Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8
Ninkan oo la hadlayay RIA Novosti Khamiistii, Andrey Klimov, oo u shaqeeya madaxa guddiga Senate-ka ee Ruushka ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka, ayaa dhaleeceeyay tallaabadaas, isagoo ku adkeystay in “hubka badan ee Ukraine la keenayaa ay lafteedu tahay daandaansi iyo qayb kicin ah. ”
“Ankara kuma fashilmi karto inay tan fahamto, laakiin si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado,” ayuu raaciyay, isagoo ku andacoonaya in ay jirto khatar ka jirta koonfurta bari ee Ukraine iyo in ay colaado u dhici karaan “si kedis ah ama ku lug lahaanshaha qolyo daandaani wada.”
“Nasiib darrose, waxaa jirta khatar ah in ‘dafooyinka’ ku sugan Kiev laga yaabo inay bixiyaan amar ah in laga faa’iidaysto xaaladdan.” ayuu ka digey Klimov.
Sida laga soo xigtay siyaasigan, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa isku dayaya inay ka faa’iideystaan dhaqaale ahaan iyaga oo kor u qaadaya hubkooda, laakiin sidoo kale waxay doonayaan inay noqdaan “rag ku jira ciyaartan wayn” ee xiisadaha Bariga Yurub.
Hadalsame Media
]]>