Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Ciyaaraha – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Thu, 14 Dec 2023 17:49:13 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 Dowladda Ingiriiska oo lagu haysto inay ku dheggan tahay qayb ka mid ah lacagtii lagu iibiyey Chelsea (Maxaa loogu tala galay?) https://www.hadalsame.com/2023/12/14/dowladda-ingiriiska-oo-lagu-haysto-inay-ku-dheggan-tahay-qayb-ka-mid-ah-lacagtii-lagu-iibiyey-chelsea-maxaa-loogu-tala-galay/ Thu, 14 Dec 2023 17:49:13 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100962 (London) 14 Dis 2023 – Dowladda UK ayaan weli fasixin dhaqaalihii kasoo xarooday iibkii sanadkii hore ee kooxda kubadda cagta Chelsea, taasoo loogu talagalay dadka reer Ukraine ee la ildaran dhibaatada ka dhalatay weerarka Ruushka, sida ay qireen mas’uuliyiinta Britain.

Waxay eedda saareen “khilaaf jira” oo kala dhexeeya hay’ad samafal ah, in kasta oo masuuliyiintu aysan shaaca ka qaadin haddii laga yaabo in milkiilihii hore ee Chelsea Roman Abramovich uu yahay kan xannibay lacagta.

Ganacsadaha Ruushka ah ee Abramovich ayaa dhamaystiray heshiis £4.25 bilyan oo gini ah ($5.3 bilyan) oo uu kooxdiisii kaga iibiyey dallad maalgashadayaal Maraykan ah bishii Maajo 2022, kaddib markii ay cunaqabatayn kusoo rogtey Dowladda UK sababo la xiriira sida uu ugu dhow yahay Kremlin-ka.

Maalqabeenka, oo beeniyay sheegashadan, ayaase sheegay waqtigaas in dhaqaalaha ka soo baxa loo isticmaali doono “dhammaan dhibanayaasha dagaalka Ukraine.”

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Yurub ee Britain, Leo Docherty, ayaa u sheegay Guddiga Arrimaha Yurub Talaadadii in 18 bilood kaddib, “dakhliga kasoo baxay iibka ee arrintan loogu tala galay lagu xayiray khasnadda bangi UK ah” oo aanu carrabaabin.

Docherty wuxuu ku andacoodey in DOwladda UK iyo hay’adda samafalka ee la aasaasay intii lagu jirey iibinta Chelsea ay asal ahaan isku khilaafeen arrinta ku saabsan in dhaqaalaha “loo isticmaalo gudaha Ukraine ama dadka reer Ukraine ee ku dhaqan meel ka baxsan Ukraine.”

Dawladda UK waxay door wayn ku lahayd in la qaato dookha hore, ayuu raaciyey isagoo xusay inay taasi cakirnaanta keentay.

Hadalsame Media

]]>
100962
Dhibka haritaanka Newcastle & Man United ay u gaysatey kooxaha kale ee EPL (Boos muhim ah oo ay waayi karaan) https://www.hadalsame.com/2023/12/14/dhibka-haritaanka-newcastle-man-united-ay-u-gaysatey-kooxaha-kale-ee-epl-boos-muhim-ah-oo-ay-waayi-karaan/ Thu, 14 Dec 2023 13:28:17 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100965 (Ankara) 14 Dis 2023 – Rajada kooxaha Premier League ee ah inay boos dheeri ah ka helaan Champions League  xilli-ciyaareedka soo socda ayaa si wayn hoos ugu dhacday Arbacadii xalay kaddib markii Newcastle ay raacday Manchester United oo tartanka looga tuuray heerka guruubyada.

Qaabka tartanka Yurub ayaa waxa uu isu beddelayaa nidaamka horyaalka Swiss-ka oo kale laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, annagoo macsalaamaynayna heerka group-yada soo jireenka ahaa ee aan u barannay sanadaha soo socda.

Halkii siddeed dheri oo min afar kooxood ah ay min laba jeer wada ciyaari lahaayeen, 36 naadi – afar kooxood oo dheeri ah – ayaa lagu aaddinayaa siddeed kooxood oo kale, iyagoo dheelaya afar kulan oo guri ah iyo afar ay marti yihiin.

Waxaana jira boos 5-aad oo ay helayaan 2-da dal ee sanadkan ugu natiijo wanaagsan tartamada Yurub.

England ayaa hadda ku jirta kaalinta 3-aad ee kala sarayntaas UEFA (Co-efficient), iyadoo haritaanka Newcastle iyo United ay saamayn ku yeelan doonto aayaha kooxaha kale ee horyaalka EPL.

SIDA DHIBCAHA LOO XISAABO: CL guul kasta waa 2 dhibcood, bareejadu waa hal dhibic. Waxaa jira dhibco bareemiyo ah; 4 waxaa helaysa kooxdii kasoo baxda group-yada, 5 waa wareegga 16-ka iyo min hal dhibic rubuc-dhammaadka, nus-dhammaadka iyo dhammaadka Champions League.

Europa League waa 4 dhibcood ku guuleysiga guruubyada, 2 ayaa la siinayaa kooxda kaalinta labaad kusoo baxda, halka Conference League uu yahay 2 dhibcood kooxdii guruubka 1-aad ka gasha iyo hal dhibic kaalinta 2-aad, iyo min hal dhibcood semi-finalka iyo finalka.

DHIBCAHA FASALKAN: Waqtigan xaadirka ah, JarmaNka ayaa ku hogaaminaya 13.36 dhibcood, waxaana ku soo xiga Italy oo wax aad u yar ka dambaysa (13.14), England (12.13) iyo Spain (12.06), afartan horyaal ayaa ah kuwa ugu badan ee u tartamaya marka loo eego inay leeyihiin kooxaha ugu badan ee tartamada Yurub.

Manchester City iyo Arsenal ayaa durba xaqiijiyey inay kusoo baxayaan kaalinta 1-aad ee guruubyadooda, halka United iyo Newcastle ay tartanka kaba hareen taasoo keentay in kooxaha Ingariiska ay tahay inay buur dheer u fuulaan si ay u xaqiijiyaan booskaas dheeriga ah ee fasalka soo aaddan.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

]]>
100965
Halyeey hore oo Man United ah oo wax ”fiican” u arka in kooxdu ay ka harto tartamada Yurub + Sababta (Daawo) https://www.hadalsame.com/2023/12/13/halyeey-hore-oo-man-united-ah-oo-wax-fiican-u-arka-in-kooxdu-ay-ka-harto-tartamada-yurub-sababta-daawo/ Wed, 13 Dec 2023 11:33:24 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100932 (Manchester) 13 Dis 2023 – Daafaca Rio Ferdinand ayaa aaminsan inay tahay wax fiican in Manchester United aysan hoos ugu dhici doonin Europa League kaddib markii ay xalay ka hartay Champions League.

Ololihii ugu horreeyay ee United ee tartanka koobabka ugu sareeya Yurub iyadoo uu hoggaaminayo Erik ten Hag ayaa durba guruubka ku dhamaaday kaddib markii ay Bayern Munich ku garaacday Old Trafford, halka Copenhagen ayaa garaacday Galatasaray iyadoo kusoo baxday kaalinta labaad ee Group-yada, halka Man U ku dhameysatay kaalinta ugu hooseysa guruubka.

Iyadoo mar horeba laga soo reebay Carabao Cup, fursada kaliya ee ay United ku heli karto koob xilli-ciyaareedkan ayaa hadda ah FA Cup ama Premier League..

Waxay hadda 10-dhibcood ka hooseeyaan hoggaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool waxayna la ciyaari doonaan Wigan wareegga saddexaad ee FA Cup bilowga Janaayo.

”Waxaan u malaynayaa in xaalad xun kiiskii ugu fiicnaa ay tahay inaad gebi ahaanba ka harto Yurub si aad diirada u saarto horyaalka oo aad dib u hesho ciyaartooy fayaqabta intii aad geli lahayd Europa League.” ayuu ku dooday Ferdinand oo falanqeeye ka ah TNT Sports.

Hadalsame Media

]]>
100932
”Waxay ahayd inuu kallarka ku dhego!” – Halyeeygii Arsenal oo ka xumaaday arrin dhexmartay laba laacib oo Man Utd ah https://www.hadalsame.com/2023/12/10/waxay-ahayd-inuu-kallarka-ku-dhego-halyeeygii-arsenal-oo-ka-xumaaday-arrin-dhexmartay-laba-laacib-oo-man-utd-ah/ Sun, 10 Dec 2023 14:14:54 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100844 (Manchester) 10 Dis 2023 – Halyeeygii Arsenal ee Ian Wright ayaa waxa uu aaminsan yahay in Rasmus Hojlund ay tahay inuu kallarka ku dhego Diogo Dalot markii ay tageen qolka lebiska’ kaddib markii uu difaacu kubbad gool noqon kartey ka xaasidey laacibka reer Holland kulankii Bournemouth Sabtigii.

United ayaa weji gabax kala kulantay kooxda Cherries oo weliba joogtey Old Trafford iyadoo kooxda Andoni Iraola ay u dabaaldegaysey guushii 3-0 ahayd ee ay ka gaareen kooxda Erik ten Hag.

Hojlund ayaa weli sugaya goolkii ugu horreeyey ee Premier League tan iyo markii uu dhamaystiray £72milyan oo ginni oo uu kaga yimid Atalanta xagaagii.

20-sano jirkaan ayaa kursiga kaydka la dhigay bilowgii kulankii Bournemouth, iyadoo Ten Hag uu doorbiday inuu booskiisa kusoo bilaabo Anthony Martial oo aan bandhig ahaan weliba ash ahayn, taasoo aysan ku farxin taageerayaasha gudaha Old Trafford.

Waxaase ka daran markii weeraryahanka Danish-ka ah loo diiday fursad uu ku dhalin lahaa goolka barbaraha kaddib markii uu iska dhega tiray Dalot.

Weeraryahanka Danishka ayaa ku xanaaqay Diogo Dalot kaddib markii daafacu uu doortay inuu toogto goolka halkii uu baaska siin lahaa Hojlund oo taagnaa boos ku qaabsan in gool la dhaliyo.

The Danish striker fumed at Diogo Dalot after the defender chose to shoot rather than square a pass in the game

Hadalsame Media

]]>
100844
Laacib amaah uga maqan Inter Milan oo si dunida ka yaabisay ula dhaqmay Pirlo (Daawo) https://www.hadalsame.com/2023/12/10/laacib-amaah-uga-maqan-inter-milan-oo-si-dunida-ka-yaabisay-ula-dhaqmay-pirlo-daawo/ Sun, 10 Dec 2023 10:41:58 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100837 (Genoa) 10 Dis 2023 – Sebastiano Esposito waxa uu ka yaabiyey macallinka Andrea Pirlo xilli uu weeraryahanku u dabaaldegay guushii ay ka gaareen kooxda Lecco isaga iyo macallinka Sampdoria.

Kooxdan Seria B ka dheesha ayaa Sabtigii 2-0 kaga badisay kooxda Lecco ee kasoo horjeedey, iyadoo Esposito uu dhaliyey labadii gool ee ay guushu ku raacday, mana uu qarinin farxaddiisa dhammaadkii ciyaarta.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigan amaahda uga maqan Inter Milan ayaa laga yaabaa inuu aad uga yara fogaadey dabaaldeggiisa kaddib markii uu kallarka ku dhegey macalinkiisa.

Isagoo ku dheggan qoor-duubka dhaxanta ciyaaryahankii hore ee Talyaaniga, Esposito ayaa si adag u ruxay Pirlo isagoo ku faraxsan guushii Sampdoria, waxaa uu Pirlo ku sigtay inuu dhulka ku dhaco.

Nasiib wanaag, maamulaha Blucerchiati ayaan wax xumaan ah u muujin isagoo gartay xamaasadda kaddibna isku duubay si uu hab u siiyo.

Hadalsame Media

]]>
100837
”Kaan u dhigtayba maaha!” – Joao Felix oo si xun uga aarsaday macallin Simeone (Daawo) https://www.hadalsame.com/2023/12/05/kaan-u-dhigtayba-maaha-joao-felix-oo-si-xun-uga-aarsaday-macallin-simeone-daawo/ Tue, 05 Dec 2023 21:46:11 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100606 (Barcelona) 05 Dis 2023 – Jookarka Joao Felix ayaa si xun uga aargoostay macallin Diego Simeone isagoo ka dhaliyey goolka kaliya ee madiga ahaa ee ciyaartii ay Barcelona 1-0 ku garaacday Atletico Madrid.

Simeone waxa uu Nou Camp kala kulmayey habaar 11-kii sano ee uu joogay Madrid, waayo weligiis kuma garaacin Barcelona meel ka baxsan gurigiisa Madrid.

Joao Felix waxa uu Atletico Madrid kula jiraa heshiis ilaa 2029-ka. Waxa ayse rajaynayaan inuu si fiican ugu ciyaaro Barcelona si kooxda reer Catalonia ay go’aansato inay wada iibsato xagaaga soo socda – balse qorshohoodu ma ahayn inuu iyaga gool ka dhalin doono.

Mase ahayn kaliya Joao Felix e, balse goolhayaha Barcelona ee Inaki Pena ayaa si cajiib ah u muuqdey qaybtii dambe ee ciyaarta isagoo sameeyey laba badbaadin oo gool loo filan karey si uu uga hor istaago inay goolka barbarro ah dhaliyaan Atletico Madrid.

JOAO FELIX WHAT A GOAL🔥🔥🔥 pic.twitter.com/YtcrH7aPP2

Hadalsame Media

]]>
100606
Maxaa ka jira in xulka Soomaaliya uu ku ciyaari doono qaaradda Yurub? https://www.hadalsame.com/2023/12/04/maxaa-ka-jira-in-xulka-soomaaliya-uu-ku-ciyaari-doono-qaaradda-yurub/ Mon, 04 Dec 2023 21:24:46 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100629 (Roma) 04 Dis 2023 – Waxaa su’aashaasi la waydiiyey Guddoomiyaha XSKC, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo haatan ku sugan dalka Talyaaniga oo waraysi bixiyey.

Cali Shiine ayaa sheegay in waloow ay qorshahaa damacsan yihiin si ugu yaraan laacibiinta ku sugan dibeddu ay ula dheelaan xulal Yurub ah aanay weli arrintu bislayn balse ay ku dadaalayaan inay hirgeliyaan.

Guddoomiyaha oo waraysi siinayey Astaan Sports, ayaa sidoo kale xusay inay dhib ku qabaan inay waqti ku filan wada xareeyaan ciyaartooyda Xulka Somalia ee maxalliga ah iyo kuwa ka ciyaara dibedda.

Tusaale, 2dii bilood ee tegey oo xulka lagu xareeyey Tunisia iyo Marooko si ay tababarro ugu qaataan ciyaartooyda dibeddu ma xaadiri karin wax ka badan todobaad intii ay isu diyaarinayeen isreebreebka KA2026 oo ay Somalia ka badiyeen Aljeeriya iyo Uganda.

Guddoomiyaha iyo wefdiga Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta ayaa habeen dambe lagu casuumey daawashada cayaar ka tirsan Coppa Italia oo dhex mari doonta kooxaha SS Lazio vs Genoa, taasoo ka dhici doonta garoonka Olympic Stadium ee magaalada Roma.

Waxaa wehlin doona dhiggiisa Talyaaniga ee Guddoonka FIGC Gabriele Gravina oo ay wada daawan doonaan cayaarta.

Hadalsame Media

]]>
100629
DAAWO: Ma dhashay mise ma dhalan? Gool dood ka dhaliyey dunida (Xaqiiqadiisa ka bogo) https://www.hadalsame.com/2023/12/04/daawo-ma-dhashay-mise-ma-dhalan-gool-dood-ka-dhaliyey-dunida-xaqiiqadiisa-ka-bogo/ Mon, 04 Dec 2023 20:21:38 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100625 (Split) 04 Dis 2023 – Kooxda Hadjuk Split ayaa ahayd kooxda ka faa’iidaysatey fursad cajiib ah kulankii ay la ciyaartay Slaven Belupo taasoo ka caawisay inay gacanta ku wada dhigaan saddexda dhibcood.

Kooxahan Croatia oo labada cirif ee iskasoo horjeeda uga kala jira horyaalka Prva Liga ee Croatia ayaa kulmay Sabtigii, taasoo keentay in Split oo hoggaanka haysaa ay ku badiso 2-0.

Daqiiqaddii 14-aad ee ciyaarta ayaa waxaa Split oo marti loo ahaa hoggaanka u dhiibey xiddigga Jairo de Macedo da Silva.

Laakiin ciyaartoyda Belupo oo muddo raadinayey inay barbarreeyaan kooxda Poljud stadium, ayaa moodey inay taas sameeyeen mar ay 20 daqiiqadood harsanaayeen mar uu goolwaluhu soo baxay.

Waxaase dhacday arrin aysan diyaar u ahayn, maadaama uu isku daygii ay ku doonayeen inay goolka ku dhaliyaan uu keenay dhalanteed-arag la yaab leh, taasoo sababtay inay u maleeyaan inay gool dhaliyeen.

Goolhayaha Split ayaa u boodey inuu kubbada badbaadiyo mana cadda inuu taabtay balse kubaddu waxay ku dhacday birta waxaana sii laaday daafaca.

Deeto kooxdii is lahayd wax baad barbarrayseen ayaa loogu labeeyey weerar deg deg ah oo ay qaadday Split.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media

]]>
100625
Xanaaqii Haaland oo suuq ka yeeshay internet-ka (Atirisho caan ah oo lagu masaalay) https://www.hadalsame.com/2023/12/04/xanaaqii-haaland-oo-suuq-ka-yeeshay-internet-ka-atirisho-caan-ah-oo-lagu-masaalay/ Mon, 04 Dec 2023 14:17:35 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100563 (Manchester) 04 Dis 2023 – Sawirrada xifaaladah ee internet-ka ayaa laga sameeyey qannaaska Erling Haaland kuwaasoo qabsaday baraha bulshada kaddib markii uu ku xanaaqay garsoore Simon Hooper kulankii ay Manchester City ay barbaraha 3-3 la gashay Tottenham.

Haaland waxa uu aad ugu xanaaqay Hooper markii uu dhigay laad xor ah halka Jack Grealish uu goolka u dhowaa xilliyadii dhimashada ciyaarta, isagoo ka faa’iidaysan (avantaggio) xitaa haddii khalad lagu galay Haaland.

Dareenkiisii adkaa markii uu dib ugusoo laabtay Hooper ayaa horraaba noqday sawir caan baxay, oo soo koobaya walaaca shucuureed ee isboortiga, isagoo sidoo kale iftiiminaya xadgudubyada ay la kulmaan garsoorku.

Yeelkeede, baraha bulshada ayaa howshooda qabsaday iyagoo Haaland ka sameeyey kun sawir oo xifaalo ah (memes), midkoodna waa isagoo loo yeelay wejiga haweenay caro ku jisha musalsal caan ka ah Hollywood.

Waxa uu kaasi muujinayaa Haaland wajigiisa caeaysan oo lagu malaasay sawirka Taylor Armstrong ee jisha Real Housewives of Beverly Hills, kaasoo muujinaysa iyadoo qaylinaysa oo farteeda ku fiiqaysa bisad jahawareersan.

Halkan guji oo daawo sawirrada & muuqaallada….

Hadalsame Media

]]>
100563
Koobka Somalia Supper Cup oo markii ugu horreeysey lagu qabanayo meel aan Muqdisho ahayn (Waa magaaladee?) https://www.hadalsame.com/2023/12/03/koobka-somalia-supper-cup-oo-markii-ugu-horreeysey-lagu-qabanayo-meel-aan-muqdisho-ahayn-waa-magaaladee/ Sun, 03 Dec 2023 10:46:53 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100556 (Muqdisho) 03 Dis 2023 – Koobka Supper Cup-ka Soomaaliya dufcaddiisa sanadkan ayaa ka dhacaya meel aan ahayn Muqdisho, waana markii ugu horreeysey ee ay taariikhda taasi dhacdo.

Waxay ka mid tahay isbadallo uu sameeyey xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta sanadkan iyadoo cayaarta Supper Cup oo ah cayaarta ay ku kulmaan kooxaha kala haysta Horyaalka iyo Koobka Jeneraal Daa’uud, lagu qabanayo meel ka baxsan magaalada Muqdisho markii ugu horreeysey taariikhda kubbadda Cagta dalka.

Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta, Cali Cabdi Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in sanadkan ciyaartan lagu qabanayo magaalada Baydhabo, taasoo qayb ka ah qorshe uu ku sheegay inuu ku dadaalayo ina kubbadda Cagta dalka oo dhan la wada gaarsiiyo.

”Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii tababarka FIFA MA ee loo qabto garsoorayaasha da’da yar markii ugu horreeysey loo qabtay garsoorayaal goballada dalka laga kala keeenay taasoo aan waligeed horay u dhicin,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xiriirka SFF.

Ciyaarta Supper Cup ee sanadkan waxaa ku loollamaya naadiyada kala ah Gaadiidka iyo Dekedda oo kusoo kala guulastay Horyaalka iyo koobka General Daa’uud.

Ciyaarta ayaa loo asteeyey inay sanadkan ka dhici doonta garoonka Dr Ayuub ee magaalada Baydhabo.

May be an image of text

Hadalsame Media

]]>
100556