”Joojiya carruurta aad laynaysaan!” – MW Faransiiska oo aad u dhaliilay qaabka ay ku socdaan duqaymaha Qasa

0

(Paris) 11 Nof 2023 – Duqaynta lagu hayo dadka rayidka ah ee Gaza waxay u baahan tahay in la joojiyo, sida uu soo jeediyey Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron oo BBC waraysi siiyey Jimcihii.

Waxa uu hadlayey maalin uun kaddib markii Paris ay martigelisay ee Paris Peace Forum oo ahaa shir gargaar bini’aadminnimo loogu yaboohayey degaanka Falastiin.

Faransiisku “si cad ayuu u cambaaraynayaa” weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, ayuu Macron yiri, isagoo tixraacaya duullaankii Qasa ee lagu dilay 1,400 oo Israa’iiliyiin ah. “Waxaan la wadaagnaa xanuunka [Israel]. Waxaana la wadaagnaa rabitaankooda ah in laga takhaluso argagixisada. Faransiis ahaan, waan ognahay waxa ay argagixisadu ka dhigan tahay”.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu intaa ku daray, in aysan jirin “wax loo sababayn karo” duqaynta joogtada ah ee dadka rayidka ah ee Gaza.

”Maanta, dad rayid ah ayaa la duqeeyey. Ilmahaa, dumarkaa, dadka waayeelka ah ee la duqaynayo lana laayey. Markaa ma jirto sabab taasi ku timid iyo sharciyad leh. Haddaba, waxaanu ku boorrinaynaa Israa’iil inay joojiso.” ayuu yiri Macron oo horay u booqday Israel oo uu u ballanqaaday taageero indho la’aan ah.

Yeelkeede, qaabka waallida ah ee ay Israel u duqaynayso Qasa ayaa soo jiidanaysa mucaaradad gobol iyo mid caalami ah. Wuxuu xitaa soo jeediyey in reer Galbeedku ay dagaalka ka qaybqaataan waxaase diiddey Israel lafteeda.

Hadalsame Media