Wararka ee AP ayaa ka horyimid wararka sheegaya in wiilkiisa uu goobta ka baxsaday.

Waxa uu sheegay in wiilkiisa uu ku sugnaa Istanbul dhowr maalmood kaddib shilka, uuna qabsaday qarreen, waxaana lagula taliyey inuu ku laabto maxkamada. Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyey in wiilkiisu uusan ka baxsan dalkaasi shilkaa dartiis, wuxuuna tacsi u diray qoyska Göçer, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha soo gaarey.

“Weli waxa ay dano uga xiran yihiin dalkaasi, waxaana u sheegayaa inuu dib ugu laabto oo uu tago maxkamadda,” ayuu yiri Madaxwaynuhu. Go’aanka isagaa leh – laakiin taladaas ayaan siinayaa,” ayuu raaciyey Xasan Sheekh oo la hadlaya AP.

Göçer ayaa waxaa soo gaarey dhaawacyo aad u daran oo ka dhashay shilkaasi, waxaana uu 6 maalmood kaddib ku naf waayey isbitaalka Istanbul Teaching and Research Hospital.

Dadka ayaa is waydiinaya sababta uu Madaxwaynuhu ugu hadlayo sidii in aanu wiilkiisa dhihi karin ”tag maxkamadda!” ee uu u adeegsanayo kelmad aan kala caddayn sida ”go’aanka isagaa leh” IWM, maadaama ay arrintani sawir ka bixinayso guud ahaan Somalia oo ay tahay in sumcadda dadka iyo dalka la dhowro.

Hadalsame Media

]]>
100950
Sida ay wasaaradaha DF u kala badsadeen Miisaaniyadda Qaranka ee cusub (Kuwee lagu yareeyey?) https://www.hadalsame.com/2023/12/14/sida-ay-wasaaradaha-df-u-kala-badsadeen-miisaaniyadda-qaranka-ee-cusub-kuwee-lagu-yareeyey/ Thu, 14 Dec 2023 10:04:28 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100946

(Muqdisho) 14 Dis 2023 – Baarlamaanka Federaalka ayaa toddobaadkan ansixiyay miisaaniyaddii dowladda ee sanadka soo socda, taas oo gaareysa in ka badan hal bilyan oo doollar.

Waa tii ugu badneyd abid ee la ansixiyo. In ka badan kala bar lacagtaas waa deeqo laga helayo dibeda oo ay bixinayaan hay’addo caalami ah.

Miisaaniyadan ayaa ah dhaqaalaha ay ku howlgelidoonaan hay’adda dowladda, sida xafiisyada madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo guddoomiyeyaasha baarlamaanka, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee qaran.

Waxaa qeyb ka ah mushaaraadka xubnaha baarlamaanka ee kala bar ka badan la kordhiyay, kan shaqaalaha rayidka iyo ciidanka.

Hadda ba, sidee baa loogu qeybiyay miisaaniyadda Wasaaradaha Xukuumada Federaalka ah, wasiiraddii helaya qoondada lacageed ee ugu badan, iyo kuwa loo qoondeeyay dhaqaalaha ugu yar ee miisaaniyadda sanadka soo socda?

Wasaaradda Maaliyadda – Tan ugu qoondada weyn dhanka dhaqaalaha

Biixi waxa uu bedalay wasiirkii hore ee Maaliyadda Dr Cilmi Nuur dhowr bil kahor
Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan ayaa xilkan loo magacaabay dhowr bil kahor markii la eryay wasiirkii hore

Wasaaraddan oo dhowr bil kahor yeelatay wasiirkii labaad oo ah Biixi Imaan Cige, oo ah xildhibaan gobolka Waqooyi Galbeed ku metela baarlamaanka ayaa loo qoondeeyay lacag ka badan Boqol, labaatan iyo sideed Milyan oo doolar (128,113,123).

Lacagtaas waa inta ay ku howlgaleyso wasaaradda, waxaa na ka baxsan lacag kale ee xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Adeega Guud ee Dowladda, Agaasinka Xarunta Warbixinada Maaliyadda, iyo Hay’adda Iibka iyo Qandaraasyada.

Lacagta guud ee ku baxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’addaas waxay gaareysa labo boqol, labaatan iyo saddex milyan oo doolar.

Tan waxay ka dhigeysaa Xildhibaan Biixi wasiirka ugu qoondada weyn miisaaniyadda, oo ay soo diyaarisay wasaaraddiisa, iyo mid ka mid ah wasiiradda ugu muhiimsan xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada

Xildhibaan Maxamed Cilmi waxaa xilkan loo magacaabay dhowr bil kahor isaga oo buuxiyay kursiga xukuumada ee gobolka Awdal ee uu baneeyay wasiirkii hore ee maaliyadda
Si la mid ah wasiirka maaliyadda, Xildhibaan Maxamed Cilmi waxaa xilkan loo magacaabay dhowr bil kahor isaga oo buuxiyay kursiga xukuumada ee gobolka Awdal ee uu baneeyay wasiirkii hore ee maaliyadda

Wasaaraddan oo uu xilkeeda haya xildhibaan Maxamed Cilmi Ibraahim oo ku fadhiya mid ka mid ah kuraasta gobolka Awdal waa tan labaad ee ugu miisaaniyadda weyn dhammaan wasaaradaha dowladda federaalka ah.

Xildhibaan kan oo helay xilkan wasiirnimada kadib markii Dr Cilmi Maxamuud Nuur laga qaaday xilka wasiirka maaliyadda dhowr bil ka hor ayay wasaaradiisu heshay lacag ka badan toddobaatan iyo sideed milyan, saddex boqol, sideedan iyo toddobo kun oo doolar.

Labo milyan oo ka mid ah lacagtaas waxay ku baxaysaa gunooyin iyo mushaar, halka hal milyan oo kale na ay ku baxayso socdaal, shirar iyo kiro.

Lacag kale oo dhan hal milyan iyo saddex boqol oo doolar waxay ku baxaysaa shidaalka iyo saliida, qalab isgaarsiin, iyo agabka xafiisyadda.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha

Wasiir Taqal sidoo kale waa xildhibaan
Wasiir Taqal Cabbaas waxa uu sidoo kale xubin ka yahay Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah

Waa tan saddexaad ee ugu qoondada weyn wasaaradda federaalka, waxaa na ku magacaaban Jaamac Taqal Cabbaas, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo laga soo doorto Koonfur galbeed.

Qoondada miisaaniyadda ee wasaarad waxay gaareysaa Lixdan iyo saddex milyan oo doolar.

Lacag ku dhow 35 milyan waxay ku baxaysa adeegga Latalinta iyo Xirfadaha, halka lacag kabdan labo milyan iyo shan boqol ay ku baxayso Kharashka socdaalka iyo Shirarka.

Wasaaraddda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska

Wasiirka Howlaha Guud oo wehliya Raysal wasaare Xamse iyo madaxweyneha Jubbaland Axmed Madoobe iyaga oo si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha wado laami ah gudaha magaalada Kismaayo
Wasiirka Howlaha Guud oo wehliya Raysal wasaare Xamse iyo madaxweyneha Jubbaland Axmed Madoobe iyaga oo si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha wado laami ah gudaha magaalada Kismaayo

Wasaaraddan oo uu ku magacaaban yahay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir waxay qaabilsan tahay arrimaha la xiriira dhismeyaasha dowladda iyo howlaha guud.

Waxay ku shaqeyneysaa miisaaniyad ka badan kontan iyo labo milyan oo doolar.

Lacag ku dhow saddex milyan waxay ku baxaysaa adeega iyo agabka wasaaradda, halka lacag kale oo ku dhow hal milyan oo doolar na ay ku baxayso socdaal iyo shirar.

Wasaaradda Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji

Wasaaradda Caafimaadka ee uu madaxda ka yahay Xildhibaan Cali Xaaji Aadan waa tan shanaad ee ugu miisaaniyadda weyn wasaaradaha federaalka ah, iyada oo ku shaqeyneysa lacag dhan kontan iyo labo milyan oo doolar. Xildhibaan waxa uu baarlamaanka federaalka ah ku matelaa gobolka Hiiraan.

Afar milyan oo ka mid ah qoondada wasaaradda waxay ku baxaysaa adeeg iyo agab, halka lacag ku dhow saddex milyan iyo bar na ay ku baxayso Adeegga Latalinta iyo Xirfadaha.

Wasaaradaha ugu miisaaniyadda yar xukuumada

Miisaaniyadda la ansixiyay waa tii ugu weyneyd
Baarlamaanka ayaa ansixiyay miisaaniyaddii ugu badneyd ee ay soo gudbiso xukuumada Xasan iyo Xamse

Shanta wasaarad ee ugu miisaaniyadda yar waxay kala yihiin wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee uu hoggaamiyo xildhibaan Maxamed Barre ee baarlamaanka ku matela gobolka Shabeelada Hoose.

Wasaaradaas oo dhan waxaa loo qoondeeyay lacag dhan hal milyan oo doolar. Lacagtaas badideed waxay ku baxaysaa gunooyin iyo mushaar.

Tan xigta waa Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadan ee ay ku magacaaban tahay xildhibaanka iyo aan mudada dheer dhicin Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, oo laga soo doorto gobolka Shabeelada Dhexe.

Wasaaradan waxaa loo qoondeeyay hal milyan iyo boqol iyo kontan kun oo doolar. Lacag ku dhow hal milyan oo ka mid ah qoondadaas waxay ku baxaysaa mushaar iyo gunooyin.

Waxaa la mid ah Wasaaradda Bii’ada iyo isbadalada Cimilada ee Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo ah safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Pakistan. Waxaa loo qoondeeyay wasaaradaas lacag ka yar hal milyan iyo bar doolar.

Waxaa xiga wasaaradda Amniga gudaha oo loo qoondeeyay hal milyan iyo lix boqol oo kun oo doolar.

Waxaa lacagtaas ka baxsan miisaaniyadda Taliska Ciidanka Booliska, Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee hoos yimaada wasaarada Amniga gudaha.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100946
Todobada sheey oo uu Nabigeennu NNKH nagula dardaarmay inaan isku dawayno https://www.hadalsame.com/2023/12/14/todobada-sheey-oo-uu-nabigeennu-nnkh-nagula-dardaarmay-inaan-isku-dawayno/ Thu, 14 Dec 2023 09:45:08 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100943 (Hadalsame) 14 Dis 2023 – Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay soo dejiyay dawada cudur kasta.

Muuqaalkan waxaan ku soo gudbinaynaa dawooyinkii rasuulkeenna suuban “NNKH” uu isku daweyn jiray ee uu nagala dardaarmay isticmaalkooda, dawooyinkaas oo caalamku waqti dambe ku baraarugay, daraasado badanna lagu sameeyay si loo hubiyo faa’iidooda, kadibna loo bixiyay magaca “Prophetic Medicine” oo macnaheedu tahay “Cilmigii Caafimaad ee Nabiga”.

Haddaba dawooyinkaas waxaa ka mid ah:

Malabka

Malabku waa dawo la hubo oo Alle iyo Rasuulkiisuba nagu booriyeen isticmaalkiisa, cilmiguna uu goor dhow bilaabay adeegsigiisa.

Waa mucjiso Rabbaani ah oo Alle inoo dhigay dunida, maalinba maalinta ka danbaysa waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadaan waxtar cusub oo aan horay loo ogayn.

Malabka waxaa ka buuxa faytamiinno, macdano, barootiinno iyo madooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah jeermiska, sunta iyo nabarowga jidhka ku samaysma.

Malabku waxa uu  xoojiyaa difaaca jidhka, waxa uu ka hortagaa laab jeexa, astaamaha hargabka ayuu yareeyaa, wuxuuna u fiican yahay caruurta qufaca la soo toosa habeenkii.

Cilladaha kale ee loo adeegsado malabka, waxaa ka mid ah boogaha caloosha ku samaysma, hurdo xumada, urta aan fiicnayn ee afka iyo dawaynta dhaawacyada iyo gubashada.

Xabbad sowdada

Rasuulkeenna suuban naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu inoo sheegay in xabad sowdadu ay tahay dawo ka hortagta cudur kasta inta ka ahayn geerida.

Waxyaabaha laga faaido isticmaalka xabad sowdada ee daraasadaha lagu arkay waxaa ka mid ah xoojinta difaaca jidhka, yareynta astaamaha xanuunka roomatiisamka, ka hortagga dhiig yarida, la dagaallanka boogaha caloosha ku samaysma, wanaajinta caafimaadka afka iyo ka hortagga cudurka neefta iyo xasaasiyadaha.

Toonta

Toonta waxay ka mid tahay dawo dhireedyada uu rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay in aan xanuunada iskaga dawayno.

Sida ay sheegayaan cilmibaadhisaha caafimaad ee lagu sameeyey toonta, waxyaabaha laga faaido isticmaalkeeda waxaa ka mid ah; in ay dejiso dhiig-karka, in ay yareyso kolestaroolka xun ee loo yaqaanno LDL, si weyna ay kor ugu qaaddo caafimaadka iyo bad-qabka wadnaha.

Toontu waxa ay xoojisaa difaaca jidhka, waxayna si firfircoon ula dagaallantaa jeermisyada iyo noocyada kala duwan ee bakteeriyada.

Timirta

Timirtu waa nafaqo iyo dawo Alle u abuuray aadamaha. Rasuulku CSW wuxuu noo sheegay in haddi timirta 7 xabbo laga cuno ay sun iyo sixirba ka hortagayso maalintaas.

Waxaa kale oo Nabiga CSW laga wariyey xadiis macnihiisu uu ahaa; “guri aanay timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay.

Xasiiskan qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay.

Timirta waxaa ku jira faytamiin A oo siyaadiya awoodda aragga, kana hortaga cilladda indho beelka habeenkii.

Waxa ay u roontahay dheefshiidka, caloosha ayay jilcisaa, waxayna ka hortagtaa cudurka baabasiirka iyo kansarka ku dhaca mindhicirrada waa wayn.

Caanaha geela

Caanaha geelu waxa ay ka mid yihiin dawooyinkii Nabigeennu SCW uu nagula dardarmaay inaan isku dawayno.

Caanaha geelu waa caanaha ugu caafimaadka badan dunida markii laga reebo caanaha hooyada.

Marka aynu si guud u eegno faaidooyinkooda waxaa ka mid ah la dagaallanka dhiig yarida, ka hortagga cudurka sonkorowga, awood siinta difaaca jidhka iyo dawaynta xanuunka awtiisamka.

Caanaha geelu waxa ay geli karaan beddelka cunnada iyo cabitaanka oo qofku keligood wuu ku noolaan karaa haddii aanu cunno kale haysan, jidhkuna wuu ka helayaa nafaqadii uu u baahnaa.

Saytuunka

Saytuunku waa geed barakaysan oo Alle SWT quraanka kariimka ah ku xusay, sunnada nabigana dahab ku ah.

Nabiga CSW waxaa laga wariyay xadiis macanahiisu ahaa: “Cuna, kuna duuga jidhkiina markaad heshaan maadama uu yahay geed barakaysan”

Saliida laga sameeyo midhaha saytuunka waa mid nafaqo iyo caafimaad xambaarsan, waxaa lagu tiriyaa saliidaha ugu caafimaadka.

Faaidooyinka saliid saytuunta waxaa ka mid ah:

  • Waxaa ka buuxa dufanka omega3 kaas oo kordhiya kolesraroolka fiican ee jidhka
  • Waxa ay kobcisaa xasuusta iyo shaqada maskaxda waxayna ka hortagtaa cudurka xasuusta lumiya ee “Alzheimer”.
  • Waxa ay uroon tahay caafimaadka maqaarka iyo timaha
  • Waxa ay ka hortagtaa cudurka kansarka noocyadiisa ku dhaca mindhicirrada iyo naasaha.

Barida Idaha

Barida idaha wuxuu Nabigu SCW ku dawayn jiray xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaca ee loo yaqaanno “sayaatika”

Dawooyinka kale ee rasuulkeenna naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay waxaa ka mid ah toobinta, geedka cadayga, biyaha zamzamka iyo geedka loo yaqaanno Qustul Hindiga.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100943