Israel oo gacanteeda ku ”dishey” qaar ka mid ah maxaabiistii laga qabsaday & Xamaas oo sii daysey qaar Maraykan ah

0

(Gaza) 22 Okt 2023 – Ururka Xamaas ayaa sii daayey laba qof oo Maraykan ah oo maxaabiis ahaan loo haystey, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxda Falastiiniyiinta. Kooxda ayaa sheegtay inay sii daayeen la haystayaashan si ay u caddeeyaan in sheegashada maamulka “Fashiistaha” ee Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden uu khaldan yahay, sida ay yiraahdeen.

“Iyadoo laga jawaabayo dadaallada Qadar, guutada Al-Qassam waxay sii daayeen laba muwaadin oo Maraykan ah sababo bini’aadminnimo,” ayuu yiri Abu Obaida oo u hadlay garabka millateri ee Xamaas.

Ma cadda sheegashada Biden ee uu Obaida tixraacayo, in kasta oo afhayeenka Xamaas laga yaabo inuu u jeedey ku dhawaaqistii hoggaamiyaha Maraykanka Arbacadii ee ahaa in dagaalyahannada kooxdu “ay gaysteen xad-gudubyo ka dhigaya kooxda ISIS mid iyaga ka macquulsan.”

Obaida ayaa sheegay in labada qof ee Maraykanka ah ee la sii daayey ay kala ahaayeen hooyo iyo gabadheeda.

Haweenkan ayaa ay warbaahinta Israa’iil magacyadooda ku kala sheegeen Judith iyo Natalie Raanan.

Xamaas ayaa sheegtay in ay hadda hayso ku dhowaad 200 oo maxaabiis ah oo ku sugan Gaza, halka 50 kalena ay gacanta ku hayaan kooxaha kale sida Islamic Jihad ee jooga dhulkaas, 20 kalena lagu dilay duqaymaha Israa’iil.

Hadalsame Media