Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Ikraam Cali – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Fri, 03 Aug 2018 20:20:48 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 Aad bay u da’ yar tahay misna xabsi daa’in ayaa lagu xukumay! (Sababtu maxay tahay?) https://www.hadalsame.com/2018/08/03/dalka-ingiriiska-oo-gabadhii-ugu-dada-yareeyd-oo-xabsi-daain-qoorta-loo-suray-sababtu-maxay-tahay/ Fri, 03 Aug 2018 20:18:36 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6760 (London) 03 Agoosto 2018  Maxkamad ku taala dalka Ingiriiska, ayaa maanta xabsi daa’in ku xukuntay Safa Boular oo ah gabar ka tirsan kooxda Daacish oo dooneeysay ineey qarxiso madxaf ku yaalla London.

Gabadhan oo ah gabadhii ugu da’da darayd taariikhda dalkaasi oo xabsi daa’in lugu xukumo iyadoo ay da’deedu tahay 18 jir.

Bishii Maajo ee sanadkii hore ayey Safa maxkamada ka qirtay ineey dooneeysay ineey aad Suuriya islamarkaasina guursato nin lugu magacaabo Nawid Xuseen oo ay labbo sanno ka hor ka baratay barta internet-ka.

Hase ahaatee Xuseen ayaa lugu dilay dilay gudaha Suuriya, waxaana  ay Safa biloowday markaa kaddib ineey sameeyso qorsheyaal ficliyan u socon waayey oo ah ineey qaraxyo ka geeysato goobaha caamka ah ee dalkaasi gaar ahaan Madxafka weyn ee London.

Dhinaca kale Safa ayaa maxkamada horteeda ka qiratay in walaasheed iyo hooyadeed ay gacan ku siinayeen siddii loo fulin lahaa howlgalka ay doonayeen ineey ku galaaftaan nolosha dad badan.

Hadalsame Media

]]>
6760
DAAWO: Saxaafadda oo hadal haysa dhallinyaro madow ah oo nin caddaan ah ku jeedlaya jidadka Barcelona https://www.hadalsame.com/2018/08/03/daawo-saxaafadda-oo-hadal-haysa-dhallinyaro-madow-ah-oo-nin-caddaan-ah-ku-jeedlaya-jidadka-barcelona/ Fri, 03 Aug 2018 15:06:05 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6718 (Barcelona) 03 Agoosto 2018 – Waxaa soo baxaya muuqaal laga noxo oo muujinaya dalxiise Maraykan ah oo lagu jeedlayo jid ka mid ah magaalada Barcelona.

Ninkan oo da’ dhexaad u muuqda ayaa waxaa helay koox ciyaal foowdo ah oo madow ah, kaddib markii uu isku dayay inuu kala dhex galo oo kala hadlo sida la yiri haweenay ay aflagaadaynayeen meesha la yiraahdo Plaça de Catalunya.

Waxaa muuqaalka ka muuqda ninka oo 45-jir lagu qiyaasay oo ay eryanayaan dhallinyaradu kuwaasoo feer, haraati, jeedal iyo waxyaabo kale iskugu darayay.


 

 

 

Hadalsame Media

 

 

]]>
6718
WAR CUSUB: Denmark oo laga mamnuucay xirashada Niqaabka https://www.hadalsame.com/2018/08/01/war-cusub-denmark-oo-laga-mamnuucday-xirashada-niqaabka/ Wed, 01 Aug 2018 22:52:30 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6564 (Copenhagen) 02 Agoosto 2018 – Dalka Denmark, waxaa tan iyo horaantii sanadkan ka taagnaa dood la xirriirta siddii loo meel marin lahaa sharci mamnuucaya xirashadda Niqaabka.

Hase ahaatee haatan ayaa waxaa si rasmi ah u dhaqan galay sharcigaasi ka dhanka ah xirashada Niqaabka, gaar ahaan goobaha caamka ah. Haweenka lugu arko iyagoo xiran Niqaabka ayaa mudan doona ganaax dhan 10,000 karoon oo lacagta Deenish-ka ah.

Xisbigga xag-jirka ah ee Dansk Folkepartis, oo hindisahan lugu mamnuucayo Niqaabka horboodayey, ayaa watay qorshe kale oo xabsiga loogu dhaadhicinayo ciddii u hogaansami waysa sharciga ka dhanka ah Niqaabka, balse waayey taageero iyo cod, iyadoo loo arkayey ineey tahay arrin aad u xag-jirta. Hindisahan ayaa markii dambe noqday mid aan laga soo qaadin meeshii looga dooday.

Sharcigan maanta ka dhaqan galay dalka Denmark, ayaa noqonaya mid uu kaga dayday dalka Faransiiska oo awal horey u mamnuucay xirashada Niqaabka sanadkii 2011-kii. Ugu dambeyntiina Norway ayaa iyadana hirgelisay sharci diidaya in Niqaabka lugu xirto goobaha iskuulada iyo waxbarashada iyo ardeyda macalimiinta laftooda.

 

Hadalsame Media

]]>
6564
NORWAY: Wiil Soomaali ah oo aabihii dilay oo xukun la yaab leh lagu ridey! https://www.hadalsame.com/2018/06/10/norway-wiil-soomaali-aabihii-dilay-oo-lugu-xukumay-in-lugu-hayo-goobaha-dadka-dhimirka-laa/ Sun, 10 Jun 2018 21:46:51 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=1442 (Oslo) 10 Juun 2018 – Magaalo la yiraahdo Asker oo ku taala dalkaasi Norway, ayaa maxkamad ku taala waxaa ay wiil soomali ah ku xukuntay in lugu hayo goobaha dadka dhimarka ka xanuunsan.
Wiilkan ayaa waxaa uu dil u geeystay sanadkii 2016-kii.

Hase ahaatee kooxaha caafimaadka u qaabilsan kuwa geeysta falal dambiyeedka ayaa sheegaya in wiilkani aannu xanuunsaneyn maskaxiyan ee uusan u baahneyn xarrumahooda lugu hayo. Maxkamadu waxaa ay ku adkeeysatay xukunkeeda kuna dooday in xilliga falkan dhacayey aan maskaxdiisa joogin. Ma ahan markii ugu horeeysay oo dhalinayaro dalkaasi ku nool ay dil u geeystaan waalidkood. Sanad ka hor ayey aheyd markii gabar dhalinyarro ahi ay mindi ku dishay hooyadeed.

Hadalsame Media

]]>
1442
Sweden oo la daala dhaceeysa dab ka baxaya keymo kuleyl dartiis la gubtay https://www.hadalsame.com/2018/06/10/sweden-oo-la-daala-dhaceeysa-dab-ka-baxaya-keymo-kuleyl-dartiis-la-gubtay/ Sun, 10 Jun 2018 16:18:00 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=1438 (Stockholm) 10 Juun 2018 – Maalmihii ugu dambeeyey ayaa dalkaan Sweden, waxaa qeybo ka mid ah ka baxayey dab qabsaday keeymaha goboladda qaar, kuwaas oo la holcay dab la sheegay ineey sababeen kuleeylka daran ee maalmahan ka jiray.

Galabta gelinkii dambe ayaa waxaa hakad lugu sameeyey tareenadda u baxda goboladda dalka, kuwaas oo keeymaha holcaya ay sabab u yihiin. Deegaanka Edsvalla goboladda Värmland, waxaa mara tareen ka baxa caasimadda labaad hase ahaatee waaxda gaadiidka amreen in la hakiyo.

Bishii ina dhaaftay ee meey waxaa aheyd bishii ugu kuleyl ee muddo ku dhawaad boqol sanno ah. Dabka keeymahan ka kacay ayaa waxaa jira warar soo baxay oo sheegaya in haweeney ay si kutala gal ah keeymaha dab u qabadsiisay. Haweeneydan oo haatan boolisku xireen su,aalana laga weeydiinayo.

Hadalsame Media

 

Hadalsame

]]>
1438
Mareykanka oo howgalo ka fuliyey deegaanadda Puntland https://www.hadalsame.com/2018/06/04/mareykanka-oo-howgalo-ka-fuliyey-deegaanadda-puntland/ Mon, 04 Jun 2018 16:38:50 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=924 (4 june- 2018) Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyadoo la shaqeyneysa dowladda Soomaaliya ay duqeymo ka geeysteen goob ku taala duleedka magaalada Boosaaso.

Taliska ciidamada Mareykanka ee qeybtiisa Afrika (AFRICOM) qoraal ay soo saareen ku sheegeen in weerarkaas ay ku dileen dagaalyahano katirsan kooxda Alshabab.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in aannu qasaaro kasoo gaarin rayidka. Mareykanka ayaa dhinaca kale sheegay in siiwadayaan talaabooyin ka dhan ah kooxdaas si loo ilaaliyo danaha Mareykanka ee gobolka. Ugu dambeyntiina howlgalkan ayaa la sheegay in lala kaashanayo ama lugula midoobayo ciidammadda soomaalida iyo Amisom si looga hortago weerarada kooxahan lana bur buryo goobaha ay ku tababartaan.

Hadalsame

]]>
924