Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Maxamed – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Wed, 20 Mar 2019 15:02:53 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 DAAWO: Taliska ciidamada xoogga dalka oo sheegay halka uu marayo tiro koobka ciidamada dowladda https://www.hadalsame.com/2019/03/20/daawo-taliska-ciidamada-xoogga-dalka-oo-sheegay-halka-uu-marayo-tiro-koobka-ciidamada-dowladda/ Wed, 20 Mar 2019 15:02:53 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=23173 (Muqdisho) 20 Maarso 2019 -Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe oo ka hadlay Tiro koobka lagu wado Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in ujjeedada laga leeyahay ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Ciidanka Difaaca, si loogu qorsheeyo Hub, Gaadiid, qalab iyo dhaqaale ku filan.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la kordhiyo Miisaaniyada ku baxda Ciidanka Xoogga dalka, si taasi loo hirgeliyana loo baahan yahay in la oggaado tirada saxda ah ee Ciidanka.

Waxa uu tilmaamay in Askari Xanuunsan Ama Tababar iyo fasax ku maqan maahee Askarta kale looga baahan yahay in ay Xaadir ku ahaadaan goobta Dawladda ay ku ogtahay, isaggoo xusay in Khalad ay tahay in fasax la’aan laga maqnaadoTiro koobka Ciidanka lagu wado.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Amray Saraakiisha Ciidanka in ay fuliyaan amarada Taliska, islamarkaana ay dardar geliyaan Shaqada, si Askari walba Xaquuqdiiisa uu u helo.

Ugu dambeyn S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga dalka markasta uu u taagan yahay in Ummadda Soomaaliyeed uu ka badbaadiyo Khatar walba oo dalka gudahiisa ama Dibadiisa ah, ayna u dhaarteen in dalkooda ay nafta u horraan.

Hadalsame Media

]]>
23173
Maxkamad ciidan oo dil ku xukuntay labo xubnood oo lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo iyo danbiyo culus https://www.hadalsame.com/2019/03/20/maxkamad-ciidan-oo-dil-ku-xukuntay-labo-xubnood-oo-lagu-eedeeyay-al-shabaabnimo-iyo-danbiyo-culus/ Wed, 20 Mar 2019 08:39:25 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=23135 (Muqdisho) 20 Maarso 2019 – Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida  oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho ayaa xukun ku riday maant rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab oo loo heystay dambiyo kala duwan.

Hoos ka aqriso qaabka ay u socotay doodaha iyo dacwada Maxkamada

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saaka Xukun Dil ku riday Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ka tirsanaa Argagaxisada Al shabaab sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka Sida Xasan Cali Shuute.

Eedaysanaha 1aad Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), waxaa si gaar ah loogu  eedeeyay in uu  ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab, kana soo shaqeyay xiliyo kala duwan Qeyba ay ka mid yihiin  Jabhada, weerarada baabuurta lagu fuliyo iyo Qaraxyada ismiidaaminta oo uu sahmiye u ahaa, isagoo si gaar ah ugu eedaysan inuu fuliyay falalka soo socdo:-

  • Taariikhdu markay ahayd 15/08/2017,waxay weerar ku qaadeen isaga iyo labo ruux oo kale gaari Hartob Land-garuuzal ah oo ay saarnaayeen hal Qoys oo ah reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maamulka Shirkada Dahabshiil, kuwaas oo ay ku fureen rasaas Tacshiirad ah uuna ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad kuna Dhaawacmeen 5-ruux oo ka mid ah qoyska maamulaha. 
  • Taariikhdu markay ahayd 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah.
  • 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi oo ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka qaranka, gaarigaasoo ay rasaas tacshiirad ah ku fureen ayna ku geeriyoodeen 2da marxuum ee sare ku xusan.
  • Taariikhdu markay ahayd 09/11/2018, wuxuu qayb ka ahaa eedaysanuhu qaraxyadii ka dhacay Hotel Sahafi, isagoo sahmiye iyo hage u ahaa 3-dii baabuur ee qaraxyada ismiidaaminta ahaa iyo weerarkii hubaysnaa oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 32ruuxkuna dhaawacmeen69ruux oo kale,
  • Sidoo kale Taariikhdu markay ahayd 22/12/2018 wuxuu ahaa abaabulihii qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 27ruuxAyna ku dhaawacmeen 55ruux oo kale,

Iyadoo Ciidamada amnigu ku soo qabteen kadib markii uu uga degtay   gaarigii 2-aad ee Saarufka ahaa Taalada Daljirka Dahsoon, gaarigaasoo isagana qarxay ayna ku geeriyoodeen Marxuumiin ay ka mid ahaayeen 1)Marxuum Faysal Salaad Samow 2)Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf oo labaduba macalimiin ka ahaa Iskoolka Yaasiin Cismaan.

Eedaysanaha 2-aad Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), waxaa lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay  kooxda Al-shabaab gaar ahaan Qeybta qaraxyada,isla markaana uu qayb ka ahaa Sahmintii Qaraxii lagu weeraray Degmada H/wadaag 02/09/2018 oo sababay Dhimashada8ruux iyo Dhaawaca 27 ruux oo kale, sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa eedaysanuhu isaga iyo Eedaysanaha 1aad qaraxii ka dhacay Tiyaarka qaranka 22/12/2018 oo ay wadeen gaarigii 2-aad ee ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon . 

DOOD DHEER KADIB.

MAXKAMADDU:

Markay Aragtay:- Qodabada   221,222,434,71 XCS  .

Markay Aragtay: – Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), oo uu ka horcadeeyay  garsoorka   in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo  qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada hodan lagula beegsaday  gaari hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruuxkuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa.

sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari saruf ah oo marayayisgoyska via Roma ee degmmada xamar wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday09/11/2018,  Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.

 Markay Aragtay:- Maxkamadda Qiraalka Eedaysane Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), oo uu ka hor bixiyay  garsoorka  Ciidamada Qalabka sida hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda al-shabaab  gaar ahaan qaybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii lagu weeraray Degmada howl-wadaag 02/09/2018 ,sidoo kale eedaysanuhu wuxuu cadeeyay inuu qayb ka ahaa weerarkii 22/12/2018 lagu qaaday tiyaaterka qaranka,  ciidamada amniguna ay qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay agagaarka daljirka dahsoon.

Markay Dhagaysatay:-  markhaatiyaasha  la horkeenay maxkamaddda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada eedaysane ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen  inti ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul.

Markay Aragtay:- Dembi muujinta ah 1- dukumiintiyo ay ka mid yihiin- cadaymihii iyo qiraaladii laga qoray eedaysanayaasha. 2- liiska dadkii ku geeriyooda kuna dhaawacmay qaraxyadii iyo weeraradii lagu eedeeyay eedaysanayaasha. 3- sawirada muujinaaya bur-burkii ka dhacay qaraxyada iyo weerarada lagu soo eedeeyay.

Markay Dhagaysatay:-  Doodii Qareenada oo ahayd in eedaysanayaasha loo naxariisto loona eego sifaalaha dembiga fududeeya.

Sidaas Darteed Maxkamadda waxaa u Caddaaty in:-

Dambiile Shabaab Canshuur Cismaan Abuukar Cumar iyoDambiile ShabaabMax’ed Cali Boorow Aadanay wada yihiin dambiilayaal galay dembiga lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho.

Cidii aan ku qanacsanayn xukunka maxkamada waxaa u furan rafcaan.

Hadalsame Media

]]>
23135
Dowladda oo sheegtay in doorashada Galmudug waqtigeeda aysan dhaafi doonin https://www.hadalsame.com/2019/03/20/dowladda-oo-sheegtay-in-doorashada-galmudug-waqtigeeda-aysan-dhaafi-doonin/ Wed, 20 Mar 2019 06:27:45 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=23132 (Muqdisho) 20 Maarso 2019 – Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in mowqifka dowladdu yahay in doorashada Galmudug waqtigeedii ku dhacdo sanadkaan gudihiisa.

Mr. Sabriye ayaa meesha ka saaray damaca hoggaanka Galmudug ee xaruntiisu tahay Magaalada Dhuusa-Mareeb waxaana Wasiirka uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray dhismaha maamulka Galmudug iyo khilaafka xiligan u dhaxeeya hoggaanka sare ee Maamulkaasi.

Wasiirka ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal dhowaan ka soo yeeray hoggaanka sare ee maamulkaasi ee ahaa in doorashada la qabanayo saddex sano kadib taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.

‘’Annagu waxaa rabnaa in doorashada waqtigeedii ku dhacdo oo ah bisha July ee sanadkan aynu ku jirno, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in doorashada Galmudug waqtigeeda lagu qabto ayaa waxaa taageersan mas’uuliyiinta maamulka Galmudug garabka Cadaado.

Madaxweynaha Muranku ka taagan ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa dhowaan sheegay in doorasahada Galmudug dhaceyso marka la gaaro sanadkan 2021.

Hadalsame Media

]]>
23132
Hay’addaha amniga Soomaaliya oo sheegay inay qabteen sarkaal Sare oo Al-Shabaab ka tirsan https://www.hadalsame.com/2019/03/20/hayaddaha-amniga-soomaaliya-oo-sheegay-inay-qabteen-sarkaal-sare-oo-al-shabaab-ka-tirsan/ Wed, 20 Mar 2019 05:29:32 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=23129 (Muqdisho) 20 Maarso 2019 – Howlgal aad loo qorsheeyay oo ciidamada amnigu ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho 19kii Bishaan ayay ku soo qabteen madaxii maxkamadda al-shabaab ee deegaanka Bariire sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah.

Hawlgalkaan lagu qabtay sarkaalkan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxuuna sidoo kale Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Maxkamadaha ama garsoorka.

War kooban oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay howlgalkaan, hase ahaatee ma jiraan faahfaahin dheeraad ah iyo cadeymo muujinaya sheegashada dowladda.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay warbixino aan mideysnayn oo ka soo baxay hay’addaha amniga dowladda kuwaas oo sheegaya in howlgalo qarsoodi ah oo qorsheysan lagu qabtay xubno ka mid ah ururka Al-Shabaab.

Howlgaladaan ayaa intooda badan ka dhacay Magaalada Muqdisho asbuucaan gudihiisa taasina waxay ku tusinaysaa in ururka Al-Shabaab xitaa saraakiisha Sar Sare ay ku noolaan karaan caasimadda oo si buuxda gacanta kugu jirta dowladda.

Hadalsame Media

]]>
23129
Ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Muqdisho iyo Shabeellada Hoose https://www.hadalsame.com/2019/03/19/ciidamada-gaarka-ah-ee-soomaaliya-oo-howlgalo-qorsheysan-ka-fuliyay-muqdisho-iyo-shabeellada-hoose/ Tue, 19 Mar 2019 18:40:46 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=23116 (Muqdisho/Awdheegle) 19 Maarso 2019 – Hawlgal si wadjir ah gobalka shabeellada hoose ay uga fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo kuwa Maraykanka ayaa lagu dilay Seddex xubnood sida la sheegay ka tirsanaa Al-shabaab sida ay faafisay wakaalada wararka SONNA.

Howlgalkaan oo 18-ka bishaan ka dhacay degmadda Awdhiigle ayaa lagu beegsaday Xarun ay Al-shabaab dadka Shacabka ah uga qaadi jireen Lacago sida wararku sheegayaan.

Waxaa la burburiyay goobtaasi xarumihii ururka Al-Shabaab waxaana howlgalkaan si gaar ah u fuliya Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab.

Dhinaca kale howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtay labo xubnood sida la sheegay ka mid ahaa Al-Shabaab.

Mid kamid ah Labada xubnood ee lasoo qabtay ayaa ka mid ahaa Maleeshiyaadka Kooxdaasi u qaabilsan dilalka Qorsheysan sida la sheegay, waxaana uu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey Seddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho,kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad Shacab ah sida lagu sheegay warbixin laga helay hay’addaha amniga

Shaqsiga labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale Abaabulayey waxyaabo halis ku ah Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Nabad gelyada guud ee dalka sida lagu sheegay warbixinta NISA.

Ma jirto waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay raggaan ka tirsan sida wararku sheegayaan Al-shabaab.

Hadalsame Media

]]>
23116
Xagjirnimadu Diin kuma xirna (Warbixin) https://www.hadalsame.com/2019/03/19/xagjirnimadu-diin-kuma-xirna-warbixin/ Tue, 19 Mar 2019 11:56:12 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=23092 (Muqdisho) 19 Maarso 2019 – Todobaadkii la soo dhaafay maalintii Jimcaha aheyd ayaa waxaa dunida ka dhacay Gumaad loo geystay Dad Muslimiin ah oo markaasi ku cibaadeysanayay Masjid ku yaalla Dalka New Zland, kaasi uu sameeyay nin Cadaan ah, asal ahaana ka soo jeeda Wadanka Australia oo watay Qori iyo Rasaas badan mar uu weeraray laba masaajid, kuna dilay dad badan kuna dhaawacay kuwa kale, waxaana Ninkaasi lagu magacaabaa Brenton Tarrant oo ah 28 ayaa maxkamada la soo taagay isaga oo gacmaha ka xiran, sidoo kale xiran dharka maxaabiista ah, Ninkan ayaana la sheegay in indhaha ku gubayay Saxafiyiinta iyo Dadkii kale ee Maxkamada joogay.

Raisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa arbacadii ku soo laaban doona Magaalada Christchurch mar labaad tan iyo markii weerarkii argagixiso ee todobaadkii hore lagu qaaday laba Masjid.

New Zealand waxay si deg deg ah ugu socotaa hoggaaminta Arderna si ay uga jawaabto waxa ay ugu yeerayso “falalka ugu xun ee argagixisada” taariikhda jasiirada Pacific Island.Ardern waxay sheegtay in weerarrada – ay dileen 50 qof ayna ku dhaawacmeen daraasiin dheeri ah – ay muujiyeen daciifinta sharciyada qoryaha ah ee ay xukuumaddu wax ka qaban doonto dib u habeyn lagu sameeynayo 10 maalmood gudahood.

“Waxaa jira su’aalo xaqiiq ah oo ku saabsan sida tani u dhici karto halkan,” Ardern ayaa sheegtay Talaadadii markii uu cinwaanka ugu horreeyay ee Baarlamaanka laga soo bilaabo weerarka, Waxaa jira caro ah in ay halkaan ka dhaceen, waxaa jira su’aalo u baahan in laga jawaabo lana hubiyo inay noqon doonaan.”

Xubnaha Baarlamaanku waxay isugu soo uruuriyeen Golaha Talaadada manta ah, si ay u wadaagaan tacsida dhibanayaasha. Waxay mar kale ku kulmi doonaan Arbacada berritto ah, isla maalintaas Ardern waxay doonaysaa inay ku laabto Christchurch.

Ardern ayaa sheegtay in ay la kulmi doonto qoysaska ugu horreeya iyo qoysaska dhibbanaha Arbacada markii ay u diyaar garoobaan aaska.

Sabtidii, waxay booqatay xubno ka tirsan bulshada muslimiinta Christchurch iyadoo xiran xijaabka , islmarkaana Xabadka saareysay Dadkii laga geeriyooday, taasoo soo jiidatay indhaCaalamka, waxaana laga dheehan karay inay muujisay ficil macno leh oo naxariis iyo ixtiraam leh.

Argagixisada Al-shabab ayaa waxay cambaareeyeen weeraradii argagixiso ee NewZealand, waxaase la yaab leh iyagoo ah kuwa mar walba u taagan daadinta dhiigga dadka Muslimiinta ah. Tusaale ahaan Maalin kaliya ayay qarax ku dileen in ku dhow 500 oo qof oo Muslimiin ah! Waxaana ka mid ah Qaraxii Zoppe, waxaana arrintaasi ka hadlay Shiikh Maxamuud Maxamed Shible, isaguu xusay in Kooxda Alshabaab u sheegay inay iska daayaan daadinta Dhiigga Musliminta, islamarkaana ay u naxaan Muslimiinta.

Argagixisadu Diin kuma xirna, waxaana loo baahan yahay in loo Midobo la dagaalankeeda, iyadoo Falkii Argagaxisnimo ee ugu dambeeyay waxa uu ka dhacay Dalka Newzland kaasoo uu geystay Nin Cadaan ah oo u dhashay dalka Australia, wuxuuna laba masaajid ku kala dilay in ku dhow 50 Ruux, marka sow ma aha Argagaxisanimadu Diin kuma xirna.

Xigasho: SONNA

]]>
23092
Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Balcad iyo ciidamada dowladda oo dib u qabsaday https://www.hadalsame.com/2019/03/19/wararkii-ugu-dambeeyay-ee-degmada-balcad-iyo-ciidamada-dowladda-oo-dib-u-qabsaday/ Tue, 19 Mar 2019 11:47:16 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=23087 (Balcad) 19 Maarso 2019 – Wararka laga helayo degmada Balcad oo qiyaastiii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu xalay ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalkaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa sida la sheegay waxaa urur Al-Shabaab u suuragashay inay qabsadaan qaybo badan oo ka tirsan degmada iyagoona ku guuleystay inay xabsiga Magaalada ka sii daayaan Maxaabiis badan.

Xarunta degmada ayaa la sheegay sidoo kale in Shabaabku qabsadeen waxaana wararku sheegayaan in dagaalku uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac kala gaaray.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Hirshabelle ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkaan kaga yimid Al-Shabaab oo degmada kasoo galay labo jiho.

xaalada degmada Balcad ayaa hadda degan waxaana dib ugu soo laabtay dadkii ka carareen xalay fiidkii hore iyadoona la sheegayo in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay si iskood ah kaga baxeen degmada.

Ciidamada dowladda oo dib isu soo arruursaday ayaa la sheegay inay la wareegeen guud ahaan degmada.

Hadalsame Media

]]>
23087
FASHIL & FOOWDO: Ciyaalka Xaafadda, Mise Askari dhab ah oo dowladeed! Wax ka ogow sababaha keenaya in Mushaarka ciidamada CIRIIRI galo https://www.hadalsame.com/2019/03/19/fadeexo-ciyaalka-xaafadda-mise-askari-dhab-ah-oo-dowladeed-wax-ka-ogow-sababaha-keenaya-in-mushaarka-ciidamada-ciriiri-galo/ Tue, 19 Mar 2019 06:38:42 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=23062 (Muqdisho) 19 Maarso 2019 – Warsidaha Hadalsame Media ayaa u kuur-galay doodaha ku saabsan Mushaarka Ciidamada dowladda oo marar qaar kood la sheegayo inaan si toos ah loo helin taasoo ay sabab u yihiin waxyaabo badan oo is biirsday.

Ciidamada dowladda oo aan lahayn tiro koob sax ah oo laga duuli karo ayaa qayb ka ah in mar walba uu jiri karo jawareerka Mushaarkooda.

Qof walba oo qori iyo tuute heli kara waa Askari dowladeed haddana waxaad ku arkaysaa dariiqyada caasimadda Magaalada Muqdisho isagoon hal maalina howlgal aadin. Waxaa uu ka mid yahay ciidamada qaranka mana laha saldhig gaar ah oo uu ka tirsan yahay.

Xiliyada ay dagaaladu jiraan, wali waxaa uu kula joogaa xaafadda isagoo Macawis iyo qori wata, mararka qaarkoodna tuute.

Intaas oo dhan waxaa ka darran markaad si xaqiiqo ah u aragto Sarkaal Sare oo waliba darro jooyin badan ku tixan yihiin oo ciyaalka xaafadda ee ku qaraabada ah inta u yimaada dhahaya Waxaan rabaa inaad riwaayad ii matashaan oo aad askar beenaad ii noqotaan islamarkaana aad soo xaadirtaan waqtiyada ay guutada/horinta ciidamada aan xukumo qaadanayaan Mushaarka.

Tusaale, haddii uu sarkaalkaasi si dhab ah u xukumo 100 askari waxaa uu xiliga Mushaar bixinta la shir tagayaa 150 askari. Qof kasta oo ka mid ah Ciyaalka xaafadda ayuu boqolkii doolar ee la siiyo waxaa uu ku leeyahay Boqolkiiba 20%

“Aniga dhowr bilood kahor waxaa ii yimid nin sarkaal ah waxaana uu iga codsaday inaan ciyaalka xaafadda u qoro oo ay mushaar joogto ah heli doonaan, kaliyana laga rabo inay soo xaadiraan waqtiga Mushaar bixinta haddii loo baahdo. Tuutaha iyo wixii agab ah igu helee. Ugu yaraan waxaad ii soo qortaa 18 ciyaalka xaafadda katirsan,” sidaasi waxaa Hadalsame u sheegay nin dhalinyaro ah oo ku nool degmo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kaasoo diiday inaan magaciisa shaacino. Waxaa uu sheegay Marqaatigasi in isagu labo bilood lacag ku qaadanayay qaabkaas, hase ahaatee hadda uu iska dhaafay markii uu ka cabsaday in qatari uga imaan karto.

Qaybta 12ka April ee ciidamada qalabka sida ayaa inta badan ah kuwa cabashooyinka mushaar la’aanta ay ka yimaadaan.

Warbixinta Hadalsame uu diyaariyay waxaa uu ku ogaaday in musuq-maasuqa ugu xun uu wali ka dhex jiro qaybta 12ka April waxaana saraakiisha Sar Sare ee qaybtaasi wali diwaankooda ku jiro dad aan ka tirsanayn ciidamada qalabka sida kuwaas oo kaliya u jeedka laga leeyahay ay tahay in la soo xaadiriyo waqtiyada mushaar bixinta.

Ilo- xog ogaal ah ayaa u sheegay Hadalsame in guddiga tirakoobka ciidamada qalabka sida ee dowladda ay dhowaan isugu yeereen saraakiisha ciidamada ee labada Shabeelle, kadibna Sarkaal kasta la waydiiyay inuu soo xaadiriyo askarta uu xukumo waayo waxaa loo sheegay in la qaadi doono howlgal Millatari ama duulaan.

Ugu yaraan shan ka mid ah Taliyaasha ciidamada ee amarka la siiyay oo markii hore sheegan jiray in midkiiba uu xukumo in ka badan 150 askari ayaa la soo shir tagay oo keenay wax ka yar 90 askari kiiba, halkaasna waxaa ka soo baxday in tirada inta ka dhiman ay ahaayeen askar ‘Fake’ ah ama been ah, kuwaas oo kaliya Mushaarka lagu qaato.

Dhowaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan qaybta 12ka April ayaa isaga soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanka Dhanaane iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana deegaannadii ay ka baxeen la wareegay ururka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre oo xalay ka jawaabayay cabashada qaar ka mid ah ciidamada ayaa sheegay in arrintaasi aysan wax badan run ka ahayn oo aysan jirin.

’Ma jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda oo diiwaan-gashan oo aan mushaarkiisa la siin, inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaangalin, fadlan geeya goobaha loogu tala-galay, ku diiwaangaliya ku koontaroola, xuquuqdoodana aniga iga soo doona’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

‘’Waxaan rabnaa in lacagta loo qoondeeyay ciidamada ay si toos ah u gaarto oo aan dhaxda laga bixin, kuwa gaaradaha waaweyn heysta waxaa laga rabaa in ay shaqadooda ahaato in shilinkii lagu aaminay dadkii loogu talagalay la gaarsiiyo’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Hadalsame Media

]]>
23062
RW Kheyre: Ma jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda oo diiwaan-gashan oo aan mushaarkiisa la siin https://www.hadalsame.com/2019/03/19/rw-kheyre-ma-jiro-askari-ka-tirsan-ciidamada-dowladda-oo-diiwaan-gashan-oo-aan-mushaarkiisa-la-siin/ Tue, 19 Mar 2019 05:47:48 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=23059 (Muqdisho) 19 Maarso 2019 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay khudbad ka jeedinayay kulan looga hadlayay dardargalinta is dhaxgalka bulshada iyo laamaha Amniga ayaa ka jawaabay cabashada maalmihii ugu danbeeyay ka soo yeereysa qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa sheegay in muddo afar bil aysan helin Mushaarkoodii sida ay sheegeen, hase ahaatee Ra’iisul wasaaraha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ay jiraan ciidamo aan mishaar qaadan afar bilood

RW Kheyre ayaa sheegay in askari walba oo ka tirsan ciidamada dowladda musharkiisa si joogta ah u helo isagoona soo shaaca ka qaaday inay jiraan ciidamo wali aan diiwaangashneyn kuwaa oo hadda la rabo in tirakoob sax ah lagu sameeyo kaddibna la diiwaangaliyo si mushaarkooda ay joogto ugu helaan.

‘’Ma jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda oo diiwaan-gashan oo aan mushaarkiisa la siin, inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaangalin, fadlan geeya goobaha loogu tala-galay, ku diiwaangaliya ku koontaroola, xuquuqdoodana aniga iga soo doona’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in lacagta mushaarka ah ee loogu talagalay ciidamada loo baahan yahay Askari walba inay si toos ah u soo gaarto oo aan gacan kale loo marsiin, isaga oo sheegay in saraakiisha ciidamada lagula xaasbtami doono

‘’Waxaan rabnaa in lacagta loo qoodeeyay wiilashaa ciidamda ah ay si toos ah u gaarto oo aan dhexda laga bixin, kuwa gaaradaha waaweyn heysta waxaa laga rabaa in ay shaqadooda ahaato in shilinkii lagu aaminay dadkii loogu talagalay la gaarsiiyo’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Hadalsame Media

]]>
23059
Jahaweer ka taagan degmada Balcad kadib dagaal culus oo ka dhacay (Faahfaahin) https://www.hadalsame.com/2019/03/19/jahaweer-ka-taagan-degmada-balcad-kadib-dagaal-culus-oo-ka-dhacay-faahfaahin/ Tue, 19 Mar 2019 05:26:33 +0000 https://www.hadalsame.com/?p=23056 (Balcad) 19 Maarso 2019 – Wararka laga helayo degmada Balcad oo qiyaastiii 30KM  dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu xalay ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalkaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa sida la sheegay waxaa urur Al-Shabaab u suuragashay inay qabsadaan qaybo badan oo ka tirsan degmada iyagoona ku guuleystay inay xabsiga Magaalada ka sii daayaan Maxaabiis badan.

Xarunta degmada ayaa la sheegay sidoo kale in Shabaabku qabsadeen waxaana wararku sheegayaan in dagaalku uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac kala gaaray.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Hirshabelle ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkaan kaga yimid Al-Shabaab oo degmada kasoo galay labo jiho.

xaalada degmada Balcad ayaa saakay waxaa ka jira jahawareer baahsan waxaana dadkii degmada ka carareen xalay fiidkii hore iyadoona la sheegayo in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay si iskood ah kaga baxeen degmada.

Ciidamada dowladda oo dib isu soo arruursaday ayaa la sheegaya inay ku sugan yihiin daafaha iyo qaybo ka mid ah degmada Balcad.

Majiro war ka soo baxay madaxda Maamulka Hirshabelle iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hadalsame Media

]]>
23056