Ruushka oo si cad u sheegay in Xamaas ay wateen hub uu Maraykanku siiyey Ukraine

0

(Moscow) 10 Okt 2023 – Hubka ay reer Galbeedku Kiev ku taageereen ayaa u gacan galay kooxda Xamaas kaasoo hadda “si firfircoon loogu isticmaalayo Israa’iil,” sida uu Madaxwaynihii hore ee Ruushka ee Dmitry Medvedev ku sheegay Telegram-ka Isniintii, isagoo intaa ku daray in qalab kasta oo millateri oo mustaqbalka la siiyo Ukraine uu sidoo kale ku dambayn karo suuqa madow.

“Waxay kasii dari doontaa uun,” ayuu Medvedev ka digey, isagoo saadaaliyey in dunidu ay tahay “inay filayso in gantaalo, taangiyo, iyo xitaa diyaaradaha dagaalka Kiev lagu arko suuqa madow dhowaan.”

Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay jiraan warar xan ah oo sheegaya in dagaalyahannada Xamaas ee maamula ,arinka Gaza ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah hubka uu Maraykanku sameeyey kahor inta aysan weerarin Israa’iil dhamaadki todobaadka.

Yeelkeede, ma jiro cadaymo sugan oo xaqiijinaya sheegashooyinkan oo soo baxay ilaa hadda.

Si kastaba ha ahaatee, muuqaal aan la xaqiijin oo dhex wareegaya khadka internet-ka ayaa muujiyey dagaalyahan Falastiini ah oo soo bandhigay qaybo kala duwan oo ah hub uu Maraykanku sameeyey, oo uu ku jiro nooca qoriga garabka la gano ee M136 ee lidka taangiyada, isagoo helistiisa uga mahadcelinaya dadka reer Ukraine.

Hadalsame Media

Facebook Comments