Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Abdikari Aqaasim – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Thu, 31 May 2018 13:02:42 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 Afar Macalin Oo La Hadal Hayo Iney Real Madrid U Badali Doonaan Zinedine Zidane & Wenger Oo Ugu Horreeya https://www.hadalsame.com/2018/05/31/afar-macalin-oo-la-hadal-hayo-iney-real-madrid-u-badali-doonaan-zinedine-zidane-wenger-oo-ugu-horreeya/ Thu, 31 May 2018 13:02:42 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=624 Real Madrid ayaa weysay xubin muhiim ah, waxaana shaqada ka tagay Zinedine Zidane oo sadexdii fasal ee ugu dambeysay u hogaamiyay iney ku guuleysato koobka horyaalada yurub, wuxuuna go’aankaan kusoo aadayaa xilli shan maalmood oo qura laga joogo markii ay Kiev ku dileen Liverpool.

Haddaba durba waxaa dhashay warar xiiso leh oo ku saabsan cidda badali doonta Zinedine Zidane kaas oo shaqada si lama filaan ah uga tagay.

Warbaahinta Spain waxey durba hadal hayaan afar tababare oo ay macquul tahay iney ka badalaan shaqada ninkii reer France ee sida layaabka leh kooxda uga tagay.

1. Arsene Wenger

2. Mauricio Pochettino

3. Joachim Low

4. Antonio Conte [Hadii la ceyriyo]

Afartaan tababare ayaa si weyn loo hadal hayaa sidoo kale waxaa jirta xan sheegeysa iney macquul tahay in la tijaabiyo José María Gutiérrez Hernández (GUTI) kaas oo hadda gacanta ku haya kooxda yar-yar ee Madrid.

Shaqadaas waxaa suuragal ah in loo dhiibo Xabi Alonso oo isna talaabada ugu horreysa ee dhanka macalinimo ay u noqon doonto.

]]>
624
LAYAAB: Zinedine Zidane Oo Isaga Tagay Shaqada Real Madrid Maalmo Kadib Guushii Kiev. https://www.hadalsame.com/2018/05/31/layaab-zinedine-zidane-oo-isaga-tagay-shaqada-real-madrid-maalmo-kadib-guushii-kiev/ Thu, 31 May 2018 11:40:07 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=621 Tababarahii Real Madrid Zinedine Zidane ayaa isaga tagay shaqada kooxda caasimadda iyadoo ay layaab noqotay inuu go’aanka ku dhashay xilli uu maalmo ka hor u qaaday koobkii 3-aad oo xiriir ah tartanka yurub.

Zidane ayaa maamulay kooxda ka dhisan caasimadda wax aan dhameyn 30-bilood isagoo la wareegay horaantii sanadkii 2016, wuxuna kooxda u hogaamiyay iney noqoto kooxdii ugu horreysay ee saddex jeer hanata koobka yurub iyo sidoo kale kooxdii ugu horreysay ee difaacata tan iyo markii magaca la bixiyay.

Zidane ayaa go’aankaan u sheegay Florentino Perez oo ah madaxweynaha kooxda Arbacadii iyadoo ay layaab ku noqotay qof walba oo ku xeeran Madrid.

 

“Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay Madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad ka ciyaartoy ahaan iyo ka tababare ahaan, waana kaga mahaddinayaa” ayuu yiri Zidane oo ka hadlay shirkiisii jaraa’id ee ugu dambeeyay kooxda Los Blancos.

Sidoo kale Florentino Perez ayaa qiray iney lama filaan ku noqotay go’aana isla markaana uu ka codsaday inuu joogo balse uu ahaa go’aankiisii ugu dambeeyay

]]>
621
RASMI: Halyeeygii Hore England Frank Lampard Oo Loo Magacaabay Xilka Tababaranimo Ee Derby County https://www.hadalsame.com/2018/05/31/rasmi-halyeeygii-hore-england-frank-lampard-oo-loo-magacaabay-xilka-tababaranimo-ee-derby-county/ Thu, 31 May 2018 10:32:30 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=602 Halyeeygii hore xulka England Frank Lampard ayaa loo magacaabay shaqada tababaranimo ee kooxda Derby County isagoo u saxiixay heshiis saddex sano ah, waxeyna noqoneysaa tani shaqadiisii ugu horreysay dhanka macallinimo.

Frank Lampard oo waqti badan ku qaatay Chelsea isla markaana ah kan ugu goolasha badan taariikhda kooxdaas ayaa raacay wadadii saaxiibkiisii qaranka Steven Gerrard kaas oo isna loo dhiibay dhawaan shaqada kooxda Rangers.

Lampard wuxuu doonayaa inuu kooxda Derby County soo dalacsiiyo heerka koowaad iyagoo kaalinta 6-aad ku dhameystay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidoo kalana ku hungoobay iney Play-off kusoo baxeen maadaama ay ku baxeen gacmaha Fulham.

]]>
602
WARBIXIN: Manchester City Oo Kusii Dhawaaneysa Iney La Saxiixato Xidig Mar Noqday Kan Ugu Wanaagsan Premier League https://www.hadalsame.com/2018/05/29/warbixin-manchester-city-oo-kusii-dhawaaneysa-iney-la-saxiixato-xidig-mar-noqday-kan-ugu-wanaagsan-premier-league/ Tue, 29 May 2018 12:19:57 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=469 Manchester City ayaa ku dhawaaneysa saxiixa xiddiga reer Algeri Riyad Mahrez sida ay ku warramayaan warbaahinta Ingiriiska.

27-jirkaan heerka caalami ayaa ka dalbaday kooxdiisa Foxes iney iibiso bishii January iyadoo Citizens ay aad u xiiseyneys balse maamulka kooxdiisa ayaa ka biyo diiday walow ay hadda diyaar u yahiin iney iibiyaan.

Sida warbixinada sheegayaan xidigaan wuxuu ku imaan doonaa Etihad Stadium aduun dhan 75 Malyan oo Pound isagoo noqonaya xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxdaan, sidoo kalana liiska ciyaartoyda ugu qaalisan Premier League dhinac kasoo gali doona.

Guardiola ayaa doonaya inuu kooxdiisa ku guuleysatay Premier League iyo League Cup dib u xoojiyo si ay tartamada oo dhan ugu tartamaan fasalka soo aadan.

]]>
469
Taageerayaasha Nigeria Oo Mooday In Sergio Ramos Uu Calankooda Xirtay Kadib Kulankii Liverpool Ee Kiev https://www.hadalsame.com/2018/05/29/taageerayaasha-nigeria-oo-mooday-in-sergio-ramos-uu-calankooda-xirtay-kadib-kulankii-liverpool-ee-kiev/ Tue, 29 May 2018 12:02:39 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=468 Taageerayaasha Nigeria ayaa ku qaldamay calan uu kabtanka Real Madrid Sergio Ramos soo xirtay xiligii ay kooxdiisa u dabaal dageysay koobka Champions League kadib ciyaartii ka dhacay magaalada Kiev.

Real Madrid ayaa 1-3 ku garaacday Liverpool kulan uu laba gool dhaliyay Gareth Bale, balse qof walba oo Nigeria u dhashay wuxuu ku baraarugay calanka uu qeybta hoose ee jirkiisa ku xirtay Sergio Ramos.

Calanka uu soo xirtay wuxuu lahaa midab Cagaar iyo Cadaan ah waana si la mid ah Nigeria balse wuxuu sida xaqiiqda ahaa calanka gobolka uu kasoo jeedo ee Andalusia oo ku yaala dalka Spain.

Dadka waxey durba wax iska weydiiyeen sababta uu ninkaan usoo xirtay calankooda iyo hadii uu jiro nasiib mar walba ku haga inuu calankaan soo xirto.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa twitter-ka kusoo qoray: “Sergio Ramos ayaa mar kale xirtay calanka Nigeria, waana mid ka wadanisan in badan oo Nigerian ah”

]]>
468
Goolhayaha Liverpool Loris Karius Oo Helay Fariimo Hanjabaado Iyo Habaar Isugu Jira Kadib Bandhig xumadii Kiev. https://www.hadalsame.com/2018/05/29/goolhayaha-liverpool-loris-karius-oo-helay-fariimo-hanjabaado-iyo-habaar-isugu-jira-kadib-bandhigii-kiev/ Tue, 29 May 2018 06:27:35 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=447 Goolhayaha Liverpool Loris Karius ayaa helaya hanjabaado kaga imaanaya jamaahiirta kadib markii uu qaab ciyaareed aan loo adkeysan soo bandhigay kulankii ugu muhiimsanaa nolosha kooxdiisa ee fasal ciyaareedkii dhamaaday.

Loris Karius ayaa sabab weyn u noqday in Liverpool ay guuldaro kasoo qaadatay Real Madrid kulankii ka dhacay Ukraine kulan ku dhamaaday 1-3, markaas oo uu sameeyay laba qalad oo waaweyn.

Goolka furitaanka ee Karim Benzema iyo goolka quusta ee Gareth Bale ayuu gacan weyn oo qalad ah ku lahaa, sidaas darteed wuxuu helay hanjabaado iyo fariimo habaar ah kuwaas oo ka yimid jamaahiirta Reds ee qalbigooda gubanayo.

“Waan dili doonaa jaceylkaaga, waxaan doonayaa inaan dilo” ayaa loo soo qoray.

“Caruurtaada waxey u qalmaan iney Kansar u dhintaan”

“Qoyskaaga oo dhan ha dhintaan” ayaa la yiri Loris Karius.

Booliska gobolka Merseyside ayaa bilaabay baaritaan ay doonayaan iney ku sameeyaan arintaan iyagoo qaadi doona talaabo ay ku badbaadinayaan Loris iyo qoyskiisa.

]]>
447
WARBIXIN: Saxaafadda Sweden Oo Qoreysa In Arsenal Ay Weeraryahan Reer Sweden Ah Dalab Ka Gudbin Doonto https://www.hadalsame.com/2018/05/28/warbixin-saxaafadda-sweden-oo-qoreysa-in-arsenal-ay-weeraryahan-reer-sweden-ah-dalab-ka-gudbin-doonto/ Mon, 28 May 2018 10:32:03 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=340 Arsenal ayaa u dhaqaaqeysa soo xerogalinta xiddiga reer Sweden Emil Forsberg kaas oo ka tirsan RB Leipzig oo ka dhisan wadanka Jarmalka sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Swden.

Xiddigaan heerka caalami ee 26-jirka ah ayaa ka caawiyay kooxdiisa 4-gool sidoo kalana shan gool ayuu shabaqa dhex dhigay isagoo 33-kulan u saftay kulamada Bundesliga.

Expressen oo ah wargeys kasoo baxa Sweden ayaa qoray in maalmaha soo socda ay Gunners ka gudbin doonto xidigaan dalab dhan 50 Malyan oo Pound, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli uu isku diyaarinayo koobka Aduunka.

Unai Emery ayaa doonaya inuu kooxdiisa hagaajiyo, waxeyna markaan u talaabo qaadi doonaan xiddiga boosaska badan ee khadka dhexe iyo weerarka kaba ciyaari kara Emil Forsberg.

]]>
340
XOG: Chelsea Oo Wadahadallo London Kula Yeelatay Wakiillada Maurizio Sarri – Maxeyse Isla Garteen? https://www.hadalsame.com/2018/05/26/xog-chelsea-oo-wadahadallo-london-kula-yeelatay-wakiillada-maurizio-sarri-maxeyse-isla-garteen/ Sat, 26 May 2018 08:42:04 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=164 Sida ay soo warinayaan wabaahinta Ingiriiska kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaneysa iney la heshiiso tababarahii isaga tagay shaqada Napoli ee Maurizio Sarri iyadoo la damacsan iney ku badasho Antonio Conte.

Sida xogta lagu baahiyay Bbues waxey jimcadii kulan London kula yeelatay wakiilo ka socda Sarri kuwaas oo soo gaaray UK, waxaana lagu wadahadlay in macalinka reer Italy uu saxiixo ugu yaraan laba sano oo heshiis ah.

Sheekadaan ayaa imaaneysa xilli maamulka Chelsea aysan wali go’aan rasmi ah ka gaarin mustaqbalka Antonio Conte kaas oo diiday inuu iska casilo xilka tababaranimo ee kooxda si uu u helo magdhawga heshiiskiisa oo dhan 9 Malyan oo Pound.

Conte ayaa la rajeynayaa inuu isaga tago Stamford Bridge kadib laba sanadood oo uu kooxda u hogaamiyay koobabka Premier League iyo FA Cup.

Sheekadaan waxey ka dhigan tahay in Chelsea aysan haatan wax damac ah ka laheyn tababarahii hore Barcelona Luis Enrique kaas oo isna si weyn loola xiriirinayay kooxdaan.

58-jirkaan reer tayaani wuxuu dhawaan diiday heshiis cusub oo ay ka dalbadeen maamulka Napoli taasoo keentay in gabi ahaan uu isaga tago badalkiisana loo magacaabo Carlo Ancelotti oo dib ugu laabtay talyaaniga.

]]>
164
HORDHAC: Liverpool vs Real Madrid – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ee Final-ka Champions League https://www.hadalsame.com/2018/05/26/hordhac-liverpool-vs-real-madrid-wax-walba-oo-ku-saabsan-kulanka-caawa-ee-final-ka-champions-league/ Sat, 26 May 2018 06:37:00 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=153 Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa caawa ciyaaraya kama dambeysta koobka ugu weyn heerka kooxeed ee qaaradda yurub, waxey isku arki doonaan magaalada Kiev ciyaar lakala bixi doono taasoo midood ay noqon doonto boqoradda yurub.

Real Madrid waxey isha ku heysaa iney markeedii 13-aad kor u qaado koobka dhagaha weyn halka Liverpool ay isku diyaarineyso markii 6-aad iney hanato koobka tiiyoo ay jirtoin Los Blancos ay markii sadexaad oo xiriir ah ku taameyso tartanka iney hanato.

Labadaan kooxood in ka badan rubuc qarni ka hor ayaa isugu dambeyay iney final-ka tartanka yurub ee heerka kooxeed isku arkaan waxeyna aheyd 1981 markaasna waxaa 1-0 ku awood sheegtay Liverpool.

OGEYSIISKA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Real Madrid

Tartanka: Champion League

Garoonka: NSK Olimpiyskiy

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Milorad Mazic (Serbia)

Wararka Labada Kooxood

Zinedine Zidane kaliya hal dhib ayuu wajahi doonaa waana kala doorashada Gareth Bale iyo Karim Benzema, dhibaatooyin dhaawac kooxda ma heystaan weyna u caafimaad qabaan inta ugu badan ciyaartoydiisa.

Ronaldo ayaa rajeynaya inuu jabiyo rikoorkiisa goolasha ugu badan ee hal fasal laga dhaliyo tartanka, balse aad ayuu uga fogyahay, wuxuuna u baahan yahay inuu dhaliyo wax ka badan 3-gool.

Dani Carvajal ayaa la galinayaa shaki maadaama uu dhawaan dhaawac kasoo toosay, hadii uu taam buuxa noqon waayo Vazquez ayaa ciyaari doona.

Dhanka Liverpool waxaa kooxda dhaawac uga maqan Chamberlain, Matip iyo Gomez kuwaas, halka shaki yar la galinayo Milner, Can iyo Lallana.

Milner wuxuu rajeynayaa inuu gool caawiyo caawa si uu u dhaafo rikoorka Rooney iyo Neymar ee hal fasal la caawiyo kulamada tartankaan.

Shaxda Macquulka Ah:

Real Madrid: Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos, Asensio; Bale, Ronaldo

Liverpool: Karius; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Wijnaldum, Henderson, Milner; Salah, Firmino, Mane

Xogta Kulanka:

Caawa waa markii 9-aad oo ay laba kooxood oo horay isugu arkay final-ka tartankaan is arki doonaan, waxaa la xasuustaaa 37-sano ka hor iney isku arkeen Paris markaas oo Liverpool ay 1-0 ku guuleysatay.

Markii ugu dambeysay oo ay labada kooxood is arkaan waxey aheyd 2014/15 waxeyna isku arkeen wareega group-yada, Reds oo uu ka tagay Suarez waxey la kulmeen laba guuldaro (3-0) iyo (1-0)

]]>
153