(Milano) 20 Sebt 2023 – Zlatan Ibrahimovic ayaa Isniintii booqday xerada tababarka Milanello kahor kulankii furitaanka heerka guruubyada ee Champions League ee ay 0-0 la galeen Newcastle United oo uu San Siro xalaytoole ku daawanayey.
Kulanka dhexmaray jookarka Sweden iyo kooxda Rossoneri ayaa la sheegay inuu ahaa mid la filayey oo horay loosii qorsheeyey si uu ciyaartooyda u dhiirrigeliyo, waloow ay saxaafadda kedo ku noqotay waxaana horay loogu ballansanaa inuu soo salaamo dhammaan kooxda oo uu ka fariistay.
MAAMULKA MIYUU KU BIIRAYAA? Weeraryahankii hore ee Sweden ayaa la hadalqaaday inuu ku biiro kooxda sida inuu noqdo Agaasimaha Kooxda. Laakin arrintaa bilowgii si cad loogama hadlin oo dad uu ka mid ahaa kabtankii hore ee Franco Baresi ayaa ku gaabsaday ”inay isaga uun ku xiran tahay.”
MONCADA KU SOCOTA TAAGEERAYAASHA: Miyaa lasoo celinayaa Ibra? IBRA? Haa, Had iyo Jeer,” ayuu ku jawaabey Maareeyaha Isboortiga ee Geoffrey Moncada oo ka jawaabayey su’aalo ay taageerayaasha Rossoneri ka waydiiyeen joogitaanka Ibra, isagoo caddeeyey in weeraryahankii hore ee Sweden uu door ku yeelan doono kooxda.
Hadalsame Media