(Hadalsame) 10 Okt 2023 – XULKA QARANKA & KULAMO SAAXIIBTINNIMO.
Xulka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ciyaari doona kulamo saaxiibtinimo kana soo muuqan doona (FIFA Window October), waxaana jiri doona laba kulan oo xulka ciyaari doono ka hor kulamada Algeria & Uganda, sida uu sheegay Xiriirka SFA.
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa qaaday tallaabo aad u wanaagsan kadib markii ay agaasimeen laba kulan oo muhiim u ah diyaargarowga ciyaaraha isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 ee dalalka Afrika.
Xulka Soomaaliya waxey 14-ka Oktoobar la ciyaari doonaan dalka Niger ee dhaca galbeedka Afrika, halka kulanka labaad ay 17-ka Oktooba la ciyaari doonaan xulka Sierra Leone.
Labada kulan waxey ka qabsoomi doonaan garoonka Berrechid Municipal Stadium ee ku yaalla dalka Morocco.
Hadalsame Media