Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Caafimaadka – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Fri, 15 Dec 2023 10:58:39 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 Caleentani waxay leedahay caafimaad aan caadi ahayn (Qaababka ugu fiican ee loo isticmaalo?) https://www.hadalsame.com/2023/12/15/caleentani-waxay-leedahay-caafimaad-aan-caadi-ahayn-qaababka-ugu-fiican-ee-loo-isticmaalo/ Fri, 15 Dec 2023 10:58:39 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100987 (Hadalsame) 15 Dis 2023 – Caleenta Koostada waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu caafimaadka badan sababtoo ah waxaa ka buuxa faytamiinno, macdano iyo walxaha jidhka sunta kaa saara.

Waa khudrad kulansatay nafaqo kala duwan oo qeyb kasta oo jidhka ka mid ah wax u tarta, waxaa ka buuxa faytamiin A, Faytamiin C, Faytamiin E, Faytamiin K, folic acid, kalsiyaam, magnesium, potassium iyo xadiid. Waxaa kaloo laga helaa maadooyinka lutein, zeaxanthin, quercetin iyo nitrate kuwaas oo caafimaadka faaido u leh.

Hadaba Daryeel Magazine waxa uu halkaan ku xusayaa qaar ka mid ah faaidooyinka waa wayn ee laga helo caleenta koostada ee cilmi baadhis ahaan la hubiyay.

Caafimaadka wadnaha

Koostada waxaa ku jira xaddi fiican oo maadada “nitrate” ah, maadadani waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga, waxa ay dejisaa dhiigga karka waxayna yareysaa halista wadne xanuunka. Daraasad la sameeyay waxaa lagu arkay in faytamiinnada, macdanaha iyo walxaha sun saarista ee ku jira koostada ay sare u qaadaan caafimaadka wadnaha.

Kahortagga dhiig yarida

koostadu waa khudrad hodan ku ah macdanta xadiidka qofka joogteeyana isma arkaan xanuunka dhiig yarida khaasattan nooca ka dhasha xadiid yaraanta

Caafimaadka indhaha

Caleenta koostada waxaa ku badan maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin” oo uroon caafimaadka indhaha kuwaas oo yareeya halista caadka indhaha fuula iyo xanuunka macular degeneration. Waxay kaloo khudraddani qani ku tahay faytamiinka A oo kordhiya awoodda aragga.

Difaaca jidhka

Koostadu waxa ay caawisaa awood siinta difaaca jidhka, waxayna ka hortagtaa jeermisyada dhibaatada badan ee soo weerara hab-dhiska difaaca jidhka.

Caafimaadka lafaha

Koostadu waxa ay adkaysaa lafaha maadaama ay xambaarsan tahay waxyaabaha ay lafuhu u baahan yihiin sida faytamiin K iyo kalsiyaam, waxayna ka hortagtaa cudurka lafo beelka.

Dheef-shiidka

Koostadu waxay u roontahay dheefshiidka, waxay ka hortagtaa calool istaagga, waxay kaloo u roontahay dadka qaba gaaska.

Caafimaadka uurka

Koostada u wanaagsan tahay hooyooyinka uurka leh maxaa yeelay waxaa ku badan maadada “folic acid” oo caawisa korriimada uurjiifka kana hortagta inuu cillad ku dhasho haddii maadadaan ay jidhka ku yaraato, sidaas awgeed hooyooyinka uurka leh waxaa lagula dardaarmaa inay ku dedaalaan cunista koostada si ay uga helaan faytamiinno ku filan koriimada uurjiifka.

Xakamaynta cudurka macaanka

Koostadu waxay kordhisaa xakamaynta xanuunka macaanka sababtoo ah waxaa ku jira asiidhka “alpha-lipoic” oo hoos u dhiga heerka sonkorta dhiigga, kordhiyana shaqada iyo firfircoonida hormoonka insulin.

Sunsaarista

Walxaha “phytonutrients” ee laga helo koostada waxa ay jidhka ka nadiifiyaan qashinka iyo sunta. Tani waxay yareysaa caabuqa iyo halista cudurrada.

Maqaarka iyo timaha

Faytaamiinnada A, C iyo E ee laga helo koostada waxay uroon yihiin caafimaadka maqaarka iyo timaha

faytamiinka A waxa uu tinta iyo maqaarka ka ilaaliya qallaylka, waxaana uu dib u dhigaa soo shaac bixidda caalamadaha gabowga.

Dhinaca kale, faytamiin C waxa uu ka qayb qaataa soo saarista barootiinta “collagen” waxaana uu maqaarka ka ilaaliyaa dhaawaca fallaadhaha cadceeda. Halka Faytamiin E uu dhalaal siiyo maqaarka iyo timaha.

Waxaa intaas dheer, macdanta xadiidka oo jidhka ku yaraataa waxa ay ka mid tahay sababaha ugu badan ee keena timo daadashada waxaana looga hortagi karaa in lagu dedaalo cunnoooyinka hodanka ku ah macdanta xadiidka sida koostada.

Waa maxay khasaaraha koostadu?

Koostada waxaa ku jirta maadada loo yaqaanno “oxalate” oo ka qayb qaadata samaysanka dhagaxaanta kilyaha, sidaas awgeed isticmaalkeeda oo aad loo badsado waxa ay kordhisaa halista dhagaxaanta kilyaha ku samaysma.

Dadka qaata dawooyinka dhiigga jilciya waa inay ka fogaadaan isticmaalka koostada maadaama uu ku badan yahay faytamiinka K oo door wayn ka ciyaara guntamaha dhiigga.

Sidee cabitaan looga sameeyaa?

Koostada cabitaan ahaan ayaa loo cabbi karaa, waxaa lagu dhex shiidan karaa furuutka iyo khudradda kala duwan sida muuska, timirta, tufaaxa, afakaadhada, kaarootada iwm.

Sidee loo kariyaa koostada?

Waa in koostada lagu uumiyaa biyo ee lama karkariyo, haddii la karkariyo waxaa ka dhinta nafaqada ay xambaarsan tahay, markii la uumiyo, dheecaanka ay dhashana lama daadiyo oo koostada ayaa suugo looga dhigtaa, si aysan kuu dhaafin nafaqooyinka ay xambaarsan tahay.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100987
Todobada sheey oo uu Nabigeennu NNKH nagula dardaarmay inaan isku dawayno https://www.hadalsame.com/2023/12/14/todobada-sheey-oo-uu-nabigeennu-nnkh-nagula-dardaarmay-inaan-isku-dawayno/ Thu, 14 Dec 2023 09:45:08 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100943 (Hadalsame) 14 Dis 2023 – Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay soo dejiyay dawada cudur kasta.

Muuqaalkan waxaan ku soo gudbinaynaa dawooyinkii rasuulkeenna suuban “NNKH” uu isku daweyn jiray ee uu nagala dardaarmay isticmaalkooda, dawooyinkaas oo caalamku waqti dambe ku baraarugay, daraasado badanna lagu sameeyay si loo hubiyo faa’iidooda, kadibna loo bixiyay magaca “Prophetic Medicine” oo macnaheedu tahay “Cilmigii Caafimaad ee Nabiga”.

Haddaba dawooyinkaas waxaa ka mid ah:

Malabka

Malabku waa dawo la hubo oo Alle iyo Rasuulkiisuba nagu booriyeen isticmaalkiisa, cilmiguna uu goor dhow bilaabay adeegsigiisa.

Waa mucjiso Rabbaani ah oo Alle inoo dhigay dunida, maalinba maalinta ka danbaysa waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadaan waxtar cusub oo aan horay loo ogayn.

Malabka waxaa ka buuxa faytamiinno, macdano, barootiinno iyo madooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah jeermiska, sunta iyo nabarowga jidhka ku samaysma.

Malabku waxa uu  xoojiyaa difaaca jidhka, waxa uu ka hortagaa laab jeexa, astaamaha hargabka ayuu yareeyaa, wuxuuna u fiican yahay caruurta qufaca la soo toosa habeenkii.

Cilladaha kale ee loo adeegsado malabka, waxaa ka mid ah boogaha caloosha ku samaysma, hurdo xumada, urta aan fiicnayn ee afka iyo dawaynta dhaawacyada iyo gubashada.

Xabbad sowdada

Rasuulkeenna suuban naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu inoo sheegay in xabad sowdadu ay tahay dawo ka hortagta cudur kasta inta ka ahayn geerida.

Waxyaabaha laga faaido isticmaalka xabad sowdada ee daraasadaha lagu arkay waxaa ka mid ah xoojinta difaaca jidhka, yareynta astaamaha xanuunka roomatiisamka, ka hortagga dhiig yarida, la dagaallanka boogaha caloosha ku samaysma, wanaajinta caafimaadka afka iyo ka hortagga cudurka neefta iyo xasaasiyadaha.

Toonta

Toonta waxay ka mid tahay dawo dhireedyada uu rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay in aan xanuunada iskaga dawayno.

Sida ay sheegayaan cilmibaadhisaha caafimaad ee lagu sameeyey toonta, waxyaabaha laga faaido isticmaalkeeda waxaa ka mid ah; in ay dejiso dhiig-karka, in ay yareyso kolestaroolka xun ee loo yaqaanno LDL, si weyna ay kor ugu qaaddo caafimaadka iyo bad-qabka wadnaha.

Toontu waxa ay xoojisaa difaaca jidhka, waxayna si firfircoon ula dagaallantaa jeermisyada iyo noocyada kala duwan ee bakteeriyada.

Timirta

Timirtu waa nafaqo iyo dawo Alle u abuuray aadamaha. Rasuulku CSW wuxuu noo sheegay in haddi timirta 7 xabbo laga cuno ay sun iyo sixirba ka hortagayso maalintaas.

Waxaa kale oo Nabiga CSW laga wariyey xadiis macnihiisu uu ahaa; “guri aanay timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay.

Xasiiskan qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay.

Timirta waxaa ku jira faytamiin A oo siyaadiya awoodda aragga, kana hortaga cilladda indho beelka habeenkii.

Waxa ay u roontahay dheefshiidka, caloosha ayay jilcisaa, waxayna ka hortagtaa cudurka baabasiirka iyo kansarka ku dhaca mindhicirrada waa wayn.

Caanaha geela

Caanaha geelu waxa ay ka mid yihiin dawooyinkii Nabigeennu SCW uu nagula dardarmaay inaan isku dawayno.

Caanaha geelu waa caanaha ugu caafimaadka badan dunida markii laga reebo caanaha hooyada.

Marka aynu si guud u eegno faaidooyinkooda waxaa ka mid ah la dagaallanka dhiig yarida, ka hortagga cudurka sonkorowga, awood siinta difaaca jidhka iyo dawaynta xanuunka awtiisamka.

Caanaha geelu waxa ay geli karaan beddelka cunnada iyo cabitaanka oo qofku keligood wuu ku noolaan karaa haddii aanu cunno kale haysan, jidhkuna wuu ka helayaa nafaqadii uu u baahnaa.

Saytuunka

Saytuunku waa geed barakaysan oo Alle SWT quraanka kariimka ah ku xusay, sunnada nabigana dahab ku ah.

Nabiga CSW waxaa laga wariyay xadiis macanahiisu ahaa: “Cuna, kuna duuga jidhkiina markaad heshaan maadama uu yahay geed barakaysan”

Saliida laga sameeyo midhaha saytuunka waa mid nafaqo iyo caafimaad xambaarsan, waxaa lagu tiriyaa saliidaha ugu caafimaadka.

Faaidooyinka saliid saytuunta waxaa ka mid ah:

  • Waxaa ka buuxa dufanka omega3 kaas oo kordhiya kolesraroolka fiican ee jidhka
  • Waxa ay kobcisaa xasuusta iyo shaqada maskaxda waxayna ka hortagtaa cudurka xasuusta lumiya ee “Alzheimer”.
  • Waxa ay uroon tahay caafimaadka maqaarka iyo timaha
  • Waxa ay ka hortagtaa cudurka kansarka noocyadiisa ku dhaca mindhicirrada iyo naasaha.

Barida Idaha

Barida idaha wuxuu Nabigu SCW ku dawayn jiray xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaca ee loo yaqaanno “sayaatika”

Dawooyinka kale ee rasuulkeenna naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay waxaa ka mid ah toobinta, geedka cadayga, biyaha zamzamka iyo geedka loo yaqaanno Qustul Hindiga.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100943
DARAASAD: Saliid Saytuunka oo joogto loo isticmaalo oo u wanaagsan kahortagga xanuunka… (Nooca loo baahan yahay?) https://www.hadalsame.com/2023/12/13/daraasad-saliid-saytuunka-oo-joogto-loo-isticmaalo-oo-u-wanaagsan-kahortagga-xanuunka-nooca-loo-baahan-yahay/ Wed, 13 Dec 2023 09:34:57 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100924 (Hadalsame) 13 Dis 2023 – Cilmibaadhayaal ka tirsan Kuliyadda Lewis Katz oo ka tirsan jaamacadda caafimaadka ee Temple University oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa ogaaday in saliid saytuunta oo lagu darsado cuntada maalinlaha ahi ay ka hortagto hoos u dhaca awoodda garasho iyo shaqada maskaxda ee qofku marka uu gaboobo lagu arko.

Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda ‘Aging Cell’ ayaa daahfurtay in saliid saytuunta sida dabiiciga ah loo miiray oo la isticmaalo xilliga dhalinyaranimada ama inta u dhexeysa 30 illaa 40 sano jirka ay kaalin weyn ka qaadato ka hortagga hoos u dhac ku yimaadda xusuusta iyo faham yaraanta, gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

Domenico Pratic oo hoggaaminayey xeeldheereyaasha cilmibaadhistan sameeyey ayaa yidhi, “Haddii uu jiro shay keliya, oo ay tahay in uu sameeyo qof kasta oo ku fikiraya in gabowgu aanu ka kaxayn maskaxdiisa dhalinyaranimo, shaygaasi waa in saliid saytuunta sida dabiiciga ah loo miiray lagu daro cuntooyinkeenna maalinlaha ah”

Daraasaddu waxa ay sheegtay in marka laga yimaaddo in saliid saytuuntu dadka la qabsaday u samayso dhadhan aad u fiican, in ay sida oo kale hodan ku tahay maaddooyinka liddiga ku ah sunta, isla markaana ilaaliya unugyada. Waxa kale oo ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo ay ka mid tahay ka hortagga xanuunnada xidhiidhka la leh gabowga.

W;D: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media

]]>
100924
Waxyaabaha kordhiya tayada & Tirada shahwada ee muhimka u ah dhalmada + Caafimaadka ilmaha dhalanaya https://www.hadalsame.com/2023/12/11/waxyaabaha-kordhiya-tayada-tirada-shahwada-ee-muhimka-u-ah-dhalmada-caafimaadka-ilmaha-dhalanaya/ Mon, 11 Dec 2023 08:55:28 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100873 (Hadalsame) 11 Dis 2023 – Warbixinteenna maana waxaan kaga hadlaynaa waxyaabaha shahwada raga badiya tirada (sperm count) iyo tayada iyo waxyaabaha yareeya.

Dhalmo la’aanta ragga waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay caqabadda ugu wayn ee soo wajahda lammaanaha doonaya inay ilmo dhalaan. Inkastoo sababo kale ay keeni karaan dhalmo la’aanta ragga, haddana sababta ugu wayni waa tirada shahwada ragga oo hoosaysa. Caafimaadka iyo qaab nololeedka waxay saamayn wayn ku leeyihiin tirada shahwada ragga. Sidoo kale sigaarku waxuu yareeyaa tirada iyo awoodda shahwada.

Rag badan oo cuna qaadka ayaa la ogaaday inuu ka khalkhalo ama kaba tago dareenka kacsiga. Qaadka ayaa la rumaysan yahay inuu faragalin ku sameeyo tayada shahwada ragga taasoo keeni karta madhalaysnimo.

Saamaynta cuntada iyo qaab nololeedku ay ku leeyihiin dhalmo la’aanta ragga

Haddii cunno qaadashadaada ay ku badan yihiin cunnooyinka warshadaysa,n macmacaanka, saliidaha caafimaadka u daran waxay si wayn hoos ugu dhigaysaa tirada shahwadaada, sidoo kale fadhiga badan iyo jimicsi la’aantu waxay yaraynayaan xaddiga iyo tayada shahwadaada.

Haddii adiga iyo xaaskaaga aad isku dayseen inay uur qaado, balse biyahaagu ay yaryihiin, isbedel aad ku samayso cunnadaada iyo qaab nololeedkaaga adigoo ku daraya cunnooyinka shahwada badiya iyo jimicsiyo ayaa wax wayn kuu tari karta. Waa kuwaan cunnooyinka shahwada badiya:

Koostada

Khudaarta caleemaha cagaaran sida koostada waxay qani ku yihiin maadada folic acid, taas oo kordhisa caafimaadka iyo dhaqdhaqaaqa shahwada. Cunistada koostada oo la joogteeyo waxaa la aaminsan yahay inay badiso shahwada.

Ukunta

Ukuntu waa mid ka mid ah ilaha ugu fiican ee laga helo barootiinta. Ukuntu waxay u wanaagsan kordhinta shahwada. Barootintu waxay ka mid tahay waxyaabaha ay shahwadu ka kooban tahay, cunista barootin tayo leh waxay kor u qaadaa tirada shahwada.

Shukulaatada madow

Sonkorta cad waa cadowga koobaad ee shahwada. Dhinaca kale, shukulaatada madow, waxaa ku badan asiidhada amino, waxay kor u qaadaa tirada iyo tayada shahwada.

Toonta

Toontu waxay ka mid tahay cunnooyinka ragga uroon, waxaa ku jiro waxyaabo kordhiya tirada shahwada. Toonta waxaa ka buuxo fitamiin B6 iyo selenium oo ka hortago in waxyeello soo gaarto shahwada.

Mooska

Moosku wuxuu qani ku yahay fitamiinnada A, B1 iyo C, cuntiisa oo la joogteeyana waxay kor u qaadaa tirada iyo tayada shahwada.

Lawska

Lawska waxaa ka buuxo dufanka omega 3 kaas oo kordhiya qulqul wareegga dhiigga ee xiniinyaha taas oo badinaysa shahwada.

Rummaanka

Geedka rummaanka wuxuu ugu horreeya cunnooyinka kordhiya hammada, wuxuu kaloo kordhiyaa xawada iyo tayada manida. Rummaanka waxaa ku badan walxaha sunsaarista kuwaas oo kor u qaada heerka hormoonka testosterone, hagaajinaya tayada manida, islamarkaana kordhiyo rabitaanka galmada.

Lohodka (Oysters)

Lohodka waxaa ku badan macdanta zinc oo muhiim u ah soo saarista shahwo caafimaad qabta iyo heerarka testosterone. Macdanta zinc oo jirka ku yaraata waxay keentaa dhalma la’aanta ragga.

Cunnooyinka lagu kabay fitamiin D

Daraasado dhowr ah oo la sameeyay ayaa iftiimiyay in jirka oo heli waaya fitamiin D iyo kalsiyaam ku filan ay keeni karto in shahwadu ay yaraato. Sidaas darteed fitamiin D iyo kalsiyaam kugu filan oo aad heshaa keliya ma kobcinayso caafimaadka lafaahaaga balse waxay kaloo kordhinaysaa tayada iyo tirada shahwadaada.

Kalluunka Salmon

Kalluunkan wuxuu ka mid yahay cunnooyinka badda kuwa ugu caafimaadka badan. Waxaa ka buuxo dufanka omega 3, sidoo kale waa il muhiim ah oo laga helo fitamiin B iyo fitamiin D kuwaas oo sare u qaadaya tirada iyo tayada shahwada.

Qaab nololeedyada badiya shahwada:

Jimicsiga

Jimicsigu wuxuu xal u yahay xaalado badan oo caafiimaad. Wuxuu caawin karaa kordhinta shahwada. Waxaa la ogsoon yahay in jimicsiyada fudud sida orodka ay saamayn togan ku leeyihiin tirada shahwada.

Jooji sigaarka

Sigaarku waxa uu yareeyaa soo saaridda shahwada raga wuxuuna keeni karaa in kansar uu ku dhaco xaniinyaha ragga.

Iska yaree cayilka

Waxaa la aaminsan yahay in cayilka badan oo hoos u dhigi karo tirada shahwada, sidaas darteed miisaanka oo la iska dhimaa waxay ka qayb qaadan kartaa caafimaadka shahwada.

Ka fogow dhafarka badan

Cilmibaaris lagu sameeyay rag kala duwan ayaa muujisay in ragga seexda 8-da fiidnimo illaa 10-ka habeennimo ay shahwadoodu ugu dhaqdhaqaaq wanaagsan tahay taas oo macnaheedu tahay in shahwadoodu ay ka dabaallasho fiican tahay islamarkaana ay kaga wanaagsan tahay fursadda ay ku bacrimin karto ukun.

Dhinaca kale, ragga seexda 12-ka habeennimo iyo wixii ka dambeeya ayaa la ogaaday in tirada shahwadoodu ay ka hoosayso ragga fiidkii seexda.

Maaree walwalka

Walwalku wuxuu ka mid yahay sababaha ugu caan ee keena shahwo yarida ragga, maadaama uu faragelin ku sameeyo hormoonnada muhiimka u ah soo saaridda shahwada. Daraasado dhowr ah ayaa tilmaamay in walwalku uu khatar ku yahay tayada xawada iyo manida isagoo saameeya muuqaalka shahwada iyo awoodda bacriminta.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100873
Sababaha keena aashitada caloosha ee hunguriga soo gaarta & Cuntooyinka lagu dejiyo https://www.hadalsame.com/2023/12/10/sababaha-keena-aashitada-caloosha-ee-hunguriga-soo-gaarta-cuntooyinka-lagu-dejiyo/ Sun, 10 Dec 2023 09:49:30 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100830 (Hadalsame) 10 Dis 2023 – Casho dufanku ku badan yahay oo lagu seexdaa waxa ay inta badan keentaa cillado caafimaad oo dhinaca caloosha ah, waxa aanu qofku isku arkaa laab dillaac iyo in asiidh ama dareere kulul oo calooshiisa ka soo noqonayaa kor ugu soo baxo hunguriga.

Xog ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay maqaal uu qoraaga Alvaro Hermida ku faafiyey majaladda ‘Confedencial’ ee ka soo baxa dalka Isbayn ayaa uu ku sheegay in asiidhka ‘Hydrochloric’ uu ka masuul yahay in cuntada uu u burburiyo curiyeyaal kala soocan iyo in uu furfuro barootiinta taxan si uu dheefshiidku awood ugu helo nuugista curiyeyaasha uu u baahan yahay.

Maadaama oo shaqadaas oo dhami u baahan tahay asiidh, waxaa waajib ah in asiidhka ku jirta jidhku aanay ka yaraan qiyaasta 1.3 si dareeruhu uu awood ugu yeesho in uu burburiyo ama milo cuntooyinka ay cunno.

Qoraagu waxa uu sheegay in caloosha, midhicirada iyo agagaarkoodu ay tahay meesha keliya ee jidhka bani’aadamka awood u leh in ay iska xejiso asiidhka, sidaa awgeed asiidhka caloosha ku jira waxaa gudaha ku ilaaliya dabar Alle ugu talagay oo ka hortaga in uu kor uga soo baxo gudaha caloosha.

Haddaba dad badan waxaa ku dhacda xaalad ah in dabarkaas ama guntintaasi ay furanto oo asiidhkii caloosha gudaheeda ku jiray awood u yeesho in uu kor u soo baxo. Waana markaas marka aynu dareenno biyo kulul ama asiidh hungurigeenna soo gaadhaysa.

Waxa aanay dhakhaatiirtu isku waafaqsan yihiin in miisaanka dheeraadka ahi uu yahay mid ka mid ah sababaha keena dhibaatadan caafimaad.

HADDII AAD XAALADDAN ISKU ARAGTO BIYO HA CABBIN!

Qoraagu waxa uu maqaalkiisa ku sheegay in marka uu dababrkaasi ka furmo caloosha ay dhacdo xaaladdan oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Gastroesophageal Reflux disease’ taas oo ah in qofku gubasho aad u xanuun badan iyo dareere kulul oo kor u soo kacaya ka dareemo laabta oo mararka qaarkood hunguriga soo gaadha ama xitaa afka u soo dhaaftay.

Haddaba dad badan oo xaaladan isku arka ayaa marka ay dareemaan si dhaqso ah u cabba biyo iyaga oo aaminsan in ay wax ka tarayaan ama ugu yaraan xanuunka gubashada ka qaboojinayaan.

Si kastaba ha ahaato ee khubarada caafimaadku waxa ay caddaynayaan in biyahaasi aanay xal ahayn, balse ay dhibaatada sii kordhiyaan. Iyaga oo arrintaas faahfaahinayana waxa ay sababta ku sheegeen; in xaaladdan oo kale uu jidhka aadamuhu soo saaro asiidh ka badan inta koo baahnaa oo ah inta u dhexeysa 1 illaa hal iyo badh litir oo maadadda ‘Hydrochloric’ ah, waxa aanay mararka qaarkood dhacdaa in uu soo saaro laba litir iyo ka badan.

Marka caloosha oo ay buuxisay asiidhka ‘Hydrochloric’ oo laba litir ka badani, uu qofku cuno cunt oculus, waxa ay taasi keentaa in calooshu ay buuxsanto kaddibna asiidhka oo dareere ahi inta uu dusha soo maro uu kor u soo kaco. Haddii qofku xaaladdan isaga oo ku jira uu biyo cabbo, biyahaasi ma yaraynayaan asiidhkii balse waxa ay sii kordhinayaan buuxsankii caloosha, sidaa awgeed asiidhka kor u soo baxayaa waa uu sii badanayaa.

Dhakaatiirtu waxa ay ku talinayaan qofku haddii uu asiidhkaas dareemo in uu ka dheeraado cabbista biyaha.

Sida uu qoraaga Alvaro Hermida sheegayana waxaa jira cuntooyin la ogyahay in haddii uu qofku inyar ka cuno ay caawinayaan in asiidhkaasi uu hoos u dhaco, waxaana ka mid ah:

BEEDKA ama Ukunta:

Qoraaga Alvaro Hermida waxa uu sheegayaa in ukuntu/ beedku uu ka mid yahay cuntooyinka ugu fiican dhinaca nafaqada iyo guud ahaan barootiinnada uu jidhku u baahan yahay, sida oo akle waxa uu dabiici ka dhigaa heerka asiidhka ku jira caloosha.

Sidaa awgeed cunista beedka karsani waxa ay dawo dabiici ah ka noqon kartaa calool ololka iyo gaar ahaan dareeraha asiidhka badan ee dib uga soo noqda caloosha, oo uu hoos u dhigo taasina ay yarayso ama meesha ka saarto soo noqoshadiia.

WAXA KALE OO KA MID AH: Caanaha oo la sheego in xalkoodu uu ku meelgaadh yahay, shamaamka, iyo muuska.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100830
Saliidaha timaha nafaqeeya ee caawiya inay si fiican u baxaan (7 nooc oo muhim ah) https://www.hadalsame.com/2023/12/08/saliidaha-timaha-nafaqeeya-ee-caawiya-inay-si-fiican-u-baxaan-7-nooc-oo-muhim-ah/ Fri, 08 Dec 2023 08:45:01 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100766 (Hadalsame) 08 Dis 2023 – Timaha waxaa ku dhaca cillado kala duwan sida inay daataan, jajabaan, cirro yeeshaan, qalalaan,  midabkoodu isbedelo ama inay agool yeeshaan, waxaa la isku raacsan yahay in sida ugu haboon ee looga hortagi karo cilladaah ay tahay in la mariyo saliidaha dabiici ah.

Mudo dheer ayay haweenku u adeegsan jireen saliidaha dabiiciga ah daweynta cilladaha timaha la xiriira iyo kobcinta quruxdooda.

Saliidaha dabiiciga sida saliid qumbaha, saliid saytuunta, saliid macsarada, saliida lawska almond iwm waxaa ka buuxa fitamiinno, macdano iyo nafaqooyin kale oo faaido u leh timaha

Hadaba Daryeel Magazine waxaa uu halkaan ku soo gudbinayaa saliido dabiici ah oo timaha nafaqeeya, koritaankoodana caawiya. Ma jiraan wax timaha nafaqayntooda uga fiican saliidaha dabiiciga ah.

Saliid Qumbaha

Saliida qumbaha tinta ayay korisaa waxayna siisaa qurux iyo dhalaal, basadana waxay ka ilaalisaa qallaylka. Saliid qumbadu waxay wanaajisaa caafimaadka basada waxay kaloo adkaysaa jiridka tinta, waxay ka hortagtaa fangaska basada iyo agoolka. Saliidda qumbuhu waxa ay awood u leedahay in ay dhex gasho lafta madaxa oo ay siiso nafaqada uu u baahan yahay kana daweyso dhammaan dhibaatooyinka caafimaad ee burburka timaha keeni kara.

Saliida afakaadhada (avocado oil)

Saliidda afakaadhadu waxa ay timaha siisaa dux ka daweysa qallaylka, waxa ay siisaa nafaqo ka ilaalisa go’itaanka iyo in ay midabguuraan. Saliidani, waxa ay kor u qaaddaa caafimaadka timaha, waxayna ka dhigtaa jileec dhalaalaya.

Saliid Saytuun

Waxaa xusid mudan in rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu nagula dardaarmay in geedka saytuunka saliidiisa aan marsanno, saliid saytuunta waxaa ku jirta macdan ka hortagta inay tintu khafiif noqoto, waxay firfircooni ku gelisaa wareegga dhiigga ee gaaraya timnaha taas oo caawinaysa inay tintu ay korto.  Sidoo kale saliida saytuuntu waxay daaweysaa agoolka waxayna yareysaa jajabka tinta iyo daadashada.

Saliidda Castor

Castor oil waxay qani ku tahay Fitamiin E, borotiin iyo macdano. Waxay dishaa agoolka, waxayna tinta siisaa dux iyo jileec sida oo kale waxa ay caawisaa koritaanka timaha.

Argan Oil

Saliida Argan oo laga shiido geedka loo yaqaano “Argan tree” waa geed ka baxo waqooyiga Africa khaas ahaan wadanka Marocco, waa saliid cuntada iyo is-qurxinta labadaba loo isticmaalo. Saliidani timaha ayay qalaylka ka ilaalisaa, kadibna waxay ka dhigtaa timo sibiibix ah oo aad moodaysid sidii adoo koferka ka yimid markad marsato. Waxaa ku jira saliidan fitamiin E. Waxayna timaha ka ilaalisaa burburka iwm.

Saliidda lawska almond

Saliida lawsku waxa ay qani ku tahay fitamiin E, dufanno, barootiin, maadooyinka sunsaarista iyo magnesium kuwaas oo ka hortaga burburka timaha islamarkaanaa caawiyo koritaankooda. Saliida lawska waxa ay timaha ka ilaalisaa go’idda iyo burburka wayna nafaqaysaa. Qaabka ugu fiican ee loo isticmaalana waa in lagu duugo basada saliida lawska oo la diiriyay.

Saliid macsarada

Saliid macsaradu waxay nafaqaysaa basada iyo timaha, waxa ay hodan ku tahay fitamiin E, fitamiin B, dufanno, barootiin iyo macdano sidaas awgeed waxa ay kor u qaadaa caafimaadka timaha waxayna ka hortagtaa cirrada waqtigeeda ka hormarta. Saliid macsarada oo basada la daliigo waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga waxayna dedejisaa koritaanka timaha.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100766
Siddeedaan cunto ka ilaali carruurtaad si aysan u sumayn jirkooda & Maskaxdooda https://www.hadalsame.com/2023/12/07/siddeedaan-cunto-ka-ilaali-carruurtaad-si-aysan-u-sumayn-jirkooda-maskaxdooda/ Thu, 07 Dec 2023 09:57:30 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100723 (Hadalsame) 07 Dis 2023 – Warbixin caafimaad oo dhowaan lagu faafiyey Shabakadda ‘Bright Side’ ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa shaaca ka qaadday in jiraan cuntooyin badan oo aynu si joogto ah u isticmaalno, innaga oo u aragna in ay wax ka tarayso caafimaadka, laakiin aan ka warqabin in ay jiraan daraasado cilmiya oo muujinaya in ay khatar ku yihiin caafimaadka caruurta yaryar. Waxaa ka mid ah;

Sharaabka qasacadaysan

Akademiyadda caafimaadka carruurta ee dalka Maraykanka ayaa talooyin ay ka soo saartay cuntooyinka carruurta ku sheegay in cabbitaannada qasacadaysani aanay u fiicnayn caafimaadka carruurta aan hal sano ka weynayn. Iyada oo carruurta hal sano ka weyna lagu talinayo in xaddi aad u yar laga siiyo cabbitaannadaas.

Khubaradu waxa ay sheegeen in maaddooyinka lagu sameeyo sharaabadani ay carruurta ku keeni karaan sumow iyo in ay raad taban ku leeyihiin habdhiska neerfaha ilmaha, waxaa intaas dheer in sharaabkani uu ilmaha ku keeno suuska ilkaha.

Waxa ay khubaradu ku talinayaan in caruurta la siiyo sharaabka dabiiciga ah.

Saloolka lagu sameeyo furinka korontada ku shaqeeya

Saloolka lagu sameeyo mishiinka moofada ah ee laydka ku shaqeeya ayaa ay khubaradu sheegeen in uu khatar ku noqon karo caaimaadka carruurta. Waxa ay khubaradu si gaar ah uga digeen in bacaha kiishka ah ee loo adeegsado saloolkaasi ay sababi karaan in maaddooyin kiimikaad ee bacda ku jira, oo marka ay kululaadaan ay dhici karto in ay saloolka la falgalaan.

Dhinaca kalana waxa ay khubaradu ku taliyeen in dufanka loo adeegsado saloolista laga dhigo saliidda saytuunta oo ay sheegeen in ay caafimaadka u fiican tahay.

Malabka iyo carruurta hal sano ka yar

Malabku caafimaadka waa uu u fiican yahay, laakiin khubarada caafimaadku waxa ay sheegayaan in ay malabka ku jirto bakteeriyo aan u fiicnayn caafimaadka caruurta ka yar hal sano, oo ay sheegeen in ay dhaawac gaadhsiiso habdhiskooda difaaca. Iyo in bakteeriyadaasi ay ilmaha ku keento dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca neefsiga ah. laakiin haddii da’da ilmuhu ay hal sano dhaafto waa la siin karaa malabka.

Yaanyada qasacadaysan (Ketchup) iyo nooc kasta oo cunto qasacadaysan ah

Cuntada qasacadaysan marka ay warshaddu samaynayso ama cuntada cabbaynayso waxaa inta badan la falgala ama raaca isku dhiska loo yaqaanno ‘Bisphenol A’ oo inta badan ku jira inta badan ee maaddooyinka wax lagu dahaadho ama daboolo, gaar ahaan kuwa cuntada lagu qasacadeeyo.

Maadadda ‘Bishphenol A’ ayaa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay khatar ku tahay caafimaadka caruurta, saamayn aan fool xunna ku yeelato habka koritaanka ilmaha.

Haddaba talada ay khubaradu ina siinayaa waa in aynu caruurta ka deyno cuntooyinka qasacadaysan guud ahaan, haddii ay ka fursan weydana ayn si gaar ah u raadsanno kuwa weelka ay ku jiraan uu quraaradda yahay, gaar ahaan tamaandhadaha Ketchup ka, maadaama oo weelka caagga ahi uu si sahal ah ula falgeli karo cuntada.

Xanjada

Calaalinta xanjadu waa arrin aan caafimaad ahaan loo ogolayn caruurta. Sababta koowaad waa xanjada oo lagu sameeyo sonkor aad u badan, taasina ay sababto in ay dhaqso suus ugu keento ilmaha. Waa run in ay jiraan noocyo xanjada ka mid ah oo aanay sonkori ku jirin, ama dusha sare ka akhriyeyso in aanay sonkori ku jirin, laakiin ogoow in sonkorta halkeedii loogu beddelay maadadda Sorbitol oo keenta shuban.

Khatarta kale ee ay xanjadu ilmaha u leedahay waxa ay ka imanaysaa ilmaha oo liqa xanjada, sida inta badan ay caruurtu sameeyaan, taas oo khatar ku ah caafimaadka ilmaha, maadaama oo ay keeni karto neefta oo ilmaha ku istaagta, iyo habdhiska dheefshiidka cuntada ee ilmaha oo xidhma.

Baradhada shiilan ee qasacadaysan (Chips)

Baradhada qasacadaysan ee Jibiska loo yaqaanno oo ay caruurtu aad u jeceshahay cunitaankeeda ayaa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in leedahay dhibaatooyin caafimaad oo inta badan ka imanaya qaab samayska hore ee cuntadan iyo xaddiga milixda iyo dufanka ee ku jira.

Baradhadan oo ay khubaro badani aaminsan yihiin in samayskeeda aanay baradhaba ku jirin, sidaa awgeed ay qalad tahay in dadka qaar u fahmaan baraasho, ayaa ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegayaan in ay caruurta ku keento dhiiggooda oo inta dabiiciga ah kor uga kaca, dhagaxa kelyaha ku samaysma iyo miisaan aad dabiici ahayn oo ay ku kordhiso.

Xeeldheereyaashu waxa ay waalidka kula talinayaan in haddii caruurtoodu ay jecelyihini baradhadan ay sida ugu fiicani tahay in guriga loogu samyo, iyada oo ay si gaar ah u fiican tahay in samayskeeda loo adeegsado furinka halkii laga shiili lahaa.

Biidsada (Pizza)

Biitsadu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka ugu shacbiyadda badan adduunka, lnkasta oo ay ka mid tahay cuntooyinka beergarradu ka mid yihiin ee laga digay in ay miisaanka kordhiyaan, waxaa hadda soo baxaysa khatar kale oo ah in aanay u fiicnayn caafimaadka caruurta. Sababahana wawxaa ka mid ah dufanka oo ku badan, milixda dheraadka ku ah iyo qaabka loo sameeyo. Waxa kale oo ay ka mid tahay cuntooyinka halista u ah in lagu sameeyo walxo falgal kiimikaad keeni kara iyo maaddooyin kala duwan, sidaa awgeed aanay fiicnayn in ugu yaraan meelaha ganacsiga ah laga cuno.

Caanaha aan la karkarin

Caanaha xoolaha ee aan karkarsanayn ayaa ay khubarada caafimaadku ay sheegayaan in ay khatar caafimaad u leeyihiin caruurta, maadaama oo ay ku jiri karaan noocyo kala duwan oo dulin ili maqabatay ah iyo bakteeriya gaar ahaan E-Coli oo marar badan caruurta iyo xitaa mararka qaarkood dadka waaweyn ku keenta sumow dhiigga ah oo aad u khatar badan.

FG: Sida ugu wanaagsani waa in yaraantaba lagu baro cuntada caafyada leh. Balse Xitaa haddii ay adag tahay inaad ilmaha ka goyso, ugu yaraan aad uga yaree oo waqti go’an uga dhig kaddibna khudrad iyo waxyaabo haad leh uga daba mari.

W; D: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media

]]>
100723
Qalliin naadir ah oo uu Shiinuhu ku guulaystey oo ay weli dunidu hadal hayso https://www.hadalsame.com/2023/12/06/qalliin-naadir-ah-oo-uu-shiinuhu-ku-guulaystey-oo-ay-weli-dunidu-hadal-hayso/ Wed, 06 Dec 2023 10:21:46 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100658 (Hadalsame) 06 Dis 2023 – DHACDO YAAB LEH: 2013-kii, nin dhalinyaro ah oo u dhashay Dalka shiinaha laguna magacabi jiray Xiao Wei, ayaa isaga oo ku gudo jiro shaqadiisi maalinlaha aheeyd ee warshadii uu ka shaqeeyn jiray, bey midkamid ah mashiimaha uu ku shaqeeynaay gacanta midig ka gooysay (cumaacumta ama halka saacada laga xirto, ayay gacantu ka go’day).

Isbitaal u dhowaa baa lageeyay isaga oo lagu garab wado gacantii go’day, deedna waxa ay ushegeen in aysan waxba u qaban karin. Kadib baa lagu xiriiriyay Dhakhtar isna Shiineeys ah oo ladhaho Tang Juyu.

Dr. Tang baa waxa uu layimid hal abuur cajiib ah, badbaadshayna gacantii ninkaa dhalinyarada ahaa. Qaliin dhowr saacadood socday, Dr. Tang waxa uu ku dhajiyay/kutolay gacantii go’day meel udhow anqowga lugta bidix ee Xiao, si ay uga heesho dhiiga iyo Nafaqooyinka kaleba, aysana gacantu u dhiman.

Bil kaddib, qaliin kale ayaa lagu celiyay, gacantii lugta ayaa laga soo furay kadibna waxaa lagu celshay/lagu tolay meeshii ay ka go’day. Xie, qalliinka kaddib waa uu awooday in uu gacanta dhaqdhaqaajiyo, waxaa ayna dhakhaatiirtu ku wargeliyaan in ay mudo 6 bilood ah kaddib neerfayaashu kabsan/bogsan doonaan, gacantuna ay sideedi hore u shaqayn doonto, sida uu sheegay Dr Tang Juyu.

Dhacdadaan yari waxa ay kutusineeysa heerka horumarineed ee ay gaartay aqoonta caafimadka ee qaarnigaan cusub.

Chinese surgeons reattach a man's severed hand after keeping it alive on his leg for a month - ABC News

W; D: Aw Maxamuud

Hadalsame Media

]]>
100658
Cuntooyin dhulkeenna laga helo ee caawiya dejinta dhiig-karka sare (Afartaan ku dadaal) https://www.hadalsame.com/2023/12/06/cuntooyin-dhulkeenna-laga-helo-ee-caawiya-dejinta-dhiig-karka-sare-afartaan-ku-dadaal/ Wed, 06 Dec 2023 06:20:43 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100697 (Hadalsame) 06 Dis 2023 – Haddii shaqada toddobaadka oo kugu badani ay kugu keento neerfis (Cadho badan), ama aad caado u leedahay cunista cuntooyinka degdegga ah ee inta badan baruurta kordhiya, ama xitaa aad tahay dadka lagu falay nuugista sigaarka oo khatar ku ah nolosha aadamaha, oo aad isku aragto dhiigkar, waxa aad ogaataa in sababta koowaad ee dhiigkarkaas kugu keentay ay tahay noocaas nololeed ee aad ku jirto.

Haddaba Geeska Afrika waxa uu qormadani akhristayaashiisa kula wadaagayaa dhir ay fududahay in dhulka Soomaalida laga helo, oo haddii uu qofku wax ka beddelo hab-nololeedkaas aynu hore ku soo xusnay, kadibna dhirtan isticmaalo ay hubaal tahay in ay si weyn u caawinayaan in aanu dhiiggiisu kicin.

Hab-nololeedka aynu ka hadlayno waxaa iyaguna ku jira in qofku uu habeenkii hurdo fiican seexdo iyo in nidaamkiisa cunto noqdo mid caafimaad qaba.

Dhirtaas dawada ka ah dhiigkarka waxaa ka mid ah:

Boorashka

Boorashku waxa uu awood u leeyahay in uu dejiyo dhiigga kiisa sare iyo ka hoose labadaba, waxa kale oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in uu yahay cuntooyinka hodanka ku ah ganka, ee wanaajiya hab-dhiska dheefshiidka.

Sinjibiil

Sinjibiishu waxa ay dhiigga ka ilaalisaa xinjirowga, oo ah khatarta ugu badan ee qofka dhiig karka lihi waajaho, sida oo kale waxaa ku jira maaddooyin ka hortag u ah jidh ololka, sidaa awgeed qofka dhiig karka leh oo maalintii cabba koob shaah sinjibiil lagu daray ah, waxa ay ka caawinaysaa in dhiiggu dego iyo in aanu guntamin. Si kastaba ha ahaato ee waxa ay khubaradu ka digaan in isticmaalka sinjibiishu uu jidhka ku bato, si aanu dhiigga uga saarin xinjiraha oo dhan.

Saliid Macsarta

Saliidda Macsarta ama sisinta hadba sida aad u taqaanno, maaddooyinka ku jira waxaa ka mid ah Seismol iyo Cisamine oo labaduba dila mariidka/sunta ka dhalata cuntada, waxaa intaas dheer in saliid macsarada uu ku jiro Faytamiin E. Labada maaddo ee aynu xusnay iyo faytamiin E waxa ay si weyn u caawiyaan in dhiigkarku uu dego.

Rumaanka

Rumaanka waxaa ku jira maadadda Polyphenol oo leh awood ay kula dagaalanto sunta/Mariidka, sida oo kalana xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga ka ilaalisa in ay qallafaan. In xididdadu aanay qallafin waxa ay fududaynaysaa in dhiiggu uu si habsami ah u qulqulo, taasina ay keento in xawaaraha wareegga dhiiggu aanu ka kicin heerka celcelis ahaan saxda ah.

W; D: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media

]]>
100697
Lix tillaabo oo DABIICI ah oo aad uga hortegi karto inay kelyahaagu sidaa u ekaadaan https://www.hadalsame.com/2023/12/05/lix-tillaabo-oo-dabiici-ah-oo-aad-uga-hortegi-karto-inay-kelyahaagu-sidaa-u-ekaadaan/ Tue, 05 Dec 2023 09:28:03 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100633 (Hadalsame) 05 Dis 2023 – Kelyo xanuunka waa xaalad caafimaad oo taxadarkeeda leh, taas oo malaayiin qof ay u dhintaan sannad kasta. Hadaba waxaa jira dawooyin guri oo ka hortag iyo dawaba u noqon karo kilyo xanuunka.

Qormadaan waxaan ku soo gudbinaynaa dawooyinka dabiiciga ah ee loo isticmaalo in lagu maareeyo kilyo xanuunka. Sii akhri si aad wax badan uga ogaato.

1. Cunnooyinka kilyaha uroon

Qaadashada cunnooyinka kilyaha uroon waxay muhiim u tahay maaraynta kilyo xanuunka.
Cunnooyinkan ku darso cunnooyinkaaga maalinlaha ah.

  • Miraha beeriska: miraha farawlaha (strawberries), blue berries, iyo raspberries waxa ay hodan ku yihiin maadooyinka sunsaarista kuwaas oo kilyaha ilaaliya.
  • Kaabajka: Waxaa ku badan maadooyinka loo yaqaanno “phytochemicals” kuwaas oo burburiya xididada xorta ah (free radicals).
  • Barbarooniga guduudan: waxaa ka buuxa fiitaminnada A, C, iyo B.
    Khudradda loo yaqaanno cauliflower: waxa ay taageertaa shaqada kilyaha maadaama ay xambaarsan tahay nafaqooyin kala duwan.
  • Kalluunka: Noocyadiisa salmon, mackerel iyo tuunaha waxaa laga helaa dufannada muhiimka ah ee omega-3.
  • Ukunta qeybta cad: waxaa laga helaa barootiinta noocyadeeda ugu tayada fiican.
  • Toonta: waxaa ku jira maadooyinka liddiga ku ah hurka kuwaas faaido u leh caafimaadka kilyaha.

2. Shaaha sunsaarista (detox tea)

Shaaha sunsaarista waxa uu sunta ka nadiifiyaa kilyaha waxaana uu taageeraa kilyaha.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 qaado oo miraha cabsarta (corriander seeds),
  • 1 qaado oo xawaash dhuudhuub ah
  • 4 koob oo biyo ah

Habka diyaarinta:

  • Digsi ku karki biyaha
  • Ku dar miraha cabsarta iyo xawaash dhuudhuubka. Muddo 5 illaa 10 daqiiqo karkari karkari.
  • Miir oo cab maalin kasta.

3. Cabitaanka liin dhanaanta iyo kabsar caleenta:

Waxaa loo baahan yahay

  • Biyaha 1 xabbo oo liin dhanaan ah
  • Cantoobo kabsar caleen fresh ah.
  • 1 Koob oo biyo ah

Habka diyaarinta:

  • Isku shiid cabitaanka liin dhanaanta, kabsar caleenta iyo biyaha.
  • Ku darso malab hadii aad doonayso
  • Si joogto ah u cab cabitaankan

4. Toon iyo sinjibiil

Toonta iyo sinjibiishu labaduba waa sunsaareyaal dabiici ah. Ku darso cunnooyinka kala duwan si aaf u dheefsato faaidadooda.

5. Biyo cabista

Biyo oo cabista oo la badsado waxa ay muhiim u tahay shaqada kilyaha. Ku dedaal inaad cabto 8 illaa 10 koob oo biyo ah maalin kasta, si ay u caawiyaan qashin saarka kilyaha islamarkaana aad uga hortagto dhagaxaanta kilyaha ku samaysma.

6. Xadid milixda

Milixda badan waxa ay dhaawici kartaa kilyahaaga. Si aad u yareyso milixda ka dheerow cunnooyinka warshadaysan, kuna beddelo cunnooyinka freshka ah iyo rashinka guriga lagu diyaariyay. Tani waa mid ka mid ah hababka aad si degdeg ah ugu kobcin karto caafimaadka kilyahaaga.

FG: Dawooyinkan kor ku xusan ma ahan kuwa loogu talo galay in looga kaaftoomayo dawada dhakharka. Dawada iyo talada dhakhtarka ayaa mar kasta ka tixgelin mudan dawooyinkan.

Adiga oo qaadanaya dawada dhakhtarka ayaad isticmaali kartaa dawooyinkan dabiiciga ah.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media

]]>
100633