NATO oo cabsi ka qabta cillad u diidi karta inay sii caawiyaan Ukraine (Maxay tahay?)

0

(Hadalsame) 10 Okt 2023 – Ra’iisul Wasaaraha Denmark ee Mette Frederiksen ayaa ugu baaqday xubnaha ururka NATO inay “ballaariyaan oo ay qoto dheereeyaan” go’aankooda Ukraine ee dagaalka socda ee ay kula jiraan Moscow, waxayna ka digtey in reer Galbeedku ay ku khasban yihiin inay diidaan wax kasta oo muujinaya inay “ku daalaan dagaalka” inta uu socdo.

“Waa inaan la jirnaa Ukraine ilaa dhamaadka qaraar. Ilaa iyo inta reer Ukraine ay diyaar u yihiin inay dagaalkan u wadaan xoriyadeenna darteed, aynu go’aansanno in daal dhanka dagaalka ihi aanu ka dhici doonin dhanka NATO,” ayay Frederiksen ka sheegtay shir sannadeedka Golaha Baarlamanka NATO ee Copenhagen Isniintii shalay.

Frederiksen, oo ah hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Socialdemokraterna ee Denmark, ayaa intaa ku dartay in dowladeedu ay ka shaqaynayso “balaarinta iyo qoto dheeraynta” isbahaysiga wadamada ay ka go’an tahay inay Kiev siiyaan diyaaradaha F-16 si ay uga hortagaan ku gacan sarraynta hawada ee Ruushka.

Danmark, oo ay wehliso Nederlaan, waxay horseed ka yihiin olole lagu caawinayo tababarka duuliyayaasha Ukraine si ay u duuliyaan diyaaradaha F-16, iyo sidoo kale ballanqaadka in ay diyaaradahan dagaal siiyaan Ukraine.

Bishii Agoosto, Norway waxay sidoo kale ballanqaaday inay dhowr F-16 siinayso Ukraine. Kow iyo toban dal oo kale oo uu ku jiro Maraykanka oo NATO ah ayaa iyana sheegay inay gacan ka gaysan doonaan sidii tababar loo siin lahaa duuliyayaasha Ukraine.

Faallada Frederiksen ayaa imanaysa iyadoo ay jiraan soo jeedinno, gaar ahaan qaybo ka mid ah sharci-dejiyayaasha Jamhuuriga ee Maraykanka, oo ah in xamaasaddii balaayiinta gargaarka millateri lagu siinayey Ukraine uu sii yaraanayso.

EU state's PM warns against Western ‘war fatigue’

Hadalsame Media