Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Ku Biiri Aqoontaada – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Wed, 06 Dec 2023 18:56:21 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 Caadooyin qofka u keeni kara caafimaad darro NAFSI, xiriirkiisa bulshana burburiya https://www.hadalsame.com/2023/12/06/caadooyin-qofka-u-keeni-kara-caafimaad-darro-nafsi-xiriirkiisa-bulshana-burburiya/ Wed, 06 Dec 2023 18:56:21 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100677 (Hadalsame) 06 Dis 2023 – Waxaa jira aaminsanaan qaldan, anshax iyo hab-dhaqan aan habboonayn, qaab fikir oo aan sax ahayn iyo caadooyin haddaad qabatinto kugu keeni kara dhibaatooyin caafimaad oo nafsi ah iyo mushkilado bulsho.

waxaan  maanta akhristayaasheenna la wadaagaynaa dabeecado iyo caadooyin shakhsi ah oo dad badani joogto u sameeyaan laakiin ay qasab tahay in dhaqso loo joojiyo, haddii kale u dhow in ay burburiyaan caafimaadka nafsiga ah ee qofka, noloshiisana cadaab u rogaan. Waxa aanay yihiin:

1. Jooji in aad waqti la qaadato dad aan adiga munaasab kugu ahayn, wa faa’ido ahna aan ku soo kordhinayn himilada aad leedahay iyo hiigsigaaga.

2. Iska jir in aad ka baxsato mushkiladahaaga, oo aad naftaada u sheegi weydo runta ah in mushkiladdaasi jirto, waxa la gudboonna yahay in ay ka fikirto xal u heliddeeda iyo la noolaanshiyaheeda.

3. Iska jir in aad naftaada been u sheegto, sida in aad geyso darajo aanay gaadhin ama nolol aanay weli u bislayn.

4. Ha isku deyin ama naftaada ha ku kallifin in ay qof kale noqoto.

5. Weligaa dhacdo hore iyo taariikh aad soo dhaaftay ha ku dheggenaan.

6. Ha ka baqan qaladka, waayo haddii aad qaladka ka baqato hawl ma qaban kartid. Waa tii Soomaalidu hore ugu maahmaahday, “Canaan ka ya yaab, reer Ma doojo”

7. Naftaada ha ku canaanan qaladaad ay hore u gashay, ee bar sidii aanay kuwii oo kale mar kale u samayn lahayn.

8. Ha isku dayin in aad farxadda ku raadiso lacag, iyo wax yaabo aad iibsato.

9. Ha u qaadan in farxadda adduun cid gaar ah kooto ugu xidhan tahay, naftana u sheeg in berriyi ay maalintaadii guusha iyo farxadda noqon karto.

10. Ka fogow caajiska iyo xaglo laabnaanta. Iskana jir in aad ku talax tagto fikirka, waayo waxaa dhici doonta in fikirkaaga badani uu isagu abuuro mushkilado aan jirinba.

11. Weligaa naftaada ha u sheegin in aanay isbeddel diyaar u ahayn. Ma jiro qof dunida ku nool oo naftiisu ay boqolkiiba 100 dareento in ay is beddel u bisishay, xitaa kuwa isbeddelka keena ma ka faa’idaysta, marka hore naftoodu ma cabsi la’a, markaa ku dhiirro.

12. Iska ilaali xidhiidhada sababta u noqon kara qaladka.

13. Xidhiidh iyo saaxiibtinimo hore oo kaa fashilantay awgeed, ha u diidin in aad xidhiidho cusub iyo saaxiibbo cusub samayso.

14. Weliga ha isku dayin in aad qof kasta la tartanto, cid kastana ha isku dhererin.

15. Iska jir in aad ka hinaasto wax qayrkaa haysto.

16. Ha is barin cabashada badan iyo in aad si joogto ah u qoomamayso qalad mar hore naftaadu gashay, halkii ay ka ahayd in aad ka dhigato uun dersi aad kaga taxaddarto in qaladkaas oo kale mar kale kugu soo noqdo.

17. Iska ilaali calool xumada iyo in qaladaadka dadka kale kaaga yimaaddaa ay ku guntamaan uurkaaga.

18. Qayrkaa ha u ogolaan in ay kugu riixaan halka ay doonayaan ama heerka ay ay dadka kale kula macaamilaan oo adigu aanad u arkayn in uu naftaada u qalmo.

19. Waqti ha iskaga lumen in aad dadka u sharraxdo una sababayso berinimada naftaada.

20.  Weligaa ha ku celcelin hawl aad hore u samaysay natiijadeedana u aragtay oo aad og tahay in ay ku dhammaanayso isla natiijadeed hore ee aanad doonayn oo kale.

21. Ha dhayalsan farxadda iyo in aad u muujisoo shucuurtaada badhaadhaha ah.

22. Ha isku mashquulin in hawl kasta oo aad qabataa ay ku dhammaato sida ugu dhamayska tiran, haddii kale aad ka joogto.

23. ISka jir in laba talo oo kasta aad doorato tooda fudud ee aan kaaga baahnayn dadaalka iyo tacabka badan. Mar kasta ha doonin in aad dariiqa fudud marto, ee mararka qaarkood ku dadaal in aad samayso ficillo dadka qaar u arkayaan in aanay caadi ahayn.

24. Iska jir in aad mar kasta ku dadaasho inaad muujiso in wax kastaa ay saxan yihiin ama halkii ugu wanaagsanayd joogaan iyada oo aanay sidaa ahayn. Ma jirto dhib ka xanuun kulul in aad ku noolaato xaalad ah is diidsiinta duruuf run ah oo jirta.

25. Iska jir in aad dadka kale ku canaanato mushkilado adiga ku haysta.

26. Ha isku kallifin in aad wax kasta adigu sed bursi ku hesho ama sida caddaaladda ah aad uga qayb gasho, ogolow in aad marar badan ku qanacdo in lagaa sad bursado.

27. Iska jir warwar joogto ah iyo diiqad nafsi ah oo aanad garanayn sababtiisa runta ah iyo in sababtaasi u qalanto dhibta shucuurtan ka soo gaadhaysa naftaada.

28. Maankaaga iyo maalkaaga oo dhan ha isugu geyn in aad ka hortagto sidii aanu u dhici lahayn wa aanad doonayn.

29. Ha isku kallifin in aad mar kasta dadka tusto in aad xaalkii ugu fiicnaa ku jirto.

30. Xaal kasta oo ku soo mara Alle ugu mahadnaq macaan iyo qadhaadh mid kasta oo uu yahay.

W; D: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media

]]>
100677
Waa kee dalka qura ee ay mamnuuc tahay in la is FURO marka laga reebo Muslimiinta? https://www.hadalsame.com/2023/12/04/waa-kee-dalka-qura-ee-ay-mamnuuc-tahay-in-la-is-furo-marka-laga-reebo-muslimiinta/ Mon, 04 Dec 2023 19:30:19 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100622 (Hadalsame) 04 Dis 2023 – Waxaa jira dunida hal dal oo ay mamnuuc ama sharci darro tahay inay is furaan ama kala tagaan labada lamaane ee is qaba.

Marka laga soo tago Vatican-ka oo si ahaan la siiyo maqaam dal balse aan sidaa loo qaadan, dalka Filibiin waa dalka qura ee adduunka ee furiinku mamnuuc ka yahay dhammaan muwaadiniinta, marka laga reebo Muslimiinta dalkaasi oo aan iyagu dhibkaa qabin.

Dhowr arrimood oo taariikhi ah ayaa loo aanayn karaa sharcigan naadirka ah, gaar ahaan gumaysigii Isbaanishka[1]. Markii Isbaanishku qabsaday Filibiin, furriinka waa la mamnuucay, waxaana guurka loo arkay inuu tahay wax aan la taaban karin oo xurmo wayn leh.

Dalkan oo uu markii dambe qabsaday Maraykanku, wuxuu leeyahay bulsho muxaafid ah oo aad u ilaalisa dhaqankeeda, taasoo keentay sharcigan adag ee ka dhanka ah furriinka oo ay haween badani ku sheegeen mid lagu xakamaynayo xorriyaadkooda madaniga ah.

Tusaale ahaan, waloow uu dalkani yahay mid Masiixi ah misna ilmo iska soo rididdu waa sharci-darro, waxaa sidoo kale adag kahortagga uur-qaadista iyo dhalmada.

Filibiin, sida kaliya ee lagu joojin karo guurka waa baabi’in laga soo qaadayo waxba kama jiraan (annulment), kaasoo isna ah mid aad qaali u ah oo qarreeno u baahan ayna dhif tahay inay kuu fuliyaan garsoorayaasha iyo maxkamadaha dalkaasi.

Farqi wayn ayaa u dhexeeya furriinka iyo baabi’inta guurka, waayo, marka la eego sharciga aadmi-sameega ah, furriinku waa guurkii oo dhammaaday laakiin la aqoonsan yahay inuu beri jirey oo ay labada qofi is qabeen, balse baabi’intu waxay ka dhigan tahay in xitaa meesha laga saarayo inay labada qofi mar is qabeen, marka ugu yaraan wax lagu eegayo indhaha sharciga.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

]]>
100622
Hababka ugu wanaagsan ee XAL waara loogu heli karo khilaafka qoyska (4 arrimood oo asaasi ah) https://www.hadalsame.com/2023/11/16/hababka-ugu-wanaagsan-ee-xal-waara-loogu-heli-karo-khilaafka-qoyska-4-arrimood-oo-asaasi-ah/ Thu, 16 Nov 2023 17:51:48 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=99839 (Hadalsame) 16 Nof 2023 – Waa hubaal in lammaane kasta oo qoys ahi ay marayaan waqtiyada qaar uu khilaaf soo dhexgalo, waxa uu noqdaa khilaaf fudud oo isagu is xalliya iyo mid u baahda in ay si rasmi ah uga wada hadlaan xalna u raadiyaan, waxa kale oo uu noqon karaa khilaaf faraha ka baxa oo u baahda in cid kale soo farageliso ama keenaba in qoysku burburo.

Xeeldheereyaasha iyo waayoaragga cilmiga bulshadu aad ayaa ay uga hadlaan khilaafaadka qoyska iyo siyaabaha ay la tahay in loo xallin karo, waxaa ka mid ah hababka aynu ku soo qaadanayno qormadan oo aynu ka soo qaadannay maqaal ay Ada Nuno ku faafisay majaladda afka Spanish ka ku hadasha ee El Confidencial.

Khilaafka qoyska haddii aanay lammaanuhu si buuxda xal ugu helin, waxa uu abuuraa diiqad nafsadeed, soo noqnoqshadiisuna waxa ay burburin kartaa caafimaadka labada qof, waxa aanu marar badan sababaa in labadooda ama midkood ay ku dhacaan xanuunnada aan dawada lahayn, iyada oo ay daraasado badan oo caafimaad caddaynayaan in uu xidhiidh adagi ka dhexeeyo khilaafka qoyska iyo xanuuno ay ka mid yihiin wadne xanuunka, iyo xanuunka Leaky gut syndrome oo ah xanuun ku dhaca midhicirada.

Arrinta xiisaha leh ee dad badani qaladka ka fahmaan ayaa ah in lammaanahana oo aanu khilaaf dhex marin ay ka dhigantahay in ay xidhiidh fiican iyo si faham sare leeyihiin. Dr. Mark Burg oo ku xeeldheer caafimaadka nafsiga ah ayaa sheegay, “Qoyska oo aanu wax khilaaf ahi soo dhexgelin in aanu macnaheedu ahayn in ay caafimaadkooda u fiican tahay, balse macnaheedu waa in labada qof midkood aanu naftiisa ku qabin kalsooni ku filan in uu knilaafkaas rayigiisa ka sheegto ama ka gartamo, sidaas awgeed aanu dhaqan u fiican caafimaadka”

Xallinta khilaafka qoyska

Inta badan marka ay lammaanuhu doonaan in ay ka wadahadlaan xal u helidda khilaafkooda waxaa soo baxda arrin kale oo ah in mid kastaa uu dib u raaco dhacdooyin muddo hore soo kala maray oo ka cadhaysiisay, taas oo ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay xalka sii fogeynayso.

Dr. Burg waxa uu sheegay in ay jiraan laba hab oo khilaafka lagu xallin karo, iyada oo lagu kala dooranayo hadba sida ay tahay shakhsiyadda iyo dabeecadda ninka ama gabadhu; waa in aad isku daydo inaad si bahalnimo ah u dagaalanto illaa aad ugu dambaynta guulaysato, ama in khilaafka aad u ogolaato in uu weligii sii jiro, iskuna daydo in aad indhaha ka laliso waxyaabaha aad diiddo ama kaa cadhaysiiya, labada hab midkoodna dhibaatada sooma afjaro, umana fiicna caafimaadka iyo waaritaanka xidhiidhka midna.

Mar kasta oo uu khilaaf soo dhexgalo lammaanaha, waxaa muhiim ah in mid kastaa gaarkiisa uu si fiican u daraaseeyo una qeexo waxa uu yahay iyo dabeecadda runta ah ee khilaafka iyo sida oo kale sababaha keenay. Kaddibna uu bilaabo sidii ay isaga iyo lammaanihiisu si wadajir ah u xallin lahaayeen.

Sannadkii 2011 kii majaladda ‘Dabiibka jinsiga ah iyo lammaanaha’ (Journal of Sex & Marital Therapy)  ayaa faafisay natiijada daraasad sheegaysa lammaanaha caadaysta in khilaafkooda ay xal ugu raadiyaan wadajir iyo iskaashi , in ay ku noolaadaan nolol qoysnimo oo raaxo badan.

Baro sida loo cudurdaarto

Dadka qaar ayaa aaminsan been ah in aanay sax ahayn in labada qof ee is jecel ay is raalligeliyaan. Waxaa hubaal ah in cafis aad ka dalbato mataankaagu ay tahay habka ugu fiican ee khilaafka lagu daweyn karo. Laakiin dhinaca kalana waxaa muhiim ah qofka raalligelinta bixinayaa aanu u fahmin ama doonin in raalligelintaasi ay bogsiiso khilaafkii oo dhan, marka uu kelmadda ‘Waan ka xumahay’ yidhaahdana dhibtii oo dhami soo afjarmayso. Waxa ay xeeldheereyaasha cilminafsigu sheegayaan in arrimaha dhibaatada ugu badan ka dhex abuura lammaanaha ay ka mid tahay, in midkood uu qaladkiisa si iska dul mar ah raalligelin uga bixiyo, isaga oo aan isku dayin in uu fahmo sababta qaladkan marka hore keentay ama cadhadaba dhalisay, kaddibna uu doono in ereygaasi noqdo dawada wixii jiray oo dhan. Waxaa muhiim ah in la raadiyo dhibta sababteeda kaddibna xalkeeda uu qofku ka fikiro, raalligelintuna taas fure u noqoto.

Cilmibaadhis la sameeyey sannadkii 2013 kii, waxaa lagu ogaaday in qofku haddii uu dareemo in uu mataankiisa ka helay raalligelin ku habboon qaladka uu tirsanayey in ay taasi u fududaynayso in uu si dhaqso ah oo fudud uga gudbo cadhadii iyo calool xumadii ka haysay gefka lagula kacay.

Taas macnaheedu ma’aha in labada qof uu midkood si joogto ah dusha ugu rito eedda, isaga oo doonaya in xal la gaadho, balse waa in qofku uu qaato masuuliyaddiisa oo run ah, si ay taasi qayb uga noqoto xal raadinta. Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu sheegayaan in tallaabadani aanay ahayn mid ay qasab tahay in qofku uu qaado isla marka uu qaladku dhaco, waayo waxaaba dhacda in qofka raalligelintaas markaba ah la siiyaa uu u qaato in ay tahay niyad u dhis aan qalbiga ka iman, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in marka uu khilaaf dhaco ay labada qof mid kastaa gaarkiisa u soo qaato waqti uu isku weydiiyo waxa dhacay iyo sida loo daweyn karo, kaddibna ay isaga yimaaddaan sidii ay xal si deggen ugu wada raadin lahaayeen. Markaas ayaa ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay aad ugu dhowdahay in qofka la raalligeliyey uu dhaqso u qaato raalligelinta.

Albaabka ha isku xidhin!

Lammaanaha qoyskoodu cusub yahay, waxa inta badan jira dhinacyo ka baxsan oo taageero nafsi ah ay ka helaan, tusaale ahaan qoysaska iyo saaxiibbada, sidaas awgeed khilaafku dhaqso ayaa uu u demaa waxaana laga yaabaa in walaaca iyo qulubka khilaafku uu kaga yar yahay kuwa aan iyagu haysan cid kale oo ay ula tagaan khilaafkooda ama muddo qoyska ahaa ee ay adagtahay in ay cid kale soo dhexgasho.

Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu ku taliyeen in ay fiican tahay in ay jirto cid saddexaad oo khilaafka xal u raadintiisa la soo gelin karo, gaar ahaan marka uu yahay khilaaf weyn. Waxa ay sheegeen in aragti saddexaad oo labadooda ka baxsani ay keeni karto in ay fahmaan xaqiiqada khilaafkooda. Gaar ahaan waxaa fiican in qofka saddexaad uu noqdo ruux lagu tuhunsan yahay waayoaragnimo iyo xirfad dhinaca xidhiidhka ah.

Ereyada aad odhanayso ka feejignoow

Lammaanaha mid kasta waxaa la gudboon in uu ka feejignaado ereyada uu odhanayo marka uu khilaaf soo dhexgalo. Tusaale ahaan in uu ka fogaado hadallada khilaafka iyo muranka sii hurinaya. Sida ugu fiicanina waa in dhaqso hadalka loo jaro oo qof kastaa uu soo qaato waqti uu ka soo fikiro waxa dhacay iyo sida loo xallin karo. Isla markaana uu fahmo qaladkiisa iyo qaladka uu qofka kale ka tirsanayo. Markaas kaddibna ay bilaabaan ka wada hadalka xal u helidda khilaafkooda iyaga oo raadsanaay dood maangal ah kana fogaanaya qaylada iyo cadho abuurka.

Waxa ay xeeldheereyaashu aaminsan yihiin in wadahadalka khilaafka xalliyaa uu yahay kan ay labada qof ka dheeraadaan is canaanashada iyo in mid kastaa uu kan kale la jeclaado in uu dembi qirto ama eedda waxa dhacay dusha u saaro. Waxa habboon in qofku uu ku dheeraado dareenka uu qabo ee niyad wanaagga ah iyo sida ay dhacdadani u dhaawacayso dareenkiisaas, si qofka kale u fahmo dhibaatada uu gefku ku keeni karo mustaqbalka xidhiidhkooda.

Tusaale ahaan in labada qof oo midkood taleefanka kan kale ka qaban waayey kaddibna cadho iyo khilaaf ka dhashay la xalliyaa, waxa ay ku fiican tahay in halkii uu midkooda laga qaban waayey talefanku uu ku celcelin lahaa in uu qofku qaato eedda waxa dhacay iyo dembiga oo ah in talefanka uu qaban waayey, ay ka fiican tahay in uu ka hadlo dareenkiisa ka dhashay qabasho waagaas taleefanka. “Wehel la’aan iyo cidlo ayaan dareemaa marka aad ka mashquusho in aad taleefanka iga qaban weydo” ayaa ka fiican in uu yidhaahdo, “Maxaad ka ku mashquul tahay mar kasta ee aad taleenka iga qaban weydaa?!” midda hore waxa ay qofka ku kallifaysaa in uu dareenkiisu dabco oo ka xumaado dhaawaca uu dareenkaaga gaadhsiiyey, sidaas awgeed dhaqso ayuu u bilaabayaa in uu raalligelin bixiyo. Laakiin hadalka dambe waxa uu qofka ku abuurayaa dareen ah in uu is difaaco, isaga oo u arka in la aaminsan yahay in aanu waxba hawl ah oo kale qaban.

Waxa kale oo fiican in lammaanuhu ay marka horeba ku heshiiyaan in khilaaf kasta oo soo dhexgala aanay ka wada hadal illaa uu waqti ka soo wareego oo mid kasta ay cadhadu ka degto. Taasi waxa ay keenaysaa in marka cadho soo dhexgasho uu mid kastaa is xakameeyo isaga oo og in dib laga wada hadli doono la isna qancin doono. Muddada wadahadalka la sugayana cadhadii waa ay dhammaanaysaa oo waxaaba dhici karta in mid kastaa ka khajilo macnadarrada waxa ay isku hayeen.

W; D: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media

]]>
99839
KA FAA’IIDAYSO: 5 tillaabo oo aad xal ugu heli karto QABATINKA isticmaalka baraha bulshada https://www.hadalsame.com/2023/11/12/ka-faaiidayso-5-tillaabo-oo-aad-xal-ugu-heli-karto-qabatinka-isticmaalka-baraha-bulshada/ Sun, 12 Nov 2023 08:40:11 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=99698

(Hadalsame) 12 Nof 2023 – Waxaa laga yaabaa in xogta lagu soo daabaco baraha bulshada ay tahay mid so jiidasho leh, oo ay kugu qasabto inaad qabatinto daawashadeeda – adiga oo kolba hoos ama kor u rogaya darbiga wax lagu soo dabaco, una arkaya in xogta aad daawaneyso ay wax wayn ku soo kordhineyso noloshaada. Balse, waxay inta badan noqotaa taa cagsigeeda. Hadaba waxaa suuragal ah inaad guul ka gaari karto arrintaas.

Inaga oo indhaheenu aanay wada furanayn ayaan marka ugu horeysa ee aan subaxii ka kacno hurdada, waxaan gacanta ku qabsanaa taleefankeena, inaga oo bilowgana inaa dhex wareegno baraha bulshada – si aan u ogaano waxyaabihii ugu dambeeyay ee dhacay haebeenkii aan jiifnay.

Hadii aad arrintaan ka walwalwasho oo qabatinkaas uu sii jiro maalinkii oo dhan, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad ka adkaato dabeecadaas maalinlaha ah. Waxaa laga yaabaa inay qaataan qayb badan oo kamid ah tamartaada.

Qabatin

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waxaa xaqiiqo ah in baraha bulshadu naga caawiyaan inaan ogaano waxa la isla dhexmarayo maalinkaas, mararka qaarna waxaa suuragal ah inay dadka qaar ka helaan dhiirri-galin xogaha lagu daabaco. Balse hadii isticmaalaka xad dhaafka ah ee barahaan uu sacado badan kaa qaato, waxaa laga maarmaan ah inaad joojiso dhaqankaas.

Qabatinka baraha bulshada waa mid dha ah, xogaha iyo dooqa kala caynka ah ee dhexyaacaya dartood ayay dadka qaar ku noqtaa mid adag inay ka adkaadaan dabeecadda isticmaalka xad dhaafka ah.

Sida ay sheegeen khubarada ku taqaqustay shaqada maskaxda; waxyaabaha ugu waawayn ee sababa qabatinka isticmaalka baraha bulshada ayaa waxaa kamid ah, kalsooni darrida shaqsiyadeed, cabsida iyo niyad jabka iyo sidoo kale qanaaco darada shaqsiyadeed ee ka dhex jirta da’yarta iyo dadka kalaba.

Inta badan dadku waxay qanaaco ku dareemaan inay taleeefan kala xiriiraan dadka kale, halkii ay si toos ula kulmi lahaayeen, iyaga oo dareemaya hoosayn hadii ay qofka hor fariistaan.

Hadaba qodobadaan ayaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan sidii aad uga adkaan lahayd qabatinkaas.

1. Raadi wax kuu badala baraha bulshada!

Khubarada ayaa leh, “ udeymo lahaoow waqtiga kaaga baxa baraha bulshada. Ogsoonoow u jeedka aad ugu jirto hadii uu dantaada yahay iyo in kale. Waa laga yaabaa inuu markaas kuu yahay Il aad xog ka hesho ama meel kaa jeedisa waxyaabaha kale eek u dhibaya.” Marba hadii aad fahansantahay natiijada kaaga imaaneysa, waad sii wadan kartaa isticmaalka adiga oo sidoo kale ka fikiraya hadii ay jiri karaan waxyaalo kale oo kaa caawin kara waxa aad u dhex joogto baraha bulshada.

2. Abuuro dabeecado kale oo xiiso leh!

Qabatin

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xitaa hadii baraha bulshadu ay kuu caawinayaan qaabab kala duwan, ku bixinta waqti badan waxay kuu keeni kartaa dhibatao badan. “Hadii aad is ku fikirto inaad yareyso waqtigaas badan, isku daya inaad si firfircooni leh u abuurao caadooyin iyo dhaqno kale oo ku caawin kara. Isku day inaad yeelato dabeecado macno u yeelan kara jadwalkaaga maalin laha ah”, ayay soo jeedinayaan khubaradu.

3. Isku day inaad dadka dhex gasho!

Waxaa laga yaabaa inaad xasillooni ku dareento marka aad taleefan qof kala xiriireyso, balse xaqiiqada ayaa ah in wax lalal barbardhigi karo aysan jirin kulamada tooska ah. Khubarada ayaa qabta in ay wanaagsan tahay dhexgalidda dadka kaa agdhaw, oo aadan marna naftaada u ogolaan inaad isku maaweeliso isticmaalka taleefanka.

4. Waqtigaaga kala xadayso!

Gabi ahaanba inuu iska joojiyo isticmaalka baraha bulshada waa waanada ugu xun ee la siin karo qof la dhiban waqti xaadirkaan qabatinka baraha bulshada. Waxaa taas dhaanta inaad xoogaa yareyso. Sameyso waqtiyo xadidan oo aad isticmaasho baraha bulshada. Dadka kale aad wada xariirtaan ayaa sidoo kale wanaagsna inaad caawinaad weydiisato oo aysan ku soo dhex galin waqtiyada aad go’aansatay inaad iska joojiso isticmaalaka aaladaha internetka.

5. Naftaada hala barbardhigin dadka kale!

Waxa qof u shaqeeya marka laga hadlayo yaraynta isticmaalka baraha bulshada, waxaa laga yaabaa inaysan adiga kuu shaqayn. Isku day inaad hesho waxa ugu fiican ee adiga kuu shaqayn kara, sida ay yihiina u raac adiga oo aan naftaada barbar dhigayn dadka kale.

Hadii adiga ama qof aad garaneyso uu qabatimay isticmaalka baraha bulshada, waad is cawin kartaan, idinka oo mar walba niyada ku haya inaad iska jari kartaan qabatinkaas.

BBC

Hadalsame Media

]]>
99698
Iiraan ma awooddaa inay dagaal toos ah la gasho Israa’iil? (Maxaa kusoo kordhay cududdeeda?) https://www.hadalsame.com/2023/10/29/iiraan-ma-awooddaa-inay-dagaal-toos-ah-la-gasho-israaiil-maxaa-kusoo-kordhay-cududdeeda/ Sun, 29 Oct 2023 07:18:31 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=99226

(Hadalsame) 29 Okt 2023 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si cad ugu digay Israa’iil – waa inay joojisaa weerarrada Qasa haddii kalena ay qaadi doonaan tallaabo.

Saacado gudahood kaddib, Iiraan ayaa beddeshay mowqifkeedii, iyadoo sheegtay inaysan soo faragelin doonin dagaalka Israaiil iyo Xamaas ilaa uu saameyn ku yeesho danaha Iiraan iyo muwaadiniinteeda.

Si kastaba, dagaalkan labada dhinac ah, ayay Iiraan markii ugu horreysayba sheegtay taageeradeeda ay u heyso kooxdan militari ee Xamaas iyo Falastiiniyiinta. Waxay sidoo kale uga digtay Israa’iil inay wajihi doonto cawaaqib-xumo.

Ku xigeenka taliyaha ciidamada Iiraan, ayaa ugu hanjabay Israa’iil in weerar gantaallo ah lagu qaadi doono magaalada Xayfa ee Israa’iil.

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ee Qasa ay sii socon doonaan, qofna uusan awoodin inuu joojiyo Muslimiinta, sida lagu sheegay war lagu daabacay Telefishinka Iran Press.

Su’aasha ayaa haatan ah in Iiraan, oo mar walba hanjabaado iyo digniinno usoo jeedisa Israa’iil, ay dhab ahaantii awood u leedahay inay la dagaasho Israa’iil.

Iiraan, Xamaas iyo Israaiil

Israa'iil

XIGASHADA SAWIRKA,EMPICS

Kacaanka Iiraan ee Islaamiga ah ayaa sanadkii 1979 qabtay hoggaanka wuxuuna loollan la galay dalalka Galbeedka. Wixii intaa ka dambeeyay, hoggaamiyeyaasha Iiraan ayaa ka hadlayay burburinta Israa’iil.

Si taa la mid ah, Iiraan dal uma aqoonsana Israa’iil. Waxay Iiraan sidoo kale Israa’iil ku eedeysaa sii wadidda heysashada dhulalka Muslimiinta.

Israa’iil, ayaa dhanka kale, u aragta Iiraan khatar. Waxay ku adkeysaneysaa in Iiraan ay dooneyso inay sameysato hub nukliyeer.

Inkastoo Iiraan iyo Israa’iil aysan xad wadaagin, xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa sii socota. Iiraan ayaa heysata taageerada Lubnaan, Suuriya iyo Falastiin oo xad la leh Israa’iil.

Kaddib markii ay Xamaas weerartay Israa’iil, Israa’iil ayaa ku eedeysay Iiraan inay saameynteeda u adeegsaneyso inay fuliso weerar ka dhan ah Israa’iil.

Warbaahinta reer-galbeedka ayaa sheegay in Xamaas ay wargelisay Iiraan kahor inta aysan weerarin Israa’iil. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaana booqday Ciraaq, Lubnaan iyo Qadar wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiil sare oo Xamaas ah kaddib markii uu weerarku billowday.

Inkastoo Iiraan aysan si toos ah uga dambeyn weerarka, khubarrada ayaa aaminsan inay Xamaas siisay gargaar, ay ka mid yihiin tababarka iyo hubeynta Xamaas.

Iraan mala dagaali kartaa Israa‘iil?

Iiraan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Professor Ashwini Mahabatra, oo ka faallooda arrimaha Aasiyada Galbeed waxna ka dhiga Jaamacadda Jawaharlal Nehru ee Delhi ayaa qaba:

“Iiraan ayaa horumarisay teknoljiyaddooda in ka badan sidii hore. Waxay heystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada dheer. Inkastoo Israa’iil ay iska caabbin karto, waxayse ka door bideysaa inay ka fogaato dagaal ay la gasho Iiraan.”

Israa’iil ayaa sidoo kale heysata hub. Waxaa sidoo kale taageera Mareykanka. Mar walba oo uu dagaal dhaco, Mareykanka ayaa taageera Israa’iil. Marka tan, uma maleynayo in Iiraan ay dooneyso inay dagaal toos ah la gasho Israa’iil ,” ayuu yiri.

Professor Pramanand Mirasra, oo wax ka dhiga Jaamacadda Islaamiga ee Jamia Millia ayaa qaba isla dood taas la mid ah: “Iiraan gebi ahaanba kuma lug yeelan doonto dagaal toos ah oo Israa’iil ay la gasho sababtoo ah Israa’iil waxaa taageera Mareykanka. Sidaa darteed, ma awooddo inay isku xilli la dagaasho labo dal. “

Waxaa intaa dheer, marka la eego dabiiciyadda siyaasadeed ee deegaanka ee Iiraan, ma oggolaaneyso inuu dalkaasi galo dagaal toos ah.

Xamaas iyo Xisbullah miyaa u khatar badan Israa’iil?

Iiraan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Iiraan iyo Israa’iil ayaa muddo dheer ay xiisad ka dhaxeysay. Labada dal ayaa ka fogaaday dagaal toos ah, inkastoo labadoodaba ay qaadeen weerarro aargoosi ah.

Iiraan ayaa sii wadda taageerada kooxaha hubeysan ee bartilmaameedsanaya Israa’iil – waxay taageertaa Xamaas-ta Qasa iyo Xisbullaahi-da Lubnaan.

Si taa la mid ah, kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ku dhawaaqday in haddii Mareykanku si toos ah usoo farageliyo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, ay ka barbar dagaallami doonaan Xamaas.

Xuutiyiinta waxaa sidoo kale taageerta Iiraan.

Mar uu la hadlayay baarlamaanka dalkaas, raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diginin u diray Xamaas iyo Xisbullaah. Labadan koox ayaa loo arkaa inay wakiillo u yihiin Iiraan.

Ashwini Mohapatra ayaa yiri, “Mareykanka iyo Israa’iil ma doonayaan in saameynta Iiraan ay kusii ballaarato gobolka galbeedka Aasiya. Taasina waa sababta ay gaar ugu riixayaan Iiraan.”

Khubarrada ayaa aaminsan in kooxaha hubeysan sida Xisbullah ay khatar weyn ku yihiin Israa’iil si ka badan Iiraan.

BBC

Hadalsame Media

]]>
99226
In carruurta wax loo AQRIYO hurdada kahor waxay keentaa 5 faa’iido oo waawayn https://www.hadalsame.com/2023/10/28/in-carruurta-wax-loo-aqriyo-hurdada-kahor-waxay-keentaa-5-faaiido-oo-waawayn/ Sat, 28 Oct 2023 18:28:19 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=99192 (Hadalsame) 28 Okt 2023 – Cilmibaadhisaha laga sameeyey waxtarka uu akhrisku aadamaha u leeyahay, waxa ay ka marag kaceen muhiimadda uu carruurta da’da yar u leeyahay akhrisku, waxa aanay si gaar ah hoosta uga xariiqda faa’iidada ay leedahay in waalidku uu ubadkiisa hurdada ka hor wax u aqriyo.

Qormadan waxa aynu ku soo koobaynaa cilmibaadhis uu Mark Kelly ku sameeyey faa’iidooyinka akhrisku u leeyahay ilmaha, kuwaas oo ay k mid tahay:

1 – In hurdada ka hor ilmaha qiso loo akhriyaa waxa ay dejisaa maskaxdiisa, oo ay illowsiiso daalkii iyo hawlihii kala duwanaa ee maalinnimada uu ku soo qaatay, taas oo caawinaysa in uu hurdo xasiloon seexdo.

2 – Ra’yi ururin la sameeyey sannadkii 2015 kii waxaa lagu ogaaday boqolkiiba 83 carruurta hurada ka hor uu waalidku buug u akhriyo ama sheeko uga sheekeeyaa in ay ku raaxaystaan in sheekadaas cod dheer loogu akhriyo. Halka boqolkiiba 68 ka mid ah ay farxaddooda ugu weyn tahay waqtiga ay hurdadad ka hor la sii qaadanayaan waalidkood, oo ah inta uu waalidku u sheekaynayo ama buugga u akhriyayo.
Waa fursad uu waalidku u helayo in uu ilmihiisa u gaar yeelo, ilmuhuna ku dareemayo jacaylka waalidku u hayo, iyo in uu danaynayo.

3 – Buug u akhrisku ilmaha waxa ay ku tababartaa dhexgalka iyo la sheekaysiga dadka waaweyn, iyo in ay ku dhac u yeeshaan in aragtidooda iyo su’aalaha ay qabaanba ay waalidka u bandhigaan. Waxa ay bartaan macnaha walxaha iyo hadallada kala duwan, oo qaarkood ay awood u yeeshaan in ay si hoose u dhugtaan, waxaa kordha awooddooda hadalka iyo cabbiridda fikirkooda; sida doorashada ereyada, iyo ku dhawaaqista saxda ah.

4 – In ilmaha yar hurdada ka hor wax loo akhriyaa, wxa ay ku dhiirrigelisaa wax akhriska iyo in marka ay weynaadaan uu akhrisku ka mid noqdo caadooyinka aanay joojin. Waxa kale oo ay ilmaha ku abuurtaa xiisaha qoraalka. Labadaas arrimood oo muhiim u ah qofku marka uu weynaado.

5 – Wax u akhrisa ilmuhu waxa ay xoojisaa malo-awaalka iyo hal abuurka ilmaha. In ilmuhu uu fahmo qisada loo sheegayo, dadka jilaya iyo kaalinta uu mid kastaa leeyahay, iyo isku xidhnaanta sheekada ee bilow illaa dhammaad, waa jimicsi maskaxeed oo bacariminaya hal abuurka ilmaha. Waxa aanay u furtaa maskaxda oo uu awood u yeesho in uu meel dheer wax eegi karo, iyo in uu lafagurka iyo falanqaynta amuuraha horyaalla barto.

W; D: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media

]]>
99192
DARAASAD: Maxay dumarku uga hor gaboobaan ragga? 5 arrimood oo muhim ah oo jira https://www.hadalsame.com/2023/10/26/maxay-dumarku-uga-hor-gaboobaan-ragga-5-arrimood-oo-muhim-ah-oo-jira/ Thu, 26 Oct 2023 05:18:05 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=99132

(Hadalsame) 26 Okt 2023Heerarka gabowga waa ay ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarku, haddii ay ahaan lahayd maskax, jir iyo caadifad, waxaana la xusay in dumarku ay ka hor gaboobaan ragga, inkasta oo celceliska cimriga dumarku ka dheer yahay kan ragga.

Arrintaas waxa keena sababo kala duwan oo iyagu is beddel ku keena dumarka in ka badan inta ay ragga ku keenaan, sababahaasna waxaa kamid ah kuwan soo socda:
1 – Qaan-gaarnimada: Gabdhuhu waxay kaga hormaraan xagga qaan-gaarnimada wiilasha. Gabdhuhu waxay qaan-gaarnimada ku billaabaan da’da 10-14-sano jirka, halka wiilashu ay qaan-gaarnimada billaabaan marka ay 12-16-sano jirka yihiin. Baaluqiddu waxay xiriir la leedahay isbeddellada kiimikaad ee hormoonnada. Isbeddello badan baa ku dhaca haweenka kahor inta aanay kuwa lamid ahi ragga ku dhicin.
2 – Celceliska cimriga dumarka: Marka ay gaaraan da’da konton jirka, dumarka iyo raggu waxa ay ku kala duwan yihiin xagga fahamka farxadda iyo waajihidda isbedellada ay keento da’du. Dumarku si ka dabacsan ragga ayay isbeddelladaas ku wajahaan. Da’daas wixii ka dambeeya, walaaca iyo niyad jabku waa ay ka yaraadaan dumarka, waxana ku kordha xirfadaha naxariista, dhegeysiga iyo dulqaadka.
3 – Rabitaanka Galmada: Inta uu ka gaarayo lixdan sano jir, ninku waxa uu ka fekeraa xiriir galmo ugu yaraan hal mar maalintii. Waxa taas ka duwan haweeneyda oo rabitaanka xiriirkaasi uu hoos uga dhaco sababtoo ah waxa hoos uga dhaca hormoonka Estrogen, gaar ahaan wixii ka dambeeya marka ay caadadu ka go’do.
4 – Maqaarka: Collagen-ka maqaarka dumarka ayaa hoos u dhaca marka loo eego ragga mar kasta oo da’doodu ay weynaato, waana sababta ugu weyn ee laalaabku uu maqaarka haweenka uga soo muuqdo si ka dhaqso badan ragga. Sidoo kale hormoonka testosterone ee ragga ayaa si tartiib tartiib ah hoos ugu dhaca, kaasoo sababa korodhka dhumucda maqaarka ragga.
5 – Miisaanka: Miisaanka ragga ayaa kor u kaca ilaa ay ka gaaraan da’da konton jirka kaddibna hoos u dhaca mar kale testosterone-ka oo yaraada darteed. Taas beddelkeeda, miisaanka haweenku waa uu kordhaa ilaa da’da 65 sano jirka. Da’daas keddib waxa laga yaabaa inay mar kale miisaan lumiyaan, murqihii jirka oo lumaya darteed.

Daraasado kale waxay iyaguna tilmaamayaan in gabowgu laga yaabo inuu ka muuqan karo lab iyo dheddig, iyadoo ku xiran duruufaha qof kasta, laga billaabo deegaankii uu ku koray, iyo in uu sigaarka ama khamriga cabo, ama uu la kulmay; dhibaato, saboolnimo, ama daryeel caafimaad la’aan.

W; D: Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media

]]>
99132
Baro dalalka caalamka ee aan ilaa maanta lahayn DASTUUR rasmi ah (Waxaa ku jira dalal waawayn) https://www.hadalsame.com/2023/10/20/baro-dalalka-caalamka-ee-aan-ilaa-maanta-lahayn-dastuur-rasmi-ah-waxaa-ku-jira-dalal-waawayn/ Fri, 20 Oct 2023 06:33:55 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=98942 (Muqdisho) 20 Okt 2023 – Marka aad dal maqasho waxaa waxyaabaha maankaaga kusoo dhacaya ka mid ah calan, dhul iyo dabcan dowlad ka arrimisa, taasoo sida aad fili karto leh dastuur iyo xeerar ay wax ku kala nidaamiso.

Ka sheekee haddii ay jiraan dhowr dal oo aan lahayn wax Dastuur ah oo rasmi ah, kuwaasoo tiro ahaan gaaraya ilaa 5-6 waddan. Micnuhu ma aha inaysan xeerar (reguations) wax nidaamiya lahayn lahayn. Kaliya waxaa ka maqan Dastuur rasmi ah. Arag liiska:

Boqortooyada Ingiriiska (UK)

Boqortooyada Midowdey (UK), ma laha dastuur rasmi ah oo qoran, laakiin waxay leedahay xeerar maamul oo ka yimaada afar ilood oo ay ku jiraan sharciga xaaladeed ee ka yimaada xukuumadda iyo baarlamanka, sharciga guud oo ka yimaada garsoorka, midka heshiiska siyaasadeed, iyo midka goobaha shaqooyinka. Sharciyada ay ansixiyaan Baarlamanka ayaa ah isha ugu dambaysa ee sharciga UK.

Israa’iil

Israa’iil waxay ku shaqaynaysey dastuur la’aan tan iyo go’aankii Harari ee Juun 30, 1950.

Waxa ay muddo ku howllanaayeen dhowr isku day oo uu ku doonayeen inay yeeshaan dastuur si rasmi ah u qoran tan iyo markii lagu dhawaaqay madax-bannaanidooda 1948-kii, laakiin dhammaantood waa kuwo aan lagu guulaysan. Waqtigan xaadirka ah, Israa’iil waxay ku shaqaysaa nidaam sharciyo iyo xuquuqo ah, kuwaasoo leh wax u eg maqaamka dastuurka.

Sacuudi Carabiya

Sacuudi Carabiya ma laha dastuur dad qoray oo rasmi ah, balse waxay sheegtaa inay haysato sharciga aasaasiga ah ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nebi Muxamed (NNKH).

Xeerarka boqortooyadu ay soo saaraan waxay wax ka qabtaan arrimaha casriga ah sida hantida dadka iyo sharciyada shirkadaha. Si loo sameeyo xukun sax ah oo ku salaysan sharciga aasaasiga ah (Sharciga shareecada), garsoorayaashu waxay tixraacaan lix sharci oo raacsan mad’habta Xanbaliga kahor intaysan xukumin, kuwaasoo laga soo qaatay Qur’aanka, Axaadiista (hadalladii iyo caadooyinkii Nabi Muxammad (NNKH), iyo waxyaabihii ay ku dadaaleen (ijtihaad) Saxaabadii Nabigu.

Waxaa jira dalal kale sida Canada, New Zealand iyo San Marino, kuwaasoo leh xeerar aan si rasmi ah u ahayn dastuur buuxa oo hal meel ku qoran.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

]]>
98942
Sababta DUUFAANTA Maraykanka magac dumar loo siiyo & Dood arrintaa ka dhalatay (Sabab macquul ah) https://www.hadalsame.com/2023/10/13/sababta-duufaanta-maraykanka-magac-dumar-loo-siiyo-dood-arrintaa-ka-dhalatay-sabab-macquul-ah/ Fri, 13 Oct 2023 22:30:30 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=98672

(Hadalsame) 13 Okt 2023 – Yaa bixiya magacyada loo bixiyo Duufaannada ku dhufta dalka Mareykanka?

Shan sano ka hor waxa ay duufaanno roobab wata ku dhufteen qaybo ka mid ah dalka Mareykanka, waxaana durbadiiba loo bixiyay duufaantii Harvey, waxaa xigtay laba duufaan oo kale iyagana loo bixiyay Duufaantii Irma iyo Maria.

Haddaba xaggeey ka yimaadeen magacyadani, yaase bixiya?

Waagii hore musiibooyinka Mareykanka waxaa loogu magac dari jiray xilliga ay dheceen ama magaallada/gobolka ay ku dhufteen, sida Duufaantii 1983-kii, ama Duufaantii Florida.

Sanadkii 1953-kii ayaa hay’adda Saadaasha hawada Mareykanku ay bilaabeen in ay magacyo u bixiyaan duufaanta, waxaana ay ku bilaabeen magacyo dumar ah, maaddaama erayga ‘duufaan’ uu yahay eray dheddig ah.

Yeelkeede, ururrada u dooda xuquuqda haweenka ayaa arrintaasi ka hor yimid, waxaana kaddib sanadkii 1979-kii laanta Saadaasha Hawada Mareykanku ay isku dheeli tirtay magac bixinta iyadoo bilowday adeegsiga magacyada ragga.

Magacyadan Dabeylaha iyo musiibada loo bixinayo ayaa ku socda xuruufta Hingaadda, iyadoo balaayadii timaaddaba xarafkeeda lagu hagaajinayo.

W; D: Amiin Y. Khasaaro

Hadalsame Media

]]>
98672
Shaaha oo la cabo caloosha oo maran waxaa laga qaadaa cilladahan https://www.hadalsame.com/2023/10/07/shaaha-oo-la-cabo-caloosha-oo-maran-waxaa-laga-qaadaa-cilladahan/ Sat, 07 Oct 2023 05:33:16 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=98422 (Hadalsame) 07 Okt 2023 – Ma ka mid tahay dadka maalintooda ku bilaaba cabbista koob shah ah? Dad badan ayay caado u tahay in maalintooda ku bilaabaan cabbista shaaha. Inkastoo shaahu uu leeyahay faa’idooyin caafimaad sida awoodda sun-saarista (antioxidant) tan oo jirka ku caawiso siduu isaga saari lahaa wixii aan nacfi ugu jirin iyo inuu difaaca jirka xoojiyo, haddana waxa uu keena dhibaatooyin caafimaad haddii la cabbo caloosha oo maran.

Wareer iyo lalabo:

Shaaha aroortii la cabbo waxa ay keentaa firfircooni badan iyo baraarugsani dheeraad ah, laakiin khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in shaahu uusan noqonin waxa ugu horreeya ee aad cabto marka aad gaajaysan tahay. Shaaha waxaa ku jirta maadada caffeine, haddii caloosha oo maran la cabbana waxa uu caloosha ku badiyaa asiidhka wuxuuna keenaa khalkhal dhinaca hormoonnada ah taas oo sababta xasilooni darro nafsi ah iyo dareen aan wanaagsanayn. Cabbista shaaha caloosha oo maran waxaa laga qaadaa wareer iyo lalabo.

Shaqada dheefshiidka:

shaahu waxa uu kordhiyaan heerka asiidhka caloosha, taas oo qofka ku keenta calool olol badan, waana suurtogal in ay nabar caloosha ku keento.

Fuuqbax:

Shaahu kaadida ayuu badiyaa, taas oo jirka biyaha ka saarta, marka aad subixii soo kacdo jirka waxa uu u baahan yahay in la waraabiyo, sababtoo ah saacidhii badnaa ee aad huruday biyo ma aadan cabbin. Marka aad shaaha cabto waxay keeni kartaa fuuqbax taas oo horseedi kartaa murqo xanuun.

Dibbiro:

Dad badan waxay isku arkaan dibbiro marka shaah caddays ah ay cabbaan, Sababtuna waa laktoosta badan ee caanaha ku jirta oo saamaynaysa caloosha maran. Tani waxay keeni kartaa calool istaag iyo gaas. U dulqaadasho la’aanta sokorta laktoos, afka qalaadne lagu dhaho “Lactose intolerance” waa cillad dheefshiid oo aad u badan, waxayna timaadaa markii caloosha qofka ay shiidi wayso sokorta nooca loo yaqaano “lactose” oo badanaa laga helo caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyay.

Qofka cillada laktoos qabo wuxuu dareemaa dibbiro, dhuuso badan, shanqar caloosha ah iyo shuban saacado ka dib mar walba uu cuno ama cabo wax ay ku jiraan sokorta “lactose”. Dadka cilladaan qabo waxaa dheefshiidkooda ka maqan dheecaan burburiye loo yaqaano “lactase”, kaasoo shaqadiisa tahay in sonkorta “lactose” uu burburiyo si jirka uga faa’idaysto.

Amateet xumo:

Shaaha bigayska ah oo la cabbo marka ay calooshu maran tahay waxaa lagaa dhaxlaa amateet xumo iyo dibbiro. Haddii aad rabtid inaad shaah cabtid subixii, cab quraacda kadib.

Dhiig yari:

Shaaha waxa uu hoos uu dhiigaa awoodda uu jirku ku nuugi lahaa birta (iron).Dadka ay dhiig yaridu hayso waxaa looga digaa inay shah cabbaan iyagoo gaajaysan. Shaaha, kafeega iyo cabitaanka shukulaatada (cocoa) intaba waxaa ku jiro maaddo loo yaqaanno “Polyphenols”, maadadaan waxay hoos u dhigtaa macdanta birta ee laga helo cuntada. Haddii ay caado kuu tahay in shaaha aad cuntada ku cabtid ama isla markiiba aad ka daba cabtid waxaa hoos u dhaca maadada birta ee dhiigga laga sameeyo maadaama jirka uusan ka faa’idaysan karin birta ku jirta cuntda aad cuntay, taasina waxay keentaa dhiigyarida loo yaqaano “Iron Deficiency Anemia” oo laga wado dhiigyarida ka dhalatay bir la’aanta.

Lalabo:

Shaaha oo la cabbo subixii caloosha oo maran waxay saamaysaa shaqada dheecaanka bayl ee caloosha. Tani waxay keentaa lalabo ama yalaalugo.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
98422