Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Haaruun Khasaaro – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Mon, 02 Jul 2018 17:53:35 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 RASMI: Kooxda Arsenal oo ku dhawaaqday saxiixa Sokratis Papastathopoulos – (Lambarkee u xiran doonaa Gunners?) https://www.hadalsame.com/2018/07/02/rasmi-kooxda-arsenal-oo-ku-dhawaaqday-saxiixa-sokratis-papastathopoulos-lambarkee-u-xiran-doonaa-gunners/ Mon, 02 Jul 2018 17:53:35 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=3770 (London) 02 Luulyo 2018 – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku dhawaaqay inay dhammaystiray saxiixa difaaca Sokratis Papastathopoulos, kaasoo ay kala soo wareegeen Borussia Dortmund.

Xiddiga xulka qaranka Greek ayaa heshiis waqti dheer ah oo aan qiimihiisa la shaacin ugu soo biiray kooxda Gunners, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu London ku yimid adduun dhan 17.6 milyan oo gini.

Difaacan qibradda leh ayaana u soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Werder Bremen, AC Milan, Genoa iyo AEK Athens.

Sokratis ayaa kooxdiisa cusub ee Gunners u xiran doona maaliyadda lambarka 5-aad, waxaana uu sidoo kale qibrad u leeyahay ciyaaraha caalamiga ah, isagoo xulkiisa qaranka Greece u saftay 79 kulan.

Markii uu si rasmi ah uga mid noqday kooxda Arsenal ayuu website-ka rasmiga ah ee kooxda reer London u sheegay: “Wax waliba waa kuwo gaar ah, waana waqti qurux badan.”

Hadalsame Media

]]>
3770
Rikoorradii laga diiwaan geliyey kulankii xulka Brazil uu guusha ka gaaray Mexico https://www.hadalsame.com/2018/07/02/rikoorradii-laga-diiwaan-geliyey-kulankii-xulka-brazil-uu-guusha-ka-gaaray-mexico/ Mon, 02 Jul 2018 17:28:21 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=3767 (Samara) 02 Luuliyo 2018 – Xulka qaranka Brazil ayaa iska xaadiriyey wareegga siddeed dhammaadka Koobka Adduunka 2018, kaddib markii ay 2-0 ku dardareen Mexico.

Xulka Brazil ayaa labada gool ee ay guusha kaga heleen Mexico waxaa u kala dhaliyey qeybtii labaad ee ciyaarta Neymar iyo Roberto Firmino.

Neymar ayaa kulankan gool hore dhaliyey 51’daqiiqo, waxaana uu kan labaad ee kulankan uu ka caawiyey saaxiibkiis Firmino.

Haddaba halkaan hoose ka eeg rikooraddii laga diiwaan geliyey kulankan:-

>- Xulka qaranka Mexico ayaa lagu reebay wareegga 16-ka Koobka Adduunka mid kasta oo ka mid ah todobadii Koob Adduun ee ugu dambeeyey (1994, 1998, 2002, 2006, 2010, 2014 & 2018).

>- Goolhayaha xulka qaranka Mexico ee Guillermo Ochoa ayaa kulankan uu wajahay Brazil sameeyey 7 badbaadin, halka kulankii Germany ay wajaheen uu goolhaye Ochoa uu sameeyey 9 badbaadin.

>- Neymar ayaa dhaliyey goolkiisii 57-aad 89 kulan oo uu u saftay xulkiisa qaranka Brazil, welina waa 26 sano jir oo waa uu sii dheereysan karaa goolasha qarankiisa.

>- Neymar ayaa hal gool ka dhaliyey heerka bug-baxa (knockout) Koobka Adduunka waana in ka badan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo isku dar aan wax gool ah ka dhalin heerka bug-baxa Koobka Adduunka.

>- Neymar ayaa dhaliyey 6 gool oo ka yimid 38-dii shuut ee ugu dambeeyey oo uu ka sameeyey Koobka Adduunka.

>- Rafael Marquez ayaa 148 kulan u saftay xulka qaranka Mexico shantii Koob Adduun ee ugu dambeysay.

Hadalsame Media

]]>
3767
WARBIXIN: Mesut Ozil oo doonaya inuu iska bedelo lambarka uu u qaato kooxda Arsenal – Midkee doonayaa inuu u xirto Gunners? https://www.hadalsame.com/2018/06/23/warbixin-mesut-ozil-oo-doonaya-inuu-iska-bedelo-lambarka-uu-u-qaato-kooxda-arsenal-midkee-doonayaa-inuu-u-xirto-gunners/ Sat, 23 Jun 2018 16:01:52 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=2898 (London) 23 Juun 2018 – Sida wararku ay sheegayaan Mesut Ozil ayaa doonaya inuu qaato lambarka 10-aad ee kooxda Arsenal, kaddib markii xiddiga khadka dhexe ee Jack Wilshere oo lambarkaas u qaadan jiray kooxda uu si rasmi ah uga tagay Gunners.

Horraantii todobaadkan, Wilshere ayaa xaqiijiyey inuu isaga tagayo Gunners marka uu dhammaado qandaraaskiisa dhammaadka bishaan.

Wilshere ayaa u xiranayey lambarka 10-aad kooxda Arsenal tan iyo markii Robin van Persie uu iska siibay lambarkaas markii uu ku biiray Manchester United bishii Agoosto sanadkii 2012-kii.

Sida uu warinayo Wargeyska Daily Mail, Ozil ayaa haatan doonaya inuu xirto lambarka 10-aad ee Gunners kaasoo uu banneeyey Wilshere.

Ozil ayaa u xiran lambarka 11-aad ee kooxda Arsenal tan iyo markii uu kaga soo biiray adduun dhan 42.5 milyan oo gini naadiga Real Madrid sanadkii 2013-kii, laakiin xiddigan khadka dhexe ayaan wax qarsoodi ah ka dhigin inuu doonayo inuu xirto lambarka 10-aad ee Gunners.

Ozil ayaa u xirta xulkiisa qaranka Jarmalka lambarka 10-aad, halka sidoo kale uu lambarkan xiran jiray intii lagu guda jiray waqtigiisii kooxda Real Madrid.

Dhowr ciyaaryahan oo kooxda Arsenal ah ayaa laga bedelay lambarada ay kooxda u qaadan jireen, lambaro cusub ayayna kooxda u xiran doonaan xilli ciyaareedka cusub.

Hector Bellerin ayaa xiran doona lambarka 2-aad ee kooxda, halka goolhaye Petr Cech la siiyey maaliyadda lambarka 1-aad, Mohamed Elneny ayaa qaatay lambarka 4-aad, halka Ainsley Maitland loo dalacsiiyey lambarka 15-aad.

Dhinaca kale saxiixa cusub ee kooxda Arsenal, Stephan Lichtsteiner ayaa la siiyey lambarka 12-aad.

HADDABA HALKAAN HOOSE KA EEG XIDDIGA LAMBARKA 10-AAD U SOO XIRTAY TAARIIKHDA KOOXDA ARSENAL:-

Jack Wilshere | 2012/13 – 2017/18

Robin van Persie | 2010/11 – 2011/12

William Gallas | 2006/07 – 2009/10

Dennis Bergkamp | 1995/96 – 2005/06

Paul Merson | 1988/89 – 1994/95

Kevin Campbell | 1991/92

Gus Caesar | 1989/90

Perry Groves | 1986/87 – 1989/90

Charlie Nicholas | 1983/84 – 1986/87

Ian Allinson | 1986/87

Tony Woodcock | 1982/83 – 1985/86

Raphael Meade | 1984/85

Brian McDermott | 1980/81 – 1982/83

David Price | 1979/80

Frank Stapleton | 1977/78

Hadalsame Media

]]>
2898
Dalkee lagu qaban doonaa isku aadka wareegga koowaad ee EFL Cup xilli ciyaareedka soo socda? https://www.hadalsame.com/2018/06/12/dalkee-lagu-qaban-doonaa-isku-aadka-wareegga-koowaad-ee-efl-cup-xilli-ciyaareedka-soo-socda/ Mon, 11 Jun 2018 23:04:04 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=1590
(Ho Chi Minh) 11 Juun 2018 – Xiriirka EFL ayaa xaqiijiyey in Waddanka Vietnam lagu qaban doono isku aadka wareegga koowaad ee tartanka EFL Cup-ka xilli ciyaareedka soo socda.
 
Tani waxa ay ka dhigan tahay in sanadkii labaad oo xiriir ah dhacdadaan lagu qabanayo Bariga fog, kaddib markii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isku aadyada wareegga koowaad iyo kan saddexaad ee tartankan lagu kala qabtay Waddamada Thailand iyo China.
 
Waxaa isku aadka EFL Cup sanadkaan lagu qaban doonaa Jimcaha Magaalada Ho Chi Minh, ciyaartoydii hore ee tartankan ku guuleystay ee Steve McManaman, Louis Saha iyo Dennis Wise ayaa ka qeyb qaadanaya isku aadkan.
 
Todobatan kooxood ayaa loo sameyn doonaa isku aadka EFL Cup, waxaana la ciyaari doonaa todobaadka koowaad ee 13-ka bisha Agoosto.
 
West Bromwich Albion ayaa ku jirta kooxaha isku aadkan loo qabanayo, halka kooxaha ku cusub Championship-ka ee Stoke City iyo Swansea City ayaa tartankan kaga soo biiri doona wareegga labaad si la mid ah kooxaha Premier League ee aan ka qeyb qaadan doonin tartammada Yurub.
 
Kooxda Manchester City ayaa difaacanaysa EFL Cup oo ku guuleystay tartankan bishii Febraayo markii ay garoonka Wembley ku garaacday kulankii Final-ka naadiga Arsenal.
 

Hadalsame Media

]]>
1590
Kooxda Manchester United oo la ciyaaraysa Bayern Munich… (Goormee iyo Goobtee?) https://www.hadalsame.com/2018/06/11/kooxda-manchester-united-oo-la-ciyaaraysa-bayern-munich-goormee-iyo-goobtee/ Mon, 11 Jun 2018 20:55:53 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=1560 (Manchester) 11 Juun 2018 – Kooxda Manchester United ayaa xaqiijisay inay kulamadooda isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub ku soo xiri doonaan kulan saaxiibtinnimo oo ay la dheeli doonaan Bayern Munich 05 bisha Agoosto.

Man United ayaa horay u shaacisay inay la kala ciyaari doonto Kooxaha Club America, San Jose Earthquakes, AC Milan, Liverpool iyo Real Madrid inta lagu guda jiro safarkooda xagaaga ee Mareykanka.

Kulanka ay la ciyaari doonaan Bayern ayaa imaan doona kaddib marka ay soo dhammaystaan safarkoodaas, kooxda macallin Jose Mourinho ayaana u safri doonta garoonka Allianz Arena kulankooda ugu dambeeya ee iskululeynta.

Guddoomiye ku xigeenka fulinta Man United ee Ed Woodward ayaa warkan u xaqiijiyey website-ka rasmiga ah ee kooxdiisa.

Waxa ay noqon doontaa markii ugu horreeyey oo ay labadaan kooxood kulmaan tan iyo bishii Abriil sanadkii 2014-kii, markaasoo kooxdii uu watay macallin David Moyes ee Man United ay la ciyaareen Bayern siddeed dhammaadka tartanka Champions League.

Hadalsame Media

]]>
1560
Nabil Fekir oo doortay lambarkii uu u xiran lahaa kooxda Liverpool ka hor inta uusan burburin heshiiskii uu ku imaan lahaa Anfield https://www.hadalsame.com/2018/06/11/nabil-fekir-oo-doortay-lambarkii-uu-u-xiran-lahaa-kooxda-liverpool-ka-hor-inta-uusan-burburin-heshiiskii-uu-ku-imaan-lahaa-anfield/ Mon, 11 Jun 2018 20:31:59 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=1545 (Liverpool)  11 Juun 2018 – Weeraryahanka kooxda Lyon ee Nabil Fekir ayaa la soo warinayaa inuu doortay lambarka maaliyadda uu u xiran lahaa Liverpool ka hor inta uusan burburin heshiiskii uu ku imaan lahaa garoonka Anfield.

Reds ayaa ku dhawaatay inay la wareegto wiilka reer France iyadoo xitaa la wariyey inuu tijaabada caafimaad u maray, balse heshiiska ayaa burburay goor dambe.

Wargeyska L’Equipe ayaa warinaya in Liverpool ay u ogolaatay Fekir inuu doorto lambarka funaannada ee uu doonayo inuu kooxda u qaato.

Warbixintu ma muujinayso lambarka Fekir uu doortay, laakiin lambarka 10-aad eeweli aan laga qaadan garoonka Anfield oo bannaan ayaa loo badinayaa inuu yahay lambarka uu doortay Fekir.

Hadalsame Media

]]>
1545
DEG DEG: Kooxda Lyon oo bayaan ka soo saartay wadahalladii Liverpool ee Nabil Fekir – Miyuu Fekir ku biirayaa Reds? + Sawirro https://www.hadalsame.com/2018/06/09/deg-deg-kooxda-lyon-oo-bayaan-ka-soo-saartay-wadahalladii-liverpool-ee-nabil-fekir-miyuu-fekir-ku-biirayaa-reds/ Sat, 09 Jun 2018 19:29:52 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=1337 (Lyon) 09 Juun 2018 – Kooxda kubadda cagta Lyon ayaa ku dhawaaqday inay soo gabagabaysay wada-xaajoodkii ay kula jirtay Liverpool oo ku aadanaa iibka Nabil Fekir, weeraryahanka ayaana sii joogi doona kooxda reer France.

24-sano jirkaan ayaa loo badinayey inuu ku biirayo Reds, iyadoo warkiisu uu haystay todobaadkan Saxaafadda isboortiga oo idil, waxaana soo baxay in xitaa uu Fekir tijaabada caafimaad u maray kooxda ka dhisan horyaalka Premier League.

Isagoo galabta oo Sabti ah la hadlayey Warbaahinta, Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Faransiiska Noel Le Graet ayey u muuqatay inuu xajiiyey in heshiiska uu Fekir ugu biirayo Liverpool uu gabagabo yahay, waxaana uu sheegay in ciyaaryahanku uu ka gudbay tijaabadii caafimaad oo uu Liverpool ugu maray xarunta kubadda cagta ee xulka qaranka Faransiiska.

Heshiiska uu Liverpool ugu biiri lahaa Fekir ayaa la warinayey inuu yahay 60 milyan oo gini, yeelkeede kooxda Lyon ayaa go’aansatay inay daqiiqadii ugu dambeysay soo gabagabayso sheekadaas kaddib markii la soo wariyay in Liverpool ay isku dayday inay hoos u dhigto lacagta lagu heshiiyay.

“Olympique Lyonnais waxa ay xaqiijinaysaa in wada-xaajoodkii noo dhexeeyey Liverpool oo ku aaddanaa iibka Nabil Fekir uusan guuleysan, Kabtanka Lyon waa uu sii joogi doonaa, kooxda Olympique Lyonnais waxa ay go’aansatay inay joojiso wada-xaajoodyadan 20:00 [CET] caawa Sabti ah.” ayuu u dhignaa mayaan ay soo saartay kooxda Faransiiska.

“Inkastoo Liverpool ay mudnaanta koowaad ee suuqa siineyso Nabil, islamarkaana ay Nabil iyo Olympique Lyonnais xiiso ka helayaan kooxo waa-weyn, Olympique Lyonnais ayaa ku faraxsan inay awoodaan inay ku xisaabtamaan joogitaanka kabtankooda, kaasoo hormuud u noqon doona naadiga xilli ciyaareedka 2018/19 marka kooxdu ka ciyaari doonto Champions League.”

Fekir, kaasoo noqon lahaa saxiixii labaad ee ugu qaalisanaa kooxda Merseyside-ka kaddib Virgil van Dijk ayaa haatan isku diyaarinaya Koobka Adduunka, waxaana uu ka mid yahay 23-ka xiddig ee xulka qaranka Faransiisku uu u soo xushay dhacdadaas.

Hadalsame Media

]]>
1337
Kooxda Real Madrid oo macallinkeeda cusub magacaabanaysa ka hor Koobka Adduunka https://www.hadalsame.com/2018/06/09/kooxda-real-madrid-oo-macallinkeeda-cusub-magacaabanaysa-ka-hor-koobka-adduunka/ Sat, 09 Jun 2018 18:59:32 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=1330 (Madrid) 09 Juun 2018 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay ku dhawaaqi doonto macallinkeeda cusub ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka 2018.

Jariiradda AS ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in Los Blancos ay qorsheynayso inay ku dhawaaqdo bedelka Zinedine Zidane ka hor Koobka Adduunka, si uu tababaraha cusub ugu diyaar-garoobo xilli ciyaareedka curanaya.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegay in Koobka Adduunka uu hoos u dhigi doono soo bandhigista macallinkeeda cusub, laakiin waxaa la warinayaa inay magacaabi doonaan macallinkooda ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka.

Zidane ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii tababarenimo ee uu ka hayay kooxda Real maalmo kaddib markii 3-1 ay guul kaga gaareen Liverpool kulankii Final-ka Champions League.

Koobka Adduunka ayaa shan maalmood kaddib ka bilaaban doona dalka Ruushka, Real Madrid ayaana la filayaa inay waqtigaas ka hor ku dhawaaqdo Macallinkeeda cusub, wararkii ugu dambeeyey maanta ayaana sheegaya in macallinka xulka qaranka Brazil ee Tite uu ka mid yahay musharraxiinta macallinka cusub ee Los Blancos.

Hadalsame Media

]]>
1330
Maxay tahay sababta ay Shirikadda Nike u diidday inay Kabaha Isboortiga siiso xulka qaranka Iran ee ka qayb galaya Koobka Adduunka? https://www.hadalsame.com/2018/06/09/maxay-tahay-sababta-ay-shirikadda-nike-u-diidday-inay-kabaha-isboortiga-siiso-xulka-qaranka-iran-ee-ka-qayb-galaya-koobka-adduunka/ Sat, 09 Jun 2018 18:59:00 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=1333 (Beaverton) 09 Juun 2018 – Shirikadda qalabka Isboortiga farsamaysa ee Nike ee laga leeyahay Waddanka Mareykanka ayaa shaacisay in aysan xulka Iran siin doonin Kabaha gaarka ah ee ay ugu talo gashay inay ku ciyaaraan ciyaartoyda ku tartami doonta ciyaaraha Adduunka 2018.

Warbixintan ka soo baxday Nike ay shirikaddu ku sheegtay in ay go’aankaasi qaateen iyagoo raacaya cuna qabateyntii uu Madaxweynaha Waddanka Mareykanka ee Donald Trump saaray dalka Iran.

Trump ayaa bishii la soo dhaafay waxa uu ka baxay heshiiskii 2015 Mareykanka iyo dalalka Yurub ay la galeen Iran ee ku aaddanaa Barnaamijka Nukliyeerka.

Sidaasi darteed iyadoo shirikaddu raacayso go’aankii Madaxweyne Trump ayey diiday inay kabaha ay farsameyso siiso xulka qaranka Iran.

Macallinka xulka qaranka Iran ee Carlos Queiroz ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay go’aanka ay Shirikadda Nike qaadatay, xilli maalmo kooban uu ka haray furitaanka Koobka Adduunka 2018 ee lagu qabanayo Waddanka Ruushka.

Waa markii shanaad oo uu xulka Iran u soo gudbayo Koobka Adduunka, waxaana uu sanadkan filanayaa inuu guulo wax ku ool ah ka keeno dhacadada ugu weyn kubadda cagta.

Xulka qaranka Iran ayaa guruubka B ee Koobka Adduunka kula jira xulalka Morocco, Spain iyo Portugal.

Hadalsame Media

]]>
1333
KA2018: Cristiano Ronaldo oo hoggaaminaya xulka qaranka Portugal ee gaaray dalka Ruushka… + SAWIRRO https://www.hadalsame.com/2018/06/09/ka2018-cristiano-ronaldo-oo-hoggaaminaya-xulka-qaranka-portugal-ee-gaaray-dalka-ruushka-sawirro/ Sat, 09 Jun 2018 17:18:42 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=1322 (Moscow) 09 Juun 2018 – Xulka qaranka Portugal ayaa goordhow gaaray Waddanka Ruushka, halkaasoo ay kaga qeyb-galayaan ciyaaraha Koobka Adduunka 2018.

Kaddib guushoodii Euro 2016 oo lagu qabtay Waddanka Faransiiska waxa ay xulka Portugal doonayaan inay guul ka soo hooyaan Koobka Adduunka sanadkan kaasoo uu marti galinayo Dalka Ruushku.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa hoggaaminayey xiddigaha xulka qaranka Portugal ee goordhow gaaray Waddanka Ruushka.

Xulka Horyaallada Yurub waxa uu ka soo duulay gedada caalamiga ah ee Humberto Delgado Airport oo ku yaalla caasimadda Portuguese-ka ee Lisbon, waxaana ay goor-dhawayd cago-dhigteen Waddanka Ruushka.

Taageerayaal dhowr ah oo boorar iyo Sawirrada ciyaartoyda qaarkood gacmaha ku sitay ayaa ku soo dhaweeyey xulka Portugal garoonka diyaaradaha.

Xiddiga xulka qaranka Portugal ee gaaray dalka Ruushka waxaa ka mid ah Cristiano Ronaldo, A. Silva, Pepe, Ricardo Quaresma iyo kuwo kale.

SAWIRRO:

Hadalsame Media

]]>
1322