WEJI GABAX: Dalal ay Somalia ku jirto oo QM cashar ugu dhigay Maraykanka & Israel

0

(New York) 11 Nof 2023 – Israel iyo Maraykanka ayaa weji gabax kala kulmay Golaha Guud ee QM kaddib markii rikoodh loo dhigay mar loo codeeyey mamnuucidda dadka sharci darrada u degaamaysta dhulka Falastiin iyo buuraha Golan Heights ee laga haysto Suuriya.

Waxaa qaraarkan u codeeyey 145 dal, halka ay ka codeeyeen dalal aad u kooban oo tiro ahaan aan ka badnayn 7 dal oo jasiirado ku jiraan marka laga reebo Maraykanka, Israel, Canada iyo Hungry.

Dalalka Israel ka codeeyey waxaa ka mid ah dalkeenna Somalia, halka dalalka ka aamusay oo gaaraya 18 dal ay ku jiraan dalal Afrikaan ah sida Cameroon, Ivory Coast iyo South Sudan.

Qaraarkan ayaa caadiyan la kulmaya Diidmada Qayaxan ee Maraykanka, balse waxaa xusid mudan inay dhamaantood ka wada codeeyeen dalalka leh diidmada qayaxan oo ay xitaa ku jiraan ologga Maraykanka sida UK iyo France.

Hadalsame Media