”Ha isku dayina inaad danihiinna nagu hagtaan!” – Brazil oo diiddey sheegashada Israel ee inay fashiliyeen weerar ay Xisbullaah….

0

(Brasilia) 11 Nof 2023 – Maamulka Brazil ayaa u digay Israa’iil oo sheegtay inay fashilisay weerar argagixiso oo kooxda Xisbullaah ee ay Iran maalgeliso ay ka gaysan lahaayeen dalkan Koonfurta Ameerika.

”Kiisku wuu furan yahay, waana in aanay u isticmaalin dawlado shisheeye si ay u horumariyaan danahooda gaarka ah,” ayuu ku qayliyey Wasiirka Caddaaladda Brazil ee Flavio Dino oo dhaliilay go’aanka Israel ay kaligeed ku gaartey sheegitaanka waxa dhacay baaristii oo socota.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, Dino ayaa “malo-awaal” ku tilmaamay sheegashada ah in unug xiriir la leh ururka Xisbullaah ee fadhigiisu yahay Lubnaan ay qorsheeyeen inay Yuhuuda ku dilaan Brazil, isagoo ku nuux-nuuxsaday in aysan jirin hay’ad ajnabi ah oo sii qiyaasi karta natiijada baaritaanka socda.

“Waan ka mahadcelineynaa iskaashi caalami, laakiin waxaan diidnay hay’ad kasta oo ajnabi ah oo isku dayda inay hagto hay’adaha booliiska Brazil, ama u adeegsato baaritaannada soconaya ujeeddooyin la xiriira horumarinta danahooda siyaasadeed,” ayuu yiri wasiirku, isagoo aan si toos ah u sheegin Israa’iil.

Hadalkan ayaa u muuqda fal-celin ku aaddan sheegashadii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu, kaasoo sheegay in sirdoonka dalkiisa ee dibedda ku qaybsan ee Mossad ay Brazil ka caawiyeen kahortagga “Weerarka Argagixiso oo ay qorsheeysay Xisbullaah, balse ay maalgelisey Iran.”

Hadalsame Media