Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Arrimaha Caalamka – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Thu, 14 Dec 2023 11:00:57 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 Diblomaasi Soomaali ah oo xog cusub bixiyey & Baaris lagu bilaabay booliis ku eedaysan inay daayeen wiilka MW shilka kaddib https://www.hadalsame.com/2023/12/14/diblomaasi-soomaali-ah-oo-xog-cusub-bixiyey-baaris-lagu-bilaabay-booliis-ku-eedaysan-inay-daayeen-wiilka-mw-shilka-kaddib/ Thu, 14 Dec 2023 11:00:57 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100958 (Ankara) 14 Dis 2023 – Waxaa sii kordhaya cadaadiska haysta Dowladda Turkiga ee ka dhashay kiiska shilka wiilka MW Turkiga kaasoo weliba sii xumaaday markii uu wiilku ka ”cararay” Turkiga, sida lagu eedeeynayo.

Ekrem Imamoglu, Duqa Magaalada Istanbul, ahna siyaasi mucaarad ah oo caan ah, ayaa bartiisa X (ex Twitter) soo dhigay muuqaalka kaamirada ammaanka ee shilka. Wuxuu ku andacoodey ” tuhmanuhu wuxuu Turkiga ka tegay gacmihiisa oo xor ah” wuxuuna ku eedeeyey dowladda “inay aad daciifsan u tahay marka ay timaado inay difaacdo xuquuqda muwaadiniinteeda.”

Isagoo ka jawaabaya cadaadiskan, Wasiirka Cadaaladda ee Turkiga, Yilmaz Tunc, ayaa sheegay isagoo aan faahfaahin badan ka bixin in la bilaabay “habraac caalami ah” oo lagu wajahayo shilka.

“Iyadoo aan loo eegin magacooda, qof kastaa waa u siman yahay sharciga iyo dhammaan habka loo marayo soo qabashada tuhmanaha – kuwaasoo ay ku jiraan nidaamka caalamiga ah – ooloo fuliyo si taxadar leh,” ayuu Tunc ku jawaabey.

Dhanka kale, Tunc wuxuu sheegay in sidoo kale baaritaan lagu bilaabay askar booliis ah oo sameeyey baaritaankii hordhaca ahaa oo ku saabsanaa shilka, kuwaasoo lagu haysto inay si mugdi ku jiro usii daayeen wiilka iyo inay qoreen bayaan aan sax ahayn.

Dhanka kale, diblomaasi Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Turkiga ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AP in gaariga uu watey wiilka uu dhalay Madaxwaynaha ay leedahay safaaradda Soomaaliya.

”Qoyska Madaxwaynaha ayaa ku socdaala Baasaboorro Diblomaasi ah, waxayna horay ugu noolaayeen dalka Turkiga.” ayuu yiri sarkaalka, kaasoo ogolaaday inuu kiiskan ka hadlo oo kaliya haddii aan magaciisa lasoo xigan.

Turkiga ayaa xiriir dhow la samaystay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, markaasoo uu Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan — oo xilligaasi ahaa Ra’iisul Wasaare- uu booqasho ku tegay dalka dhaca Bariga Afrika oo uu u muujinayey taageero xilli ay dadka Soomaaliyeed la ildarnaayeen abaaro ba’an.

Hadalsame Media

 

]]>
100958
MW Somalia oo markii ugu horreeysey qaab ”mugdi” ku jiro uga hadlay shilka wiilkiisu galay (Xaaskii marxuumka oo dacwad ku oogtey Dowladda Turkiga) https://www.hadalsame.com/2023/12/14/mw-somalia-oo-markii-ugu-horreeysey-qaab-mugdi-ku-jiro-uga-hadlay-shilka-wiilkiisu-galay-xaaskii-marxuumka-oo-dacwad-ku-oogtey-dowladda-turkiga/ Thu, 14 Dec 2023 10:36:38 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100950 (Muqdisho) 14 Dis 2023 – Xaaskii Yunus Emre Göçer oo ahaa mootoole ku dhintay shil gaari oo uu sababay wiil uu dhalay Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka dhacay dalka Turkiga ayaa dacwad rasmi ah ka gudbisey booliiska iyo xeer ilaalinta oo ay u aragtay inay ninkeeda si khaldan ugu eedeeyeen shilkaasi.

Gudbintan dacwaddan ee Istanbul ayaa hoosta ka xarriiqaysa dhacdo cakiran oo caalami ah oo soo jiidanaysa indhaha bulshada Turkiga maalinba maalinta ka dambaysa.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay MadaxwAynaha Soomaaliya EE Xasan Sheekh Maxamuud ahna dhaqtar 40-sano jir ah ayaa watey gaariga lagu dhuftay Göcer oo marayey waddo mashquul badan oo Istanbul ah.

Dhacdadan oo ahayd mid 30-kii bishii Nofeembar ka dhacday degmada Fatix ee magaalada Istanbul, ayaa markii hore keentay in Maxamuud xabsiga la dhigo muddo kooban. Si kastaba ha ahaatee, kaddib markii laga qoray oobigga, waa la sii daayey kaddibna wuxuu ka baxay Turkiga kahor intaan la dhaqangelin xayiraadda safarka ee ka dhanka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo waraysi siiyey Wakaaladda Wararka ee AP ayaa ka horyimid wararka sheegaya in wiilkiisa uu goobta ka baxsaday.

Waxa uu sheegay in wiilkiisa uu ku sugnaa Istanbul dhowr maalmood kaddib shilka, uuna qabsaday qarreen, waxaana lagula taliyey inuu ku laabto maxkamada. Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyey in wiilkiisu uusan ka baxsan dalkaasi shilkaa dartiis, wuxuuna tacsi u diray qoyska Göçer, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha soo gaarey.

“Weli waxa ay dano uga xiran yihiin dalkaasi, waxaana u sheegayaa inuu dib ugu laabto oo uu tago maxkamadda,” ayuu yiri Madaxwaynuhu. Go’aanka isagaa leh – laakiin taladaas ayaan siinayaa,” ayuu raaciyey Xasan Sheekh oo la hadlaya AP.

Göçer ayaa waxaa soo gaarey dhaawacyo aad u daran oo ka dhashay shilkaasi, waxaana uu 6 maalmood kaddib ku naf waayey isbitaalka Istanbul Teaching and Research Hospital.

Dadka ayaa is waydiinaya sababta uu Madaxwaynuhu ugu hadlayo sidii in aanu wiilkiisa dhihi karin ”tag maxkamadda!” ee uu u adeegsanayo kelmad aan kala caddayn sida ”go’aanka isagaa leh” IWM, maadaama ay arrintani sawir ka bixinayso guud ahaan Somalia oo ay tahay in sumcadda dadka iyo dalka la dhowro.

Hadalsame Media

]]>
100950
Dowladda UK oo markii ugu horreeysey 85 sano kaddib BBC u furtay Xarunta Sirdoonka (Maxaa la qarinayey?) https://www.hadalsame.com/2023/12/13/dowladda-uk-oo-markii-ugu-horreeysey-85-sano-kaddib-bbc-u-furtay-xarunta-sirdoonka-maxaa-la-qarinayey/ Wed, 13 Dec 2023 18:49:57 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100935

(Hadalsame) 13 Dis 2023 – Meelaha Ka baxsan magaalada Milton Keynes, waqooyi galbeed ee London, waxaa ku yaalla beer lagu ilaaliyo shan wareeg oo silig ah sababtoo ah waa warshad wax soo saar oo aan caadi ahayn.

Albaabka warshaddan ayaan waligeed saxaafada loo furin 85-tii sano ee la soo dhaafay. Aragtida hore ee soo gelitaanka, waxyaalaha u muuqda inay ka socdaan Xarunta waa howlo maalmeed.

Laakin xagga dambe waxaa ka socda arrin kale – waa jabiyayaasha lambar sireedka (xaliyeyaasha furaha sirta ah) sida Alan Turing, qolalka qufulan iyo aaladaha sirta ah sida filimada James Bond.

Galitaanka gaarka ah

Waa maxay sababta loo adkeeyay ammaanka halkaas? Alaabtan ma waxaa loo sameeyay basaasiinta Ingiriiska si daaha looga rogo shaqadooda qarsoon?

BBC waxay heshay fasax gaar ah oo ay ku booqan karto meshaas, waxaana laga reebay dhamaan taleefannada, hawlwadeennada amniga ayaana wariyeyaasha BBC la socday intii ay halkaa joogeen.

Booqashada halkaas waxay ina siinaysaa aragti ah waxa gudaha ka socda iyadoo xaruntan isgaarsiinta ee HMGCC ay u muuqato inay hesho la-bahwadaag cusub.

“Runtii waxaan ku adkeynay dadka inay nala xiriiraan taasina waxay ahayd hab aad u wanaagsan oo wax loo qabto marka ay noqoto taariikhdayada,” ayuu yiri George Williamson, madaxa fulinta ee warshadda.

Laakin wuxuu sheegay in hadda la joogo waqtigii wax laga bedeli lahaa, xitaa haddii ay u muuqato ‘wax yaab leh’. Meeshu waxay u eg tahay dhismo warshadeed oo leh dhismayaal aan qoraal lahayn.

Waxayna shaqaalaysaa injineero, khubaro ku xeel dheer Fiisigiska, kimistariga, naqshadeeyeyaal iyo kuwo kale oo takhasus leh. Tani waxaa uu ku sifeeyay ereyo aan caddayn oo ah ‘isku dhafka farshaxanka iyo injineernimada’.

Xarunta sirdoonka
Muuqaalka sare ee xarunta

Meelaha qaarkood waxaa loo sheegayay in wariyeyaashu ay xirtaan dhar gaar ah, waxay tusayeen mashiinno kala duwan oo la yaab leh, oo ay ku jiraan, qalabka laser-ka iyo daabacadaha 3D.

Laakiin su’aasha muhiimka ah ee halkan taal ayaa ah maxay tahay sababaha loo sameeyay mashinnadan? Dhibaatadu waxay tahay, si kasta oo la’isugu dayo in lagu ogaado, qofna ma sheegi Karin arrinkaas. Sababta oo ah alaabada halkan lagu sameeyo ayaa ah waxyaabo si heer sare ah loo gaar yeelay.

Taariikhdeeda

Laakiin waxaynu dib u raaci karnaa wixii hore. HMGCC waxaa la dhisay in yar ka hor intii uusan bilaaban dagaalkii labaad ee aduunka. Waxa la abuuray markii basaasiinta iyo diblomaasiyiinta Yurub u baahdeen inay si qarsoodi ah oo ammaan ah ula xiriiraan Ingiriiska.

Si loo gaaro yoolkaas, waxaa la sameeyay radiyeyaal xagga isgaarsiinta ah oo qarsoodi ah oo lagu gudbin karo farriimaha dublamaasiyadda. Kadib duullaankii Jarmalku ku qaaday Poland sanadkii 1939-kii, saraakiishii ka soo qaxday Warsaw waxay adeegsadeen qaar ka mid ah idaacadahan si ay u faafiyaan waxa ka dhacaya halkaas.

Markii dagaalku billowday, halkan waxaa lagu sameeyay raadiyeyaal yaryar oo la siin karo sirdoonka Ingiriiska ee MI6 kuwaas oo baarashuut looga soo tuuray safafka cadawga gadaashooda si ay u ururiyaan xogta.

Alan Turing wuxuu ku noolaa oo ka shaqeeyay Park Henslop intii lagu jiray dagaalka. Wuxuu caan ku noqday jebinta lambar sireedyada Nazi-ga ee Bletchley Park, oo u dhow goobta, wuxuuna ku sugnaa HMGCC soo saarista qalab bixin doona sir cod ah.

Mashiinkan ayaa waxaa isticmaali jiray hoggaamiyihii Ingiriiska Winston Churchill iyo hoggaamiyihii Mareykanka Franklin D. Roosevelt xiligii dagaalka, waxaana culeysiisu uu ahaa 50 tan.

Sirdoon
Alan Turing

Baarayaasha wakhtiga casriga ah

Sir Dermot Turing, oo uu adeer u yahay Turing, ayaa BBC-da u sheegay: ‘Waxaan ka shakisanahay in waqti kasta uu si toos ah u raadin karo wixii halkaas ka socday 70 ama 80 sano ka hor.’

“Baahida isgaarsiinta sugan weli ma dhammaan,” ayuu yiri.

Haddaba maxay tani ka qabtaa adduunka casriga ah? Xitaa maanta, wakiilada sirta ah ee ka shaqeeya waxa loogu yeero ‘goobaha xaddidan’ ee Ruushka ama Iran waxay u baahan yihiin qalab isgaarsiineed oo sugan.

In kasta oo HMGCC aanay arrintan ka hadlin, haddana ilo kale ayaa sheegaya in basaasiinta casriga ahi ay ku tiirsan yihiin aaladaha ay ka midka yihiin gudbiyaasha sirta.

Xiriirku waa qayb ka mid ah shaqadooda. Sida muuqata aaladaha dhageysiga iyo dabagalka ayaa la mid ah kuwa qarsoon, laakiin marka wax laga weydiiyo , mas’uuliyiintu way iska aamusaan.

“85-kii sano ee aan joognay waxaan sameynay hababka isgaarsiinta ee ugu amniga badan oo u oggolaanaya dadka meelaha fog fog, iyo meelaha khatarta ah inay si qarsoodi ah ula xiriiraan UK,” ayuu yiri Williamson.

Sida filimada James Bond

Waxay u egtahay in ay dhamaantood la mid noqon karaan filimada James Bond ‘Q Branch’. Khubarada ayaa aaminsan in isbarbardhigga noocaas ahi uusan ahayn mid sax ah. Waxa aan filayaa in aysan samayn wax, wax qarxinaya ama baabuur gantaalo soo ridaya, laakiin cidina ma hubto.

Qol Meesha ku yalla, laba ka mid ah shaqaalaha ayaa hubinaya qalabka korontada si ay u hubiyaan in aanay qofna si lama filaan ah uga nixin. Alaabta halkan lagu sameeyay waxaa lagu tijaabiyaa kulayl aad u daran iyo qabow si loo hubiyo inay wali gudbin karaan oo ay heli karaan fariimaha xaalad kasta.

Sirdoonka ingiriiska
Siligga ku hareereysan xarunta

Tani waxay kaa caawin kartaa in la ogaado sida looga fogaado xaalad cadaw ah iyo sida loo aqoonsado qalab kasta oo lagu isticmaalo carradeeda.

Furitaanka meeshan kadib tobanaan sano oo qarsoodi ah

Kadib markii ay muddo ka maqnayd indhaha dadweynaha, haatan waxay isu furaysaa adduunka, waxayna sidaas u samaynaysaa tiknoolajiyada cusub oo lagusoo saarayo.

Xitaa haddii la soo saaro tignoolajiyadda aan wax shaqo ah ku lahayn amniga qaranka ee gobol gaar ah, waxaa laga yaabaa inay isticmaaleyso kuwa horumariyayaashu aysan ka warqabin.

Waagii hore, xeerarka adag ee amniga ayaa ka dhigay wadashaqeynta mid aan macquul aheyn, laakiin waxaa laga yaabaa in ay hadda dhici karto.

“Fikirka ka dambeeya tani waa in aan ku dhejin karno injineeradayada iyo fikradahooda waaweyn hal qol oo ay joogaan dadka ka socda warshadaha ama akadeemiyada,” ayuu yiri Williamson.

Oo wuxuu yidhi, ‘Marka fikrado kala duwan ay isu yimaadaan, daqiiqad layaab ah, wax runtii gaar ah ayaa soo bixi doona.’

Laakiin sida tignoolajiyadan loo isticmaali doono waxay ahaan doontaa sir sida ku dhawaad wax kasta oo kale.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100935
Ingiriiska oo malaayiin Doollar ku bixinaya Somalia (Mashruuc wayn oo laga hirelinayo Maamul Goboleedka….) https://www.hadalsame.com/2023/12/13/ingiriiska-oo-malaayiin-doollar-ku-bixinaya-somalia-mashruuc-wayn-oo-laga-hirelinayo-maamul-goboleedka/ Wed, 13 Dec 2023 10:10:25 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100928 (Muqdisho) 13 Dis 2023 – Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobey (FAO) iyo Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya $43.8 milyan oo Doollar kaasoo lagu fulinayo mashruuc lagu dhimayo khatarta fatahaadaha iyo yaraynta saamaynta abaaraha Soomaaliya.

Mashruuca Soo Celinta Nidaamyada Degaanka ee Webiyada ee La qabsiga Cimilada (RESTORE), waa qayb ka mid ah Barnaamijka Kaydinta Offstream ee Jowhar (JOSP), kaasoo ay isna ku baxayso $140 milyan oo Doolar waana hindise ah oo lagu doonayo in lagu dayactiro keliyo ballaaran oo waraab ah si loo yareeyo khatarta fatahaadda waxna looga qabto abaaraha Laban gobol ee ka tirsan Maamul-goboleedka Hirshabeelle, kaasoo lagu beegsanayo caawinta 1.5 milyan oo qof.

Mashruucan oo ay maalgelisey Britain ayaa waxaa fulinaysa FAO, Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan degaanka ee UNEP, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, iyo World Vision International-Soomaaliya oo kaashanaya Dowladda Soomaaliya.

Madaxa horumarinta ee Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, Damon Bristow, oo ka hadlay furitaanka mashruucan ayaa yiri “Mashruucan cusubi wuxuu muujinayaa sida ay UK uga go’an tahay inay taageerto dalalka aadka ugu nugul saamaynta isbedelka cimilada.

JOSP iyo RESTORE waxay u taagan yihiin hindisayaashii ugu horreeyey ee noocan oo kale ah ee laga fuliyo Soomaaliya, iyagoo raadinaya in si joogto ah wax looga qabto waxyaabaha keenaya nuglaanshaha, kor u qaadista isbeddelka dhinaca wax-soo-saarka waara iyo isku-filnaanta iyadoo la taageerayo nabadda, xasilloonida, iyo wada-jirka bulshada meelaha ay saameeyeen iskahorimaadyadu.

Hadalsame Media

]]>
100928
Sidee Somalia loogu yeeshay daynta maanta laga cafinayo ee balaayiinta doollar ah? https://www.hadalsame.com/2023/12/13/sidee-somalia-loogu-yeeshay-daynta-maanta-laga-cafinayo-ee-balaayiinta-doollar-ah/ Wed, 13 Dec 2023 09:09:15 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100921

(New York) 13 Dis 2023 – Magaalada Washington waxaa maanta la filayaa in looga dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyey deyntii sanooyinka badan lagu lahaa.

Munaasabadaas darteed ayaa waxaa halkaa u tegey madax ka tirsan dawladda Soomaaliya oo madaxweynuhu ugu horreeyo, horena waxaa u sii joogay wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo kulamo gogol xaar ah ka waday.

Washigton waa magaalada ay ku yaallaan xarumaha waaweyn ee bankiga adduunka iyo hay’adda IMF. Howshaas deyn cafinta ayaa soo bilaabatay 2014kii intii lagu gudo jiray muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Deyn cafintu waxay markii ugu horreysay ku bilaabatay mideynta dakhli ururinta wasaaradaha xukuumadda federaalka ah, diiwaangelinta iyo dib-u-habeynta iyo u-awoodsiinta bankiga dhexe. Xasan Aadan Xoosow oo ah Lataliyaha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in ‘deyn cafintu ay mareyso heer gebogebo ah’.

Sidee loogu yeeshay deynta Soomaaliya?

Deynta lagu leeyahay Soomaaliya waa shan bilyan iyo labo boqol oo kun oo doolar. Waxaa la amaahday soddonkii sanno ee ugu horreeyay xornimada. Laakiin deynta ugu badan waxaa la galay intii u dhexeysay 1978dii – 1990kii. Waa intii askartii xukunka boobtay ee kacaanka ay hayeen talada dalka. Waxay isugu jirtaa dhaqaale lagu fuliyay mashaariic la xiriira beeraha iyo xoolaha, iyo xitaa dhismeyaal, Iyo, qeyb la rumeysan yahay in loo adeegsaday arrimo siyaasadeed, iyo howlo ciidan iyo dano shaqsi.

Tirada ugu badan ee deynta lagu leeyahay Soomaaliya waxaa loo arkaa inay tahay lacag aruurtay oo dulsaarkeedu koroyay saddex iyo lixdankii sanno ee ugu dambeeyay. Deynta rasmiga ah waxaa lagu qiyaasayaa labo bilyan oo doolar. Inta kale waa ribo ku kordheysay sanad ba ka uu ka dambeeyay.

Haddaba, yaa ku leh Soomaaliya deynta?

Lacagtan deynta waxaa Soomaaliya ku leh dalal dhowr ah oo ku kala jira isbaheysiyo dhaqaale oo kala duwan. Dalalka bahoobay ee deynta leh waxaa ka mid ah kuwa ku mideysan Naadiga Baariis. Xubnaha naadigan ee deynta leh waxaa ugu horreeya Mareykanka, waxaa soo raaca Ruushka, Talyaaniga iyo Faransiiska.

Qof xawaalad ka shaqeeya oo lacag tirinaya
Qof xawaalad ka shaqeeya oo lacag tirinaya

Mareykanka oo keliya waxa uu Soomaaliya ku leeyahay qiyaastii 20% boqolkii ba deynta oo dhan. Waxaa lacag dhan hal bilyan oo doolar. Halka deynta Ruushka ay u dhiganto 13% boqolkiiba deynta shanta bilyan ah. Waxay u dhigantaa qiyaastii Lix boqol iyo kontan Milyan oo doolar.

Talyaaniga na waxaa u diiwaangashan deyn dhan Shan boqol iyo kontan milyan oo doolar oo u dhiganta 11% boqolkiiba deynta lagu leeyahay Soomaaliya. Deynta Faransiiska waa 8% boqolkiiba oo u dhiganta Afar boqol oo milyan.

Dalalka kale ee Soomaaliya deynta ku leh waxaa ka mid ah dalalka carabta. Sacuudiga, Imaaraatka, Ciraaq, Kuweyt, iyo ururo carbeed iyo kan ururka dalalka shidaalka soo-saara ee Opec. Wadarta guud ee deymahaas waxaa lagu qiyaasayaa Sagaal boqol oo milyan oo doolar. Deynta dalalka carabta iyo ururada kale waxay u dhigantaa 18% boqolkiiba wadarta guud ee deynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Daynta iyo dakhliga gudaha

Deyntan waxay boqol iyo toban jeer ka badan tahay dakhliga sanadlaha ah ee Soomaaliya. Khuburadda dhaqaalaha waxay sheegayaan in deyntan la iska bixiyo waxay qaadan kartaa sanad dhan oo la ururiyo dhaqaalaha dowladda iyo dalka iyo xitaa qof walba oo Soomaali ah soo gala, iyada oo aan hal shilin wax kale loo adeegsa, marka loo eego dakhliga sanadlaha ah ee Soomaaliya. “Ma ahan wax la awoodi karo in sidaas loo bixiyo. Wax badan oo horumarinta dhaqaalaha ah iyo karaamada qofka Soomaaliga ah ayaa nooga xiran deyn cafinta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’addaha maaliyada Soomaaliya ee ku lugta leh deyn cafinta.

Suuq lacagaha lagu kala bedelo
Suuq lacagaha lagu kala bedelo

Dadka jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa shan iyo toban milyan oo qof. Haddii deyntaas loo qeybiyo dadka Soomaaliya waxaa qofwalba lagu yeelanayaa lacag deyn ah oo dhan saddex boqol iyo kontan doolar. Waa lacag wax yar ka yar dakhliga uu heli karo qofkii ba 12 bilood oo dhan.

Hadda, Soomaaliya waxay heystaa balanqaad ah in deymaha ugu yaraan qeyb laga cafin karo. Laakiin waa inay buuxisaa sharuudaha deyn cafinta oo dhan. Qaar baa la hirgeliyay sharuudaha laakiin waxaa dhiman kuwa loo arki karo inay yihiin kuwa ugu adag. Waxaa ka mid ah in la hirgeliyo canshuur mideysan oo laga qaado dekedaha iyo garoomada Soomaaliya oo dhan.

BBC

Hadalsame Media

]]>
100921
Maraykanka oo Hindiya u ”haysta” khaarajin lagu eedeeyey inay isku dayday inay dalkaa ka samayso (Mid kale oo Canada ka dhacday) https://www.hadalsame.com/2023/12/12/maraykanka-oo-hindiya-u-haysta-khaarajin-lagu-eedeeyey-inay-isku-dayday-inay-dalkaa-ka-samayso-mid-kale-oo-canada-ka-dhacday/ Tue, 12 Dec 2023 15:52:09 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100905 (New Delhi) 12 Dis 2023 – Agaasimaha FBI-da Maraykanka, Christopher Wray, ayaa dhiggiisa Hindiya kula kulmay magaalada New Delhi Isniintii, iyadoo ay socdaan baaritaanno lagu eedaynayo in Hindiya ay ku lug lahayd isku-day lagu dili rabey hoggaamiyaha gooni-u-goosadka dadka Sikhism-ka ee deggan New York.

Wray, oo booqasho saddex maalmood ah ku jooga Hindiya, ayaa wadahadal la yeeshay Agaasimaha Xarunta Dhexe ee Baarista (CBI), Praveen Sood. Mas’uulkan Maraykanka ah ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale kulamo gaar ah la yeesho madaxda Hay’adda Dabagalka Qaranka India (NIA), Xafiiska Sirdoonka, iyo Garabka Cilmi-baarista iyo Falanqaynta (RAW), iyo sidoo kale La-taliyaha Amniga Qaranka, Ajit Doval, sida ay sheegtay warbaahinta Hindiya goor dhow.

Booqashada Wray ee Hindiya waa tii ugu horreeysey oo uu madax FBI ihi ku tago muddo 12 sano ah, waxayna kusoo beegantay iyadoo uu socdey baaritaan ku saabsan in Dowladda Hindiya ay ku lug lahayd isku daygii dil ee nin u dhaqdhaqaaqa dadka haysa diinta Sikhism-ka oo ka dhacay New York.

Bartilmaameedka, oo ahaa Gurpatwant Singh Pannun, waa aasaasaha Sikhs for Justice (SFJ), oo ah urur u ololeeya abuurista gobol la yiraahdo Khalistan. SFJ ayaa mamnuuc ka ah Hindiya, halka Pannun uu ku jiro wax lagu sheegay ”liiska argagixisada la raadinayo.”

Sida laga soo xigtey eedeymaha maxkamada Maraykanka, sarkaal ka tirsan Sirdoonka Hindiya, oo aan magaciisa la sheegin, ayaa wuxuu si toos ah ula shaqeeyey muwaadin Hindi ah oo la yiraahdo Nikhil Gupta si uu u abaabulo isku day dil oo ka dhan ah Pannun oo ka dhaci lahaa New York bishii Juun. Gupta ayaa lagu xirey Jamhuuriyadda Czech waxaana uu sugayaa maxkamad.

Kiiskan ayaa si dhow loola xiriirinayaa dilkii Hardeep Singh Nijjar oo isna u dhaq dhaqaaqayey dadka Sikh-ga ah, kaasoo lagu diley Canada bishii Juun ee sanadkan.

Bishii Sebtembar, Ottawa waxay si cad Hindiya ugu eedaysay inay ku lug lahayd dilka Nijjar.

Hadalsame Media

]]>
100905
Shir Somalia muhim u ah oo furmaya & Dalalka ka qaybgelaya (Dhismaha Ciidanka & Laba ajende oo kale) https://www.hadalsame.com/2023/12/12/shir-somalia-muhim-u-ah-oo-furmaya-dalalka-ka-qaybgelaya-dhismaha-ciidanka-laba-ajende-oo-kale/ Tue, 12 Dec 2023 14:52:51 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100914

(Hadalsame) 12 Dis 2023 – Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada Qaranka iyo howlgallada Xoraynta dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyn soo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qaybgelaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana ka mid ah: Madasha waxaa ku sugan dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

waxaana kulankan looga hadlayaa ajandeyaashan 3-da ah ee hoos ku dhigan:

1 – Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2 – Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3 – Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan soo gaaray Xarunta Qaramada Midoobey ee New York si uu u guddoomiyo shirka amniga Soomaaliya.

Hadalsame Media

]]>
100914
Sawirka haweeney ”Soomaali” ah oo loosoo qaatay warbixin ku saabsan dal ka sheeganaya cayrta uu siiyo soo galootiga https://www.hadalsame.com/2023/12/12/sawirka-haweeney-soomaali-ah-oo-loosoo-qaatay-warbixin-ku-saabsan-dal-ka-sheeganaya-cayrta-uu-siiyo-soo-galootiga/ Tue, 12 Dec 2023 10:55:29 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100902 (Hadalsame) 12 Dis 2023 – Kharashaadka Dowladda Nederland uga baxa soogalootiga ayaa ka badan celceliska kharashka waxbarashada, amniga bulshada iyo beenshinka, sida lagu sheegay daraasad cusub.

Kharashka saafiga ah ee arrimaha socdaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu gaarey in ka badan €400 bilyan oo Euro ($430 bilyan oo ah heerka sarrifka hadda) muddo ku dhow 25 sano.

Daraasaddan oo cinwaan looga dhigay “Cayrta aan xuduudda lahayn: Cawaaqibta Socdaalku ku leeyahay Maaliyadda Dadwaynaha,” ayaa lagu ogaadey in kharashyada gala soo galootiga Nederlaan ay isu gayn ahaan tahay €17 bilyan oo Yuuro sanadkii celcelis ahaan, iyadoo weliba €32 bilyan oo Yuuro gaartey 2016 taasoo ay sabab u tahay xasaraddii qaxootiga ee 2015-kii.

Qorayaasha daraasaddu waxay ku nuuxnuuxsadeen in kharashku uu inta badan ka dhashay dib-u-qaybinta maaliyadeed ee dowladda ee dhanka daryeelka & cayrta, waxayna kusoo gabagabeeyeen in ama la yareeyo soo-galootiga, ama nidaamka cayrta Nederlaan lacag badan laga jaro.

Sanadkii 2016-kii oo kaliya, Dowladda Nederlaan ayaa la sheegay inay waxbarashada ku bixisay ilaa €30 bilyan oo Yuuro, taasoo ka dhigan wax €2 bilyan oo Yuuro oo qura ka yar lacagtii ay ku bixisay muhaajiriinta isla sanadkaas 2016-kii.

Daraasadda ayaa sidoo kale sheegtay in dalal ay ugu horreeyaan Turkey iyo Morocco ay saamayn xun ku leeyihiin dalka Nederlaan. Celcelis ahaan qofka Marookaanka ah waxay Dowladda Nederlaan gelisaa €260,000 oo Yuuro qofkiiba.

Dadka ka yimaada Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ayaa iyana lagu sheegay kuwo aan dalka soo gelin wax u dhigma lacagta ay Dowladdu dadkaa ku khasirto.

Dadka Indha-yarta ah ayay se sheegtay inay woxoogaa saamayn togan ku leeyihiin dhaqaalaha dalkaasi, halka dadka ka yimaado dalalka kale ee reer Galbeedka ah iyo guud ahaanba soo galootiga la sheegay inay ka qaaraan yar yihiin dadka dhaladka ah ee dalka Nederlaan.

Waxaase yaab leh, in Warbaahinta Dowladda Ruushka ee RT oo warbixintan soo xigatey ayaa wax u eg haweeney Soomaali ah sawirkeeda usoo qaadatay, taasoo ah soocid u gaar ah Soomaalida oo aan ahayn soo galootiga ugu badan ama ugu dhibka badan dalkaasi, sida ay daraasadda lafteedu caddaysay.

Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media

]]>
100902
Arrin soo korortay oo saamayn ku yeelan karta dagaallada ka soconaya dunida https://www.hadalsame.com/2023/12/11/arrin-soo-korortay-oo-saamayn-ku-yeelan-karta-dagaallada-ka-soconaya-dunida/ Mon, 11 Dec 2023 22:24:31 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100892 (Hadalsame) 11 Dis 2023 – Arrin soo korortay oo saamayn ku yeelan karta dagaallada ka soconaya dunida sida midka Ukraine IWM.

Yaraanta saadka baaruuda caalamiga ah ayaa waxay dhalin kartaa koror la taaban karo oo ku yimaada qiimaha rasaasta, sida ay ka digtey shirkadda Maraykanka ah ee Vista Outdoor, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Newsweek.

Shirkaddan fadhigeedu yahay Minnesota, oo leh dhowr ganacsi oo hubka ah, ayaa wargayska u sheegtay todobaadkii hore inay sii wadi doonto kordhinta guud ahaan  qiimaha baaruudda marka la gaaro 1-da Janaayo.

“Dhacdooyinka adduunka awgood agab-qaybiyeyaasheennu waxay nagu wargeliyeen baahida aan horay loo arag iyo baahida la filayo ee caalamiga ah ee rasaasta, sidaas darteedna waxay taasi kordhisey qiimaheenna,” ayuu yiri Madaxweyne ku Xigeenka Vista Outdoor, Brett Nelson, oo laga soo xigtey warkan. “Sidaa darteed waa inaan sare u qaadnaa qiimaheenna.” ayuu raaciyey.

Vista Outdoor waxa kale oo ay u sheegtay macaamiisha in ilaa ay joojiyaan daabulista mooyaane, shirkaddu ay dib sicir kordhin ugu samayn doonto “dalabyada jira iyo kuwa mustaqbalka ee dalban Jannaayo 1, 2024.”

Liisaska qiimaha cusub ee dib loo eegay ayaa la faafin doonaa toddobaadyada soo socda, sida uu sheegay Nelson.

Warbixintu waxay tilmaantay in shirkadaha laga filayo inay kordhiyaan qiimaha rasaasta ay ka mid yihiin Remington, Alliant Powder, CCI, Federal, SEVI-Shot, iyo Speer.

Arrintan ayaa waxaa qayb ahaan u sabab ah kala go’ii xilligii Covid-19 iyo dagaalladii is xigey ee Ukraine iyo midka haatan ka soconaya Marinka Gaza. Lamase oga in kororsani uu dagaallada yarayn karo iyo in kale.

Hadalsame Media

]]>
100892
Ruushka oo si rasmi ah uga hadlay xiriirka uu la leeyahay kooxda Xamaas (Putin oo hal arrin ka diidey Galbeedka & Israel) https://www.hadalsame.com/2023/12/11/ruushka-oo-si-rasmi-ah-uga-hadlay-xiriirka-uu-la-leeyahay-kooxda-xamaas-putin-oo-hal-arrin-ka-diidey-galbeedka-israel/ Mon, 11 Dec 2023 20:16:45 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=100880 (Moscow) 11 Dis 2023 – Tan iyo 7-dii Oktoobar, Ruushku waxa uu garab istaagey Xamaas, waxa uuna Putin diidey inuu dhaleeceeyo weerarkii dilaaga ahaa ee uu ururku ka gaystey galbeedka Negev, waxa uuna su’aal galiyey waxa lagu sheego ”xaqa ay Israel u leedahay in ay is difaacdo.”

Wefdi uu hoggaaminayey Mousa Abu Marzook oo ah aasaasaha iyo hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas, ayaa la kulmay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Ruushka ee Mikhail Bogdanov.

Marzook, oo musaafuris ugu nool Qadar, ayaa u safray Moscow kaddib markii uu kulan hore magaalada Doha kula yeeshay Bogdanov iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Iran, Ali Bagheri Kani.

Xiriirka Ruushku uu la leeyahay Xamaas waxa uu ku kooban yahay oo keliya garabka siyaasadda ee kooxda Falastiniyiinta ee fadhigeedu yahay dalka Qadar, sida uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Sergey Lavrov dhagaystayaasha ugu sheegay kulan online ah oo ka dhacay magaalada Doha Axadii.

“Xamaas waxa ay fulisey weerar argagixiso 7-dii Oktoobar, kaasoo aanu islamarkiiba cambaaraynnay. Xamaas waxay leedahay laan siyaasadeed oo ka howlgasha magaalada Dooxa, waxaanan xiriir la leenahay laantaas siyaasadda, waxaana islamarkiiba la xiriirney dadka u jooga magaalada Dooxa si aan ugala hadalno aayaha dadka la qafaashay,” ayuu yiri Lavrov.

Markii Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen xabbad joojin ku meel gaar ah iyo la haystayaal iswaydaarsaday bishii hore, Ruushku waxa uu ka daadgureeyay in ka badan 750 muwaadiniintiisa ah, oo ay ku jiraan 300 oo carruur ah, aagga dagaalka, kuwaasoo inta badan dib ugu duulay Moscow.

Hadalsame Media

]]>
100880