(Muqdisho) 02 Okt 2023 – Bahda ciyaaraha ayaa is waydiinaysa xulka qaranka Somalia macalinka aqoon badan uma lahan xiddigahan balse waa loo dhiibay liiska waase ayaan darro wayn in ragii guusha laga filaayay talent ahaana aad u wanaagsanaa laga soo tagay sabab la,aan.
Xulka miyaysan xaq u lahayn,maxaa loo sababeeyay katagi taankooda waa xiddigo horumar gaaray oo dibadda ka dheela oo loo baahnaa in khibradooda laga korarsado.
Ibrahim Ilyas waa xiddiga Somalia kulamadii dambe goolasha dhalinayay su,aal kama taagna maxaa loo soo wadi waayay qubaaye oo ay isku koox yihiin si lamid.
Kabtan cabdisamed waa ninka ugu khibrada badan sanadkana goolal badan ayuu u dhaliyay kooxdiisa FK Mladost Lučani ee wadanka Serbia sabab la,aan in uu xoogaa dhaleeceeyay xiriirkii xilligaasi jiray uu runta sheegay ayaa looga tagay waxay ahayd waji gabax kale.
Anwar Shakunda waxaa igu maqaala ah in uusan qaranka kaalintiisa ku qanacaneen oo uu dalka Turkiga arrino qoys u aaday waana lagu dari karay gadaal hakaga soo biiro xitaa balse taasi ma dhicin.
Casaanyo waaba ninka kaliya ee cayaaryahanada caalamka muuqaal ahaan farsamo ahaan aan heesano isna lama wicin aan aragno natiijada markaasi ayaa qaladaadka soo bixi doonaan.
Waxyaabaha layaabka leh waxaa kamid ah in xiddigo badan oo da,yar oo kooxo yurub u dheela la wacay lkn shuruudda lagu xiraayo bixitaankooda kama
Bixi karaan xiriirkeena dhaqaale ahaan waayo haduu xiddigaasi dhaawac soo gaaro lacagta caafimaadkiisa iyo magdhaw ayaa lagaa doonayaa waa in aad waraaqo badan saxiix ah lees dhaafaadaa marka umaleemaayo in da,yartan siiba Abdi sharif imaan doono.
Waxaa muuqata in macalinka uusan xulasho sameen uu aqriyay kaliya warqadii loo soo dhiibay.
W; Q: Cabdullaahi Baliil
Hadalsame Media