KASHIFAAD: Garsoorayaashii goolka ka diidey Liverpool halkee Khamiistii joogeen (Dood cusub & Ganaax la saaray)

0

(London) 01 Okt 2023 – Jamciyadda Garsoorayaasha PGMOL ayaa lagu haystaa inay u diraan garsoorayaasha ciyaaro ka baxsan Ingiriiska oo ka dhacaya Bariga Dhexe – kaddib markii garsoorayaashii dhaca u gaystey Liverpool kaddib diidmadii goolkii Luis Diaz la sheegay inay ku sugnaayeen Imaaraadka Carabta laba maalmood kulankan kahor.

Darren England iyo Dan Cook ayaa dhexdhexaadinayey ciyaar ka tirsanayd horyaalka Imaaraatka Carabta oo dhexmartey Shaariqah iyo Al Cayn maalintii Khamiistii, taasoo bilaabantay 8pm xiliga Bariga Dhexe.

Waxayna deeto soo qaateen safar qaatay 16-saacadood iyagoo dib ugu soo duulay London Jimcihii kahor kulankii Tottenham ay la ciyaaraysey Liverpool Sabtidii.

Taasi waxay shaki ka dhex abuurtay gudaha Premier League kuwaas oo dareemaya in aanay ahayn diyaargarowgii ugu wacnaa kahor kulanka ugu wayn usbuuca horyaalka EPL, iyaga oo tixraacaya welwel la xiriira culays shaqo iyo mid daal.

Ilo dhanka garsoorayaasha ah ayaa sheegaya inay caadiyan heli karaan $3,000 oo Euro (£2,500) ciyaar kasta oo ay ka qabtaan Sucuudiga ama Imaaraadka Carabta.

Jamciyadda PGMOL ayaa hore u difaacay saraakiishooda diyaarad raaca miiran ah, iyaga oo ku adkaystay inay caawinayso sumcadda wanaagsan ee garsoorayaasha Ingiriiska ee adduunka oo dhan, sida ay ku doodeen.

PGMOL ayaa xaqiijisay in garsoorihii VAR ee Darren England (sawirka) iyo caawiyaha VAR Dan Cook (aan sawirnayn) aysan qaban doonin wax kulamo ah ciyaaraha soo socda.

PGMOL have confirmed that VAR official Darren England (pictured) and VAR assistant Dan Cook (not pictured) will step down from their roles for upcoming fixtures

ENGLAND & COOK HOWLIHII UGU DAMBEEYEY

KHAMIIS – Sharjah 2-3 Al Ain in Sharjah, United Arab Emirates

Referee: Michael Oliver

Assistants: Stuart Burt, Dan Cook

Fourth official: Amer Aldhubiea

VAR: Darren England

Assistant VAR: Nawwaf Alzeyoudi

SABTI – Tottenham 2-1 Liverpool in London, England

Referee: Simon Hooper

Assistants: Adrian Holmes, Simon Long

Fourth official: Michael Oliver

VAR: Darren England

Assistant VAR: Dan Cook

Hadalsame Media