Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/index.php:52) in /customers/a/c/1/hadalsame.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Afnaan – Hadalsame Media https://www.hadalsame.com Hadalsan iyo Hawraarsan Mon, 06 Aug 2018 07:20:39 +0000 en-GB hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.4.3 147129275 DHEGEYSO: Wasaarada arimaha gudaha Puntland oo digniin u dirtay shacabka maamulkaas https://www.hadalsame.com/2018/08/06/dhegeyso-wasaarada-arimaha-gudaha-puntland-oo-digniin-u-dirtay-shacabka-maamulkaas-sababta/ Mon, 06 Aug 2018 07:17:45 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6987 (Muqdisho) 06 Luulyo 2018 – Deegaanada uu ka arimiyo maamulka puntland dadka ku nool ayaa loou yeeray inay joojiyaan xadgudubka dadka kasoo jeeda Oromada ee dalka itoobiya, hadal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa loogu baaqay shacabka maamulkaasi in aanay ku xad gudbin Oromada.

Agaasimaha Qaxootiga ee wasaarada gudaha Burhaan Huurse Xaashi ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta wuxuu ku sheegay in qaxootiga ku sugan deegaannadooda ay si nabadgalyo ah ku joogaan.

Waxa uu sheegay in shacabka la doonayo iney ixtiraamaan dadkan dalkooda kasoo barakacay, islamarkaana soo miciin badan iney yimaadaan deegaannada maamulkaasi.

Dhanka kale, waxa uu agaasimahan beeniyey in ay jirto dad Oromo ah oo lagu diley magaalada Boosaaso.

Waxaa jiray muuqaallo baraha bulshada dhex socda kuwaasi oo ah dhallinyaro Oromo lagu sheegay oo  la dilayo, lana sheegayo in lagu dilay Boosaaso.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Hadalsame Media

]]>
6987
DHEGEYSO: Ganacsato dalbatay in la badbaadiyo naftooda + Sababta https://www.hadalsame.com/2018/08/06/dhegeyso-ganacsato-dalbatay-in-la-badbaadiyo-naftooda-sababta/ Mon, 06 Aug 2018 07:06:14 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6983 (Muqdisho) 06 Luulyo 2018 – Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka dalbatay iney badbaadiso nafta iyo hantida ganacsata Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in xilligaan ay jirto Qatar badan.

Xoghayaha rugtan ahna guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta wuxuu ugu horreyn kaga hadlay dil Muqdisho loogu geystay ganacsade Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay ka rug ahaan iney aad uga xunyihiin wiilka dhallinyarada ah ee hammiga lahaa in la dilo iyadoo aanay jirin cid uu wax ka galabsaday.

Sidookale, waxa uu tilmaamay in dowladda mas’uuliyad weyn ka saaran tahay iney la socoto amniga ganacsatada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Hadalsame Media

]]>
6983
Aqri: Dadka ookiyaalaha qaata oo ka caqli badan kuwa aan wadan ! https://www.hadalsame.com/2018/08/06/aqri-dadka-ookiyaalaha-qaata-oo-ka-caqli-badan-kuwa-aan-wadan/ Mon, 06 Aug 2018 06:57:35 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6980 (Muqdisho) 06 Luulyo 2018 – Daraasad Ingiriis ah oo dhawaangal ah ayaa daahrogtay in dadka ookiyaalaha indhaha qaataa  ay ka caqli badan yihiin asaagood.

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Edinburgh ayaa baaritaan ku sameeyay xogta  genetic-ka dad ka badan 44,480 qof.

Cilmi-baarayaashu waxey heleen in dadka caqliga lagu yaqaanno 30% ay lahaayeen genetic tilmaaameysa iney u baahan yihiin ookiyaale akhris si ka badan kuwa ka garaadka hooseeya.

Daraasaddan ayaa lagu faafiyay Journal-ka Nature Communications, sidaas oo kale waxaa lagu daahroga in  genetic garashada ay kaalin muhiim ah ka ciyaarto hagaajinta caafimaadka wadnaha iyo xididada dhiigga.

Dr Gail Davies oo ka tirsan xarunta “Congnitive Ageing iyo Cognitive Epidemiology” ee jaamacadda Edinburgh oo hoggaaminayay cilmi-baaristan ayaa yiri: “Daraasaddan, waa tii ugu ballarneyd ee laga sameeyo genetic garashada, waxaa lagu xadiday kala duwanaanshiyo genetic ah oo keena in la kala dhaxlo xirfadda (thinking skills) ku saabsan fikirka.

“In la daahrogo saameynta genetic-ga uu ku leeyahay caafimaadka iyo garaadka, uu keeni karo in la daahrogo waxyaabaha saameeya kala duwanaanshiyaha dadka ay ku kala duwan yihiin thinking skills.”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ka qeybgalayaashii daraasaddan ayaa waxaa loo qeybiyay dhowr kooxood, waxaana la marsiiyay dhowr imtixaan oo ku saabsan dhanka fikirka oo darajoojin lagu bixinayay. sidaas oo kale waxaa la marsiiyay baaritaanno genetic ah oo la baaray DNA-dooda.

Hadalsame Media

 

]]>
6980
Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay khasaaraha weerarkii maqaayada Somali Coffee https://www.hadalsame.com/2018/08/06/maamulka-gobolka-banaadir-oo-ka-hadlay-khasaaraha-weerarkii-maqaayada-somali-coffee/ Mon, 06 Aug 2018 06:47:52 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6977 (Muqdisho) 06 Luulyo 2018 – Maamulka gobolka banaadir ayaa hadal kasoo saaray weerarkii xalay ka dhacay goob maqaayad ah oo dadku ka cunteeyaan oo ku taala wadada maka almukarama.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa  ka dhacay maqaaxida Somali Coffee oo ku taalla wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Shaneemo Somali.

Wuxuu sheegay Afhayeenka inay ku geeriyoodeen ilaa Afar qof oo uu ku jiro ninkii gaariga kaxeynayay, halka ay ku dhaawacmeen ilaa Todobo qof oo kale oo dhammaantood shacab ahaa.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo markii ciidanka Boolis Millataria lagu wareejiyay ammaanka magaalada Muqdisho, kadib markii la xareeyay ciidankii nabad sugidda.

Tiro dhaawacya qaba ayaa jiifa isbitaalka banaadir, halkaas oo loogu samenayo daryeel caafimaad , si xaaladooda loola tacaalo.

Hadalsame Media

]]>
6977
Aqriso: Magacyada wasiirada cusub ee uu reysal wasaare Kheyre magacaabay https://www.hadalsame.com/2018/08/05/aqriso-magacyada-wasiirro-cusub-oo-uu-reysal-wasaare-kheyre-magacaabay/ Sun, 05 Aug 2018 09:50:48 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6919 (Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Qoraal ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu magacaabay Wasiirro cusub.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa wareegtada Ra’iisul wasaaraha ka Akhriyay warbaahinta dowladda, waxayna kala yihiin;

Mudane C/laahi Goodax Barre, waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan, wasiirka Owqaafta iyo arimaha diinta.

Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Mudane C/laahi Bidaan Warsame, wasiirka Kalumeysiga iyo Kheyraadka badda.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Bagdaadi, wasiiru dowladaha madaxtooyada.

Mudane Shawaqar Ibraahim Cabdal, wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa faray Wasiirrada cusub in si deg deg ah xilkooda kula wareegaan.

Hadalsame Media 

]]>
6919
Faah faahin: weerar ismiidaamin Ah oo ka dhacay degmada Afgooye https://www.hadalsame.com/2018/08/05/faah-faahin-weerar-ismiidaamin-ah-oo-ka-dhacay-degmada-afgooye/ Sun, 05 Aug 2018 09:49:19 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6916 (Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ah oo maanta duhuradii ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ruux waday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa islamarkaana noociisu yahay Homey ayaa la sheegay in uu isku qarxiyey goob ay deganaayeen ciidamada dowladda islamarkaana canshuurta looga qaado gaadiidka.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku geeriyootey ku dhowaad Shan qof iyadoo Toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa u badan shacab goobta ku sugnaa kuwaasi oo gaadiidkooda meesha lagu canshuurayey.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxan ka dhacay Afgooye.

Ma jirto dhanka dowladda wax hadal ah oo ay kasoo saareen qaraxan, iyadoo xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana xiran waddooyinka ku dhow halka qaraxan uu ka dhacay.

Lasoco wixii kusoo kordha….

Hadalsame Media 

 

]]>
6916
DEG DEG: Rag hubeysan oo watay gaari oo lagu dilay agagaarka Seybiyaano https://www.hadalsame.com/2018/08/05/deg-deg-rag-hubesan-oo-watay-gaari-oo-lagu-dilay-agagaarka-seybiyaano/ Sun, 05 Aug 2018 07:46:20 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6876 (Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ciidamada ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya rasaas ku furay rag hubaysan oo watay gaari nooca raaxada ah.

Gaarigaan oo markii hore ciidanku ay ka shakisnaayeen ayaa la sheegay in laga eryaday agagaarka Isgoyska Banaadir, kadibna ciidamada ay isku rasaaseeyeen nawaaxiga Daarta Saybiyaano.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay ciidamada inay toogteen laba nin oo saarnaa gaariga, halka ciidanka uu soo gaaray dhaawac saddex askari ah, kadib markii ay israsaaseeyeen.

Goobta gaarigaan uu yaalo ayaa la xiray, waxaana jooga ciidamada Nabad Suggida dowladda Federalka Somaliya oo dadka u diidaya inay halkaasi tagaan.

Illaa hadda ma cadda ragga hubaysan ee gaarigaan watay waxa ay yihiin, maadaama wali aysan kala cadeyn Saraakiisha dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa Al Shabaab waxa ay ku dhex wataan gaadiid iyaga oo bartilmaameedsada ciidamada kala duwan iyo shaqsiyaadka dowladda ka tirsan.

Hadalsame Media

 

]]>
6876
DEG DEG: Dibadbax looga soo horjeedo dilalka dhalinyarada oo ka socda Muqdisho + Sawirro https://www.hadalsame.com/2018/08/05/deg-deg-dibadbax-looga-soo-horjeedo-dilalka-dhalinyarada-oo-ka-socda-muqdisho-sawirro/ Sun, 05 Aug 2018 07:33:44 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6872 (Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Waxaa goordhaw muqdisho ka bilaawday dibad bax looga soo horjeedo dilalka dhaliyarada , kaasoo ay kasoo qeyb galeen madax ka socota degmooyinka qaar ee gobolka banaadir, ururada dhalin yarada iyo ardayda jaamacadaha dalka.

Dibad baxayaasha ayaa wata boorar uu ku sawiran yahay Maxamed ,oo ahaa wiil dhalin yaro ooh al abuure ganacsi ahaa kaasoo dhawaan kooxo hubeysan ay ku toogteen muqdisho gaar ahaan isgoyska banaadir.

Dadka isu soo baxay ayaa ku qeylinayey,waxaan u bahanahy in la joojiyo dilalka dhalinyarada, waxaan u bahanahy in lala xisaabtamo dadka dilay maxamed iyo inta kale ee lamidka ah.

Labadii isbuuc ee lasoo dhaafay waxaa caasimadda ka dhacay dhowr dil oo qorsheesan kaasoo uu ugu dambeeyey askari katirsan dowladda oo lagu dilay isagoo kasoo baxay masaajid.

Hadalsame Media

]]>
6872
Hanti dhowrka qaranka oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo musuq lagu tuhunsan yahay ishana lagu hayo https://www.hadalsame.com/2018/08/05/hanti-dhowrka-qaranka-oo-sheegay-inay-jiraan-shaqsiyaad-badan-oo-musuq-lagu-tuhunsan-yahay-ishana-lagu-hayo/ Sun, 05 Aug 2018 07:14:16 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6869 (Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo ah Hanti dhowraha Qaranka ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan u axsaan fali doonin kuwa ku shaqeysta musuqa, islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan iyagoo sharciga la maraya.

Waxa uu Hanti dhowraha sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo isha lagu hayo kuwaa oo hadii ay kusoo cadaato kiisaska baaritaankooda ay muteysan doonaan xarig.

Waxa uu tilmaamay in arrin adag ay tahay in indhaha laga qabsado ficilada kuwa dhaqanka iyo caadada ka dhigtay musuqa Hanti Qaran waxa uuna ku goodiyay in sharciga uu noqon doono mid ku xoogeysta dalka.

Hanti dhowre Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye), ayaa tilmaamay in Qaranimada Somalia ay tahay mid ku jirta in la kala saaro kuwa musuqa caadeystay iyo kuwa wanaagsan, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga hortago cid waliba oo halis ku ah Qaranka.

Dhinaca kale waxa uu sheegay inaan lagu khaldami doonin cid aan waxba galabsan, hase yeeshee qofkii loo xira musuq ay micnuhu tahay inaan loo weyn cadeen.

Hadalsame Media

]]>
6869
Somaliland oo heegan galisay ciidankeeda rabshadihii Jigjiga kadib https://www.hadalsame.com/2018/08/05/somaliland-oo-heegan-galisay-ciidankeeda-rabshadihii-jigjiga-kadib/ Sun, 05 Aug 2018 07:05:34 +0000 http://www.hadalsame.com/?p=6866 (Muqdisho) 05 Luulyo 2018- Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in korantada iyo biyaha ay dib ugu soo laabteen magaaladaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wafdi ka socda Fedaraalka ay tageen magaalada. Wafdiga ayaa sida la sheegay waxa ay la kulmeen madax ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maxamed Muuse Diiriye Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha ee Somaliland ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ee degmooyinka xuduuda ay la leeyihiin Itoobiya ay heegan geliyeen, si loo ilaaliyo nabadgelyada  maadaama qalalaase ka jiraan magaalada jigjiga .

Wuxuu sheegay inay Itoobiya la leeyihiin xiriir iskaashi ee xaga nabadgelyada iyo ganacsiga , sidaa darteedna ay indho dheer ku eegayaan xaaladda ka soo cusboonaatay jigjiga .

Wasiirka waxaa ugu baaqay shacabka somaliland inay ilaaliyaan nabadelyada dadka reer Ethiopia ee la nool.

Hadalsame Media

]]>
6866