Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Madadaalada – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Mon, 13 Nov 2023 08:13:18 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 Ayaan Kaaba oo sharraxday sababta ay kelmadda ”walaal” ugu adeegsan jirtey wiilka guursadey & Dhibka ay jacaylkeeda u martay https://www.hadalsame.com/2023/11/13/ayaan-kaaba-oo-sharraxday-sababta-ay-kelmadda-walaal-ugu-adeegsan-jirtey-wiilka-guursadey-dhibka-ay-jacaylkeeda-u-martay/ Mon, 13 Nov 2023 08:13:18 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=99735

(Hadalsame) 13 Nof 2023 – Mar kale waxaa internetka Soomaalida qabsaday hadal haynta Ayaan Axmed Caydiid oo loo garan ogyahay ‘Ayaan Kaaba’. Waa mid ka mid ah hablaha ugu caansan suugaanta Soomaalida ee xilligan, iyada oo marar hore oo badan tirisay maansooyin qabsaday baraha bulshada Soomaalida.

Waxay ka mid tahay boqolaal Soomaali ah oo ka booday derbiga dadka tahriibeyaasha ah ka galaan Mareykanka ee dhanka Mexico. Dadkaas oo safar dheer u galay inay gaaraan Mareykanka waxay isugu jiraan abwaano, fanaaniin iyo xitaa weriyeyaal, iyo dad kale oo ka yimid Afrika iyo Yurub, kuwaas oo ka rajo qaba inay nolol cusub ka bilaabaan dalka loogu yeedho ‘ dhulkii fursadaha’.

Oraahda iyo maansooyinka gabadhan reer Hargeysa ahayd ayaa marar hore u qabsaday Internetka iyo baraha bulshada Soomaalida ka dib maansadii Wardo Xaashi.

Internetku wax ma hilmaamo, oo markan waxaa lagu haystaa ninka ay gaclootay oo ay la aqal gashay sabtidii, kaas oo muddo aan fogeyn ka hor ay ku tilmaamay ‘walaal’ kadib qoraal wehliyay sawir ay ku wada jireen iyada iyo seygeeda cusub oo Facebook la soo dhigay.

Hadal-haynta sawirkan, iyo wixii ay ka tiri Ayaan Kaaba

Sawirka Hadal haynta dhaliyey

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK/AYAAN KAABA

Markii uu soo baxay warka la xidhiidha xaflada arooska Ayaan Kaaba iyo seygeeda Cabdi Daysane toddobaadkii hore ayay dadka internetku adeegsida bilaabeen inay dib u baadhaan xidhiidhka horey uga dhexeeyay lammaanahan cusub.

Waxay soo heleen sawirka kore, oo ay labo bil kahor soo dhigtay Facebook Ayaan Kaaba, iyada oo raacisay qoraal u dhignaa “Walaalkaa oo kaa dheer markaad sawir la gashid. Xafladdii xalay waa la isku arkay.”

Si kaftan leh, marna dhab u eg, ayuu sawirkaas ugu faafay baraha bulshada, iyada oo ay dadka qaar la xidhiidhinayaan sheekooyin ka caan baxay baraha bulshada sida ‘Abti Xabiibi’, iyo ‘Walaalka maanta waa Xaajiga berri’.

Waxay weydiimo ka keeneyn sida ‘Walaalkii shalay odeyga reerka la unkay abwaanad Ayaan’.

Abwaan Ayaan Axmed Caydiid oo ka mid ah hablaha maansooyinka tiriya ee Soomaalida kuwa loogu jecel yahay ayaa BBC kala hadashay dareenkeeda la xidhiidha hadal haynta ka dhalatay sawirka hore iyo seygeeda.

Waxay ku tilmaamtay Soomaalida internetka “baadheyaal iyo sirdoon aysan cidna dirsan”. Waxa ay la yaabtay waqtiga ay geliyeen nolosheeda Facebook iyo sawirrada hore ee ay soo fageen.

“Bal kaalay sheeg goorta ay fageen Facebook-keyga, iyo waqtiga ay ku lumiyeen sawiradeyda,” ayay isweydiisay Ayaan Kaaba, oo uu la yaab ku noqday hadalheynta ka dhalatay sawirkaasi.

Ayaan Kaaba

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK/AYAAN KAABA

Waxay intaas raacisay in seygeeda cusub ee Cabdi haasaawe kala dhexeeyay muddo dheer isla markaana, walaalnimadu ay ahayd habka keliya ee bulshada dhexdeeda ay ku tilmaami kartay.

Waxay sheegtay inay ka yaro xishooneysay inay jaceylkeyga ama ninkeyga soo socda ka tiraa Facebook, iyaga oo aan weli si rasmi ah Lamaane u noqon.

Waxay ugu baaqday Soomaalida internetka inay xeeladooda wax-baadhista iyo sirdoonka ay u adeegsadaan howlaha iyo danaha qaran, halka ay waqti ku lumin lahaayeen arrimaheeda qoys ee gaarka ah.

“Waad ogtihiin dalkeenna waxaa ka jira wax badan oo dhanka amniga ah sida qaraxyada iyo amni darro kale oo badan. Marka arrimaha CID-nimada waxay ku fiican tahay in loo adeegsado arrimaha qaran ee amni darrada keena,” ayay tiri Ayaan Kaaba oo la hadashay BBC.

Jaceylkii ay u tahriibtay iyo waxa ay u soo martay

Ayaan Kaaba oo horey u sheegtay in xidhiidhada nolosheeda ay u badnaayeen haasaawe la wadaagida ragga masaafe ahaan ka fog halka ay joogto ayey sheegtay in iyada iyo seygeeda Cabdi ay muddo dheer xidhiidh lahaayeen, islamarkaas na ay jaceylkiisa u soo jiidhay dhowr iyo toban dal si ay mar uun cagta u soo dhigto halkii uu joogay.

Dhalandhool safar oo xilli barqo ah ayey kasoo bilowday Muqdisho iyadoo isaga gudubtay xuduudaha dhowr dal, barri iyo xitaa cir, si cabsi leh, oo hadba qof ku wareejinayo qof kale, oo socdaalka horey ugu sii jiheeya. Waxayse ugu darneyd markii ay soo dul istaagtay derbigii Mexico ee looga gudbi lahaa xadka Mareykanka.

“Waxaa la yaab iyo amakaag igu noqday markii aan soo dul istaagtay derbi dheer oo aan lahay sallaan lagu koro ama looga dago,” ayay tiri Ayaan Kaaba oo dib u xasuusanaysa derbiga weyn ee Mexico ay uga soo booday dhanka Mareykanka.

Laakinse markii dambe, kuwa dadka tahriibinayay ayaa meel qarsoodi ka soo saaray jaranjaro dheer oo derbiga lagu kori karo si dhanka kale looga boodo. Waa jaranjaro guurguurto oo aan oollin meel gaar ah oo cayiman, waa na habka keliya ee ay dad badan uga gudbaan derbigaas maadaama aan la talaabi karin derbiga. “Waan usoo tahriibay oo derbi ayaan uga soo booday jaceylkeyga,” ayay tiri Ayaan Kaaba.

BBC

Hadalsame Media

]]>
99735
Baro labo arrimood oo aysan dad badani ka ogayn fannanaadda Xamdi Bilan https://www.hadalsame.com/2023/11/01/baro-labo-arrimood-oo-aysan-dad-badani-ka-ogayn-fannanaadda-xamdi-bilan/ Wed, 01 Nov 2023 20:30:21 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=99356

(Hadalsame) O1 Nof 2023 – Fannaanadda da’da yar ee Xamdi Bilan ayaa BBC-da uga sheekeysay taariikhdeeda faneed iyo arrimo la xiriira nolosheeda.

Xamdi oo ka tirsan fannaaniinta sida wayn loo xiiseeyo ee ku nool magaalada Muqdisho.

Waxa ay ku dhalatay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, balse waxa ay ku barbaartay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay waxbarashadeeda aasaasiga ah ku soo qaadatay.

Fanka waxay kusoo biirtay 2013-kii ilaa 2014-kii, oo ay ku billowday ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, sida ay ku shegetay wareysiga gaarka ah ee ay siisay BBC-da.

“Maadaama fanka ay qayb ka yihiin ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, sida dhaantada, wilisiqada iyo ciyaar walba oo hidde iyo dhaqan ah, marka aad kuwaas billowdo sidaas ayaad fanka ugu jirtaa,” ayay tiri Xamdi.

Xamdi Bilan

XIGASHADA SAWIRKA,XAMDI BILAN

Muddo yar kaddib markii ay ciyaaraha dhaqanka wadday, Xamdi Bilan waxa ay billowday in ay si toos ah heesaha ugu luuqayso. Heesteedii ugu horraysay waxa ay soo baxday sanadkii 2015.

Mid ka mid ah heesaheeda loogu jecel yahayna waa “Love Love” oo ay curisay gabar kale oo abwaanad ah oo lagu magacaabo Caraweelo.

Heesaheyga inaan dhageysto ma jecli

Xamdi Bilan oo aan wax ka waydiinnay heesha ay ugu jeceshahay ambunnadeeda ama ay xiisayso dhageysigooda ayaa noo shegetay in shakhsi ahaan aysan u jecleyn inay iyada is-dhagaysato.

“Aniga inaan is-dhagaysto ma jecli,” ayay yiri iyadoo qoslaysa.

“Waa la i dhagaystaa laakiin aniga dookhayga ma aha inaan is-dhagaysto, xitaa qof ila jooga haddii uu iga codsado ama saaxiibbada TikTok ay iga dalbadaan inaan heesahayga u daaro waxaan u daaraa anigoo aan ku faraxsanayn,” ayay sii raacisay.

Waxaa suuragal ah in dad badan aysan horay u ogayn arrinta ku saabsan in Xamdi Bilan aysan jecleyn dhageysiga heesaheeda oo bulshada kale ay aad u jecel yihiin.

Arrinta kale ee laga yaabo in ay yar yihiin dadka ka warqaba waa in fannaanaddan ay sidoo kale tahay ganacsato, ayna iibiso dharka dumarka.

Waxa ay sheegtay in waqtigeeda badankiis ay ku qaadato dukaankeeda dhexdiisa.

Xamdi Bilan

XIGASHADA SAWIRKA,XAMDI BILAN

Hase yeeshee waxay sheegtay in ay jiraan heeso ay fannaaniin kale qaadeen oo ay dhageysigooda jeceshahay.

“Way jiraan fannaaniin aan xiiseeyo oo ay ka mid yihiin kuwii hore, kuwii dhexe iyo kuwa hadda joogaba. Fannaaniintii hore ee aan heesahooda jeclahay waxaa ka mid ah Xabiibo Xasan Tooxow, Khadra Daahir, dhanka raggana waxaan ka xiiseeyaa heesaha Cumar Dhuulle iyo Xasan Aadan Samatar.”

Xamdi waxay intaas ku dartay in horay aysan u samayn hees iyada si gaar ah ugu saabsan ama ka hadlaysa qiso nolosheeda quseysa, balse ay dhawaan rajaunayso inay soo samayso.

BBC

Hadalsame Media

]]>
99356
“Jirka xaaskaaga inta ka bannaan annagoo dhan baa xaq u leh in aannu daawanno!!!” – Qoraal aqris mudan https://www.hadalsame.com/2023/11/01/jirka-xaaskaaga-inta-ka-bannaan-annagoo-dhan-baa-xaq-u-leh-in-aannu-daawanno-qoraal-aqris-mudan/ Wed, 01 Nov 2023 18:18:43 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=99359

(Hadalsame) O1 Nof 2023 – Nin da’da lixdamaadka ku jira, oo in uu reer miyi yahay ay dharkiisa ka muuqato, ayaa tareen dhexdiis kursi ku fariistay.

Waxa tareenka soo koray nin dhallinyaro ah iyo xaaskiisa oo inay mar dhow is guursadeen laga dheehan karo. Waxay fariisteen laba kursi oo reer miyigii ka soo horjeedkiisa ah. Gabadhu waxay xirnayd surwaal Bermuda gaaban iyo shalaan (blouse) leh xargo laga dhex arkayo gacmaheeda iyo laabteeda.

Ninkii dhallinyarada ahaa waxa uu arkay, lana yaabay odaygii reer miyiga ahaa ee

haybadda iyo ixtiraamku ay ka muuqdeen oo xusulka cududdiisa inta uu bowdada ku mutay, calaacashiisa oo duuban garkiisa cuskiyay, gabadhii oo kursiga ku beegan fadhida, indho aad mooddid inay ka dhex dusayaan si dhow ugu eegaya.

Gabadhii isla markiiba waxa ay dareentay degganaan la’aan, ninkeediina inta uu carooday, waxa uu odaygii ku yiri: “Fadlan, nin weyn baad tahaye sharaftaada dhawro, waxa aad samaynaysaa waa ceeb eh, si wacanna u fariiso oo wejigaaga xaaskayga ka leexi”.

Odaygii reer miyiga ahaa ninkii caraysnaa waxa uu ku yiri: “Anigu kugu oran maayo sharaftaada dhawro iyo waa ceeb in aad xaaskaaga dhar caynkan ah u soo gelisid, maxaa yeelay xor baad tahay, haddaad doontidna qaawanaan ha kugula socoto, marba haddii aad adigu raalli ka tahay.

Laakiin waxan ku leeyahay, sababta aad sidan ugu soo lebbistay waa si aannu u aragno oon u daawanno, waana ina kan oo waannu daawanaynaaye, maxaad u caroonaysaa? Eeg inanyahow, jirka xaaskaaga inta ka bannaan annagoo dhan baa xaq u leh in aannu daawanno, inta ka dedanna adiga uun baa xaq u leh in aad daawatid. In aan xoogaa madaxayga soo dhoweeyay haddii aad ka carootayna, hadde maxaan sameeyaa indhagaygu wax quman ma arkaan, in aan si fiican u daawadana waan doonayaaye?”

Ninkii dhallinyarada ahaa hadalkii ayaa ku xirmay, gabadhiina ceeb buu wejigu la casaaday, gaar ahaan keddib markii dadkii tareenka saarnaa ay odaygii reer miyiga ahaa u camireen, iyagoo la dhacsan dersiga uu ninka dhallinyarada ah siiyay.

Ninkii dhallinyarada ahaa inta uu istaagay, oo xaaskiisa gacanta qabsaday, bay tareenkii ka degeen.

Qisadani waxay dersi u tahay kuwa xaasaskooda u oggolaada inay maryo ciriiri ahoo laga dhex arkayo xirtaan, dabadeedna oranaya dadku maxay inoo soo eegayaan. Kuwa caynkaas ahi waxay illowsan yihiin ujeeddada dharka loo xirtaa in aanay qurux ahayne asturaad tahay.

Xilliga jiilaalka, waxaannu aragnaa in la isu asturo baqdin qabowga laga baqayo. Haddaba maxaa diidaya in xilli kasta la isu asturo baqdin cadaabta Alle laga baqayo?

W; D: Sabriye Muuse

Hadalsame Media

]]>
99359
Aroos ay Soomaalidu inkireen oo dood kulul ka abuuray baraha bulshada (Dadka loo saariyey?) https://www.hadalsame.com/2023/10/31/aroos-ay-soomaalidu-inkireen-oo-dood-kulul-ka-abuuray-baraha-bulshada-dadka-loo-saariyey/ Tue, 31 Oct 2023 06:40:58 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=99276

(Hadalsame) 31 Okt 2023 – Caruuskii iyo caruusaddii ayey ku rideen rash ama baaruud, way ka nixiyeen halka kuwa kale ay duubayeen oo ay soo dhigeen baraha bulshada. Kuwii internetka joogayna way inkireen waxayna u saariyeen dal kale ka dib markii ay ku qanci waayeen sida uu aroosku u dhacayey, Soomaalidu waa mixnad.

Sheekadani waxay ku saabsan tahay aroos Soomaaliyeed oo maalmahan ku faafay baraha bulshada, kaas oo ay si madadaala ah uga falceliyeen Soomaalidu.

Waxaa baraha bulshada siiba Tiktok la soo dhigay muuqaal muujinayey qoys cusub oo noloshu u bilaaban rabto, kuwaas oo dhigtay aroos. Waxaa laga arkayaa muuqaalka caruuska oo kasoo baxaya guri kadibna ka naxaya rash ama baaruud ay rideen dadkii arooska u dabaal dagayey.

“Ku rid ku rid” ayey leeyihiin sidii iyagoo rasaas la beegsanaya caruuska, intaas ka dib caruusku wuxuu xoogaa guulguulyaa caruusadda, waxayna dadku u fasirteen inuu leeyahay “ soo dhaqaaq”, hase yeeshee Soomaalidii ayaa baraha bulshada ku inkirtay in aroosku Soomaali yahay, wallow ay u wajahayeen qaab kaftan iyo madadaalo ah, taas badalkeeda waxay u saariyeen Suudaan.

Siday u inkireen arooska?

Ka hor inta uusan muuqaalku soo shaac bixin dabcan wuxuu iska ahaa mid ka mid ah muuqaalada lasoo duubo ee baraha bulshada ku jira, balse waxaa muuqaalkii ka falceliyey nin carab ah, kaas oo ku maadsaday.

Muuqaalkii falcelinta ahaa ee ninka carabka ayey Soomaali badan u gashay qaybta faallada iyaga oo soo qoraya faallooyin ay ku muujinayaan in arooskani yahay mid Suudaan ee uusan Soomaali ahayn (si kaftan ah).

Mid ka mid ah wuxuu leeyahay, “dadka sudan caadi ma aha, waa xaraabo, war inkira” qosol wuu soo raaciyey.

Mid kale wuxuu leeyahay, “dadka Sudan caadi ma aha.. kabax yaa og hee, anagalee (innaga uun)” oo uu ula jeedo yaa og in aroosku Soomaali yahay, sow innaga uun ma aha.

Waxaa muuqaalka loo sameeyay hal ku dheg la yiraah “Sudan People is not easy” oo micno ahaan ka dhigan dadka Sudan caadi ma aha ama ciyaar ciyaar ma aha.

Hal ku dhaggan qudhiisa ayaa ah mid ay dhalinyarta Soomaalida ee isticmaasha baraha bulshgadu ay adeegsadaan, waxaana loo adeegsan karaa meel kasta. Qaar ka mid ah dhalin yarta ayaa magacyada ku qortay afka Carabiga ama Axmaariga kadibna waxay sheeganayaan in aroosku uu yahay mid Suudaan.

Waxaa laga yaabaa inaad is waydiiso maxay Suudaan ugu nabayaan Soomaalidu, balse waxaad ogaataa inay Soomaalida iyo Suudaanta uu hore u dhex maray tartan ama xifaaltan baraha bulshada dhexdeedaa ah kaas oo dadka qaar ay markii dambe u badaleen mid cunsurinimo wallow uu kaftan ahaa markii hore.

Haseyeeshee Soomaalidu waxay ku xoog badan yihiin Tiktok balse muuqaalkii wuxuu gaaray facebook, waxaanay dad badan ogaadaan inay Soomaalidu isu camirayaan. Intaas kaddib waxaa soo baxay dad dhahaya war Suudaantii way ina fahmeene Itoobiya u saariya.

faalooyinka laga dhiibtay arooska

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Soomaalida iyo baraha bulshada

Da’ yarta Soomaalida ayaa tiktok aad ugu badan waxayna mararka qaar foodda isku daraan bulshooyin kale. Bilowgii sanadkaan waxaa dagaal baraha bulshada ah uu dhexmaray Soomaalida iyo Suudaaniyiinta isticmaasha barta TikTok.

Wuxuu ku salaysnaa quruxda iyada oo si gaar ah loogu soo bandhigayay quruxda dadyowga labadaas dal, waxayna dhalinyarada isticmaasha Tiktok ay soo kala bandhigayeen muuqaalo muujinaya quruxda iyo shacbiyadda dadyowga ku kala nool labada waddan ee markaas uu ka dhaxeeyay xifaaltanka quruxda.

Intii uu socday dagaalka ku saleysan xifaaltanka baraha bulshada ayay dhalinyarada ka soo kala jeeda soomaaliya iyo suudan wax ay soo kala bandhigayeen muuqaalo iyo sawirro ay ku muujinayeen in ay uga wanaagsan yihiin midba midka kale.

Dhanka kale kulan isbalansi ciyaareed ah oo si toos ah uga socday barta Tiktok ayna wada ciyaarayeen wiil Soomaali ah iyo wiil Oromo ah ayaa isku badalay dagaal kadib markii daawadayaasha ciyaartaas oo u kala saftay labada dal ay isku aflagaadeeyeen qeybta lagu wadaago fariimaha, waxa ayna isku badashay dagaal bara-bulsho ah oo muddo sii socday, bulshooyinka labada dal ee isticmaala baraha bulshada gaar ahaan aaladda tiktok ayaana hawada isku marinayay dacaayado iyo aflagaadooyin.

Mar kasta oo ay tan oo kale dhacdo waxay u badan tahay in uu markii hore ku lug lahaa oo kaliya hal qof oo Soomaali ah, balse Soomaalida oo badanaa isu gurmata ayaa taageero u muujiya qofka Soomaaliga ah, iyada oo sida haddaba ay sameeyeen taageero dhanka internet-ka ah u muujiyey Xanaan.

BBC

Hadalsame Media

]]>
99276
Jilaa caan ah oo u geeriyoodey qaab la yaab leh & Booliiska oo sharraxay waxa dhacay https://www.hadalsame.com/2023/10/29/jilaa-caan-ah-oo-u-geeriyoodey-qaab-la-yaab-leh-booliiska-oo-sharraxay-waxa-dhacay/ Sun, 29 Oct 2023 08:19:24 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=99230 (Los Angeles) 29 Okt 2023 – Jilaagii Maraykanka ahaa ee Matthew Perry, oo si wayn loogu yaqaaney doorkiisii ​​​​Chandler Bing ee musalsalkii 90-meeyadii ee ‘Friends’, ayaa maydkiisa laga helay berked kulul oo ku taal gurigiisa Los Angeles Sabtigii shalay, sida ay booliisku u sheegeen TMZ iyo NBC.

Maydka Perry ayaa lagu soo waramayaa in laga helay berked jacuzzi ah oo uu leeyahay gurigiisa oo ku yaal aagga u dhow LA, iyada oo aan cidna looga shakin, islamarkaana aan wax daroogo ah laga helin goobta, sida ay ilo-wareedyo booliis ahi u sheegeen TMZ.

Dhacdadan ayaa loola dhaqmay sidii “badbaadin biyood,” sida laga soo xigtey ilo booliis oo ay soo xigatey NBC. Ilaha booliiska ayaa sidoo kale dhimashada Perry u xaqiijiyey Rolling Stone.

Afhayeen u hadlay Waaxda Booliiska ee Los Angeles ee LAPD ayaa sheegay in askartu “ay qayldhaan ka jawaabeen 4:10 galabnimo ee shalay si baaritaan loogu sameeyo dhimashada nin 50 jir ah.”

Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaan xilligaa si rasmi ah u xaqiijin haybta gaarka ah ee qofka dhintay iyo faahfaahinta dhacdada.

Perry, oo ahaa jilaa Canadian-Maraykan ah, majaajiliiste, iyo soo saare, wuxuu ku dhashay Agoosto 19, 1969 Williamstown, Massachusetts wuxuuna ku koray Ottawa, Ontario halkaas oo hooyadiis oo Canadian ihi ku dhalatay.

Suzanne Morrison, oo ahayd weriye noqotay Xoghayaha Warfaafinta ee Raiisal Wasaarihii hore ee Canada Pierre Trudeau, ayaa halkaa u guurtey kaddib furiinkii iyada iyo Perry aabihiis, John Bennett Perry, oo isna ahaa jilaa Maraykan ah.

Perry ayaa Los Angeles usoo guurey isagoo 15-jir ah si uu u cayrsado mihnadda jilliinka.

Hadalsame Media

]]>
99230
Qalanjadii eedday ilaalinta quruxdeeda (Xog cusub oo kasoo baxday sababtii geerida Sridevi) https://www.hadalsame.com/2023/10/19/qalanjadii-eedday-ilaalinta-quruxdeeda-xog-cusub-oo-kasoo-baxday-sababtii-geerida-sridevi/ Thu, 19 Oct 2023 05:13:24 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=98916

(Hadalsame) 19 Okt 2023 – Dhimashada atariishada Hindiga ah ee Sridevi ayaan weli la aqoon waxa sababay, hase yeeshee ninkeeda oo filimaanta soo saara Boney Kapoor ayaa waraysigiisii ugu dambeeyay sir shaaca kaga qaaday.

Kaddib geeridii Sridevi, saraakiisha Dubai waxay sheegeen inay u geeriyootay hafasho biyo oo shil ku timid xilli ay qubaysanaysay.

Balse seygeeda Boney Kapoor ayaa dhawaan wareysi gaar ah oo uu bixiyay ku sheegay in dhaqaatiirtu ay diiradda saareen oo kaliya in ay hafatay, halka dhimashada Sridevi ay sidoo kale sababeen cuntadeeda iyo milixda oo ay iska ilaalin jirtay.

Sridevi waxay xaalad shaki leh ugu geeriyootay hotel ku yaala magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraatka carabta, 24-kii Febraayo ee sannadkii 2018.

Markii hore waxaa la sheegay inay qabtay wadne xanuun, balse macluumaad markii dambe soo baxay ayaa sheegay inay ku hafatay qolka qubeyska ee huteelka ay daganayd.

Sridevi oo kamid ah atirishooyinka ugu guulaha badan Bollywoodka qarnigi 20-aad ayaa aad looga naxay geerideeda lama filaanka ah ayadoo 54 sano jir ah.

Wareysi uu la yeeshay wariye Rohan Dua oo ka tirsan shabakada wararka ee ‘The New Indian’, filim sameeye Boney Kapoor ayaa sheegay in geerida Sridevi aysan ahayn mid dabiici ah balse ay tahay “shil” wuxuuna dareemay “eedeymaha naxdinta leh ee ah dilka Sridevi” inay ahaayeen wax la sameeyey.”

Boney Kapoor ayaa yiri, “Ma ahayn geeri dabiici ah, waxay ahayd dhimasho shil ah, waxaan go’aansaday in aanan ka hadlin, sababtoo ah waxaan ka hadlay qiyaastii 24 ama 48 saacadood intii lagu jiray baaritaanka dhimashada ka dib. “Xaqiiqdii, saraakiisha ayaa sheegay in arrintan ay nagu qasabtay in cadaadis nagaga yimaado warbaahinta Hindiya. Waxay ogaadeen in Sridevi aan la dilin.”

Sridevi iyo ninkeeda Boney

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Way is gaajaysiin jirtay mar walba

Boney Kapoor ayaa sheegay in sidoo kale la marsiiyey baaritaanka beenta lagu ogaado.

Boney Kapoor ayaa yiri, “Waxaan maray dhammaan noocyada tijaabooyinka, oo ay ku jiraan baaritaanka beenta. Kadibna warbixintii soo baxday waxay si cad u muujinaysaa inay ahayd dhimasho shil ah.

Boney Kapoor ayaa isagoo ku talinaya inaan cusbada laga reebin cuntada, wuxuu sheegay in sababtaas awgeed aad miyir beeli karto, sidii ku dhacday Sridevi , taas oo keentay in mid ka mid ah ilkaheeda hore uu ka jabo kadib markii ay taagnida ka dhacday.

Soo saaraha filimka ‘Mr India’ ee Boney Kapoor ayaa sheegay in Sridevi ay aad u ilaalin jirtay muuqaalkeeda dhanka shaashada ayna ku jirtay cunto xakamayn ka hor geerideeda.

Waxa uu yidhi, “Inta badan way gaajaysnaan jirtay, mar walba waxay rabtay inay muuqaal qurux badan uga muuqato shaashadda.”

Boney Kapoor ayaa sheegay in guurka kadib ay tani dhacday dhowr jeer oo Sridevi ay suuxday dhaqaatiirtuna ay u sheegeen inay qabto dhibaatada dhiig karka.

“Dhakhaatiirtu waxay u sheegeen inay qabto dhibaato cadaadis dhiigga oo hooseeya, sidaas darteed ma ahayn inay aad u yaraysato cuntada iskana goyso cusbada.”

Boney Kapoor waxa uu yiri, “Haweenka intooda badan waxa ay dareemaan in milixdu ay biyaha ku celiso jirka oo aad u muuqanayso qof dibirsan. Tani waxay ahayd hal sabab. Waxa kale oo aan u sheegi jiray in aanay milixda gebi ahaanba ka tegin. Waxaan ku idhi marka aad ansalaato cunayso, xoogaa cusbo ah ku firdhi” balse wuxuu Boney sheegay inay diidi jirtay isla markaana ay u sheegtay in cusbadu ay miisaankeeda sare u qaaddo.

Sridevi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Talada Boney Kapoor

Si kastaba ha ahaatee, khabiirka cuntada Dr. Nausheen Abbas, mar ay la hadlaysay weriyaha BBC Urdu, Azam Khan, ayaa sheegtay in aad u guuri karto dhinaca cuntooyinka saafiga ah si aad uga hortagto dufanka adiga oo isticmaalaya walxaha sida kareemka la cuno iyo subagga (waa qofka ka baqaya in miisaanku ku bato).

Sida laga soo xigtay iyada, tani ma noqon karto qaab nololeed “ma raaci kartid cuntada noocan ah weligaa, haddii aad sidaa sameysidna waxay ku ciyaaraysaa dheelitirnaanta jirka. Cunto xkamaynta noocaan ah waxay halis u tahay jirka sababtoo ah waxay xumeysaa dheelitirka jirka.

Si kastaba ha ahaatee, Seyga Sridevi Boney Kapoor ayaa sheegay inuu aad u taxadarayey wixii markaas ka dambeeyay.

“Marka aan la kulmo saaxiibaday mid ka mid ah ama xaaskiisa, waxaan u sheegaa inay ka fakaraan dheelitirnaanta jirka. Caafimaadkaagu wuxuu ku jiraa gacmahaaga. Xitaa haddii aad cunto xakamayn ku jirto, iska ilaali inaad gadhoi heer xagjir ah. “Ka fogow wax kasta oo kaa doonaya inaad ka go’do waxyaabaha muhiimka ah.”

BBC

Hadalsame Media

]]>
98916
”Waxaan arkay dad inta xoog lagu qabsaday lagu yiri isma difaaci kartaan” – Jilaa Hollywood-ka caan ka ah oo runta ka sheegay qaddiyadda Falastiin https://www.hadalsame.com/2023/10/18/waxaan-arkay-dad-inta-xoog-lagu-qabsaday-lagu-yiri-isma-difaaci-kartaan-jilaa-hollywood-ka-caan-ka-ah-oo-runta-ka-sheegay-qaddiyadda-falastiin/ Wed, 18 Oct 2023 05:27:34 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=98778 (Chicago, Il) 18 Okt 2023 – Xiddigga Hollywood ee John Cusack ayaa ku biiray bannaanbaxa taageersan Falastiin ee Chicago, isagoo soo dhigay inuusan maqlin heeso cunsuri ah ama faallooyin nacayb ah, kaliya wuxuu ku baaqayaa xorriyad iyo nabad.

“Waxaan maqlay dad wadaagaya xogo shakhsi ahaaneed ee xubnaha qoyska ee xabsiga loo taxaabay, la dhibaateeyey, la silciyey, la beegsaday ama la dilay qarniyaal ka badan.

”Xubnaha qoyska ee ay sabab la’aan loogu isticmaalay sunta ilmada waxayna sii wadaan sheeko taas la mid ah oo ku saabsan nolosha dadka la qabsaday: dhallinyaro rag ah, haween iyo carruur kuwaas oo qoysaskoodii oo dhan la baabi’iyey, kuwaas oo hadda keligood caraysan, la bahdilay lana duudsiyey xuquuqdii aasaasiga ahayd ee aadanaha,” ayuu raaciyey.

”Waxay yimaadeen meesl ay ka jeclaan lahaayeen inay ku dhintaan iyagoo dagaal ku jira intii ay xabsiga ku jiri lahaayeen ama lagu dili lahaa – iyadoo la og yahay haddii aad isku daydo inaad difaacdo naftaada ama qoyskaaga – in lagugu horraanba calaamadiyey inaad tahay argagixiso – waa sida ay halkaasi tahay e,” ayuu soo qoray.

“Shacabka Falastiiniyiintu ma waydiisan xasuuq – way garanayaan awoodda millateri ee kuwa qabsaday.” ayuu kusoo af-jaray.

Hadalsame Media

]]>
98778
Halkee ayay iskala qaadeen gabadhan Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Carbeed? https://www.hadalsame.com/2023/10/03/halkee-ayay-iskala-qaadeen-gabadhan-soomaaliyeed-iyo-dhalinyarada-carbeed/ Tue, 03 Oct 2023 05:15:16 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=98224

(Hadalsame) 03 Okt 2023 – Soomaalida adeegsata baraha bulshada ayaa mararka qaar si wada jir ah u wajahda waxyaabaha qaar. Mararka qaarkood waxaa dhacda in ay shakhsiyaad amaba kooxo bulshooyinka kale ah ay isku af dhaafaan dhanka internet-ka.

“Dagaalka” Soomaalida iyo bulshooyinka kale ku dhex mara baraha bulshada ayaa u badan mid madadaalo iyo tartan u badan balse, mar waliba sidaas ma ahaa oo waxaa dhacda in waxyaabo dhab ah la isku qabto. Tani waxay ku dhacday Xanaan Cali oo ah gabar Soomaaliyeed, baraha bulshadana kusoo gasha (HananChanel) oo is fahan-waa ku dhex maray baraha bulshada iyada iyo shakhsiyaad kale oo aan Soomaali ahayn.

Xannaan waxay ka hadashaa arrimaha Soomaalida sida taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida, waxayna ku hadashaa luuqado dhowr ah sida Carabiga, Ingiriiska iyo dabcan Afoomaaliga. Waxay xanaan inta badan ku hadashaa afka carabiga marka ay ka hadlayso baraha bulshada.

Xannaan waxay ku dhalatay waqtina kusoo qaadatay Sucuudiga. Waxayna sidoo kale mar ku noolayd dalka Suuriya, haddase waxay joogtaa Sweden.

Shahaadada kowaad ee jaamacadda oo dhaqaalaha ah waxay ka qaadatay jaamacadda Stolkhom waxayse xiisaysaa isla markaan akhrisaa taariikhda, siiba tan Soomaalida iyo Carabta.

Xagey iskala qaadeen Xannaan iyo nimanka caayey?

Xannaan waxay ka qayb gashaa doodo iyo wada sheekaysiyo ay la yeelato dhalin yar kale oo Carbeed iyada oo markaas dhanka Soomaalida ka socota, balse tani waxay horseedday inay isku af dhaafaan dhaliyaro sida iyadu ay sheegtay Yemeniyiin ah oo caayay iyada iyo Soomaalidaba. Muuqaal barta Tiktok lasoo dhigay isla markaana ay BBC-du aragtay ayaa la maqlayaa nin afka Carabiga ku hadlaya oo Xanaan ku leh “Sharaf iyo akhlaaq ma lihid” isla markaana naclad badan sheegaya.

Balse waxaa intee dheer in barteeda TikTok muddo toddobo maalmood ah laga xannibay inay ka qayb qaadato barnaamijyada tooska ah ee aaladdaas.

Tan waxay u tiirisay in ay dacwado ka gudbiyeen nimankaas ay ismaan dhaafeen iyo dad taageero u ah iyaga, sidaasna muddo kooban looga xayiray barteeda TikTok. Intaas ka dib Xanaan Cali oo inta badan afka Carabiga ku hadasha ayaa markan Soomaalida afkooda ugu sheegtay waxa dhex maray iyada iyo dhalin yarada kale ee Carbeed iyo in xannibaad laga saaray barteeda TikTok.

Zakariye Abdirahmam Nuur (Zaki Bin Xaaji)

XIGASHADA SAWIRKA,ZAKI BIN XAAJI

Zakariye Cabdiraxmaan Nuur oo internet-ka looga yaqaan Zaki Bin Xaaji, isna waa wiil Soomaaliyeed oo baraha bulshad ku difaaca kuna madadaaliya Soomaalida. Zaki wuxuu arkay farriinta Xanaan wuxuuna isla markiiba gaarsiiyey dadkii isaga ku xirnaa isaga oo ugu baaqaya in ay gabadhaas taageero u muujiyaan.

Intaas ka dib Xanaan waxaa kusoo xirmay Soomaali badan waxayna si gaar ah ugu baahday barta Tiktok.

Zaki oo aan wax ka waydiinay halka ay iskala qaadeen Xanaan iyo dadkan carbeed ayaa sheegay in ay “aragtay taarikh ay Soomaalidu leedahay oo ay dalal kale sheeganyaan” isla markaana ay soo dhax gashay si ay u saxdo. Balse sida ay Zaki iyo Xanaan labaduba ka dhawaajiyeen niman Yemen u dhashay sida ay sheeganayaan ayaa ka xanaaqay arrintaas, dood ahaanna ay isku maandhaafeen Xanaan.

Intaas ka dib waxaa akoonka Tiktok ee Xanaan dacwado ka gudbiyey dad ay ku sheegtay kuwa taageeraya mid ka mid ah ragga ay isku maandhaafeen taariikhda Soomaalida. Sidaasna waxaa ganaax 7 maalmood ah Xanaan looga saaray barteeda Tiktok in ay toos (Live) kasoo gasho.

Xanaan oo BBC-da la hadashay ayaa noo sheegtay in ay ka qayb gasho doodo cilmiyeed oo afka carabiga ku baxa, waxaana baraheeda bulshada sal u ah, barta ay ku leedahay YouTube-ka.

Waxay sheegtay inay ay ka hadashay nin Soomaali ah oo “aasaasay” magaalo ku taal dalka Yemen, balse ay ka dudeen yemeniyiintii maqashay iyaga oo ka dhiidhinaya in ay Soomaali ama Afrikaan kale ay saameyn ku lahaayeen dhulkaas.

“Waxay leeyihiin ma jirto, cadeyn looma hayo, waxba kama jiraan,” ayey tiri Xanaan sheegtay in iyadu ay cadeyn taaeriikheed oo qoran soo bandhigtay balse aysan Yemeniyiintu ogoleyn in la ogaado sababo la xiriira nasab iyo cunsur, sida ay hadalka u dhigtay.

“Xogta Carabiga aan kusoo gudbiyaa la igu qabsadaa, halka Soomaalidu ay si toos ah u qaataan oo ay weliba iga codsadaan inaan usoo turjumo kuwa aan Carabiga kusoo gudbiyey,” ayey tiri Xannaan.

Dagaalka internet-ka ayaa markaas kadib baahay kuna fiday Soomaalida iyo Yemeniyiin kale, halkaas oo aflagaaddo iyo weliba hanjabaado la isku dhaafsaday.

Soomaalida ayaa caan ku ah in ay si isku duubni ah ula dagaalaan ciddii ay u arkaan shisheeye ee ay isku mandhaafaan baraha bulshada, waxaana mid ka mid ah codadka sida tooska ah uga baxay barta Tiktok laga maqlayaa mida ka mid ah Yemeniyiinta oo isagu qiraya in Soomaalidu ku awood badan yihiin dhanka baraha bulshad, inkasta oo marka hore ay iyagu isku mashquulsan yihiinna, marka ay timaad cid kale ay ku goobtaan.

Sidaasna waxaa illa hadda socda muuqaalada iyo farriimaha ay labada dhinac isku waydaarsanayaan baraha bulshada siiba TikTok.

Xannaan Cali

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Markii u horeysay ma aha

Bilowgii sanadkaan waxaa dagaal baraha bulshada ah uu dhexmaray Soomaalida iyo Suudaaniyiinta isticmaasha barta TikTok. Wuxuu ku salaysnaa quruxda iyada oo si gaar ah loogu soo bandhigayay quruxda dadyowga labadaas dal, waxayna dhalinyarada isticmaasha Tiktok ay soo kala bandhigayeen muuqaalo muujinaya quruxda iyo shacbiyadda dadyowga ku kala nool labada wadan ee markaas uu ka dhaxeeyay xifaaltanka quruxda.

Intii uu socday dagaalka ku saleysan xifaaltanka baraha bulshada ayay dhalinyarada ka soo kala jeeda soomaaliya iyo suudan wax ay soo kala bandhigayeen muuqaalo iyo sawirro ay ku muujinayeen in ay uga wanaagsanyihiin midba midka kale.

Dhanka kale kulan isbalansi ciyaareed ah oo si toos ah uga socday barta Tiktok ayna wada ciyaarayeen wiil Soomaali ah iyo wiil Oromo ah ayaa isku badalay dagaal kadib markii daawadayaasha ciyaartaas oo u kala saftay labada dal ay isku aflagaadeeyeen qeybta lagu wadaago fariimaha, waxa ayna isku badashay dagaal bara-bulsho ah oo muddo siisocday, bulshooyinka labada dal ee isticmaala baraha bulshada gaar ahaan aaladda tiktok ayaana hawada isku marinayay dacaayado iyo aflagaadooyin.

Mar kasta oo ay tan oo kale dhacdo waxay u badan tahay in uu markii hore ku lug lahaa oo kaliya hal qof oo Soomaali ah, balse Soomaalida oo badanaa isu gurmata ayaa taageero u muujiya qofka Soomaaliga ah, iyada oo sida haddaba ay sameeyeen taageero dhanka internet-ka ah u muujiyey Xanaan.

W;  D: Axmed Cadceed

Hadalsame Media

]]>
98224
Maxay tahay sababta ay Itoobiyaanku Tik Tok u wareejinayaan hees Soomaali ah oo 70meeyadii la sameeyey? (Daawo) https://www.hadalsame.com/2023/10/01/maxay-tahay-sababta-ay-itoobiyaanku-tik-tok-u-wareejinayaan-hees-soomaali-ah-oo-70meeyadii-la-sameeyey-daawo/ Sun, 01 Oct 2023 21:49:49 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=98151

(Hadalsame) 01 Okt 2023 – Baraha bulshada gaar ahaan aaladda TikTok-ga ayaa waxaa si weyn looga dhex maqlayay saacadihii lasoo dhaafay hees uu horay ugu luuqeeyay fannaankii weynaa Allaha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec.

Heestaasi waxaa dib u soo qaadday iyadoo erayada qaar ku badashay luuqadda Amxaarigga fannanaad u dhalatay dalka Ethiopia oo lagu magacaabo Marta Getachew, iyadoo marka ay codkeeda dib ugu qaaday haatan si wayn loola dhacay dad badanna dhagaystaan.

Heestan ayaa halku dhiggeedu yahay “Ladan” balse dadku ay u garan ogyihiin hooriskeeda oo ah “waxan la yaabay”.

Heesaha Soomaalida iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa mararka qaar u muuqda in ay is shabahan marka laga eego luuqda ama laxameynta iyo garaacista qalabka kala duwan ee Muusikada.

Tubeec

XIGASHADA SAWIRKA,.

Maxay caan uga noqotay TikTok?

Heestan ayaa haatan waxaa soo duubay wiil baraha bulshada kusoo gala magaca Wiil Baadiyo, waxa uu inta badan soo duubaa muuqaallo uu jogo meel baadiyo ama miyi ah, muuqaalka uu soo duubay iyo jilliinka erayada heesta ee ‘waxa aan la yaabay’ ayaa soo jiitay dad badan oo qoomiyadaha daga dalka Ethiopia kamida, waxa ay muuqaallo lasoo sameeyeen wiil baadiyo iyagoo sameynaya isla jilliinkii uu sameynayay.

Erayada heesta waxaa kamida:

Waxaan la yaabay

Ama la yaabay

Ma ladoo Ladaneey

Adiga i lumiyeee,lumiyee lumiyee

Ladaney labadeennu aan lamaane ahaanno.

Waxaan u liitoo

Ama u liicay

Ma ladoo Ladaneey

Adigaa i lumiyee…….

Magaca saxda ah ee wiil baadiyo waa Sayid Cumar Khaliif waxa uu ku nool yahay duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Waxa ku xiran dad ka badan nus milyan, iyadoo muuqaalladiisa ay u badanyihiin kuwa uu ku matalo dhaqanka miyiga.

Marta

XIGASHADA SAWIRKA,.

Sayid Cumar oo aan wax ka weydiinnay heestan uu duubay iyo fal celinta ka dhalatay ayaa yiri: “Anigu heestan in ay gabar Ethiopian ah ku luuqeyneyso ma moodeyn maadama erayada ay ahaayeen erayo af Soomaali ah, maalintii aan soo duubay maalintii xigtay ayaan arkay muuqalkii oo ay daawadeen dad gaaraya in kabadan hal milyan, wan yaabay kadib ayaa la’iisheegay in heesta ay ku luuqeyneyso gabadh aan Soomaali ahayn”.

Isagoo ka hadlaya sida uu heestan kusoo helay markeedii hore ayuu yiri: “Sida caadiga ah aniga oo TikTok-gga iska dhex wareegaya ayey igasoo hor baxday sidaas ayaana u duubay oo iguma jirin saameyn kale oo ay heestu leedahay, hadda waxa aan arkay dad badan oo Ethiopian ah oo muuqaalkeygi qaadanaya, waxa ayna ila noqotay layaab.

Wiil baadiyo ayaa sidoo kale laga arkaa muuqaalladiisa in uusan u badneyn heesaha aan soomaaliga ahayn, maadaama inta badan heesaha uu duubayo uu ku muujiyo jilliin iyo fahanka uu heesta ka haysto.

Muuqaalkii ugu horreeyay ee uu soo bandhigay wiil badiyo isagoo isa saaray codka heesta Ladan ayaa waxaa haatan ay daawashadiisu gaartay in kabadan labo milyan iyo afar boqol oo kun oo daawasho ah.

Sanadahan dambe aaladaha baraha bulshada ayaa lagu arkaa heeso hore oo dadku ay dib usoo cusbooneysiiyaan ama markale lasoo baahiyo kuwaas oo dadku markale ay si aad ah ugu daataan sida hees markaas soo baxday oo kale.

Dhanka kale fanka waayadan dambe ayaa u muuqda mid kudhisan baraha bulshada, iyadoo heesaha cusub lagu qiimeeyo saameynta aha hadal hynta ay ku dhex yeeshaan aaladaha baraha bulshada ee kala duwan.

BBC

Hadalsame Media

]]>
98151
Maryan Mursal oo kashiftay sababta ay ku timid hees caan ah oo uu qaado Axmed Cali Cigaal (Dhegeyso) https://www.hadalsame.com/2023/09/30/maryan-mursal-oo-kashiftay-sababta-ay-ku-timid-hees-caan-ah-oo-uu-qaado-axmed-cali-cigaal-dhegeyso/ Sat, 30 Sep 2023 17:37:19 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=98087 (Muqdisho) 30 Sebt 2023 – Axmed C. Cigaal & Maryan Mursal waxay ahaayeen labo xiddig oo dhalinyaro ah oo fanka iyo heesahu kulmiyeen. Waxay ahayd horrantii toddobaatameeyadii, iyo da’da labaatameeyada, xilliyada geyaanka la midka ah, sida caadiga ah ay usoo feedhaan deydeyashada, haasaawaha iyo guurka.

Fannaanda Maryan Mursal Ciise Bootaan, oo kahor caan-nimada ay fanka heshay kasoo jeeda qoys, aabbe iyo awoowe horteed caan ahaa, oo lagu faano, waxay BBC Somali uga sheekeysay qisadeedii jaceyl ee dhexmartay iyada iyo seygeedii koowaad, hobolka weyn Axmed Cali Cigaal.

“Walaalhi waxa aan jacaylkeenii ka sheekeen karno ma ahan. Labadayadu ba hadda waxaan nahay sodoh iyo sodog, laakiin Axmed Cali Cigaal waa nin gob ah. Nin loo dhigo ma jiro,” ayay tiri Maryan Mursal oo dib u xasuusanaysa dhalinyaro-nimadoodii. Waxay sheegtay inay shaqada fanka ee ay wada hayeen isu-soo dhaweysay, oo ay halkaas iska caashaqeen. Laakiin bilowgii ba haasaawahoodii waxa uu ahaa mid qarsoon, oo aysan dadka badidood ogeyn ilaa goordambe.

“Guurkayaga dadku kuma wada farxin, oo waa laga sheekeeyay, waana la duray,” ayay tiri Maryan Mursal, oo intaas raacisay inay arrimahaas u dhacayeen sababo la xirdhiidha reerka ay ka dhalatay awgeed, iyo heybsoocda Soomaalida dhexdeeda. Waa arrinkii gubay, oo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” Allaah ha u naxariisto, uu ku dhaliilay dhaqan xumida Soomaalida iyo heybsoocda dhexdooda ah. “Anigu gob ku noqon maayo qof kale gunnimadii,” ayuu yiri Hadraawi, taas oo horseeday tixdii Dhulgariir.

Laakiin waxay Maryan ku ammaantay Axmed Cali Cigaal oo hadda ku nool Mareykanka in uu dhega ka fureystay war-xumida iyo naceybka guurkooda loo muujiyay. Se guurka kahor ba, mar buu jaceylkooda qarka u fuulay in uu haasaawe kusoo dhammaado.

Waa markii haasaawahoodii qarsoodida ahaa ay ku xan qarsatay hablihii kale ee fanaaniinta ahaa ee saxiibada ay ahaayeen, kuwaas oo iyageenna sirtii heyn waayay ee dibeda ula foofay. “Dumarku way is xaal wareystaan, naa yaa la socotaa ayaa la isweydiiyaa,” ayay tiri Maryan, oo gabadhii u sheegtay inay haasaawe iyo sheeko wadaag yihiin Axmed Cali Cigaal. Laakiin warkii baa durbadiiba ku dhex faafay bulshada, oo isla markiiba gaadhay Axmed Cigaal, taas oo ka cadheysiisay oo muddo gaaban na hakad gelisay xidhiidhkoodii.

Waa halkii ay ka curatay heeskii caanka baxay ee Axmed ku luuqeeyay ee ‘Sheekadeennii Nacas’ taas oo uu Axmed ku canaantay in sirtoodii ay banaanka gaysay, sida ay Maryan u sheegtay BBC.

Hadalsame Media

]]>
98087