”Waxba ma tarin” – Maraykanka & Ukraine oo isla qiray inuusan waxba bedelin hub ay siiyeen Kiev (Ruushka oo sheegay inay bil qura dileen 13,000 oo askari)

0
M1A1 Abrams lagu xiray miino qarxiye

(Kyiv) 21 Nof 2023 – Taangiyada dagaalka ee M1A1 Abrams ee uu Maraykanku siiyey Ukraine ayaan si wayn wax uga bedelin goobta dagaalka, sida uu Madaxwayne Vladimir Zelensky sheegay mar uu la hadlayey saxafiyiin ka kala socday dalal badan oo Afrikaan ah oo uu xafiiskiisu daabacay Arbacadii.

Zelensky wuxuu sharraxay in 31 taangi oo noocan ah oo loo keenay bartamihii Oktoobar, ay aad u yar yihiin tiro. Isagoo ammaanay tayada hubkan Maraykanku sameeyey, wuxuuna yiri, “Ilaa hadda, ma dhihi karo waxay door muhim ah ka ciyaareen goobta dagaalka. Waayo aad bay u yar yihiin.”

“Wanaag ama xumaan, waxaan haysannaa noocyo badan oo taangiyo ah oo kala duwan,” ayuu yiri Madaxwaynaha Ukraine, isaga oo sifeeyey in hubka Maraykanku uu bixiyey ay qayb uun ka yihiin hubka ay adeegsadaan ciidankoodu.

Hadalkan ayaa waafaqaya mid uu Col. Martin O’Donnell, oo ah Afhayeenka Taliska Maraykanka ee Yurub iyo Afrika, uu ugu sheegay warbaahinta in Washington ay tawaangidan siisay Kiev.

Waxa uu yiri, “Taangiyada Abrams waa baabuur gaashaaman oo aan caadi ahayn, laakiin ma aha xabbad qalin ah.” Oo uu ula jeedo inaysan kaligood xal u noqon karin dagaalka haysta Ukraine.

Bishii Janaayo, Mareykanku wuxuu ogolaaday inuu Ukraine siiyo taangi Abrams oo ku filan si ay u hubeeyaan hal guuto taasoo qayb ka ah kaalmada militari ee ka dhanka ah Ruushka.

Dhanka kale, Ruushka oo ka faa’iidaysanaya dareenka Galbeedka oo kasii yara jeestey una muuqda inuu kasii xiise dhacayo Kiev, ayaa sheegay inay bishan oo qura Ukraine ka dileen 13,700 oo askari iyo qiyaastii 1,800 oo taangi oo ay burburiyeen, sida uu ku faanay Wasiir Difaaca Moscow, Sergey Shoigu.

M1A1 Abrams lagu xiray miino qarxiye

Hadalsame Media