Diyaaradihii caalamiga ahaa oo wada diidey inay tagaan Israel (Imisa ayaa ilaa haatan duullimaadyadii kansalay?)

0

(Hadalsame) 10 Okt 2023 – Dhowr shirkadood oo diyaaradeed ayaa hakiyey ama baajiyey duullimaadyadii ay ku tegi jireen Israa’iil kaddib weerarkii lama filaanka ahaa ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ku qaadeen Sabtigii.

Israa’iil ayaa iyana weerar millateri oo rogaal-celis ah ku qaadday Marinka Gaza, taasoo jawaab u ah weerarka Xamaas iyadoo in ka badan 1,600 oo qofi ay durba ka dhinteen labada dhinac.

Halkan ka dheeho magacyada shirkadaha duullimaadyada caalamiga ah ee hakiyey safarradii ay ku tegi lahaayeen Israel iyo halka ay mid kastaa tegi lahayd:

  • American Airlines waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii tooska ahaa.
  • Aegean Airlines waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii u socdey ama ka iman lahaa Tel Aviv ilaa Khamiista.
  • Air Canada waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii u socdey ama ka iman lahaa Tel Aviv ilaa amar dambe.
  • Air India waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii u socdey ama ka iman lahaa Tel Aviv ilaa Ockoobar 14.
  • Air France waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii u socdey ama ka iman lahaa Israel iyadoon waqti cayiman sheegin.
  • Air Malta waxay hakisay 2 duullimaad oo Isniintii iyo Arbacada kasoo noqon lahaa Israel.
  • Cathay Pacific waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii isku xiri lahaa Hong Kong iyo Tel Aviv Talaadada iyo Khamiista.
  • Delta Air Lines waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii u socdey ama ka iman lahaa Tel Aviv inta ka hartay Oktoobar, waloow ay isku dayayso iyo DF kala shaqayso soo celinta Maraykanka ku go’doomay halkaasi. Delta waxay Israel ku xirtaa Atlanta, Boston iyo New York.
  • Easy Jet waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii u socdey ama ka iman lahaa Tel Aviv ilaa Jimcaha.
  • Finnair waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii u socdey ama ka iman lahaa Tel Aviv ilaa dhammaadka Jiilaalka Nordic-ga oo ah Maarso 30, 2024.
  • LufthansaAustrian Airlines, Swiss International Airlines and Brussels Airlines waxay hakiyeen dhammaanba duullimaadyadoodii u socdey ama ka iman lahaa Tel Aviv ilaa Sabtiga.
  • Hainan Airlines oo ah tan qura ee Shiinays ah ee halkaa tagta, waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii u socdey ama ka iman lahaa ee Beijing iyo Shanghai ku xirayey Tel Aviv ilaa Oktoobar 12 ilaa 31. Kuwa Shenzhen iyo Tel Aviv weli waa sidoodii.
  • ITA oo Italy ah ayaan tegi doonin kana iman doonin Tel Aviv.
  • Norwegian Air waxay hakisay dhammaanba duullimaadyadii u socdey ama ka iman lahaa Copenhagen iyo Stockholm ee tegi lahaa Tel Aviv todobaadkan ilaa Axadda 15-ka Oktoobar.
  • Korean Air, oo ah tan qura ee South Korean ah ee Incheon ku xirta Tel Aviv, ayaa hakisay duullimaadyadeedii, waloow ay soo celinayso dadkii ay halkaa horay u gaysey ama jooga.

American Airlines plane

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media