”Taas ma aqbalayno!” – Liverpool oo jawaab kulul oo naadir ah ka bixisay goolkii laga inkiray & Arrin weli laga cabsanayo

0

(Liverpool) 01 Okt 2023 – Kooxda Liverpool ayaa qaaday tallaabo aan horay loo arag oo ah inay soo saarto bayaan ku saabsan go’aan ciyaareed waxayna ku eedaysay Jamciyadda Garsoorka PGMOL oo ay sheegtay inay wiiqayso sharafta ciyaaraha.

Kooxda Anfield ayaa weli ka caraysan goolkii Luis Diaz ee la kansalay qaybtii hore ee guuldarradii 2-1 ay dirtay Tottenham. Waase deg deg in la sheego in Reds ay tillaabo sharci ah qaadayso iyo in kale.

Waxa kale oo jira dareen caro ah oo ay qabto Liverpool kaasoo ah ninkii VAR fadhiyey ee Darren England doorkii uu ku lahaa geedi socodka keenay in la diido goolkii Diaz oo loo arkay mid hobseed ah weliba si deg deg ah waxayna ku tilmaameen mid ‘aan la aqbali karin’.

“Waa ognahay inay garsoorayaashu cadaadis badan ku shaqeeyaan, balse in khaladkan oo kale lagu sheego ‘mid bini’aadmi’ waa wax aan la aqbali karin. Wax kasta waa in lagu go’aamiyaa oo kaliya dib u eegis iyo hufnaan daah-furan oo buuxda.’ ayay tiri Liverpool.

beIN Sports drew their own lines on their broadcast to show how the goal should have stood

Hadalsame Media